Wednesday, September 10, 2014

Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Wasiirka Maaliyadda ku ammaanay heerka Dakhli-uririnta dalka

“Bal eeg, bishii koowaad [January] ee sannadkii 2013 Dakhligu wuxuu ahaa Shs 10 Billion, halka sannadkan 2014 ee bisha koowaad uu noqday Shs 14 Billion ...” Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi

Wajaale/Kala-baydh, 10 Sept, 2014 (Himilo)- Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ku ammaanay gudashada waajibaadkiisa shaqo ee la xidhiidha hawlaha dakhli-ururinta iyo maaliyad-kordhinta dalka, ka dib markii ay kormeer shaqo oo ay ku ogaanayeen heerka dakhli-ururinta ee Kastammada Kala-baydh iyo Wajaale ee gobolka Gabiley oo ka mid ah Kastammada ugu waaweyn Somaliland.
MAALIYADDAKoormeerka ay Salaasadii shalay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Somaliland, ay ku tegeen goobaha ugu muhiimsan ee dakhli-ururinta gobolka Gabiley, ayaa sheegay in ujeedadiisu la xidhiidhay sidii Guddidu xog-ogaal ugu noqon lahayd heerka ay marayaan dakhli-ururinta iyo Maamulka Kastamada Kalabaydh iyo Wajaale ka hor intaan Miisaaniyadda 2015 la hor geyn Golaha Wakiillada, waxay labada gooboodba kula kulmeen Maamulka Kastammada oo xubnaha Guddiga ka siiyey faahfaahin la xidhiidha hawl-qabadka Kastammadan iyo qaabka ay u shaqeeyaan.
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada, ayaa War qoraal ah oo uu xalay Internetka ku baahiyey kaga warbixiyey ujeeddada kormeerkooda iyo xogta ay ku soo ogaadeen. “Anigoo ka mid ah Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada, waxaannu aniga iyo xubnaha guddidu maanta (shalay) [9 September, 1014] booqasho xogogaalsi ah ku tagnay laba ka mid ah kasamada ugu baaxadda weyn dalkeena oo kala ah kastamka Kalabaydh iyo Kastamka Wajaale.
Ugu horrayn, Guddidu waxay kormeerkooda ka bilaabeen Kastamka Kalabaydh halkaasoo ay nagu qaabbileen hawl-wadeenno uu horkacayey Maamule-ku-xigeenka Kastamka Axmed Maxamed Habbane oo noo sharraxay qaabka ay u shaqeeyaan iyo halka ay marayso hawsha dakhli ururintu.
Warbixinta Habbane na siiyey waxay ahayd mid dhammantayo na soo jiidatey, taasoo muujineysa sida xawliga ah ee Dakhli-ururintu kor ugu kacday iyo sidoo kale, sida Wasaaradda Maaliyaddu uga hawlgelisey Kastamada Aqoonyahannadii ka soo baxay Jaamacadaha dalka. Tusaale ahaan, waxaa noo caddaatay in Habane laftiisu ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo qalin-jebisey Jaamacadda ADMAS, iyadoo, sidoo kalena ay Kastamka ka hawlgalayeen xubno kale oo ka mid ah Aqoonyahannadaas dhallinyarada ah.
Dhanka kale, Xagga Dakhli-ururinta, sida nooga soo baxday kormeerka aanu ku joogney Kastamka Kala-baydh waxaa muuqda is-beddel lixaad leh oo la taaban karo oo kor loogu qaaday Dakhliga. Tusaale ahaan, markii aannu is-barbar-dhig ku samaynay dakhliga bilaha January [Koowaad] iyo February [Labaad] ee labada sannadood ee 2013 iyo 2014 waxaa noo caddaatay in dakhligu kor u kacay bishiiba [bilwalba] lacag dhan SlShs 3,000,000,000 ilaa 4,000,000,000 [waa 3 ilaa 4 billion oo shilin!]. Bal eeg, bishii koowaad [January] ee sannadkii 2013 Dakhligu wuxuu ahaa Shs 10 Billion, halka sannadkan 2014 ee bisha koowaad uu noqday Shs 14 Milyan.
Farqiga u dhexeeyaa wuxuu noqonayaa Shs 4 Billion (4 milyan). Labadaas bilood marka la is gudub-dhigo oo la isku dhudhumiyo waxaa soo baxaysa korodhsiimo dhan Boqolkiiba Afartan [40%]. Waxaynu garan karaynaa inaanay ahayn arrin ‘cir-ka-soo-dhac’ ah oo iskeed isaga timide, ay tahay hawl aan laga midho dhalin kareen haddaan loo wada guntan. Waa qodob Guddi ahaan naga mudan in aanu ku hambalyayno Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdicasiis Samaale, Wasaaradda Maaliyadda Guud ahaan iyo gaar ahaan Maamulka iyo shaqaalaha Kastamka Kalabaydh.
Sidoo kale waxaannu ogaanney in dabagalka iyo Hanti-dhawrka dakhligu si fiican u socdo iyadoo uu muddo dhawayd Kastamka baadhis ku sameeyey Hanti-dhawrka Wasaaraddu. Goobta labaad ee aanu kormeerka ku tagnay waxay ahayd Kastamka Wajaale. Waxaa halkaa nagu qaabilay, islamarkaana aan uga mahad celinayaa, Maamulaha Kastamka Wajaale Mudane Ibraahim Nuur Cali [Ibraahim Caafimaad] iyo hawlwadeenada kastamka.
Waxaannu booqashadan ku ogaanay in dakhliga iyo shaqaalaha Kastamka Wajaale, labaduba, kor u kaceen. Tusaale ahaan, June 2013 dakhliga soo xerooday wuxuu ahaa Shs 513 Million halka June 2014 dakhligu noqday Shs 819 Million, labadaas waxaa u dhexeeya faraq [korodhsiimo] dhan Shs 306 Million, taasoo inna tusaysa in dakhligu kordhay boqolkiiba lixdan [60%].
Waxaan mahad balladhan u jeedineynaa Wasiirka, Wasaaradda, Maamulka iyo Shaqaalaha Kastamka Wajaale. Waxaa u baahan in Guddida iyo WasaaradDuba iska arkaan sidii dhismaha Kastamka Wajaale loo casriyayn lahaa iyadoo ah barta ugu horreysa ee laga soo galo marka dalka Ethiopia laga yimaado ayna noo muuqatay in kastamka Wajaale u baahanyahay inuu helo dhisme cusub oo la fac ah kaalinta uu innoogu jiro. Waxaan muran ku jirin haddii Wasaaradda Maaliyaddu joogteyso tallabadan ay qaaday in xukuumaddu kaalin weyn ku yeelan doonto kobcinta dhaqaalaha iyo nolosha dadweynaha.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment