Ra’isal wasaare Cameron oo waxyar ka hor codaynta Scotland jeediyey Hadal dheer, ayaa muujiyey sida uu uga soo horjeedo in Scotland ay madax Bannaani Buuxda Hesho, waxana uu gaadhsiiyey heer Qudhgooyo isaga ku ah.Cameron oo inta badan deganaan lagu yaqaanay ayaa sheegay in haddii dadka Reer Scotland Haa ku codeeyaan, oo ay ka baxaan Ingiriiska uu is dili doono, dibna aan loo arki doonin, waxaanu intaa ku daray in talaabadaa uu qaadi doono oo ay ka tahay kama danbays dhaarna uu ku marayo.
“Waxa aan doonayaa Scotland haddii aad naga tagtaan, qudha Ayaan iska jarayaa, nafta Ayaan iska qaadi doona ama waan is dili doonaa, inaan sidaa samaynayo Ayaan ku dhaaranayaa.” Ayuu yidhi David Cameron.
David Cameron oo u hadlayay si qiiro leh, mararka qaarkoodna ilmo ka daadanayso indhihiisa waxa uu intaa ku daray, in noloshu aanay u haboonayn haddii Scotland ka baxdo Britain, waxaanu yidhi “Sideen u nolaan karayaa, haddii aad naga tagtaan, waxaan balan qaadayaa inaan dib indho la iiga qaadi doonin.”
Hadalka Ra’isal wasaare Cameron, ayaa kusoo Beegmaya xilli maanta shacabka Gobolkaas Deggeni ay go’aan ka gaadhi doonaan Mustaqbalkooda dambe, waxana la filayaa inay natiijada labada dhinac isku dhawaan Doonto.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment