Tuesday, September 23, 2014

Milicsiga Dagaalkii Soomaaliya Iyo Itoobiya 1977-kii. Q...3aad. -W/Q: Cali Cabdi Coomay

Guutooyinkii dagaalka galay : Ciidankii Xooga dalka wuxuu ahaa 35,000.
23 guuto oo efentari tiknikadiisii wata ah.
9 guuto oo Taangiyo ah.
9 guuto oo Madaafiic ah
4 guuto oo ciidamada cirka ah.
Ciidamadii cirka Soomaaliya: Guud ahaan diyaaradaha Soomaaliya waxay ahaayeen 52 Diyaaradood, 24 ka mid ahina ay ahaayeen Miig21. waxyaabaha saacidayay Soomaaliya. Ciidamadu aad ayay akhlaaqdooda iyo tababarkoodu u sarreeyey, sidoo kale mooraalkooda aad u sarreeyey. Qalab ku filan ayay haysteen.
Ciidankii xooga dalku wuxuu aad uga dhisnaa dhinaca guutooyinka Madaafiicda, madaafiicduna waxay ahayd hubka ugu muhiimsan ee ay wax ku weerarayeen. Quwadaha kale ee Soomaaliya waxa ka mid ahaa ciidamadii kumaandooska ahaa ee birgaydhka, kuwaasoo loo tabo baray qaab aan cidina hor istaagi karin.
Meelaha ay daciifka ka ahayd Soomaaliya.
Ciidamda soomaalidu aad ayay uga yaraayeen ciidamada is bahaysigii kasoo horjeeday. halka askari ee soomaaliga ah waxa kusoo beegmayay 12.5 askari oo Itoobiya ah. Midowgii soviet-ka oo muddo dheer xulufo la ahaa Soomaaliya, soona tababaray ciidamada xooga dalka iyo saraakiisheenaba, markan wuu ka horjeedaa, wuxuuna yaqaanaa dhamaan xeeladaha dagaal iyo meelaha ay ka jilicsannahayba. sidoo kale waxa dhib ahaa hagaajinta iyo spare u helida hubka iyo qalabka soomaalidu wadatay maadaama ruushkii sameeyeyba aynu is hayno.
qoriga rasaastiisu go'do iyo wixii xumaadaba halkaas ayaa lagaga tagayaa loomana helayo dayactirkoodii (spare).
Dagaalkan Soomaaliya cid kula socotay ama gaashaan buur la ahayd ma jirin. Maraykanka oo ay markaaas islahayn xulufo ka dhigtana madaxweynahoodii xilligaas ayaa diiday oo yidhi waxay nala tahay inaanay Soomaaliya xaq u lahayn inay weerarto Ethiopia. dowladihii kale ee jeclaa inay Soomaaliya garab istaagaana waxay ka cabsanayeen Maraykan ama Ruush, sidaas daraadeed waxay go'aansadeen inay iska aamusaan.

Saraakiishii Dagaalka Hogaaminaysay:.
Taliyaha guud ee ciidanka Xooga dalka: General Maxamed siyaad barre Abaan duulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya:
• General Maxamuud Sh. Cismaan ( Cirro)
Madaxa Hawlgalka iyo Taakulaynta
• Generaal Cumar Xaaji Masala.
Xeeladaha iyo qorshaynta ciidanka:
• Generaal Mohamed Cali Samatar.
Taliyaha Ciidamada cirka:
• General Cali Mataan Xaashi.
Dib U Gurashadii Ciidanka Soomaaliya
Dirirta Soomaalida waxa sii dhantaalay markii Ruushku ka soo jeestay dhinaca kale. October 1977 ilaa January 1978 aagga Herer waxa isku haleelay 20,000 (huwanta WSLF iyo Ciidanka Somaaliyeed) iyo 50,000 oo ciidanka Ethiopia oo dib isu soo habeeyay, laguna soo hubeeyay hubka Midowga Soofiyati. Isla markaa waxa xoojinayay 11,000 ciidamada Cuba iyo 1,500 oo isugu jira saraakiil sare iyo khubaro Ruush ah. Sidaa awgeed, November 1977 Somaalidu waxay faraha kaga gubteen sidii foodda loo gelin lahaa Herer. Markii ay quusteen, waxa ay go’aansadeen inay difaac ka galaan duleedka magaalada.
Qallinkii
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Colaadihii Geeska………… Cali Cabdi Coomay
La soco………………………..
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment