Wednesday, September 10, 2014

Madxaf Weyn Oo Lagu Ururin Doono Xasuusta Dhacdadii 11kii September Ee Lagu Burburiyay Dhismayaashii Aqalka Maraykanka Oo Laga Hirgaliyey Magaalada New York

Magaalada new york ee dalka maraykanka ayaa markii ugu horaysay laga hirgaliyay mashruuc balaadhan oo ah dhisme madxaf wayn oo lagu soo bandhigi doono xasuusta dhacdadii 11kii september ee sanadkii 2001 lagu qarxiyay dhismayaashii waawaynaa ee mataanaha ahaa ee ganacsiga adduunka ee ku yaalay magaalada new york, dhismahan ayaa waxa laga hirgaliyay meel hoose oo dhulka hoostiisa ah oo qiyaas ahaan jirta 20 mtr, waxaana ku wareegsan gidaaro adag oo ka samaysan looxaan duug ah muuqaal ahaan aad u fool xun kuwaas oo muujinaya burburka iyo madawgii ka dhashay qaraxyadii dhismayaashaasi lagu burburiyay.
Dhismaha madxafkan oo loogu talo galay in sanadkan lagu xuso sanad guurada kasoo wareegtay weeraradii lagu qarxiyay dhismayaashii dhaadheera ee dalka maraykanka ayaa waxa la qorsheeyay in ay booqan karaan in ka badan 9000 oo dalxiise oo dalka maraykanka ka kala imaada, waxaana gudihiisa la dhigay calaamado iyo fariimo muujinaya dhaleecayn la xidhiidha falkii dhismayaashaas oo dad kumaan kun ahi ay ku dhinteen lagu qarxiyay.
Madxafkan ayaa sidoo kale waxa gidaaradiisa lagu xardhay magacyada sawirada qaar ka mid ah dadkii ku dhintay burburka dhismayaashaasi, taas oo ay ku xasuusan doonaan eheladii dadkii ku dhintay qaraxyadaasi dhacay muddo haatan laga joogo in ka badan 13sano.
Maamulaha xarunta madxafkan ayaa sheegay in dhismaha madxafkan oo uu ay ku baxday lacag gaadhaysa 700 Million waxaanu noqday kii ugu waynaa ee laga hirgaliyo dalka maraykanka waxaana lagu soo xardhay dhamaan gidaaradiisa magacyada dadkii ku dhintay oo ay ku jiraan in ka badan 1115 qof oo aan ilaa hada haybtooda iyo magacyadooda hore loo aqoonsan oo hada la helay.
Arrinta layaabka badan ee lagu sawiray ayaa sidoo kale ka mida sawirada askartii ka qayb qaadatay weerarkii lagu dilay hogaamiyihii ururka al-qaacida Osma Bin laadin sanadii 2011 oo maraykanku aaminsan yahay in ururkiisa al-qaacida ka danbeeyay qaraxyada dilkaasi lagu dilay dalka Pakistan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment