Sida ay sheegayaan wararku Hassan Aboud iyo tiro hogaamiyeyaal ka tirsan kooxda Ahrar Al-Sham ayaa lagu dilay qarax, xilli ay ku shirsanaayeen deegaanka Ram Hamdan ee Gobolka IdlibKooxda Ahrar Al-Sham ayaa qeyb ka ah Jabhada Islamic Front oo ay isbaheysi ku yihiin ilaa todobo kooxood oo islaamiyiin mucaarad ah.
Bishii February ee sanadkan ayaa kooxda Ahrar Al-Sham ku eedeysay dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya weerar lagu dilay tiro ka mid ah xubnaha kooxdooda oo qarax lala eegtay goob ay ku sugnaayeen.
Kooxda Ahrar Al-Sham ayaa ah kooxda ugu weyn ee wada dagaalka ka dhanka ah Madaxweyne Bashar al-Assad, waxaana ay dooneysaa inay xukun islaami ah ka hirgeliso Suuriya.
Wareysi uu siiyay BBC bishii June Hassan Aboud ayaa sheegay in dowladda Islaamiga ay tahay tan ugu xun ee sawir xun ka bixisay Islaamka.
Kooxdan ayaa dhowaan ku gacan seydhay inay ka mid noqoto Kooxda IS, waxaana ay sheegtay in aanay diyaar u aheyn in meel ka baxsan Suuriya ay ka dagaalanto.
Lama garanayo cidda ka dambaysay Weerarka lagu khaarajiyey Hoggaamiyaha Kooxdan, waxase dadka qaarkii tuhunsan yihiin inay ka dambeeyaan Kooxda ISIS eeka dagaallanta dalka Ciraaq oo ay hore iskugu dhaceen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment