- Muuqaalka Al-Shabaab Geerida Godane ka dib iyo Awooddiisii Hoggaamineed ee Kooxda.
- Maxaad ka taqaannaa Taariikhda Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, Maxay-se Caalamku ka yidhaahdeen dilkiisa?
Hargeysa, 06 Sept, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka, ayaa shalay Jimcihii shaaca ka qaadday inuu geeriyooday Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo isaga iyo saraakiil sar-sare oo kooxdaas ka tirsan lagu bartilmaameedsaday weerar diyaaradaha Maraykanku ku qaadeen habeennimadii Isniinta ee todobaadkii hore.
Sidoo kale warka dhimashada Hoggamiyaha Kooxda Al-Shabaab waxa shaaciyey raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli oo sheegay in hoggaamiyihii kooxdaas ku geeriyooday weerar diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose ee dalkaas wakhti ay saraakiil sar-sare ee Al-Shabaab ka qayb-galayaan shir ay ku lahaayeen deegaan ka tirsan degmada Baraawe ee gobolkaas.Aqalka looga arrimiyo siyaasadda milatariga dalka Maraykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegay inay ku guuleysteen weerarka ay la beegsadeen hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, haseyeeshee ma jiro wax war ah oo dhinac Kooxda Al-Shabaab ka soo baxay oo xaqiijinaya dilka hoggaamiyahooda marka laga reebo ilo-wareedyo u dhuun-daloola kooxda Al-Shabaab, lana rumaysan yahay inay yihiin dadkii Maraykanka kala shaqeeyey hawl-galkaas milatari, kuwaas oo xogta dhimashada Godane siiyey warbaahinta reer Galbeedka.
“Inaanu meesha ka saarno Godane waa guul weyn oo tusaale inoogu filan, waxaanay dhabar-jab ku tahay hawl-gallada Al-Shabaab,” sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka Adm. John Kirby. “Maraykanku waxa uu wada-shaqayn la leeyihiin saaxiibbadiisa iyo gaashaan-buurtiisa si looga hortago khatarta caalamka iyo gobolkaba ay ku hayaan kooxaha xag-jirka ah.”
Saraakiil ka tirsan ciidamada Ammaana Maraykanka, ayaa todobaadkii hore xaqiijiyey inay qaadeen weerar dhinaca cirka ah oo ay ku bartilmaameedsadeen hoggaamiyaha Al-Shabaab, haseyeeshee may shaacin in Axmed Cabdi Godane ku geeriyooday weerarkooda.
Warar laga helay ilo-wareedyo u dhuun-daloola kooxda Al-Shabaab, ayaa u xaqiijiyey wakaaladda Wararka ee AP in Godane ku jiray 11 ka tirsan saraakiisha sar-sare ee Al-Shabaab oo weerarkaas lagu dilay, waxaana la sheegay saraakiisha sare-sare ee wehelinayey Amiir Godane inay ka mid haayeen madaxii hawl-gelinta iyo laba sarkaal oo dhinaca dhaqaalaha iyo istaraatejiyadda milatariga u qaabilsanaa kooxda.
“Waa guul weyn,” sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan milatariga dalka Maraykanka oo sheegay inay weerarkaa u adeegsadaan sagaal gantaal iyo bambooyinka meelaha fog laga hago oo lala bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiisha Al-Shabaab.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo shir-jaraa’id shalay gelinkii warfidiyeennada kula hadlayey shir gaashaan-buurta NATO uga socday gobolka WALES ee dalka Ingiriiska, ayaa xaqiijiyey geerida Axmed Cabdi Godane.“Maanta (shalay) ayaanu sii daynay xaqiiqada ah inaanu dilnay hoggaamiyihii kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya,” sidaa waxa yidhi Barack Obama oo wax laga weydiiyey warka la xidhiidha dilka Axmed Cabdi Godane.
Dawladda Maraykanku ma shaacin goobta laga hoggaaminayey weerarka, haseyeeshee waxa la ogyahay in Maraykanka iyo Faransiisku saldhigyo Maraykan ku leeyihiin dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Sidoo kale, lama shaacin qaabka Maraykanku u fuliyey weerarka weerarka, haseyeeshee ilo-wareedyo laga soo xigtay Wasaaradda Gaashan-dhigga, ayaa sheegay inay ciidamada si gaarka ah u tabobaran ee Maraykanka oo diyaarada nooca Qumaatiga u kaca watay ay caga-dhigteen goobta la duqeeyey ee la sheegay inay Hoggaanka sare ee Al-Shabaab ku shirayeen, balse lama shaacin ujeeddada ay ciidamada si gaarka ah u carbisan ee Maraykanku u fuliyeen hawl-galka dhulka ah ka dib duqeynta loo geystay saraakiisha Al-Shabaab, haseyeeshee waxa looga shakisan yahay inay halkaas ka qateen Maydadka saraakiisha goobta lagu laayey.
Sidoo kale, maalintii Salaasa ee ka dambaysay habeenimadii Isniinta ee weerarka la fuliyey, Maraykanku waxa ay sheegeen inay halkaas kala kulmeen iska-caabbin aan xoogganayn, taas oo xaqiijinaysa hawl-galka dhulka ah ee Maraykanku fuliyey.
Sidoo kale, Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey jiritaanka geerida Axmed Cabdi Godane oo lagu faafiyey bogga uu Facebook-ga ku leeyahay, haseyeeshee sarkaal xilli dambe oo shalay ahayd la hadlay warbaabinta, ayaa sheegay inaanu jirin war dawladda Soomaaliya ka soo baxay oo xaqiijinaya geerida Hoggaamiyaha Al-Shabaab.
Taariikh-nololeedkiisa oo kooban
Axmed Cabdi Godane waxa uu ku dhashay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu ka midka ahaa Ardaydii ugu sarraysay ee dugsi Culuunta Diinta lagu dhigto oo halkaa ku yaalla, taasoo uu ku mutaystay Deeq Waxbarasho oo uu ku tegay Sudan iyo Pakistan.
Laakiin muddadii uu ku sugnaa Pakistan sannadihii sagaashamaadkii (1990s), ayuu halkaa kula kulmay dagaalyahanno Islaami ah, ka dibna waxa uu ka gudbay xuduudaha Afgaanistaan isagoo ku biiray Al-Qaaida.
Godane ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya (Somaliland) gaar ahaan Hargeysa sannadkii 2001-dii, isla markiiba waxa uu ka mid noqday koox hindistay samaynta Xarakada Dagaalyahanka Al-Shabaab kuwaasoo ku dhex-jiray Maxkamadihii Islaamka ee Magaalada Muqdisho ka dillaacay ama laga abuuray.
Markii uu Axmed Cabdi Godane la wareegay hoggaanka Kooxda Al-Shabaab sannadkii 2008, ayaa Xukuumadda Maraykanku ay u aqoonsatay in Al-Shabaab ay yihiin koox argagixiso. Axmed Cabdi Godane, ayaa isaguna markii dambe ka mid noqosho u gudbiyay hoggaamiyihii sare ee Al-Qaacida Osama bin Laden.
Hase-yeeshee, Osama bin Laden, ayaa dalabkaasi Godane aan aqbalin sababo la xidhiidha hawlgallada Al-Shabaabka oo aan waafaqsanayn ujeeddooyinka Al-Qaacida. Balse ka dib markii Osma Maraykanku dilay ayay Al-Shabaab si rasmi ah ugu biirtay Shabakadda Al-Qaacida sannadkii 2012-kii.
Dawladda Maraykanka, ayaa sannadkii 2012 shaacisay abaalmarin $7 milyan oo dul-dhigay madaxa hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.
Axmed Cabdi Godane, ayaa hoggaaminta kooxda Al-Shabaab la wareegay sannadkii 2008 ka dib markii sidan oo kale diyaaradaha Maraykanku weerar ku bartilmaameedsadeen hoggaamiyihii ka horeeyey Aadan Xaashi Cayrow isaga oo ku sugnaa deegaan ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Geerida Godane ka dib, waa side muuqaalka Al-Shabaab?
Waxa uu caan ku yahay aftahannimo iyo hibada sugaanta gaar ahaan Gabayga oo ka mid noqday hubka uu ku dagaalamo. Waxa uu isbeddel ka dhex-abuuray dagaalyahannada kooxda iyo dagaalka ay kula jiraan dawladda Soomaaliya iyo xoogagga shisheeye eek u sugn dalkaas, waxaanu sidoo kale kor u qaaday dhaqaalaha ay kooxdaasi ku hawl-gasho, isaga oo si toos ah sannadkii 2012-kii ugu biiray urur-weynaha Al-Qaacida iyo hawl-gallada ay ka fuliyaan caalamka.
Waxyaabaha lagu xusuusto intii uu hoggaanka hayay ee Al-Shabaab ku guulaysato hawl-gal dibadda ka ah Soomaaliya, waxa ugu khatarsanaa weerar ay ka fuliyeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan xarunta ganacsi ee Westgate halkaas oo ay ku laayeen 67 qof muddo dhowr maalmood ah oo dhismaha xaruntaasi gacantooda ku jiray.
Agaasimaha xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee Muqdisho, Cabdi Caynte, ayaa sheegay in Axmed Cabdi Godane gacan bir ah ku maamulayey kooxda Al-Shabaab isagoo hadalkiisu ahaa inuu dariiqa u jeexo dhismaha mustaqbal ee kooxda.
“Isaga ayaa gacanta ku hayey maamulka Kooxda, waxaanu ka dhigtay meel uu isagu iska leeyahay,” sidaas waxa yidhi Cabdiraxmana Caynte oo u warramayey VOA.
Raggii uu tuhmayey oo la khaarajiyey
Sannaddadii u dambeeyey, Axmed Godane waxa uu dhidibadda us sii aasay hoggaamintiisa kooxda, isaga oo qudha ka jaray raggii uu ku tuhmayey inay kula loolami karaan maamulka kooxda. Dilka raggan waxa uu u adeegsaday ciidamo gaar ah oo ka tirsan Sirdoonka Al-Shabab oo maamul ahaan isaga oo hoos-imanayay.
Ibraahim al-Afghani oo ahaa ku-xigeenka Axmed Cabdi Godane, waxa la khaarajiyey sannadkii 2013-dii, ka dib markii ay waraaq u direen hoggaanka guud ee Al-Qaadica, iyaga oo ka cabanayey xukunka qalafsan ee Godane.
Abu Mansoor Almriki oo ka tirsanaa hoggaanka sare ee Al-Shabaab ay aragti ahaan kala duwanaadeen Godane, ayaa isku mar la khaarajiyey Ku-xigeenkii kooxda Al-Shabaab Ibraahim al-Afghani.
“Ma jiraan cid muuqata oo hoggaaminta talada kooxda kala wareegta Godane, waxaana dhici karta khilaaf hor leh oo ka dhex-bilaabma gudaha kooxda oo ku hirdamaysa hoggaaminta soo bannaanaatay,” sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Caynte oo aaminsan inay soo bixi karaan kooxo mayal-adag oo ka shidaal-qaadanaya dhibaatada ka dhex dilaacda Al-Shabaab.
Ma sii jiri karaan Mabaadi’da Kooxdu ku shaqayso?
Haseyeeshee, Cabdiweli Sheekh Cabdisamad oo ah khabiir ku xeel-dheer siyaasadda Geeska Afrika, ayaa aamisan in dilka hoggaamiyeyaasha sare ee kooxdu aanay ku filnayn kooxda oo meesha ka baxda. “Qof waad dili kartaa, laakiin ma dili karti fikirka la aamisan yahay. In xididdada loo siibo fekerka ay ku shaqaynayaan, waxay qaadanaysaa wakhti dheer,” ayuu yidhi Cabdiweli.
Xoogagga Nabad-ilaalinta ee Midowga Yurub, AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya, ayaa horaanta bishii hore hawl-gallo milatari oo ka dhan ah kooxda Al-Shaabab si ay ugala wareegaan deegaannada gaccanta ugu jira.
Cadaadisyada milatari ee xoogagga AMISOM, ayaa sababay kooxda Al-Shabaab inay lumiso deegaano fara-badan oo gacanta ugu jiray, laga bilaabo magaalada Muqdisho oo laga saaray sannadkii 2011-kii. Laakiin, taasi meesha kama saarin weerarrada Al-Shabaab ka fuliso gudaha Muqdisho iyaga oo bartilmaameedsanaya saraakiisha dawladda iyo dadka Ajaanibka ah eek u sugan dalkaas, balse mar kasta waxa weerarkooda dhibbaneyaal u ahaa dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadhi jiray.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment