Tuesday, September 23, 2014

Suldaanka Guud ee Warsangeli oo hoggaaminaya Madax-dhaqameed & Kooxda Shirkii Xiin-galool oo Puntland isku shubay iyo Gaas oo fadhiga uga kacay, Somaliland-se Maxay ka tidhi?

“Aad iyo aad baan uga mahad-naqayaa Suldaanka hawsha muhiimka ah ee uu hayo oo ah nabadaynta, midnimada iyo wada-jirka Puntland ka shaqayntiisa.” Cabdiwali Gaas.

“Sidaa Madaxweynuhu u sheegay gobolku waa gobolkaygii...Wixii kale ee Barnaamij ah ee hawl ah, waxaannu u nimi Casuumadda Madaxweynuhu na casuumay..” Sudlaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

“Ragga dawladda Somaliland ku jira ee difaacayey ee lahaa Shirka Xiin-galool waa shir Somaliland Raggii waday maantaba Garoowe tegee haka jawaabaan, malaha waxay odhan Somaliland bay u socdeene waddadaa ka khaldantaye!.” Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland.

Garoowe/Hargeysa, 23 Sept, 2014 (Himilo)- Wefti Madax-dhaqameed ah oo ka socda Beelaha Bariga Sanaag ee Somaliland oo uu hoggaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud, ayaa shalay gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas, Ku-xigeenkiisa, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin Maamul-goboleedkaas ka tirsan.

Suldaanka (1)Suldaan Siciid iyo Weftigiisa, ayaa halkaas ku tegay Casuumad gaar ah oo ay ka heleen Madaxweynaha Maamulka Garoowe Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxaanu ku marti-qaaday inay Garoowe ku kulmaan oo ay halkaas tagaan, isla markaana ay shirar iyo wadahadallo yeeshaan, isaguna uu ballaadhin doono Maamulkiisa saamiga Kuraasta ay Beelaha Warsangeli ku leeyihiin, iyagana looga baahan yahay inay Maamulkiisa taageeraan oo ay Somaliland ka horjeestaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Garoowe Cabdixakiin Xaaji Camay, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin Maamulkaas ka tirsan, ayaa duleedka magaalada Garoowe kaga horyimi Suldaan Siciid iyo Madax-dhaqameedka uu horkacayey, kuwaasoo gelbiyey illaa gudaha Madaxtooyada Garoowe oo uu ku qaabbilay Madaxweyne Gaas oo diyaar u sii ahaa qaabbilaaddooda.

“In Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan uu na soo booqdo, Xafiiska iigu yimaaddo isaga iyo Wefiga ballaadhan ee uu hoggaaminayo aad iyo baan u soo dhawaynaynaa Suldaanka, maannaan kala maqnayn ee waan wada joognay, qalbiyadayadu waa wada joogtay, niyaddayadu waa wada joogtay, waanan is-maqlaynay, aad iyo aad baan uga mahad-naqayaa Suldaanka hawsha muhiimka ah ee uu hayo oo ah nabadaynta, midnimada iyo wada-jirka Puntland ka shaqayntiisa.” Sidaa waxa yidhi Cabdiwali Gaas oo Warbaahinta kula hadlay Madaxtooyadiisa markii Suldaan Siciid iyo Weftigiisu gaadheen halkaas.

Waxaanu Gaas oo hadalkiisa sii wataa intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Aad baan ugu mahad-naqayaa hawshaa fiican ee uu hayey, haddana uu wado, waan ku bogaadinayaa runtii sida wanaagsan ee doorkaas ee Suldaanninimada leh ee hoggaamiyenimo leh uu uga qayb-qaatay. Fadhi muggii ayaannu isku waraysan doonnaa, wadahadal iyo is-arag dambe oo muhiim ah ayaan yeelan doonnaa, waxaan leeyahay Suldaan soo dhawoow Garoowe Gurigaagii weeye.”

Suldaanka (2)Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud, ayaa isaguna halkaas Warbaahinta kala hadlay, isla markaana sheegay inuu ku faraxsan yahay sida isaga iyo Weftiga Madaxda Dhaqanka Beelaha Bariga Sanaag ka socda ee uu hoggaaminayo ay u soo dhaweeyeen Masuuliyiinta kala duwan ee Maamulka Garoowe, waxaanu yidhi; “Aad baan uga mahad-naqayaa soo dhawaynta Sharafta leh ee ay noo sameeyeen Madaxweynaha iyo Madaaweyne Ku-xigeenka, Golaha Wasiirrada, Xildhibaannada iyo guud ahaan Masuuliyiinta na soo dhawaysay-ba waan u mahad-naqaynaa, Shacabkana waan salaamayaa.”

“Sidaa Madaxweynuhu sheegay gobolku waa gobolkaygii, dadku waa dadkaygii, niman cusub iyo dad maanta yimi ma nihin...Wixii kale ee Barnaamij ah ee hawl ah, waxaannu u nimi Casuumadda Madaxweynuhu na casuumay, aad baannu uga mahad-naqaynaa Casuumadda uu na casuumay Madaxweynuhu waana ahayd, waana ku mahadsan yahay waanan soo dhawaynaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland, ayaa iyaduna ka hadashay Xubnaha halkaas tegay ee uu Suldaan Siciid hoggaaminayo, isla markaana waxay ku tilmaantay inay yihiin koox Weji-ku-macaash ah oo aan cidna metelin, wax saamayn taban ahna ku lahayn midnimada, wada-jirka iyo nabadgelyada dawladda Somaliland iyo dadkeeda dega Bariga gobolka Sanaag.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo Shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, isla markaana ka jawaabayey eedaymo Xildhibaan Cali-Barre oo Golaha Wakiillada ka tirsan, isku deegaanna ka soo jeedaan ugu jeediyey dhalliisha Shirkii Xiin-galool oo uu Wasiirku sheegay in go’aanka Madax-dhaqameedka Garoowe tegay ka soo baxay Shirkii Xiin-galool oo uu hormuud u yahay Suldaan Siciid oo Raggii shirkaa waday ka mid ahaa, ayaa sheegay in Kooxdaasi aanay saamayn ku lahayn Somaliland ee horeba loo ogaa inay yihiin Weji-ku-macaash.

“Haddaad leedahay magaalada Xiin-galool baan ku dhashay, Adeer Xiin-galool waan ku wada dhalannay, ninna kama xigtid, annagana naguma eedayn kartid waxaan jirin, Somaliland-na haku gefin, Annagaa Somaliland iyo Siyaasaddeeda metelna, annagaana soo sheegnay sida shirku yahay, taayadaana sax ah, waxa laga yaabaa in xalay (habeen-hore) markaad warka qoraysay annagu saddex illaa shan bilood ka hor baannu warka haynay oo u soo sheegnay, ee waxaad xalay (habeen-hore) qortay waxay ku tusaysaa sida aanad beeshaada uga war-haynin ee aanad ugu xidhnayn.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo ka jawaabayey Hadalka Xildhibaan Cali-Barre iyo Masuuliyiinta ay isku deegaanka ka soo jeedaan ee dawladda Somaliland xilalka ka haya ee Kooxdaas iyo Shirka Khaatumo taageersanaa.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cali-Buureed, waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Xildhibaanku wuxu igu eedeynayay Shirka Xiin-galool oo uu lahaa dawladdaa hoggaaminaysay, shirkaasi Somaliland buu ahaa, Wasiirku war kama hayo siyaasadda Somaliland, waxaan leeyahay waxa innoo kala markhaati-furaya Saxaafadda oo waa la wada og-yahay in Raggii Shirka Xiin-galool waday ay Saaka (shalay) Subax Garoowe joogaan.”

“Dadka Garoowe isku shubay dad Warsangeli oo dhan metela maaha, dadkina ma wada tegin ee in yar oo awalba aannu ogeyn oo intaas uun meesha u joogay weeye inta tegtay, Beeshu Madax-dhaqmeed badan bay leedahay oo joogta, Salaaddiin badan baa joogta, Cuqaal iyo Wax-garadba waa joogaa, Raggaa meesha tegayna waa Raggii waday Shirkii Xiin-galool, ee Ragga dawladda Somaliland ku jira ee halkan jooga ee difaacayey ee lahaa shirkaasi waa shir Somaliland ee wax kale maaha waa kuwaa Raggii shirkaas waday maantaba (shalay) Garoowe tegaye dee haka jawaabaan, malaha waxay odhan Somaliland bay u socdeene waddadaa ka khaldantaye.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland.

wasiir buureedWasiirka Kalluumaysiga, ayaa Arbacadii toddobaadkii hore mar uu Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey Madaxda Dhaqanka ee shalay Garoowe lagu soo dhaweeyey ee Bariga Sanaag oo warkooda Himilo helay waxa uu ka ogyahay, isagoo ka jawaabaya waxa uu sheegay in Kooxdaas Xiin-galool ee Suldaan Siciid hoggaaminayaa tegayaan sida uu warka ku hayo, waxaanu xusay in Kooxda Xiin-galool ee Suldaankooda guud hor-socdaa yihiin dad laga filan karo inay Puntland tagaan iyo inay meelo ka fog tagaanba, go’aanka ay Puntland ku tegayaanna ka mid yahay go’aannadii sida dadban uga soo baxay Shirka Xiin-galool oo ajandihiisu lid ku ahaa Somaliland, isla markaana aan mar keliya lagu soo qaadin magaca Jamhuuriyadda ee Somaliland, laguna taageeray 18-kii gobol ee uu ka koobnaa dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya 1991-kii ka hor.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, Xildhibaan Cali-Barre oo Golaha Wakiillada ka tirsan iyo Masuuliyiin kale oo dawladda Somaliland kaga jira Deegaannada Bariga Sanaag, ayaa taageeray shirka Xiin-galool oo ay sheegeen inuu yahay mid dhaqan oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, balse waxa caddaatay inaanu haba-yaraatee ahayn shirkaasi mid wax dan ahiba ugu jirto Somaliland, balse lagu dejinayey qorshayaal kale oo lid ku ah Somaliland, kuwaasoo caddayntooda kaaga filan tahay in Kooxdii Xiin-galool iyo Xubno ka tirsan Madaxda Dhaqanka deegaannada Bariga Sanaag oo iyagu ku qancay ajandohooda oo ay ku sii faro-laabeen Suldaan Siciid u hoggaamiyey shalay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaasoo illaa maalintii shirkaasi xidhmay sidii ay magaalada Badhan u tageen halkaas joogay illaa ay shalay ka kalleheen illaa Garoowe markii ay dhammaysteen Abaabulka Puntland-naysan ee ay halkaas u joogeen dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey.

Himilomedia.com

Hargeysa/Somaliland

No comments:

Post a Comment