Monday, September 8, 2014

92-Baasaboor Somali ah, Loona Soo Siday Somaliland Oo Garoonka Muqdisho Lagu Qabtay

Muqdisho:Sep,08,2014(Himilo)-Waxa Maanta Garoonka Diyaaradaha Ee Aadancadde International Airport Lagu Qabtay Laba Nin oo watay Baasaboorro tiro badan oo aanay lahay, kuwaas oo lagu eedeeyey inay dhinaca Somaliland usoo sideen.

dhifeerBaasaboorradan maanta la qabtay, ayaa   La sheegay inay dhinaca somalilland u soo socdeen, isla-markaana ragga lagu qabtay ay xuseen in arday Reer Somaliland ahi ay iska leeyihiin.

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Somaliya General C/laahi Gaafow Maxamuud, oo shir jaraa'id ku qabtay Garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay in bassaboorada la qabtay ay isugu jiraan 50 xabo oo nooca cusub ee basaboor Soomaaliga iyo 42 xabo oo noocii hore ah.

Taliyaha ayaa waxa uu bidhaamiyay in basabooradan loo waday deegaanada Somaliland, ragga lagu qabtayna ay u sheegeen inay u wadeen arday reer Somaliland ah, si ay dibadaha ugu socdaalaan, sida uu Tilmaamay.

Waxa uu intaa ku daray in raggan ay basabooradu ka soo qaateen Xarunta Safaarada Sudan ay ku lee dahay Magaalada Muqdisho, ha yeeshee ay arrintaasi baadhitaano ku samayn doonaan laamaha ammaanka, wixii ka jiraba.

General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa hoosta ka xariiqay inay marar badan ku cel celiyeen in sharci daro tahay qaadashada noocii hore ee basaboorka, cid kasta oo lagu qabtana ay Maxkamad soo taaggi doonaan.

Labada nin ee ay iminka gacanta ku hayaan, ayuu sheegay inay ku wareejinayaan hay'adaha ammaanka, si baadhitaano dheeraad ah ay ugu sameeyaan, una soo taaggaan Maxkamad.

General Gaafow, ayaa Soomaalida uga digay qaadashada basaboorkii cagaarka, wuxuuna ku goodiyay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan, shakhsi kastaa oo lagu qabto.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment