War boolisku soo saaray waxaa uu ku sheegay in ciidamadu ay xidheen illaa 9 ruux oo 4 ka mid ah ay Soomaali yihiin kuwaasoo aan wadan waraaqaha safarka waxaana wararku intaa ku darayaan in dadka lala qabtay dhalinyarada Soomaalida ah waxaa ku jira 4 ruux oo u dhalatay dalka Eritrea ruux haysta dhalashada dalka Faransiiska oo la aaminsan yahay inuu ahaa ruuxa tahriibinayay iyo ruux kale oo u dhashay dalka Costa Rica oo ahaa wadaha gaadhiga ay saarnaayeen.Warbaahinta dalka Costa Rica oo soo xiganaysa saraakiil boolis ayaa ku waramaysa in tahriibayaashan Soomaalida oo lagu qabtay magaalo la yidhaahdo PeƱas Blancas oo u dhaw xadka uu dalkaasi la wadaago Nicaragua.
Saraakiisha socdaalka dalka Costa Rica waxaa ay sheegeen inay aaminsan yihiin in tahriibayaashan la qabtay ee Soomaalidu ka mid tahay ay doonayeen inay safar dhanka dhulka ah ku galaan waqooyiga Maraykanka.
Dalka Costa Rica oo ka mid ah dalalka ku yaala badhtamaha koofurta Maraykanka ayaa waxaa uu sidoo kale ka mid yahay dalalka ay sii maraan tahriibayaasha doonaya inay u gudbaan dhanka waqooyiga ee Maraykanka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment