Tuesday, September 9, 2014

Diyaaraddii Rakaabka Sidday ee Dhawaan Ku Dhacday Bariga Ukrain Oo Warbixinteeda Maanta La Sugayo

Hague:Sep,09,2014(Himilo)-Warbixin hordhac ah oo ku aaddan Baadhitaan dheer oo lagu sameeyey Diyaaraddii laga Lahaa dalka Maleshiya ee MH17, oo ku Burburtay Bariga Ukrain, ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo bandhigo Magaalada Hague ee Dalka Holland.

maaleeshDiyaaradan oo ay leedahay shirkada Malasian airlines ayaa kusoo dhacday bariga dalka Ukraine bishii July xili ay kasoo duushay magaalada Amsterdam (Holland) kuna sii jeeday magaalada Kuala Lumpur (Malaysia).

Dhamaan rakaabkii diyaarada saarnaa oo gaadhayey 298 qof ayaa ku dhintay burburkan, rakaabka ayaa intooda badan kasoo jeeday dalalka Holland, Australia iyo Malaysia.

Burburka diyaaradan ayaa lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen kooxaha mucaaridka Ukraine oo la sheegay inay gantaal kusoo rideen diyaaradan, balse waxay kooxahaasi ku eedeeyeen falka xukuumada Ukraine, labada dhinac ayaa iyaguna soo bandhigay cadeymo ay midba midka kale ku eedeenayaan soo ridida diyaaradan shibilka ah.

Waxaa xiligan socda sadex baadhitaan oo lagu wado burburka diyaaradan, waxaana maanta lasoo bandhigayaa warbixintii ugu horeysay oo ku aadan natiijadii baadhitaanka lagu sameeyey qalabka diyaarada saarnaa ee duuba codka iyo waliba computerada diyaarada.

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment