Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo maanta saxaafadda kula hadlay Aqalka Baarlamaanka, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan hayaan warka idaacadaas, balse aanay ahayn wax sidaas u sii weyn oo dhegaysigeedu meelo badan gaadhay.Wasiir cukuse waxa uu sheegay in idaacaddaas oo magaceela la yidhaahdo Baadi-goob, ay ciidanku dabagal ku hayaan oo ay ku daba jiraan, “Idaacaddaas dhawr qof baan ka maqlay laakiin, maaha Idaacad weyn oo Muhiim ah oo meelo fara badan laga maqlay, waa Idaacad xaafado ka mid ah Hargeysa uun laga maqlay sida la ii sheegay.baadhisteeda iyo daba galkeeduna wuxuu u yaalaa Ciidamada Amaanka, waad Ogtihiin oo haddii Idaacad noocaas oo kale ah meelahan lala dhuun-dhuunto waxaa suuro gal ah in Cadawguna midn a dhuun-dhuunto, sidaas awgeed ayaanu uga digaynaa” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Idaacaddan ayaa muddo bil ah haatan ku jirtey Hawada ku jirtey, waxan xukuumaddu dedaal ugu jirtaa sidii ay u ogaan lahayd Goobta ay idacadaasi taallo, balse wali laguma guulaysan.
Idaacadan ayaa inta badan baahisa warar liddi ku ah xukuumadda Somaliland, waxana aan wali la aqoonsan cidda leh iyo waliba Goobta ay taalo, iyadoo raadinteeda lagu hawllan yahay sida uu wasiirka warfaafinta Somaliland maant ku dhawaaqay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment