Gabiley, 09 Sept, 2014 (Himilo)- Muxiyadiin Cabdi Cali oo ah Aqoonyahan da’yar oo u dhashay gobolka Gabiley, ayaa shaaciyey inuu isu-taagi doono isla markaana gobolka uu ka soo jeedo ee Gabiley u meteli doono murashaxnimada doorashada Golaha Wakiillada ee loo muddeeyey inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka soo socda.Muxyadiin Cabdi Cali waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu ku soo bandhigay himilooyiinka iyo qorsheyaasha uu damacsan yahay inuu gobolka Gabiley ugu metelo mudaneyaasha golaha Wakiillada haddii bulshada gobolkaaasi codkooda u hibeeyaan doorashada Golaha Wakiillada.
Qoraalka Muxyaddii ku soo bandhigay hankiisa iyo aragti ahaan godaloolooyin uu xusay inay ka jiraan doorkii wax-qabadka bulshada iyo gobolka ay ku lahaayeen xildhibaannada wakhtigan golaha wakiillada ugu jira Gabiley, ayaa u qornaa sidan: “Anigoo ah Muxiyadiin Cabdi Cali maanta oo ay bishu tahay 08 August 2014 waxaan ku dhawaaqayaa ama cod dheer ku sheegaya haduu illaahay inagu simo inaan u taaganahay una sharaxanahay doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee dhici doonta sanadka soo socda badhtankiisa anigoo ka sharaxnaan doona gobolka Gabiley, kadib markii aan arkay baahida loo qabo ka midho dhalinta rabitaanka dadwaynaha, iyadoo aan kalsooni buuxda ku qabaa in aan ka gun gaadhi doono hankayga haddii alle igu simo anigoo la kaashanaya aqoontayda iyo waayo aragnimadayda.
Waxa aynu ka wada dharagsan nahay in shaqada baarlamaanku ay tahay xeer dajin, ansixin xeerar iyo la xisaabtan, waxaan si wayn ugu han waynahay in aan doorkayga ka ciyaaro anigoo ku matalaya qaran ahaan iyo dadka deegaankaygaba, haddii alle igu guuleeyo waxaan bulshadayda ku matali doonaa sidii ay u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah loogana midho dhalin lahaa baahiyaha ay qabaan anigoo la kaashanaya hay’adaha ku shaqada leh.
Waxaan bulshadayda u balan qaadayaa in aan ahaado xubin firfircoon oo si buuxda uga mid ah oo mar walba la jooga si aan xogogaal ugu ahaado xaqiiqada rasmiga ah ee ay bulshadu ku sugan tahay, waxaan ku han-waynahay in aan astaan u noqdo horumar, ka midho dhalinta hiigsiga dadka iyo isu xidhka bulshada Gobolka .
Sida aynu wada ognahay Gobolka Gabiley wuxuu nasiib u yeeshay inuu soo xareeyo dakhliga labaad ee dalkeena laakiin nasiib daro kama muuqato Gobolka wuuna ka aradanyahay, waxaynu u baahan tahay halkay wax ka khaldan yihin in la saxo insha allaah waxaan qayb ka noqon doona dadka sixi doona khaladka haduu ilaahay igu guuleeyo doorashada. Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ahay qofkii ugu horeyey ee ka soo jeeda Gobolka ee ku dhawaaqay hankiisa insha allaah waxaan illaahay ka rajaynayaa in aan noqdo qofka guulaysta helana codka ugu badan,” sidaas ayuu Muxyadiin ku sheegay qoraalkiisa oo aanu ku xusin Xisbiga uu damaciisa siyaasadeed iyo taageerayaashiisaba uu ka dhex muujin doono.
No comments:
Post a Comment