Saturday, September 6, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Soo Saaray Wareegto Uu Ku Dhaqan galiyey Ilaalinta Deegaanka

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa soo saaray wareegto uu ku dhaqan galiyey ilaalinta deegaanka Somaliland, isla markaana uu ku amray hay’adaha ay khusayso inay si toos ah u fuliyaan.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha ayaa lagu cadeeyey wareegtadani waa kan war-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani:-
Madaxweyne_Siilaanyo2013Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa Wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-2689/092014, ka
soo saaray kuna dhaqan geliyey Ilaalinta Deegaanka.

Wareegto Madaxweyne


Ku: Dhammaan Wasaaraddaha Xarumahooda

Ku: Hay’addaha Madaxa-bannaan ee Dawladda Xarumahooda

Ku: Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka Xarumahooda

Ku: Dawladaha Hoose ee Dalka Xarumahooda

Ku: Ciidammada Kala Duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland Xarumahooda



Ujeeddo: Ilaalinta Deegaanka


Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Deegaanku waxa uu saameeyaa bilicda dhulka, fayo-dhawrka caafimaad ee dadka iyo duunyadaba, waxaana waxtarkiisu ku xidhan-yahay hadba Bulshada ku dul nooli sida ay u ilaaliyaan, una daryeelaan, Haddaba:-

Markaan Arkay: Qodobka 18aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland ee u dhigan “Dawladdu waxay
mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka
Deegaanka oo aasaas u ah caafimaadka Bulshada iyo
dhawrista khayraadka Dalka”;

Markaan Arkay: Xeerka Ka-hortagga Xaalufka iyo Nabaad-guurka, Xeer Lr.
4/98;

Markaan Helay: Qoraalka talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda
Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga;

Markaan Dersay: Baahidda loo qabo in la xoojiyo gacan ku-haynta Dawladda
ee dhul daaqsimeedka, lana horumariyo ilaalinta dhirta iyo
daaqa;

Markaan Garawsaday: In ay daruuri tahay in laga hortago waxyeelada ka dhalan
karta hadhaaga waxyaabaha loo adeegsado nolol
maalmeedka iyo qashinka warshadaha;

Markaan Tixgeliyey, Kaalinta Xukuumadda ee ah in ay mas’uul ka tahay
baabiinta dhulka gaarka loo ootay ee dhul-daaqsimeedka,
dib u soo celinta maagii kala xadayn jiray dhul
daaqsimeedka iyo dhul beereedka, isla markaana dib loo
sameeyo seerayaashii daaqa iyo kuwo cusub.

Haddaba, waxaan farayaa Hay’adaha Dawlaladda ee qoraalkani khuseeyo in ay si wada jir ah uga hawlgalaan fulinta wareegtadan, una gutaan xilka ay xeerarka dalku sareen.

Dhinaca kale, waxaan ugu baaqayaa Bulsho weynta Somaliland inay hawshan ilaalinta deegaanka doorkooda ka qaataan, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee arrintan ku hawlan.


ALLAA MAHAD LEH
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment