Tuesday, September 9, 2014

Shirkadda DNO oo Daandaansiga Somalia kaga jawaabtay inay Mashaariic horumarineed ka fulinayso Somaliland, wakhtiga heshiiskana loo kordhiyey

Shirkadda Sahaminta Shidaalka ee DNO oo shaacisay Mashaariic ay ka fulin doonto deegaanno Somaliland ah

soomaaliy

DNO logo_e4145 DNO
Oslo, 09 Sept, 2014 (Himilo)- Dawladda Somaliland iyo Shirkadda Sahaminta Shidaal-baadhista DNO oo laga leeyahay dalka Norway, ayaa isku af-gartay in lagu kordhiyo muddo laba sannadood ah wakhtiga heshiiska Shidaal ee ay hore ugu wada-jireen, ka dib markii ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku hanjabtay inay Shirkaddan iyo kuwo kale oo Somaliland heshiisyo kula jira ka dacwaynayso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku doodday inay khalkhal iyo nabadgelyo-darro abuurayaan shirkadahaasi.

Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland ayaa hadalkaas ka soo yeedhay Soomaaliya hore uga jawaabtay, kuna tilmaantay mid aan waxba ka jirinn. Waxaana ka sokow hadallada labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya is-waydaarsadeen ay Shirkadda DNO shaacisay in ay dalka ka bilaabayso Mashaariic horumarineed, kuwaasoo ka qayb-qaadan doona kor u qaadista adeegyada horumarineed ee ay Bulshadu u baahan tahay.

Shirkaddan oo magaceeda la yidhaahdo DNO, heshiis shidaal-baadhis ahna kula jirta Xukuumadda Somaliland, ayaa War-Saxaafadeed ay shalay soo saartey ku sheegtay in laba sannadood loogu kordhiyey wakhtiga ay shaqadoodu dhammaan doonto oo ku siman 8-da bisha November ee 2017-ka.

Waxay Shirkaddan DNO ku sheegtay qoraalkooda Saxaafadda loogu talo-galay in Boloogga (Ceelka Shidaalka) 18-aad oo saami gaadhaya 50% ku leeyahiin la dhammeeyey sahamintiisii saamaynta deegaanka, dhawaanna ay bilaabi doonaan hawlahii Sahaminta marka Xukuumadda Somaliland hawlgeliso Ciidanka ilaalinta Shidaalka oo la filayo inay hawlgalaan sannadka soo socda oo taageeri doona Shirkadaha caalamiga ah ee Somaliland ka shaqeynaya.

Shirkaddan Norway laga leeyahay, ayaa shaacisay inay inta ka horreysa, haddii xaaladaha ammaan saamaxaan bilaabi doonaan mashaariic horumarineed sida Ceelal biyo laga cabbo oo ay u qodayaan bulshada ku dhaqan deegaannada ay sahamintoodu noqon doonto

Hadalka Shirkaddan DNO, ayaa ku soo beegmaya maalmo ka hor markii ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga digtay inay Somaliland wax shaqo ah ka qabtaan, isla markaana ugu hanjabtay inay Shirkadaha Somaliland heshiiska kula jira ee ay ugu horreyso DNO ay ka dacwayn doonto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo ay Xukuumadda Somaliland-na jawaab kulul ka bixisay, isla markaana uga digtay Soomaaliya inay soo faro-geliso Somaliland, iyadoo Somalilad ballan-qaadday inay khayraadka ku duugan dalkeeda dadkeeda uga faa’iidaynayso, cid ay fasax uga qaadanayso ama ay marti uga tahayna jirin, hadalka Soomaaliyana yahay mid la iska yidhi oo aan wax-ka-soo qaad lahayn haba-yaraatee.

 

No comments:

Post a Comment