Sunday, September 7, 2014

Fadeexadii Qarniga-W/Q Axmed Cumar

Anfariir, amakaag iyo argagax ku soo dhex-dhacay bulshada muslimiinta ka dib markii subaxnimadii jimcaha lagu waa bariistay warar laga sii dayey warbaahinta caalamka iyo idaacada VOA in dawladda sucuudigu ay qorshaynayso waxay ugu yeedheen rarista qabriga nabigeeni suubanaa ee Muhammed (NNKH). Taasoo ay sheegeen in si qarsoodiya loogu aaso goob aan la garanayn oo ka mid ah xabaalaha baqiic.
Waxaana la yaab leh meesha ay u rari doonan jannadii Rawda oo uu nabigu (NNKH) sheegay inay u dhaxayso qabrigiisa iyo minbarkiisa.
Marka aan dib ugu noqono Sooyaalkii Islaamka ; waxa aan arkeynaa in xilliyo badan ay soo food saareen khilaaf ama is`maandhaaf , waxaana u darnaa kii oogmey Qarniyadii 3da ahaa ee ugu horreeyey, kaasoo lahaa wejiyo badan, sida kii Siyaasada ee khilaafkii Hogaanka Islaamka , waxase kaa kaga sii darnaa kii la xidhiidhey xaga fahamka Diinta, kolkaas oo ay dilaaceen Kooxo tiradooda siyaabo kala duwan loo sheegey, balse lagu soo koobey 73 kii kooxood ee Nebigu sii sheegey, kuwaas oo uu xusey; in mid mooyee inta kale ay baadi yihiin, sida ay soo weriyeen Imaamyada Bazaar (1/423 tirsiga 2755) , Beyhaqi(10/208 tirsiga21429),Xaakim(4/477 tirsiga8325) .
Sida Culimada Islaamku ay isku raaceen, waxa la sugey in kooxda keliya ee badbaadeysaa ay yihiin Ahlu`Sunnah Wal`Jamaacah , taas oo Islaamka badidiisu ay heysteen, Taasi waxay keentey in kooxihii kale oo dhan ay meesha ka baxaan, sidaana xilligaa hore waxa laga caafimaadey kooxihii dhinacyada kala duwan u socdey.
Hase yeeshee markii la gaadhey Qarnigii 8aad waxa kacey Ibnu`Teymiye , kaas oo dib u soo dhoobo`qaadey kooxihii xilligaa hore tirmey fikirkii qaarkood ay qabeen, kaas oo Culimada Islaamku daafaha Dunida ay kaga dhawaaqeen habowgiisa , taas oo keentey in uu dhicisoobo, waxaana mar kale fikirkaasi uu hanqalka la soo kacey kolkii uu soo baxey Max`d C/wahaab Qarnigii 12aad, kolkaas oo loo bixiyey taageerayaashiisii Wahaabiya, sidoo kalena kolkaa lafteeda si buuxda uu ma`tamarin. Markii la gaadhey Qarnigii 20aad dhexdiisii waxa u suurto gashey in ay qabsadaan Xaramka, waxaana ku xigey hogaankii oo heley dhaqaale badan oo ka soo galey Dahabkii madoobaa ee uu Nebigu sii sheegey, kaas oo si deeqsinimo leh ay ugu hurreen faafinta fikirkaa, waxaana xilligaasi uu ahaa kolkii Batroolku uu si weyn uga soo butaacey Khaliijka , sidoo kalena waxa iyaguna jira arrimo kale oo ka qeyb`qaatey; sida gacan`saar dhow oo ay la yeesheen Gumeystayaasha IWM.
Halkaa waxa ka unkamey dhammaan kooxaha magaca Islaamka wata ee ku firidhsan Daafaha Dunida, in kasta ba ha wataan magacyo kala duwan , kolkaas oo ay ka siman yihiin Mabaadii’da asaasiga ah, kuwaas qadar aan yareyn ayey kaga sugan yihiin Carriga Soomaalidu degto. Taasi waxa ay keentey in dib loo soo nooleeyo fikiro hore Islaamka dhexdiisa laga deyriyey, sida ; in Allah loo ekeysiiyo Abuurka, ama la quudhsado kaalinta Rasuulka, ama la Gaaleeyo Umadda Islaamka ah,taas oo wadada u xaadhey in la banneysto dhiigooda iwm.
Halkaa waxa ka dhashey khilaaf ka daran kii hore ee Islaamka soo marey, waxaana aan ku tilmaami karnaa in waxa ay la yimaadeen uu ku soo kiciyey Islaamka Dabeylo Duufaan ah, kuwaas oo aan arkeyno inay maanta Dunida Islaamka ku rideen bohol.
Markii hore Dunida Islaamku waxay la yaabaneyd dhiigga Muslimka ee loo daadinayo waxa lagu dhisayaa Dawlad Islaam ah, kaas oo Nebigu(NNKH). uu ka yidhi :" Ceyda qofka Muslinka ah waa Faasuqnimo, Dilkiisu na waa Gaalnimo", waxa soo weriyey Imaamyada Bukhaari(1/27 tirsiga 48), Muslim(1/81 tirsiga 64), Axmed(1/385 tirsiga 3647), Tirmadi(4/353 tirsiga 1983),Nisaai(7/122 tirsiga 4108),Ibnu`Maaja(1/27 tirsiga 69),Ibnu Xibbaan(13/265 tirsiga 5939), Abuu`Nuceym(8/359),Isxaaq(1/379 tirsiga 400).
Hase yeeshee maanta waxa soo muuqdey arrin aan loo fadhiyin, taas oo Culimada Islaamka ee fayow ay hore ugu ogaayeen kooxahaa quudhsiga iyo yareysiga Rasuulka, taas oo hoosta ay ku heystaan, hase yeeshee imika daaha ayey ka qaadeen, taas oo warbaahinta Dunida qaarkood ay qaadaa`dhigtey, waxaana ay tahey arrin hor taagan maanta qof kasta oo Islaam ah, taas oo ah mid taabaneysa maamuuska Rasuulka(nnkh), waxaana warkii Subaxdii Jumcaha ee Idaacada Mareykanka VOA uu ahaa sida tan :
Sacuudiga oo Eegaya Rarista Qabriga Nabiga
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxa si weyn looga hadalhayay warbixnno ay qoreen wargeysyo waaweyn oo ka soo baxa dalka Britain, kuwaas oo lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka fekereyso qorshe looga rarayo qabriga Nebi Mohammed (nnkh) halka uu kaga yaalo magaalada Madina.
Wargeysyada the Independent iyo Daily Mail oo warbixintan qoray 1dii bishan ayaa soo xigtay daraasad 61 bog ka kooban oo wada tashi ku jirta, oo uu qoray aqoonyahan la shaqeeya dowladda Sacuudiga taasoo lagu sheegay in qabriga nabiga loo raro qabuuraha al-Baqiic ee ku yaala magaalada Madina..
Qabriga Nabiga ayaa muslimiinta u ah halka labaad ee ugu barakada badan marka laga reebo kabcada magaalada Makka.
Sheekh Maxamed Ileeye oo imaam ka ah Masjidu Nuur oo ku yaala magaalada Seatle ee gobolka Washington Ayaan wax ka weydiiyay arrintan Qabriga Nabiga (NNK)
Jariidada Ingiriiska ka soo baxda ee Daily Mail waxa 1dii September ay ka qortey maqaal, kaas oo ay uga dhigtey cinwaan :
Attack on Mohammed`s Tomb could stir up Sectarian Hatred
"Weerar ku jeeda Qabriga Muxummed kaas oo kor u kicinaya naceybka kooxeysiga "
Waxaana ka mid ah : "Waxa ay isku`raacsan yihiin Muslinka Sunnaha iyo Shiicadu in la barakeysto Qabriga Nebiga, hase yeeshe Wahaabiyadu ma`ogola, sidaa hadii arrintu ay ku socotana waxa ay noqoneysaa in degaal ka dhex dhaco guud ahaan Islaamka"
Ninkii war`bixinta udusiyey Jariidada oo ka mid ahaa kooxda Diraasadda lagu rarayo, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii ;"Waxa aan hubaa in ay naxdin ku noqoneyso Dunida Islaamka dhacdadani, weliba ay sababi doonto isku`dhac"
Waxa sidoo kale iyana wax ka qortey Jariidada Ingiriiska ee The Independent, taas oo iyana ka heshey xogta isla goobtaa .
Qorshahaa lagu rarayo jidhka Nebiga waxa loo bixiyey Qubtaul`Khadhra"The Green Dome" , kaas oo ka kooban 61 bog , markii la weydiiyey Dawladda Sucuudiga na waxa ay tidhi ; naga ma`aha go`aan, taas oo iyada ay tahey cidda dirtey ee maal`galisey Diraasadda .
Sida aan ka war`qabno Goobaha barakeysan ee Islaamku waa saddex, Masjidka Xaramka oo Kacbada ku mudnaadey, Masjidka Nabiga (NNKH) oo Nebiga ku mudnaadey, kaas oo uu ku dhejisan yahey Qabrigiisu , isla markaana sinta ku haya iyo Masjidka Qudus oo laga dheelmey Nebiga, ama ah goobtii Nebiyada, ama ah Carriga soo`noqoshada, kaas oo isna aragtiyahaa ku mudnaadey, hadaba marka ay sidaa tahey bal aan is dul`taagno in yar barakada laga dheefsadey Qabriga Nebia, waxaana uu ka yidhi : "Salaada Masaajidkeygu waxa ay kun jeer ka fadli badan tahey masaajiida kale, kolka laga reebo Masaajidka Xaramka" waxa soo weriyey Imaamyada Axmed(3/343 tirsiga 14735),Ibnu`Maaja(1/451 tirsiga 1406),Daxaawi(3/127) .
Marka aan xaga Qabriga maamuuskiisa bardaaminana waxa uu Nebigu (NNKH) yidhi : "Qabrigeyga iyo minbarkeyga dhexdooda waxa ah Bustaan ka mid ah kuwa Jannada" kaas oo ay soo weriyeen Imaamyada Axmed(3/64 tirsiga11628),Abuu Yacla(2/496 tirsiga 1341),Beyhaqi shucab(3/491 tirsiga 4163),Khadiib(11/228), Ibnu`Casaakir(22/177), Abuu`Nuceym xilyada(9/324) .
Mar kale Nebigu (NNKH) waxa goobtaa booqshadeeda uu ku sheegey inay leedahey fadli badan, kolkii uu yidhi : "Qabrigeyga ka booqda waxa u waajibaya Shafaacadeyda" waxa soo weriyey Imaamyada Beyhaqi shucabka (3/490 tirsiga 4159),Ibnu`Cadyi(6/351 tirsiga 1834),Daaruqudni(2/278), Xakiim(2/67) .
Arrintaa booqashada Qabriga Nebiga Culimada Islaamku waxa ay u qeybsameen labo ; koox qabta in ay shey la jecel yahey ajar badanna laga helayo, kooxna waxa ay qabaan in ay tahey waajib, hadaba yaa saddexeeya ? kooxaha fikirka gurracan ee Wahaabiyada ah ayaa qaba sidaa si ka duwan, taas oo ah baadi aan laheyn bidhaan Asallada Diinta ku leh meel.(Maqaasidda Suyuudi xaashida412)
Sida Culimada fayow ay ka war`qabeen ; waxa kooxahaa laga hayey ; in ay Qubadda ku dul`dhisan Qabriga Nebigu (NNKH) ay tahey Sanam, taas oo xilliyo kala duwan iyo qofaf kala duwan oo iyaga ka mid ah laga hayey, taas oo barakada ay ku fadhido aan dacal ka muujiney, hase yeeshee imika arrintu waxa ay soo dhaaftey halkaa,waxaana ay taagan tahey jidhkii Nebiga(NNKH) ee barakeysnaa in loo soo dhigto, taas oo uu Nebigu (NNKH) ka yidhi:"Allah waxa uu ka xaaraantimeeyey Carrada in ay cunto jidhka Nebiyada" waxa soo weriyey Imaamyada Axmed(4/8 tirsiga 16207),Abuu`Daud (1/275 tirsiga 1047),Bayhaqi(1/519 tirsiga 1666), Dabaraani(1/216 tirsiga 589), Ibnu`Abii Sheybe(2/253 tirsiga 8697),Ibnu Maaja(1/524 tirsiga 1636),Daarami(1/445 tirsiga 1572), Ibnu`Khuzeyma(3/118 tirsiga 1733),Ibnu`Xibbaan(3/191 tirsiga 910),Xaakim(1/413 tirsiga 1029) .
Marka Qabriga Nebigu (NNKH) uu maamuuskaa yeeshey, sidoo kalena jidhkiisa Daahirka ah uu Allah uu noloshaa ku maamuusey, isla markaana goobtu ay kaalin mug`leh ku yeelatey goobaha barakeysan ee Islaamka; bal waxa aad eegtaa kolka ay meesha timaado waxa lagu sameeynayaa jidhkiisii Daahirka ahaa ee barakeysnaa dhoobo`qaad iyo dhalan`doorin, arrintaa miyaa ay ina soo martey arrin ka culus ? miyaase aynu fileyney in maalin uun dhegaheeno ay maqlaan ? ! ! !
Arrintaasi waa mid la`yaab iyo amakaag iyo naxdin ba leh, waxaana ay dabo socotaa taa Sanamka ay ku sheegeen dhismihiisa sare, taas oo in badan ay hoos ugu xanshashiqi jireen, waxaana laga hayaa hogaankoodii Max`d C/wahaab in uu yidhi : haddii aan karayo waan dumin lahaa Qubadda !!. Waxa kale oo la soo sugey in uu si qarsoodi ah isugu dayey in uu u faqo Qabriga ! .
Arrintaasi waxa ay qeyb ka tahey Quudhsiga iyo yareysiga Rasuulka, taas oo Culimada Islaamku ay isku`raacsan yihiin in ay tahey Gaalnimo, taas oo uu ka soo aroorey goodigan culus ee uu Allah kaga hadley Aayadda muwaas oo uu u nacdaley sidan :"Kuwa Allah iyo Rasuulkiisa dhiba waxa Allah uu ku nacdaley Adduunyada iyo aakhira ba"Axzaab 57 .
Arrintaasi waxa ay tahey marka dhinaca kale laga eego mid soo dedejineysa Dagaal ka dhex oogma Muslimiinta runta ah iyo kooxaha fikirka gurracan ee Dunida Islaamka maanta ku heysta xuurtada, kuwaas oo magacii Islaamka huwiyey fool`xumi iyo argagixiso, taas oo dadka ma’kasta ahi ay u heystaan in ay kala kaan yihiin, waxa ka maqan in badan oo dadka ah in ay isku qolo yihiin; Wahaabiyada iyo kooxaha ka dagaalama Dunida islaamka, bal waxa aad isu eegtaa, sidii Al`Shabaab ay u faqdey Qabuurihii Saalixiinta ee Soomaaliya, sidii kooxdii Ansaarul`Sunnah ay Maali ka sameeyeen, taas oo ay qufeen xabaalihii Saalixiinta ee Timbaktu, sidii Daacish ay ku sameeyeen Qabrigii Nebi Yuunis markii ay qabsadeen Neynuwey, waana taa maanta ay Wahaabiyadu ku fikirayaan sidii Qabriga Nebiga(NNKH) inta ay u faqaan, jidhkiisa Daahirka ahna uga rari lahaayeen, kolkaas oo ay u qorsheeyeen inay geeyaan meel aan cidi ogeyn.
Arrintaa waxa ka fal`celiyey in badan oo ka mid ah Dunida Islaamka, waxaana ugu horreeya Turkiga iyo Iiraan, kuwaas oo hoosta ka xariiqey in haddii ay dhacdo daaye haddii la isku dayo wax xil leh uu ka dhacayo.

 

No comments:

Post a Comment