Kulan laba maalmood socday madaxtooyada Somaliland ka socday, ayaa la iskula meel dhigay in xeerka diiwaangelinta madaniga ah laga saaro qoddobo dhawr ah oo mucaaridku saluugeen, waxana ay tilmaameen in la isku afgartay in qoddobadaas khilaafku ka taagan yahay wixii laga beddelayo uu Madaxweynuhu Baarlamaanka u Gudbiyo si ay u saxaan.“Waxaanu ku heshiinay in xeerkii diwaangalintu sidiisi u socdo wixii qodob iyo labba ee lagga taabtayna madaxweynuhu ka dabba gudbiyo oo golaha wakiilada loo gudbiyo.”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo Heshiiskan ku dhawaaqay
Sidoo kalena Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in markii la gorfeeyay murankii diwaangalinta la isla gartay in wixii isku dabraya doorashada laga saaro xeerka diwaangalinta oo Madaxweynuhu Golaha wakiilada u gudbiyo qodobada wax laga bedelayo.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe “Wuxuun baanu doonaynay inaan qofka ka gaadhi waaya inuu qaato Kaadhka aqoonsiga aanay ka xannibin qaadashada Kaadhka Codaynta oo aan la odhan Kaadhkii Codaynta maad qaadan ee loo sameeyo hab uu ku qaadan karo kaadhka Codaynta.intaas ayaanu isku haynay intiina way noo soo dhamaatay, Xannibaadiina waa laga qaaday” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment