Tuesday, September 8, 2015

Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga Oo Ka Hadlay Muranka Ka Dhashay Wareejinta Haamaha Shidaalke Ee U Dhaxeeya Xukuumada Iyo Golaha Wakiilada.

 

Hargeysa  Semtepmer 8,2015(Himilo)-Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa  ka hadlay muranka ka dhashay Qorshaha Xukuumadu ku wareejinayso Haamaha Shidaalka ee Golaha wakiiladu Laaleen.

 

 

Muranka xoogan ayaa ka dhashay go’aanka ay golaha wakiilada somalliland ku laaleen qorshe ay xukuumadu ku wareejinayso haamaha shidaalka Berbera.

 

 

Markii Golaha wakiilada Somaliland laaleen in xukuumadu cid gaara ku wareejiso haamaha shidaalka ayaa waxaa go’aankaasi golaha dib ugu soo celiyay madaxwaynaha Somaliland oo isagu sheegay inaanu aqbalin go’aankaas goluhu ku laaleen wareejinta haamaha shidaalka.

Geesta kale, Guddoomiyaha Golaha wakiilada ayaa isna dhinaciisa ka jawaabay warqada uu madaxwaynuhu dib ugu soo celiyay go’aanka ay goluhu ka  qaateen wareejinta haamaha shidaalka isagoo sheegay inaanu madaxwaynuhu lahayn awood uu ku diido go’aan gole.

 

 

Guddoomiye Ku Xigeenada Golaha wakiilada oo shalay saxaafada la hadlay ayaa guddomiyaha golaha wakiilada ku dhaliilay jawaabta uu madaxwaynaha ku celiyay gudoomiyahu iyadoon golaha la horkeenin warqada uu madaxwaynuhu  kusoo celiyay golaha wakiilada.

 

 

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo maanta saxaafada kula hadlay xarunta maxkamada Sare ayaa sheegay in khilaafka ka dhashay go’aanka golaha wakiilada Somaliland ka qaatay haamaha shidaalka ay khusayso xukuumada iyo golaha wakiilada, isla markaana aanay maxkamadu ka warhayn ee ay tahay khilaaf siyaasadeed iyo ismarinwaa wadashaqaynta ka dhaxaysa xukuumada iyo golaha wakiilada Somaliland.

 

 

 

“Maalmahan oo dhan waan la socday inay isku celcelinayeen labada haayadood ee sharci dajinta iyo fulintu khaasatan xeer dajintu waa laba Champer ee ta golaha wakiilada, anagu ma dalbano waxa lanoo keenayo waxaanu eegnaa waxaa noo yimaada, markaa war uma hayno sidaan fahansanahayna waxay isku celcelinayaan waa (Proceture-ka) ay u wada shaqeeyaan markaa kaasina iyaga ayuu khuseeyaa hadii xeer hoosaadyadooda loo noqdo oo dastuurka loo noqdo way xallinkaraan. Maxkamada waxba loogama baahna halkooda ayay ku xalinkaraan”Ayuu Yidhi Guddoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaji Cali.

 

 

Guddoomiyaha Oo Hadalkiisa siiwataana waxaa uu intaasi ku daray “Aniga siday iila muuqato laba arimood ayaa halkaasi ku hoosjira, midi waxa weeyaan waddashaqayntii labadan haayadood ee kala madaxbanaani ee xeer dajinta iyo  fulinta oo madaxwaynuhu hogaaminayo inay u waddashaqeeyaan, Mida kalena Siyaasad kama madhna, Garsoorkuna siyaasad kama shaqeeyo inkasta  oo arimaha qaranka ay  garsoorku u madaxbanaanyihiin oo maxkamada Dasruuriga iyo fasiraada ay intay iskood iskugu yimaadaan arimo qaran oo ay u arkaan inay xalinkaraan way qaban karaan ee ma sugaan inta wax loo keenayo.”

 

 

 

Guddoomiyaha maxkamada Sare ee Somaliland waxaa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay isku shaandhayn uu dhawaan ku sameeyay dhamaan laamaha garsoorka dalka.

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

“Waan kuugu celinayaa Dacwad aannu Ciidanka RRU-da ka gudbinnay ma jirto, haddaad haysana Saxaafadda u soo bandhig…” Cabdiraxmaan Cirro

 

 

“Haa, Xisbiga WADDANI way noo soo gudbiyeen Ciidanka RRU, laakiin waxaannu u ballan-qaadnay inaannu baadhitaan..” Miss Lizzie Lovett Sarkaal ka tirsan Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa

Hargeysa, 08 September, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar labaad beeniyey in Xisbigiisu Dacwad ka dhan ah Ciidammada Booliiska Somaliland qeybta RRU-da u gudbiyey dawladda Ingiriiska, isla markaana raaciyey haddii la hayo caddeynteeda in loo soo bandhigo Saxaafadda.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo shalay Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id oo uu iskaga difaacayey eedo ay labada Gudoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiilladu u soo jeediyeen, ayaa sidoo kale ka weecday inuu bayaamiyo sababta uu ugu dhaqmi waayey hadal uu dhowaan warbaahinta u sheegay.

Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo oo Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro weydiiyey inuu dhawaan ka sheegay Warbaahinta in Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo ugu soo celiyey Shir-guddoonka Wakiillada go’aankii soo-jeedinta laalista heshiiska Haamaha Shidaalka uu sheegay in jawaabteeda Goleweynaha Wakiillada u taallo, sidaa darteed inuu keligii Madaxweynaha u jawaabo isagoon Golaha iyo Ku-xigeennadiisa ka qaybgelin? Waxa uu ku jawaabay; “Horta, Xeerka iyo go’aanku waa kala laba, waxaan eegnay Dastuurka, lana tashannay La-taliyaha Sharciga, waxaan ku qanacnay inaanay meelna kaga oollin Dastuurka, oo aanu jidaynin in go’aan Gole dib Golaha loogu soo celiyo, aduu (Weriyaha) haddaad heyso intaad Dastuurka ka soo heshid Saxaafadda u sheeg.”

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo la weydiiyey Su’aal u dhignayd sidan:- Hore wareysi aad siisay Wargeyska Himilo waxaad ku beenisay in Xisbiga WADDANI Dacwad ka dhan ah Ciidanka RRU-da u gudbiyey Ingiriiska, balse waxa jiritaankeeda xaqiijiyey Safaaradda Ingiriiska mar wax laga weydiiyey, maxaad kaga jawaabi lahayd? Waxaanu yidhi; “Cidda aad wareysatay adigaa yaqaan, waan kuugu celinayaa Dacwad aannu gudbinnay ma jirto, haddaad haysana Saxaafadda u soo bandhig.”

Dhinaca kale, Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo oo wax ka weydiiyey Safaaradda Ingiriiska ee Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa oo qaabbilsan iskaashiga Ingiriiska iyo Somaliland wadaagaan ayey ku xaqiijisay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilllada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah taageerada ay siiyaan Ciidanka loo yaqaan RRU oo ka tirsan Booliiska.

Weriye Maxamuud Walaaleye oo Himilo ka tirsan, ayaa Miss Lizzie Lovett oo ah Sarkaalad u qaabbilsan Somaliland Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa wax ka weydiiyey 28-kii April sannadkan 2015, waxay su’aasha arrintaas ku saabsan ee uu weydiiyey kaga jawaabtay; “Haa, Xisbiga WADDANI way noo soo gudbiyeen Ciidanka RRU, laakiin waxaan u ballan-qaadnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan-Cirro in dacwad kastoo ka dhan ah Ciidanka RRU aannu baadhitaan ku samayn doonno, isla markaana heshiis adagi naga dhexeeyo Xukuumadda Somaliland inaan sifo khaldan loo adeegsan Ciidanka RRu-da.”

 Himilomedia

Hargeysa Office

Taliyaha Bileyska Somaliland Oo Digniin Culus U Diray Dirawaliinta Gaadiidleyda Dukhhaanka(VITZ).

 

Hargeysa (Himilo)-Talliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Ayaa Digniin Culus  u Diray Dirawalada Gaadiidka Loo Yaqaan Dukhaanka.

Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan Waxaa uu sheegay in gaadiidkaasi loo adeegsado qaadista mukhaadaraadka laguna dhexsameeyo falal xunxun.

Taliyuhu waxaa uu cadeeyay in gaadiidka dukhaanku ay noqdeen ka ugu shilka badan dalka islamarkaana bilihii u dambeeyay hablo badan lagula baxsaday.

Taliyaha oo arimahan ka hadlaya ayaa sheegay “ Waxaan halkan digniin uga dirayaa baabuurta yaryar ee Vitz(Dukhaanka) oo aanan dhamaantood odhanayn waywada xunyihiin laakiin badhkood, Gaadiiidka badanka waxaa wata dhalinyar, Khasaaraha ay gaystaan waxaa kamida sida ay u maraan wadooyinka o shilalkii ugu badnaa sanadka oo ay galeen, Gaadiidkani qaarkood waxaa lagu qaadaa mukhaadaraad oo falal  amni daro ah sababi kara, Hablo badana waa lagu afduubay”Ayuu yidhi Taliye Fadal.

Taliye Fadal oo dirawalada gaadiidka dukhaanta fariin u dirayaa waxaa uu yidhi “Waxaanu digniin u diraynaa dirawalada gaadiidkaasi oo aanu leenahay hadii falalkaasi la idin ku qabto waxaa la idin marin doonaa talaabo sharciga waafaqsan oo kuwo hore oo la qabtay la mariyay.Bacda loo yaqaan Beersooshana waxaanu leenahay mudo Shan iyo toban cisho ah halagaga furo gaadiidka”.

Ciidama Bileyska Somaliland ayaa habeenkii xalay baadhitaano xoogle ka samaynayay magaalada Hargeysa.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Dad Diinta Islaamka uga baxay inay Magangelyo ka helaan waddamada Yurub

 

Berlin, 08 September, 2015-(Himilo)- Muslimiinta u haajiraya Qaarada Yurub, ayaa la sheegay inay Safaf ugu jiraan sidii ay u noqon lahaayeen Kiristaan, si ay sare ugu qaaddo fursadahooda inay magangelyo Qaxoontinnimo uga helaan dalka Jarmalka oo ay illaa 20,000 (labaatan kun) oo Tahriibayaal ahi gaadheen labadii maalmood ee ugu dambeeyey.

Tallaabadan fool-xumada leh oo Boqollaal Muhaajiriin ka soo jeeda waddaada Afqaanistaan iyo Iran ugu beddeleen Diintoodii Kiristaan, ayaa intooda badan Xafladahoodu ka dhaceen Kiniisad ku taal magaalada Berlin.

In badan oo dadkaa ka mid ah, ayaa sheegay in ficilkooda ku yimi aamminsanaanta Kiristaanka, balse go’aamadan, ayaa la sheegayaa shaki la’aan inay u qaateen inuu sare u qaado fursadahooda ku guulaysashada magangelyo qaxoontinimo, maaddaama oo ay waajahi doonaan dil haddii dib loogu celiyo dalalkooda.

Xafladaha loogu qabto Kiniisadda, ayaa la sheegay in Baaddariga Gottfried Martens weydiiyo Qaxoontiga, ma ka baxaysaa Diintaada Islaamka? Oo dadkaasi deg-deg ugu jawaabayaan; ‘Haa!’. Nin magaciisa lagu soo gaabiyey Zonoobi oo samaynta Duraaxadaha kaga shaqeyn jiray dalka Iran iyo Xaaskiisa Afsaneh, oo markii ay Kiristaan noqotay magaceedii u beddeshay Katrina, ayaa sheegay inay nolol cusub u bilaabantay.

“Xilligan xor baan u nahay noloshayada,” ayey sheegtay Katrina. “Muhiimaddu waa inaan ku faraxsan nahay in Ubadkayagu mustaqbal wanaagsan heli doonaan, oo waxbarasho wanaagsana ka heli doonaan Jarmalka.” ayey hadalkeeda sii raacisay Katrina.

Inaad Kiristaan, tahay keliya kuuma sahlayso ku guulaysashada Qaxootinnimo ayey hore u sheegtay Raysal-wasaaraha Jarmalku  Angela Merkel, isla markaana raacisay, Jarmalku waa hoyga Islaamka.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Urur Ingiriis ah oo Magaca Cusbitaal ku yaal Somaliland qaadhaan kaga dalbaday Caalamka

 

London, 08 September, 2015 (Himilo)- Urur ka dhisan dalka Ingiriiska, ayaa ugu baaqay Bulshada Caalamka inay tabarucaad ka geystaan qorshe ay Mishiinka loo adeegsado Suuxinta xilliga qalliinka ugu iibinayaan Cusbitaalka Al-Xayaat oo ku yaalla Somaliland, oo dalalka Adduunka ugu faqiirsan ka mid ah.

Qoraal Ururka SAWW ku baahiyey Mareegtooda ayuu ku sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka ugu badan ee Hooyada iyo Carruurtu ku geeryoodaan xilliga dhalmada, maaddaama uu yahay dal aan aqoonsi haysan, inkastoo uu yahay dal xasilloon oo ammaan ah.

Cusbitaalka Al-Xayaat ee Somaliland, balse aan magaalada uu kaga yaal aanay qoraalkooda ku sheegin Ururkani, ayaa lagu sheegay qoraalkooda inuu leeyahay saddex Tiyaatar qalliinka lagu fuliyo, balse mid keliyi leeyahay Mishiinka dadka lagu suuxiyo ee caawiya qalliinka. Ururkan, ayaa sheegay in dhaqaalaha loogu yabooho ay ugu iibin doonaan Mishiinka dadka lagu suuxiyo oo wax badan ka tari doona in qalliinada dhibaato la’aan loogu fuliyo.

Geesta kale, Wargeyska Himilo, ayaa ka xaqiijiyey Maamulka Cusbitaalka Al-Xayaat oo ku yaalla magaalada Boorama inay la socdaan hawsha Ururka SAWW tabarucaadka ugaga dalbanayaan Caalamka. Gudoomiyaha Cusbitaalka Al-Xayaat Dr. Maxamed Xasan, oo xalay Wargeyska Himilo la xidhiidhay isagoo ku sugan magaalada Boorama, ayaa xaqiijiyey inay ka war-qabaan hawsha Ururka SAWW ugu  soo iibinayaan Mishiinka dadka lagu Suuxiyo.

Dr. Maxamed Xasan oo ka jawaabaya su’aasha Wargeyska Himilo ka weydiiyey hawsha Ururkaasi wado, waxa uu yidhi; “Maamulka Cusbitaalka Al-Xayaat oo hoos yimaadda Jaamacadda Camuud way la socdaan hawsha Ururka SAWW ugu soo iibinayo Mishiinka dadka lagu Suuxiyo, dhawaana Macluumaad ayaan ka sugaynaa xilliga ay keeni doonaan, marka uu yimaaddo ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonnaa.”

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Jawaabaha Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro ee Kulaylka laalista Heshiiska Haamaha oo sida Bamka ku dhex-qaray Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

“Saaxiibbaday waxaan leeyahay ha noqonnina kuwaa Geela la soo dhacay cidda soo dhacday u xalaalaynayey…” Cirro

“Sidii loo sugayay Guddoomiyuhu inuu Golaha soo dhexdhigo Warqadda Madaxweynuhu soo diray, wuxuu Guddoomiyuhu u qoray Warqad Madaxweynaha uu leeyahay go’aankii aad soo celisay dib baan kuugu soo celiyay, taasina waxay baal marsan tahay dawladnimada..” Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax

Hargeysa, 08 September, 2015-(Himilo)- Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa isku khilaafay qoraal uu Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) kaga jawaabay Warqad Madaxweynaha dalka Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dib ugu soo celiyey go’aan Golahaasi ku laalay Heshiiska wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Berbera, waxaanay labada Ku-xigeen ee Wakiilladu ku tilmaameen tallaabada uu Cirro qaaday mid sharci-darro ah oo nidaamka dawladnimada ka hor-imanaysa.

Guddoomiye Ku-xigeennada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Wakillada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Faarax Axmed, ayaa shir Jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa kaga hadlay arrintaas, waxaanay ku eedeeyeen Guddoomiye Cirro inaanu xaq u lahayn jawaabta uu Madaxweynaha ku celiyey ee aanay Gole ahaan iyo Shir-guddoon ahaan ku wada socon.

“Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu soo celiyo go’aanka Golaha Wakiillada, markuu soo celiyayna uma soo celin Guddoomiyaha ee wuxuu u soo celiyay Gole-weynaha. Guddoomiyaha markii Warqadda loo keenay, shir-guddoon ahaan nama tusin oo illaa hadda kama war hayno. Gole-weynihii loo soo qorayna kama hor akhriyin oo uma sheegin oo ma odhan Madaxweynuhu go’aankii buu innagu soo celiyay ee maxaynu ka yeelnaa? Markaa, haddii Goluhu isla qaato ha lagu celiyo Madaxweynaha iyo inaan lagu celin waxay u taallaa Gole-weynaha, Guddoomiyaha Baarlamaankana uma taal, Shir-guddoonkana uma taallo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax.

Waxaanu Baashe oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo uu yidhi; “Sidii loo sugayay Guddoomiyuhu inuu Golaha soo dhexdhigo Warqadda Madaxweynuhu soo diray, wuxuu Guddoomiyuhu u qoray Warqad Madaxweynaha uu leeyahay go’aankii aad soo celisay dib baan kuugu soo celiyay, taasina waxay baal marsan tahay dawladnimada iyo in qof waliba wuxuu doono sameeyo. Waad ogaydeen oo khilaaf hore ayaa ka dhacay Golaha, go’aammo Guurtida loo gudbiyay waa laga gar-naqay oo waxaa la go’aamiyay in wax kasta oo Golaha ka baxaya Shir-guddoonku isla ogaado, taasna wuu jabiyay Guddoomiyuhu.”

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golahaas Cali Yuusuf Axmed oo isaguna Shirkaas jaraa’id ee ay Baashe wada qabteen ka hadlay, ayaa sheegay inaanay jirin wuxuu ka ogyahay ama uga sheegay Qoraalka Madaxweynaha iyo jawaabta uu celiyey toona Guddoomiyuhu, taasina aanay wanaagsanayn, balse uu rejaynayo inay arrimahaas iska arkaan Guddoomiyaha oo xal iyo sharci lagu soo dabbaalo khilaafka huray.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isla shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa ku dooday inuu nidaam sharci ah u maray Jawaabta uu Madaxweynaha dib ugu celiyey. “Goluhu wuu garanayaaye waxaan jecelahay inaan Shacbiga u sheego, sida Xeer-hoosaadka Goluhu tilmaamayo Golaha waxa metela oo magaciisa ku hadla Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Goluhu laba wax buu sameeyaa mid waa shuruuc, midna waa go’aammo, markay shuruuc tahay Dastuurku wuu tilmaamay in Madaxweynuhu awood u leeyahay inuu soo celiyo, balse Dastuurku ma jidayn meel ay kaga taalna ma jirto inuu soo celiyo go’aan Gole.” Sidaa ayuu yidhi Cirro.

Waxaanu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro intaas ku daray; “Go’aanku wuxuu ahaa mid si aqlabiyad ah Goluhu isugu raacay, sidaas darteed aniga oo raacaya Dastuurka kuna hadlaya magaca Golaha iyo go’aanka Golaha waxaan Madaxweynaha u gudbiyay inaanu Dastuurku jidayn inuu soo celiyo go’aan Gole. Waxa kale oo aan u gudbiyay in Xukuumaddu deg-deg u soo gudbiso Xeer lagu maamulo Hantida Qaranka oo Dastuurku amray in la sameeyo si looga baxo muranka soo noqnoqda ee ku saabsan maamulka Hantida Qaranka.”

“Soomaalidu Berigii hore Geela ayay kala dhici jirtay, markaa marka Geela la soo qaado Nin Wadaad lagu sheego ayay u tegi jireen oo waxay odhan jireen Xoolahana wax ka qaado annagana noo Xalaalee Geela. Markaa, waxaan isleeyahay malaha Xukuumaddu waxay jeclaysatay Nin Kursigan aan ku fadhiyo ku fadhiista oo waxay doonaysana u xalaaleeya, ee Saaxiibaday waxaan leeyahay ha noqonnina kuwaa Geela la soo dhacay cidda soo dhacday u xalaalaynayey.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Aqlabiyadda Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Axaddii toddobaadkii hore laalay heshiiska ay Xukuumaddu ku wareejinayso Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo aan la hor-keenin Golahaas, ka dib markii Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka iyo daba-galka Musuqmaasuqa ee Golahaasi Warbixin ay ka soo diyaariyeen Haamaha ku soo dareen soojeedin ah in Goluhu halkiisa kaga hor-tago isagoo waajibkiisa gudanaya Heshiiska ay Xukuumaddu ku wareejinayso Haamaha Shidaalka, kuwaasoo iyaguna u codeeyey laalista Heshiiskaas.

Waxaa Madaxweynuhu ka dib laalista Heshiiskaas uu Shir-guddoonka Golahaas u soo gudbiyey Qoraal uu nuxurkiisu ahaa ka noqoshada laalistaas maaddaama oo Sharcigu Xukuumadda u oggolyahay maamulidda Hantida Qaranka. Qoraalkaas oo uu Guddoomiye Cirro Axaddii dorraad Madaxweynaha uga jawaabay, ayaa sal u ah khilaafkan Xubnaha Shir-guddoonka ka dhex-qarxay, kaasoo saamaynaya Golaha oo ay u kala hoggaamiyaan Mucaarad iyo Muxaafid.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Wasiir Biixi oo ka warramay arrimo kala duwan oo ay ka wadahadleen dawlada Itoobiya

 

Jigjiga, 08 September, 2015-(Himilo):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia kulan kula qaatay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Ethiopia iyo Madaxda dawlad-deegaanka Ethiopia.

Labada dhinac, ayaa ka wadahadlay arrimo door ah oo ku saabsan wada-shaqaynta labada Maamul iyo isu socodka Bulshooyinka Somaliland iyo Itoobiya, sida Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland u sheegay Laanta Afka Soomaaliga Idaacadda BBC-da oo uu shalay la hadlay.

“Shirkaasi wuxuu ahaa mid loogu gogol-xaadhayo walaaltinnimada iyo wanaaga labada dal u dhexeeya sidii loo ballaadhin lahaa, oo aanu waxyaabo badan oo xagga xuduudaha, xagga nabadda, xagga Bulshada, xagga wada-shaqaynta, xagga Tahriibta oo adigu dhinacyo badan taabanaya ayaannu kagaga wadahadalnay.”  Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha Sommaliland.

Weftigan Somaliland oo sidoo kale socdaalkoodu la xidhiidhay ammaanka, kulanna la yeeshay Saraakiil dhinaca nabadgelyada u qaabbilsan dawladda Itoobiya, ayaa Wasiir Biixi su’aal laga weydiiyey waxa ka soo cusbaanaaday dhinaca amniga, waxa uu kaga jawaabay; “Killalka Soomaalida Ethiopia waxaannu nahay jaar, markaa waxaannu ka wadahadlaynay sidii aannu ammaanka iskaga kaashan lahayn, sida Argaggixisada iyo sidii xog-doonka labada dhinac isu kaashan lahaa.”

Wasiir Biixi waxa uu sheegay inay ka wadahadleen dhinacyada Tahriibta oo uu sheegay in Tahriibeyaal badan oo Itoobiyaan ahi sii dhex-maraan Somaliland, halka kuwo Somaliland ka tegayna dhex-maraan Ethiopia, arrintaas Tahriibayaasha ayuu sheegay Wasiirku inay labada dal xoogga saari lahaayeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen xakamayntooda.

Sabtidii ayay ahayd markii dawladda Itoobiya Laanta Socdaalka Somaliland ee degmada Wajaale ku soo wareejisay 76 Qof oo Somaliland u dhashay oo Tahriibayaal ahaa, kuwaasoo ay Itoobiya ka soo qabatay xadka ay la wadaagto waddanka Suudaan, iyagoo muddo ku xidhnaa Xabsiyo kala duwan oo Ethiopia ku yaalla, mana aha markii ugu horreysay, hase-yeeshee, Somaliland ayaa marar badan oo hore Tahriibayaal reer Itoobiya ah ku wareejisay dawladdooda, halka ay Itoobiyana wakhtiyo kala duwan oo Sabtidii ugu dambaysay ku soo wareejisay Somaliland Tahriibayaal.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Golaha Guurtida Soamliland oo Baafinaya 15 Xildhibaan oo Magacyadooda la shaaciyey, digniin adagna loo jeediyey

 

Hargeysa, 08 September, 2015-(Himilo):- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa bilaabay Baafinta Xildhibaanno Golahaas ka tirsan oo ka soo xaadiri waayey fadhiyadii u dambeeyey ee Guurtida, kuwaasoo Liiska Magacyadooda la shaaciyey, waxaanay noqonaysaa markii ugu horreysay ee Guurtidu sidan oo kale u baafiso magacyada Mudanayaal ka maqnaaday fadhiyada Golahaas.

Fadhigii shalay ee Golaha Guurtidda oo wakhti loo xannibnaa Maqnaashaha Xildhibaannada qaarkood, ayaa keentay in uu fadhigu u furmi waayo Kooram la’aan ama uu gaadhi waayo tiradii uu ku furmi lahaa, ayaa Guddoomiyaha Golahaas Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigaas guddoominayey waxa uu digniin adag u jeediyay 15 Xildhibaan oo sabab la’aan kaga maqnaa fadhiga.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal digniin iyo canaan isugu jira u jeediyey Mudanayaasha ka soo xaadiri waayey fadhiga, waxa uu yidhi; “Maanta waynu ku qaylinaynaa oo ummaddaynu u sheegaynaa, in xilkii la gudan waayay.  Wixii ka dambeeyana wixii sharcigu yahay baynu marinaynaa.” Intaas ka dib, waxaa Warbaahinta loo akhriyey, isla markaana loo qaybiyey Liiska Magacyada Mudanayaasha Goluhu baafinayo, kuwaasoo Liiska Magacyadoodu u dhignaa sidan hoos ku qoran:-

  1. Xildhibaan Cabdiwahaab Sh. Cali Jawhar

  2. Xildhibaan Daahir Cali Jaamac

  3.   Xildhibaan Muuse Ciise Faarax

  4. Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

  5.    Xildhibaan Xasan Cumar Axmed

  6. Xildhibaan Cabdirashiid Sh. Cabdillaahi Aadan

  7.     Xildhibaan Cali Siciid Cali

  8. Xildhibaan Cabdirxmaan Qawdhan Maxamed

  9. Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed

  10. Xildhibaan Mamduux Cismaan Sh. Xasan

  11. Xildhibaan Maxamed Shire Faarax

  12. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan

  13. Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xuseen

  14. Xildhibaan Sh. Cumar Axmed Furre

  15. Xildhibaan Xasan Sh. Axmed Sh. Nuux.


Xildhibaanadan magacyadooda la shaaciyay ayaa waxa lagu adkeeyay in ay ka soo xaadiraan fadhiyada Golaha Guurtida haddii kale tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono. Fadhigan u furmi waayay kooram la’aanta ayaa waxa loo ballansanaa sii amba-qaadka doodda iyo falanqaynta qoddobka arrimaha Bulshadda, kaasoo ka mid ahaa ajandaha Golaha. Waa markii ugu horreysay ee sidan oo kale Golaha Guurtidu u baafiyo Xildhibaanno ka soo xaadiri waayey fadhi lagu ballansanaa.

Himilomedia

Hargeysa Office

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Sawirro Yaable oo muujiinaya siduu u dhacay dagaal culus oo ay AMISOM ku qaadday

 

Jannaale, 08 September, 2015-(Himilo):- Kooxda Al-shabaab, ayaa soo bandhigtay shalay Sawirro muujinaya weerar ay 01-dii bishan September ku qaadday Saldhig Ciidanka AMISOM ku leeyihiin deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ku dileen weerarkaas Askar Konton ka badan oo Ciidammada Midawga Afrika ah gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda.

Weerarka oo ahaa kii ugu xumaa ee ay Al-shabaab ku qaaddo Saldhigyada AMISOM ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose, marka laga reebo weerar ay hore ugu qaadday Saldhigga AMISOM ee Leego oo ay ku dileen in ka badan 60 Askari oo Ciidanka AMISOM ka tirsan, ayey Al-Shabaab sheetay inay ku dishay Askar Konton ka badan oo kuwa Uganda ah. Hase-yeeshee, Saraakiisha Taliska Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan iyo kuwa Uganda, ayaa labaduba ku dooday in 12 Askari oo keliyi kaga dhinteen dagaalkaas.

Kooxda Al-shabaab ayaa Sawirradan kusoo bandhigtay Shabakadohooda Wararka ee ay ku leeyihiin Bogga Internet-ka shalay, waxaanay sheegtay in Saldhigga ay ka qaateen Saanado Millateri oo isugu jira Hub iyo qalab kale oo ay AMISOM lahaayeen. Inkastoo Taliska guud ee AMISOM uu beeniyay in saanado Millateri ay Al-Shabaab kaga qabsatay dagaalkaas Jannaale ka dhacay 1-dii bishan September sannadkan 2015-ka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale xustay in weerarkaas uu ahaa mid ay ugu Aar-gudayeen Dad Shacab ah oo ku sugnaa Xaflad Aroos oo ay Ciidammada Uganda ee ka tirsan Midawga Afirka ee AMISOM 31-kii July ee sannadkan 2015-ka ku dileen Guri ku yaalla Xaafadda Ruusiya oo ka tirsan magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Millateriga dalka Uganda, ayaa sheegtay in weerarkaas lagaga dilay 12 Askari ka tirsan Ciidammadooda AMISOM ee dalka Soomaaliya ka hawlgala, sidoo kalena lagaga dhaawacay 12 Askari oo kale, waxaana Meydadka Askarta ku dhintay weerarkaas iyo kuwa ku dhaawacmayba Diyaarad loogu qaaday magaalada Kampala ee Caasimadda waddanka Uganda oo aas iyo dawayn loogu sameeyey.

Weerarkan ayaa Ciidanka AMISOM ku qasbay inay iskaga baxaan Saldhigyo ay kaga sugnaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Al-Shabaab ay ku hanjabtay mar kale inay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah AMISOM.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Hissène Habré oo noqday Madaxweynihii u horreeyey ee Afrika lagu Maxkamadaynayo iyo Is-Makeekigiisa

 

Dakar, 08 September, 2015-(Himilo):- Waxa shalay dib uga furmay Maxkamad ku taalla Caasimada Dakar ee dalka Senegal, dhegaysiga dacwad loo haysto Madaxweynihii hore ee waddanka Chad Hissène Habré, kaasoo ku eedaysan ama loo haysto inuu gelay dembiyo isugu jira kuwo dagaal, kuwa ka dhan ah Aadamannimada iyo weliba Jidh-dil.

Dhegeysiga Dacwadan taariikhiga ah ee ay qaadayso Maxkamadda aan caadiga aheyn ee Afrika, ayaa soo bilaabantay 20-ka bishii July ee sannadkan. Maalintii koowaad ee dacwadda ayaa Mr Habré, waxa Maxkamadda looga saaray qeylo darteed, maalintii labaadna Qareennada metelayey, ayaa diiday inay ka soo xaadiraan Maxkamadda.

Haddaba, Maxkamadda ayaa ugu dambeyntii hakisay dhegeysiga Dacwadda, waxaanay magacowday saddex Qareen oo cusub oo meteli doona Madaxweynihii hore ee waddanka Chad Hissène Habré, kuwaasoo la siiyay 45 maalmood si ay u darsaan kiiska loo haysto Mr. Habre’e.

45 cisho ka dib, ayaa saddexdan Qareen ee cusub ee ay Maxkamaddu magacowday, waxa ay waqti u heleen in ay darsaan kiiskaas, hase-yeeshee Ninka ay metelayaan ayaan isagu weli aqoonsanayn Qareennada Maxkamaddu u magacawday inay metelaan, waxaanu diiday in uu la hadlo Qareennadaas.

Arrintu haatan waxa ay u taallaa in uu wax ka yidhaahdo Madaxa Maxkamaddu Gberdao Gustave Kam, oo ah Xaakim u dhashay dalka Burkina Faso, kaasoo go’aansan doona in Dacwadda ay sii socon doonto iyadoo Hissene Habre aanu wax Qareen ah haysan iyo in kale.

Tan iyo bilawgii Dacwadda Madaxweynihii hore ee dalka Chad Mr. Hissène Habré, oo haatan 72 jir ah, ayaa waxa uu diiddanaa sharciyadda Maxkamaddan Afrika, taasoo ah mid gaar ah oo uu Midowga Afrika sameeyay sannadkii 2013-kii si loogu Maxkamadeeyo dalka Senegal. Madaxweynihii hore ee dalka Chad, ayaa marwalba diiddanaa inuu ka jawaabo su’aalaha Xaakimka.

Reed Brody oo ka tirsan Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, ayaa rumeysan in diidmada Habré ee ku aaddan la shaqeynta Maxkamadda uu ku doonayo in uu kaga faa’iidaysto dhaqaalaha yar ee loogu talagalay Maxkamadda, kaasoo dhan 9.5 Milyan oo Lacagta Doollarka Maraykanka ah.

“Dib-u-dhigga dhageysiga Dacwadda muddo 45 cisho ah xilli markii horeba loogu talagalay in Dacwaddu ay ku soo gebagaboowdo 90 cisho, ayaa waxa uu kala badh kor u qaadayaa Miisaaniyaddii loogu talagalay.” Sidaa waxa sheegay ama yidhi Reed Brody.

Ka dib 25 sano oo ay dadka dhibannayaasha ah ee Reer Chaad ee u ololeynayaan in Mr Habre caddaaladda la horkeeno oo ay xasuuq iyo tacaddiyo kala duwan ka tirsanayaan, ayaa intooda badan waxa ay rejaynayaan in Maxkamaddan gaarka ahi ay soo afjari doonto tobannaan sano oo uu haystay Xasaanadda Madaxtinnimo.

Waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Afrikaan ah lagu Maxkamadeynayo dal Afrikaan ah, isagoo loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin Jidh-dil, kuwo dagaal iyo kuwo ka dhan ah Bina-aadaminnimada. Iyadoo Guddi Xaqiiqo-raadin ah oo Chad laga sameeyay, ay heleen caddeyn muujinaysa ku dhawaad 4,000 oo kiisas dil ah, iyagoo qiyaasay in tiradaasi ay 10 jibbaar kor u kici karto.

Dacwad-oogaha, ayaa isku dayi doona in uu ku qanciyo Maxkamaddan gaarka ah in Mr Hissène Habré uu sakhsi ahaan ku amray dilka iyo waxyeellaynta kumannaan qof oo Siyaasad ahaan iyo Qowmiyad ahaan-ba ka soo horjeeday Maamulkiisa markii uu Madaweynaha ka ahaa waddanka Chad.

Himilomedia

Hargeysa Office

Somaliland Maxay ka tidhi Heshiiska Sahaminta Badda ee ay Soomaaliya la gashay Shirkadda Spectrum ASA?

 

Hargeysa, 08 September, 2015-(Himilo)- Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa ka hadashay Heshiis ay dawladda Federaalka Soomaaliya la gashay Sabtidii toddobaadkan Shirkadda Spectrume ASA oo la xidhiidha Sahamin iyo baadhis Shidaal oo Badda ah, kaasoo ay sheegtay inaanu Somaliland wax saamayn ah ku yeelan doonin, isla markaana dhul-badeedka iyo dhul-berriga Somaliland sahamintaasi soo gaadhaynin.

Afhayeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Maxamuud Askar, ayaa War-Saxaafadeed Qoraal ah oo uu xalay soo saaray, ku sheegay inaanu saamayn ku yeelan doonin baadhitaanka Shidaal ee ay Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta Soomaaliya la gashay Shirkadda ASA. Qoraalka War-Saxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:-

“Wararka sheegaya in heshiiska ay Soomaaliya la gashay Shirkadda SPECTRUM ASA uu yahay mid Somaliland soo galinaya Sahamintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn. Meelna kagama jirto heshiiskaas in Sahamin Shidaal laga sameeyo meelo ka mid ah Xuduudda Dhuleed iyo ta Badeed ee Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku timid Codka Shacabkeeda oo 97% ugu codeeyay Dastuurka Somaliland iyo Madax-bannaanida dalkeeda. Xukuumadda Somaliland iyada ayaa ku filan, awood aan la tarraxinna u leh, bixinta Liisammada la xidhiidha Shidaalka iyo Macaadiinta Bad iyo Berri-ba inta Xuduudaheedu ku siman yihiin.

Heshiisyada ay dawladda Muqdisho la gasho Shirkadaha Ajaanibka ahi ma aha wax u yaalla Jamhuuriyadda Somaliland, mana jirto cid awood u leh inay liisan la’aan ku soo gasho Xuduudda Dhuleed iyo ta Badeed ee Somaliland. Waxa-se wax lala yaabo ah in qaar ka mid ah Saxaafadda Maxalliga ahi marka ay arkaan War khuseeya Soomaaliya ay iska jeclaystaan inay ku ladhaan meesha ugu dhaw ee ay isku shaqo noqonayaan ama Wasaaradda ay isku magaca yihiin.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Somaliland waxay si feejignaan leh uga war-haysaa xuduudda Dhuleed iyo ta Badeed ee dalkeeda, taasoo ilaalinteedu tahay waajib Qaran oo aan marnaba laga leexan karin.  Allaa mahad leh.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland.

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Shahaadooyin guddoonsiiyey 414 Arday oo ah Dufcaddii 7-aad ee Jaamacadda ADMAS qaybteeda Hargeysa ka qalin-jebisa

Hargeysa, September 7, 2015-(Himilo)- Dufcaddii toddobaad ee ka qalin-jebisa Jaamacadda ADMAS qaybteeda Hargeysa, ayaa shalay Shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey Munaasibad loogu qabtay Hargeysa, waxaana Xafladdaas ka qaybgalay Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday dawladaha Itoobiya iyo Somaliland.

[gallery columns="4" ids="23570,23568,23565,23564"]

Ardaydan tiradoodu dhan tahay 414 Arday, ayaa ka qalinjabiyey ama bartay culuumta toddoba Kulliyadood oo ay Jaamacadda Admas bixiso, kuwaasoo ay ka mid yihiin Accounting-ka, ICT, Management, Development Studies, Economics, Achitecher-ka, Product Planning, Banking and Finance iyo Kulliyado kale oo isugu jira Shahaadada Koowaad iyo Labaad (degree and postgraduate).

Munaasibadda Ardaydan loo sameeyey oo si heersare ah loo soo agaasimay oo ay aad ula dhaceen marti-sharaftii iyo Masuuliyiintii ka soo qaygalay, ayaa lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Xubno Wasiirro ah, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisiga Kulmiye, Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga WADDANI, Maayerka Caasimadda Hargeysa, Taliyaha Booliska Somaliland, Wakiilka dawladda Ethiopia u fadhiya Somaliland, Masuuliyiinta Jaamacadda Admas ee Hargeysa iyo Addis Ababa.

Waxa Munaasibaddaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Admas qaybteeda Hargeysa Ixsaan Cumar Ismaaciil oo sheegay in ay Jaamacada ka qalin-jabinayaan dufcaddii toddobaad oo tiradoodu ay dhan tahay 414 Arday, waxaanu yidhi; “Waxa maanta (shalay) farxad weyn ii ah in aan ku dhawaaqo in Arday tiradoodu dhan tahay 414 Arday ay ka qalinjabinayaan dufcaddii 7-aad ee Jaamacadda Admas, waxaanay Ardaydaasi ka qalin-jebinayaan qaybaha kala duwan ee ay ka midka yihiin Accounting-ka, ICT-ga, Management, Development Studies, Economics, Achitecher, Product Planning,  Banking and Finance. Waxaan halkan aad ugu hambalyeynayaa dhamaan ardaydan dedaalka ay joogteeyeen, gaar ahaana kuwa hadda dhamaystay shahaadada labaad (second degree.”

Guddoomiyaha Jaamacadda Admas, ayaa sidoo kale waxa uu ammaan u soo jeediyey Macallimiinta iyo Proffesorada Jaamacaddaasi wax ka dhiga oo iyagu dedaal badan muujiyey sidii ay u soo saari lahaayeen Arday aqoon iyo karti leh.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha guud ee Jaamacadda Admas qayteeda Addis Ababa Dr. Mulla Zagaie, kaasoo u hambalyeeyey Ardaydii ka qalinjabisay Jaamacadda Admas ee Hargeysa, waxaanu sheegay in ardaydan qalin-jabinaysaa ay yihiin kuwo nasiib leh sababtoo ah buu yidhi waxaa dufcadii labaad ee la kulanka ama la kawsata in dawladda Ethiopia ay Jaamacada Admas ee Hargeysa u aqoonsatay jaamacad buuxda (full university), sidaa darteeda aad noqotaan wax soo saarkii jaamacada Admas.

Intaa ka dib waxa khudbadihii lagu wareejiyey Masuuliyiinta Qaranka Somaliland oo uu horkacayey Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu yidhi; “Bishan sagaalaad waxa ay innoo tahay bil farxadeed, waa bil ubaxeennii uu qalin-jebinayo oo uu ka qalin-jebinayo dhammaan Jaamacadaha Somaliland, waxaanan odhan karaa bisha September waxay innoo tahay bishii farxadda iyo ubaxa soo koraya ee ku soo biiraya jiilka aqoonyahanka Somaliland ayaynu ugu magac-dari karnaa.”

“Marka labaad waxaan u mahadcelinayaa jaamacada Admas madaxdeeda ee hawsha baaxadda intaa leeg soo gelisay sidii ay Ardaydan halkaasi u soo gaadhsiin lahaayeen, waxa kale oo aan hambalyeynayaa waalidiinta ku soo tabacday Ardayda halkan loogu dabbaal-degayo, nin waliba maalin buu leeyahay waa maalintoodii Wiil iyo Gabadh-ba waxa aan leeyahay hambalyo waa maalintiiniiye. Waxa innoo farxad ah in innaga iyo dawladda aynu Jaarka nahay ee Ethiopia aynu iska kaashanno dhinacyada horumarka ee xagga Amniga, dhaqaalaha iyo waxbarashada ay innoo tahay wax maanta dhammaanteen farxad ah, dawladda Ethiopia waxaanu Somaliland ahaan ugu hambalyeynaynaa in ay noo soo guuriso horumarka waxbarashadu ka kow tahay, waxbarashadu waa waxyaaaha bulshada beddela, meel wax lagu bartay waxa ku yaraanaya qalalaasaha, inanku marka uu wax barto waxa uu yeelanayaa maskax furan oo ballaadhan, nin aqoonyahan ah ayuu noqonayaa, waxa ku yaraanaya in bulshada uu ku dhex noolyahay  uu dhibaato u geysto.” Sidaa ayuu yidhi Md. Saylici.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna Xafladdaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa Jaamacaddan Admas dadkii Abaabulay ee hadda wada, waxaan halkan ka hambalyeynayaa Ardayda 414-ka ah ee Illaahay subxaanahuu watacaalaa ku guulaysiiyey inay qaataan shahaadadii Jaamacadda, waxa kale oo aan hambalyeynayaa Waalidiinta siiba Hooyooyinka Somaliland oo maanta doorkii Aabbaha iyo kii Hooyadaba qaatay, waxaannu leenahay hambalyo.”

Waxa kale oo iyaguna halkaasi hadalo qiiro leh oo hambalyo, guubaabo iyo dhiirigalin isugu jiray Ardayda u jeediyey Faadumo Siciid oo ka socotay xisbiga Waddani iyo Guddoomiye ku xigeenka  1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

Sidoo kale, Wakiilka dawladda Ethiopia u fadhiya magaalada Hargeysa ee Caasimadda SomalilandGeneral Berha Tesfaye, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu ku dheeraaday xidhiidhka saaxiibtinnimo ee Somaliland iyo Ethiopia ay wadaagaan, isla markaana waxa uu sheegay inay labada dal iska kaashadaan dhinacyada Ammaanka, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimo kale oo tiro badan, siina wadi doonaan, waxaanu hambalyeeyey Jaamacadda ADMAS iyo Ardayda ka qalin-jebiyey shalay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Sunday, September 6, 2015

Adigoo haysta Qarannimo, ha ku doorsan Qolonnimo!!

Aasaaska iyo jiritaanka ummadnimo waxa saldhig u ah dareen-wadareed-shacab oo qoto dheer oo bulshada ku abuuran, kaasoo ay guud ahaanba ka siman-yihiin rag iyo haweenba.  Dareen-wadareedka ummadnimo waa ka muwaadin walba ku baraarujiya ee ku boorriya in mudnaanta iyo muhiimada koowaadba la siiyo halka ay ku jirto danta iyo maslaxadda Dalka, Dadka iyo Qarannimadu.

Waqtigan xaadirka ah waxa si cad u muuqda in Qabyaaladda iyo reer-hebelnimadu ay noqdeen Min-qiyaaska iyo Halbeegga keliya ee jiheeya qaab-nololeedka ummaddeena. Gaar ahaan marka la eego xagga fikirka siyaasiga ah, qaybo badan oo ka mid ah bulshada Jam. Somaliland Qabyaaladda ayaa haatan noqotay barta keliya ee ay ka shidaal qaataan ama ay ka soo dheegtaan aragtidooda siyaasiga ah.

Haddaba su’aalaha u baahan inaynu is-weydiino waxa weeyi:

Maxaa bulshadeena ugu wacan in Danta shaqsiga iyo Dareenka Qabiilku ay ka xoog bataan Dareen-Wadareedka Ummadnimo?

Maxaa bulshadeena ugu wacan inay mar walba isku mashquuliyaan oo ay tacab iyo tamar badanba ku bixiyaan taageerada dan gaar ah oo uu qof leeyahay, halkii ay ka shaqayn lahaayeen wixii bulshda oo dhan u dan ah?

Aniga aragtidayda, ku dhaqanka qabyaaladda, qof-jeclaysiga iyo qof-necbaysiga ay bulshadeenu caadaysatay ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee ay Danta iyo Dareenka Qabiilku uga xoog bateen Danta guud ee Qaranka iyo inay bulshadu yeelato Dareen-Wadareed Ummadnimo oo ay ka midaysan yihiin. Reer-hebelnimada iyo ku dhaqanka maan-dooriyaha Qabyaaladda ayaa bulshadeena ka indho-tiray mudnaanta, ahmiyadda iyo awoodda uu leeyahay dareenka wadajirka bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimadu!! Waxaanad moodaa in xattaa Caqiidatul-Islaamkiiba ay Qabiilka iyo reernimadu inagala culus yihiin.

Haddaba, haddii ay hanka, hiigsiga iyo himilada ummaddu hoos u dhacaan, waxa luma dareen-wadareedka bulshada, waxaana hiil hela oo kobca Qabyaaladda, Hunguriga iyo Dareenka dan-shaqsi ka fikirka. Waxa baaba’a oo libdha aasaaskii iyo jiritaanka ummadnimo iyo  dareenkii bulshada oo dhan midayn lahaa, rag iyo haweenba. Halkii laga fikiri lahaa danta guud ee bulshada nolol-waddaagta ah iyo danta iyo maslaxadaha Qaranka, waxa mudnaanta iyo muhiimadda koowaadba la siiyaa sidii uu qof wax u noqon lahaa ama uu qabiil wax u heli lahaa. Waxa timaadda xaalad ay ummaddaasi isku guubaabin waayaan wanaagga, samaha, horumarka, runta iyo caddaaladda. Waxa timaadda xaalad ay ummaddaasi ka garaabi waydo xaqa iyo wixii gar ah. Waxa timaadda xaalad ummaddaasi ay ka dhiidhiyi waayaan xumaanta iyo xaq-darrada maalin-laha ah. Dabadeed waxa dhacda in Qofkii Qummanaa ee runta ku hadlayey uu bulshada dhexdeeda ku sifoobo Qaldane; qofkii Qaldanaa iyo Af-miishaarkiina  ay bulshadu u aqoonsato Qummane. Arrimahan oo dhammi waxay halis iyo hagar-daamoba ku yihiin min-qiyaaska horumarka bulshada iyo adkaynta wadajirka iyo midnimada ummadda.

Hadaf iyo himilo kasta oo ay ummaddi leedahay waxa lagaga rumayn karaa waa Midnimada iyo Wadajirka Bulshada. Taasi ayey danta guud ee bulshada iyo maslaxadaha Qarankuba ku jiraan kuna tamarin karaan. Midnimadu waa sida keliya ee lagu difaaco karaamada, jiritaanka iyo xaqa ay ummaddi u leedahay inay noqdaan Qaran jira oo madax-bannaan oo laga tix-geliyo bulshada caalamka. Midnimadu waa xoog iyo awood adag oo aanu cadow kasta loodin karin. Haddii ay bulshada Jam. Somaliland mideeyaan maankooda, maskaxdooda, muruqooda iyo dareenkooda ummadnimo, waxa hubaal ah inay ka midho-dhalin karaan hadaf iyo himilo kasta oo ay leeyihiin. Ummadda Jam. Somaliland haddii ay iyagu is-aqoonsan yihiin oo ay ku qanacsan yihiin kuna kalsoon yihiin ummadnimadooda, aqoonsi la’aanta bulshada caalamku waxba kalama maqna!!

Guntii iyo gebagabadii, sida ay Guryaha, Iskuullada, Dhakhtarrada, Dariiqyada iyo Adeegyada kale ee Bulshadu dib-u-dhis iyo dayac-tir ugu baahan yihiin, ayey Dareenka, Garaadka iyo Fikirka dadkuna dib-u-dhis ugu baahan yihiin. Waxa lagama maarmaan ah in barraarujinta bulshadeenna si fiican loogu hawl-galo oo ummadda la wacyi geliyo laguna beero dareenka waddaninimada, ka midnimada iyo masuuliyadda qof walba ka saaran daryeelka danaha Qaranka. Haddii aynu doonayno inaynu ka rumayno himilada iyo hadafka Qarannimo ee aynu leenahay, waxa waajib iyo lagama maar-maanba ku ah ummadda JSL in dedaal dheer oo midaysan loo galo sidii loo kobcin lahaa ee kor loogu qaadi lahaa Garaadka iyo Dareenka Waddaninimo iyo Ahaanshaha Ummadnimo ee bulshada JSL, gudaha iyo dibeddaba.

Sidaa darteed Muwaadin:  “Adigoo haysta QARANNIMO, ha ku doorsan QOLONNIMO!!”

 

Ha Noolaato Midnimada iyo Qarannimada Jam. Somaliland

Ha dhacdo Qabyaaladdu!!

Ha dhammaato Qolo-Qolonimadu!!

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba Leh,

 

W/Q: | Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| Hargeysa, Jam. Somaliland |

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

Hambalyo Meher Farxad leh: Mustafe Maxamed Nuur (Dheereeye) iyo Istaahil Daahir Nuur

Gacal iyo Sokeeya-ba Guurkiinna lagu farax, Guurkiinnu Guur Khayr, Gurigiinna Guri Negi Guulloow ka yeel

[gallery columns="2" ids="23541,23542"]

Guddoomiyaha Warbaahinta Himilo Media Group Madar Cabdi Axmed, Tifatiraha Wargeyska Himilo  Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Maxamuud Cali Maxamed (Walaaleeye), Caydaruus Sh Cumar Geedi, Jawhar Cabdillaahi Xuseen, Cismaan Axmed Cismaan, Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf, Maxamuud Cabdilaahi Xasan (Qodax), Muna Cabdi Cali, Barre Axmed Cabdillaahi, Mawliid Aadan Cumar, Siciid Food Muxumed Dhammaan Suxufiyiintaa iyo Asxaabtaas kala duwani waxay Hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaan:-

Mustafe Maxamed Nuur (Dheereeye)

Iyo

Istaahil Daahir Nuur

Oo Mehrkoodu ku qabsoomay magaalada Hargeysa, gaar ahaan Crown Hotel Sabi O5 September, 2015, waxaanay leeyihiin noqda kuwii Aqal-galkooda ku gaadha Nabad-qab, Farxad, Bash-bash iyo Barwaaqo, isku raaga ee Ubad khayr qabana Illaahay kala siiyo. Aammiin………Aammiin…….Aammiin…Allaah ha aqbalo.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

Jewiga Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada, Baaqashadii Warqadda Madaxweynaha iyo Xildhibaannada Mucaaradka & Muxaafidka ee isku-muruxsaday

“Nimanka Lacagta la yaacaya waxaan leeyahay Hantidiinna haka dhigina Geel Bacaad lagu lisay…Haddii gacan la siiyo Shirkado Macmal ah oo Gacan-ku-rimis ah, waxaynu arki doonnaa Foostada Shidaalka ah oo Cirka isku shareertay...” Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog

“Madaxweynuhu awood ayuu u leeyahay inuu soo celin karo go’aammada ay gaadhaan Golaha Wakiilladu, markaa Golaha Wakiillada waxaa laga doonayaa in saddex meeloodoow laba meelood uu ku meel-mariyo..” Xildhibaan Kijaandhe

Hargeysa, 06 September, 2015-(Himilo)- Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland oo la filayey in la hor-keeno Warqad Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey go’aan Axaddii toddobaadkii hore Goluhu ku lalaalay Heshiiska wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera oo ay Xukuumaddu la gashay Shirkado gaar loo leeyahay oo waddani ah.

Golaha-WakiilladaXildhibaannada Muxaafidka ah ayaa bilaabay subaxnimadii hore ee shalay in Golaha la hor-keeno qoraalka Madaxweynaha Somaliland dib ugu soo celiyey go’aankii ay ku laaleen Gole ahaan Heshiiska Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, hase-yeeshee, ma suuragelin in Qoraalkaas Shir-guddoonku u soo gudbiyo ama Gole-weynaha soo hordhigo.

Filashada Qoraalka Madaxweynaha ee la dhawrayey Maanta, ayaa la ogaaday inaan la soo hor-dhigayn Fadhigaas shalay, ka dib Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo fadhiga guddoominayey Mudanayaasha ku war-geliyey in qodobka u yaalla Gole ahaan ee ay guda-galayaan yahay doodda wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada dhawaan lagu sameeyey, kaasoo Xildhibaannada loo qaybiyey, ka dibna uu ka dalbaday Guddoomiyuhu in Xildhibaannada ka doodayaa is-qoraan, si Axadda Maanta ay u bilaabanto doodda Xeer-hoosaadku.

Geesta kale, Xildhibaan Axmed Maxamed Kijaandhe oo ka mid ah Mudanayaasha Muxaafidka ee Wakiillada iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan-Xoog) oo isaguna ka mid ah Xildhibaannada Mucaaradka ah ee Golahaas, ayaa Warbaahinta la hadlay, isla markaana midkoodna difaacay Qoraalka Madaxweynuhu soo gaadhsiiyey Golaha, midkoodna ku tilmaamay go’aanka ay Gole ahaan Heshiiska Haamaha ku laaleen yahay sharci aan laga laaban doonin.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog), ayaa Mudanayaasha Muxaafidka ee Golahaas iyo Xukuumadda ku eedeeyey Lacago ay ku ololaynayaan oo ay doonayaan in lagaga noqdo heshiiska la laalay. ayaa sheegay in xildhibaanada golaha wakiiladu ay maalmihii ugu danbeeyay ka fadhiyi waayeen shaqsiyaad lacag la wareegaya oo uu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan xukuumadda iyo shirkadaha kiraysanaaya haamaha shidaalka.

“Xamxamta suuqa ayuu maanta la kacsan yahay Golahayagii, wax-baa laysla dhex-marayaa, maalintii dhawayd waxaan idhi; ‘waxaannu kala ordaynay inay Xukuumadda iyo Shirkaduhu na soo faro-geliyaan oo ay dhaameel daadiyaan, waxa hadda la ii sheegayaa in dhaameelkii bilaabmay oo Xildhibaannadii Gurahooda iyo Golayaashoodii loogu tagay oo ay Xildhibaannadii ka fadhiyi la’yihiin dad lacag qaybinaaya.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog.

Mudane, Xoog oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaannu idiin sheegaynaa mahayno Xeer iyo Heshiis aad Lacag ku bixisaan, annagu waxaannu nahay dhegihii iyo indhahii ummadda oo ummadda ayaa nagu aammintay masiirkooda, haddaannu aragno heshiis qol madoow lagu galay bartiisa ayaannu ku baabbi’inaynaa, waana go’aan Gole sidaasi, go’aankaas cid soo celin kartaa ma jirto, waana sida uu nooga baxay.”

Waxa uu Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog ka digay Dhaameelka uu sheegay in Xildhibaannada lagaga ololaynayo sidii heshiiskaas wareejinta Haamaha Shidaalka ee Berbera loo soo celin lahaa, isla markaana loo meel-marin lahaa inay ku mashquulaan Shirkadaha iyo Xukuumaddu, waxaanu yidhi; “Nimanka Lacagta la yaacayana waxaannu leenahay Walaallayaal hantidiinna ha ka dhigina Geel Bacaad lagu lisay oo daal ha korodhsannina. Haddii gacan la siiyo Shirkado Macmal ah oo Gacan-ku-rimis ah, waxaynu arki doonnaa Foostada Shidaalka ah oo Cirka isku shareertay.”

Hase-yeeshee, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa isagu taageeray soo celinta Madaxweynaha ee go’aanka Goluhu ku laalay heshiiskaas, kaasoo uu ku dooday inuu yahay mid uu xaq u leeyahay oo uu sharcigu siinayo Madaxweynaha, waxaanu yidhi; “Madaxweynuhu awood ayuu u leeyahay inuu soo celin karo go’aammada ay gaadhaan Golaha Wakiilladu, markaa Golaha Wakiillada waxaa laga doonayaa in saddex meeloodoow laba meelood uu ku meel-mariyo go’aammadda uu soo celiyo Madaxweynuhu. Guddoomiye Cirro-na wuu iska hadlayaa ee Dastuurka way ku caddahay inuu Madaxweynuhu dib u soo celin karo go’aammada Aqalka Wakiillada.”

Xildhibaan Kijaandhe waxa uu xusay in aanay jirin cid gaar ah oo loo xidhayo Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Berbera, waxaanu yidhi; “Wasaaradda Ganacsigu waxay innoo sheegtay in cid kastaa Shidaalka ku soo shuban karto, berigii Total ayay Kooto ahayd, laakiin immika waxa la sheegay in cid kastaa ku soo shuban karto Shiidaalka oo aan laga celin karin cidna. Sidii berigii Markabkii ilma Faarax Xarbi aan la celin doonin.”

“Waxaan u arkaa in la kootarabaaniyay go’aankii lagu laalay in shirkado gaar ah lagu wareejiyo Haamaha Kaydka Shiidaalka ee magaalada Berbera, maalin qudha ayaa loo codeeyay, waxaanay ahayd in la- Taliyaha sharciga ee Golaha Wakiillada loo gudbiyo oo la soo eego mooshinku sharciga ma waafaqsan yahay? Markaa waa la dedejiyey go’aankaas, eeddana Guddoomiyaha Golaha ayaa leh.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.

Sida uu ballan-qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro markii uu furay fadhigii shalay ee Golahaas, waxa ay Mudanayaasha Fadhiga Axadda Maanta guda-geli doonaan doodda Xeer-hoosaadka Golahaas oo la filayo inay maalmo ka socoto Golaha. Hase-yeeshee, wararka qaar ayaa tibaaxaya in fadhiga Maanta la hor-keeni doono Warqadda Madaxweynaha, inkasta oo aanu Guddoomiyuhu sii sheegin ee uu sii sheegay in fadhiga Axadda lagu guda-geli doono bilawga maalinta koowaad ee Xeer-hoosaadka Wakiillada oo dhawaan Guddiga Joogtada ah ee Golahaas oo wax-ka-beddel iyo kaabis ku soo sameeyey u soo gudbiyeen Gole-weynaha.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

Goorma ayey timi Kelmadda Soomaali-weyn, yaa keenay, maxaa loola jeeday, halkay-se ay ku dambaysay?

Hargeysa, 06 September, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sharraxay sida ay ku timi, cidda keentay iyo xilligii ugu horreysay ee la maqlay Kelmadda ah; ‘Soomaali-weyn', taasoo uu sheegay inay timi sannadkii 1945-kii, ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee Adduunku, isla markaana ay wadatay dawladda Ingiriiska oo qorshe siyaasadeed ka lahayd eraygaas.

Faysal-Cali-WaraabeEng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in himilada Soomaali-weyn dhammaatay markii dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya dagaalka ku qaadday dalka Itoobiya sannadkii 1977-kii, markaasoo uu sheegay in dunidu ku eedaysay Soomaaliya inay jebisay Xeer caalami ah. Hase-yeeshee, waxa uu sheegay in qolada Koonfurta Soomaaliya beddeshay kelmaddaas oo ka dhaxaysay Shanta Soomaaliyeed, una beddeleen inay tahay mid ka dhaxaysa ama isku xidhaysa Soomaalidii Talyaaniga ka xoroowday ee Koonfurta iyo Soomaalidii Ingiriiska ka xoroowday ee Somaliland.

“Marka aad maqashid Soomaali-weyn waxay soo baxday sannadkii 1945-kii markii dagaalka labaad ee Adduunku dhammaaday, waxaanay ahayd fikrad uu waday Ingiriisku oo uu doonayey inuu ku qabsado Shanta Soomaaliyeed ee geeska Afrika, Jabuuti, Somaliland, Soomaaliya, Soonaha Shanaad (Ogaadeeniya) iyo NFD (Soomaalida Kenya), reer Soomaaliya way beddeleen Soomaali-weyn, waxaanay ka dhigeen Somaliland iyo Soomaaliyadii Talyaaniga. Markaa, wax Soomaali-weyn la yidhaahdaa ma jirto, Soomaali-weyn himiladeedi waxay dhammaatay 1977-kii markii aynu Ethiopia dagaalka ku qaadnay ee laynaga soo saaray ee laynagu yidhi; ‘Xeerkii Adduunka ayaad jabiseen’  Maalintaas ayaa dhasbiinka lagu tuuray qolo kastaana waa taas meesheedii ku badhaadhay.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe mar uu shalay ka hadlayey Xaflad Qalin-jebin ahayd oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha UCID ka hadlay sida Somaliland uu u badbaadiyey go’aanka gooni-isu-taagga ee Burco lagu gaadhay 1991-kii, waxaanu yidhi; “Maanta dalkeenna haddii aynaan qaadan go’aankii Burco lagu gaadhay Jaamacadahaas maynu yeelanneen, waayo? Waa laynoo talinayey nin loo talinayaana waxba qabsan maayo, immikana innaga ayaa talin doona, waxaanan rejaynayaa inuu dalkeennu noqdo dal waara oo Adduunka ka qaybgala, ictiraafkana hela.”

“Waxaynu ku helaynaa ictiraafka innaga oo gacmaha is wada-qabsanna oo is-jeclaanna Illaahayna u mahad-naqna, ictiraafkana Illaahay ayaa haya ee Maraykan ma hayo, Illaahay amarkiisa haddii aynu raacno oo aynu iska dhaafno fusuqa, xasadka iyo qabyaaladda ictiraafka wuu keeni doonaa, waanu ku qasbi doonaa Addoomihiisa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Awdal oo ka dayriyey Xaaladda Maxaabiista ku xidhan Xabsiga dhexe ee Boorama

Boorama, 06 September, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Awdal, ayaa ka dayriyey xaaladda Maxaabiista ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Boorama, kaasoo uu sheegay inuu dad ka tiro badan intii loogu talo-galay in lagu xidhay ay ku jiraan, kuwaasoo uu tilmaamay inay u jiraan in naqasku ku dhego.

booramaGuddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Awdal Sahal Dayax Weerar oo hadal ka jeediyey kulan lagu dhaariyey Garsoorayaal cusub oo Maxkamadaha gobolka Awdal iyo degmada Boorama ay ku dhaariyeen oo shalay lagu qabtay Boorama. Kaasoo uu sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Awdal oo isaguna sheegay inuu jiro cidhiidhi badan oo ka taagan Xabsigaas.

“Xabsigu wuu buuxaa, arrintaasi waxay aad u sii khusaysaa waa gobolka iyo Xeer-ilaalinta, meel waliba way buuxsantay oo Maxaabiistii naqaskaa haya, Dumarkii waannu ka kaxaynay oo waxaannu ku xidhnay Saldhigyada Booliska qaar, qolalkii Dumarka Rag baa laga buuxiyey, haddana … wuu buuxaa. Markaasi, waxaynu u baahannahay inaynu dedejinno xukunnada Rumaanka.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Awdal.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Awdal Sahal Dayax Weerar oo la hadlaya Xeer-ilaalinta heer gobol, waxa uu yidhi; “Xeer-ilaalintana waxaannu ka codsanaynaa inay iyaguna la Xisaabtanto si deg-deg ah Baadhayaasha Saldhigyada, si go’aammadaasi ay u dhammaadaan oo Maxaabiistaasi u yaraato, si dabadeedna Taliyaha Xabsigu wixii xukun ah ee Maxkamadaha ka dhammaaday uu ugu beddelo,, laakiin inta xukun halkan u yaallo ama ambiil ama dhegaysiga dacwaddu socoto inaan la geyn, markaa aan kala gurno.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Awdal, ayaa sheegay in uu Jeelku buuxo, balse waxa uu ku dooday inuu Xabsiga dhexe ee Boorama yahay mid yar oo la dhisay wakhtigii Ingiriisku Somaliland ka telinayey, loona baahan yahay in la casriyeeyo oo la ballaadhiyo si uu u qaadi karo dad intan hadda uu la ciirciirayo tiradoodu ka badan tahay, dhibna aan dareemin.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Wakiillada oo Sheegay inay Dhalliilo badani ka jiraan Goobaha Adeegga Dadweynaha ee Boorama oo ay Kormeereen

Boorama, 06 September, 2015-(Himilo)- Xildhibaanno ka tirsan Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Kormeer ay ku ogaanayaan xaaladaha kala duwan ee shaqo, nololeed iyo caqabadaha jira ee goobaha fuliya adeegyada Bulshada ku tegay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

eeeeeeeeeeeeeeeeGuddigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, ayaa kormeer kala duwan ku maray Cusbitaallada guud ee Boorama, Xafiiska Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka, goobo kale, iyo Xarunta Maamulka gobolka Awdal ee magaalada Boorama.

Xildhibaan Xasan Cawaale oo kormeerkaas iyo kulammo ay Masuuliyiinta goobahaas la yeesheen oo Saxaafaddu dibedda ka joogtay ka dib isagu Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay heleen warbixino fara badan, isla markaana ay dhalliilo badani jiraan. Waxaanu intaas ku daray inay Warbiin qoraal ah ka diyaarin doonaan Guddi ahaan waxyaabaha ay ku ogaadeen Kormeerkooda oo aanu xusin muddada uu qaadan doono iyo goobaha kale ee ay ku tegi doonaan.

“Waxaannu ka soo helnay warbixino badan, runtii dhalliilo badani way jiraan hadday caafimaadka tahay way noo sheegeen, hadday waxbarashada tahay, hadday tahay shaqaalaha, Macallimiinta iyo Dhakhaatiirtuba way noo sheegeen, warbixinahaa faraha badan waxaannu doonaynaa inaannu ka soo saarno qoraal aannu u gudbin doonno Golaha Wakiillada.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, waxa uu sheegay inay arkeen dedaallo badan oo shaqo oo ay samaynayeen Hawl-wadeennada iyo Masuuliyiinta kala duwan ee goobaha ay kormeerkooda ku booqdeen ee magaalada Boorama, kuwaasoo uu uga mahad-celiyey sida ay u qaabbileen iyo xog-warrannada ay siiyeen-ba.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

Tirada Tahriibayaal Reer Somaliland ah oo ay dawladda Itoobiya ku soo wareejisay Wajaale iyo Doorka Dalladda SONYO

Wajaale, 06 September, 2015-(Himilo)- Tahriibayaal reer Somaliland ah oo muddo ku xidhnaa Xabsiyo kala duwan oo ku yaalla Xuduudka u dhexeeya dalalka Itoobiya iyo Suudaan, ayaa dawladda Ethiopia shalay ku soo wareejiyeen Laanta Socdaalka dawladda Somaliland ee degmada Tog-Wajaale. Dadkaasoo tiradoodu ahayd 75 isugu jira Rag iyo Dumar dhalinyaro u badan.

0d04ce3a061df33f89c44713bc00acb0_SWaxa dadkan ay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya kula kala wareegeen Xadka labada dal u dhexeeya ee degmada Wajaale, waxaana markii Laanta Socdaalka Somaliland ee degmadaasi kala wareegeen dhiggooda Itoobiya, waxaa qaabbilay dadkaas Masuuliyiin ka tirsan Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO, Maamulka degmada Tog-Wajaale, kuwaasoo sheegay inay dhiirrigelinayaan in Dhalinyaradu aamminaan dalkooda Hooyo.

Qaar ka tirsan Dhalinyarada Tahriibayaasha ah ee dawladda Itoobiya ku soo wareejisay dawladda Somaliland, ayaa Saxaafadda la hadlay, isla markaana ka warramay dhibaatooyinka ay la kulmeen muddadii ay tahriibta ku guda-jireen, waxaanay sheegeen inay dhibaatooyin badan oo xadhig iyo garaacis isugu jirta la kulmeen, iyagoo qaarkood markii ay soo gaadheen dhinaca gudaha Somaliland ee degmada Wajaale Ciidda dhunkadeen.

“Kaadida iyo Saxarada 24-ka saac hal mar baa fasax naloo siinayey, waxa nalaga soo qabtay xadka Suudaan iyo Itoobiya dhexdooda, 16 Xabsi baannu soo marnay, waxaannu codsan jirnay Lacagta aannu jeebka ku sidanno waxaannu ku cunno, qaar naga mid ah waxa lagu garaaci jiray qori dabadii, waxaan leeyahay qof kasta oo Tahriib raba in dhibtaasi jirto. Markaan Wajaale soo gaadhnay Ciiddaan dhunkaday, waayo waxaannu dareennay xorriyad iyo inaannu dalkayagii nimi.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Tahriibayaasha la soo celiyey.

Guddoomiyaha degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Maanta waxa na soo gaadhay Masuuliyiin ka socda Dalladda SONYO oo na soo booqday oo aannu ka sheekaysanaynay sidii la isugu xidhi lahaa Dhalinyarada reer Somaliland, ayaa si deg-deg ah naloogu yeedhay oo nala yidhi; ‘Dhalinyaradii Tahriibtay baa la soo celiyey. Run ahaantii ka Maamul ahaan markii aannu aragnay aad iyo aad baan uga naxay, waayo mustaqbalkii dalkan ayaa soconaya oo Tahriibaya, waxaannu leenahay dalkiinna aammina.”

Sidoo kale, Masuul ka socday Dalladda Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Dhalinyarada halkan joogta ee la soo celiyey waynu arkaynaa intay soo rafaadsanaayeen, waxaannu hadda faraynaa oo aannu u soo jeedinaynaa Dhalinyarada inay dhibaatadaas ka waantoobaan, inay aamminaan dalkooda hooyo, inay ogaadaan in dalkeennu qani yahay, waxaad wax ku noqon kartaa dalkaaga hooyo.”

Taliye Ku-xigeenka Laanta Socdaalka Tog-Wajaale Axmed Caqli Nuur, ayaa dawladda Itoobiya uga mahad-celiyey dedaalka ay u gashay inay dadkaas oo tiradoodu 75 ruux dhan tahay ku soo wareejiso Laanta Socdaalka Somaliland, waxaanu yidhi; “Saaka (Shalay) markay saacaddu ahayd siddeeddii subaxnimo waxa nalagu soo wareejiyey 75 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar oo reer Somaliland ah, dadkaas tahriibayaasha ah oo laga soo qabtay Mataba (Xadka u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya), dawladda Itoobiya way ku mahadsantay illaa halkaas way ku soo tabacday illaa ay na  soo gaadhsiisay.”

Maaha markii ugu horreysay ee ay dawladda Federaalka Itoobiya dawladda Somaliland sidan oo kale ugu soo wareejiso dad reer Somaliland ah oo iyagoo Tahriibaya ay ka soo qabteen gudaha dalkooda ama Xuduudaha ay la wadaagaan dalka Suudaan, balse marar badan oo hore ayaa sidan oo kale ay ugu soo gudbisay. Sidoo kale, Somaliland, ayaa iyaduna Tahriibayaasha dalka Itoobiya ka imanaya marar badan oo hore ka celisay dalkeeda, isla markaana u gudbisay ama ku wareejisay Laanta Socdaalka Itoobiya, waxaanay labada dawladood aad uga wada shaqeeyaan dhinaca nabadgelyada, isu-socodka iyo qabashada waxyaabaha sharci-darrada ah.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

Boqorka Sucuudiga iyo Madaxweynaha Maraykanka oo Washington kaga wadahadlay arrimo kala duwan

Washington, 06 September, 2015-(Himilo)- Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis, ayaa magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, iyadoo booqashadani ay noqonayso tii ugu horreysay oo uu Boqorku ku tago Mareykanka tan iyo intii uu Xukunka la areegay bishii 1-aad ee sannadkan 2015-ka.

U.S. President Barack Obama meets with Saudi Arabia's King Salman (R) at Erga Palace in Riyadh, January 27, 2015. Obama is stopping in Saudi Arabia on his way back to Washington from India to pay his condolences over the death of King Abdullah and to hold bilateral meetings with King Salman.   REUTERS/Jim Bourg     (SAUDI ARABIA - Tags: POLITICS ROYALS)

Salmaan Bin Cabdicasiis, ayaa sheegay in waddankiisu uu Mareykanka kala Shaqeyn doono sidii nabad looga soo dabbaali lahaa dalalka Bariga dhexe ku yaalla oo ay intooda badan ka socdaan Colaado Sokeeye.

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Obama, ayaa dhankiisa sheegay inuu Boqorka kala shaqeyn doono arrimo ay ka mid yihiin dagaallada ka socda dalalka Yemen, Suuriya iyo weliba Heshiiska dhawaan laga gaadhay Barnaamijka Nukliyeerka dalka Iiraan.

Sidoo kale, Barack Obama, ayaa ku cadaadiyay Boqor Salmaan inuu u ogolaado Hay’adaha Gargaarka in ay si aan Shuruud lahayn uga hawlgalaan dalka Yemen, halkaasoo Xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayaa kula dagaallamayaan Fallaagada Xuutiyiinta ee ka adkaaday Ciidammada dawladda Yemen.

Xidhiidhka u dhexeeya dawladaha Mareykanka iyo Sacuudiga, ayaa la sheegay inuu xumaaday, ka dib markii uu Madaxweyne Obama ka gaabsaday duullaanka ka dhanka ah Xukuumadda Suuriya iyo weliba taageerada uu Mareykanku u fidiyay Heshiiska Nukliyeerka Iiraan oo uu Sacuudigu ka cabsi qabo inuu dalkaasi sameysashada Hubkaasi u fududaato.

Bishii May ee sannadkan 2015-ka, ayaanu Boqor Salmaan ka qaybgelin Shir-Madaxeed ay Madaxda Waddamada Khaliijku kula kulmeen Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama. Saraakiil sare oo ka tirsan Maamulka Obama, ayaa u sheegay Wargeyska New York Times in Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ay dhammeystireyso Heshiis dhanka Hubka ah oo ku kacaya Hal Bilyan oo Doollar, kaasoo Ciidanka Sacuudiga lagaga iibinayo Hub ay kula dagaallamaan Xuutiyiinta iyo Ururka isku Magacaabay Khilaafada Islaamka ah ee Daacish.

Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ah in Sacuudiga laga iibiyo Diyaaradaha dagaalka ee F-15-ka loo yaqaanno sida ay Saraakiishu sheegeen. Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadamaha, ayaa ku dhalliilay Obama taageerada uu u fidiyo duullaanka uu Sacuudigu hoggaaminayo ee ka socda gudaha waddanka Yemen, kaasoo ay xuseen inay ku dhinteen Boqollaal ruux oo shacab ah oo aan qayb ka ahayn dhinacyada dagaallamaya.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

Saturday, September 5, 2015

Nuxurka Kulan Isxog- Wareysiya Oo Dhexmaray Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiilada Iyo Bulshada Magaalada Burco.

 

 

Burco 5,September, 2015(Himilo)-Guddida Joogtada ee golaha wakiilada Somaliland oo maalmihii u dambeeyay ku jiray kormeer shaqo oo ay ugu kuur galayaan xaalada guud ee gobolada beriga Somaliland ayaa maanta kulan is wareysi ah la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Burco.

 

 

Bulshada qaybaheeda kala duwan oo ka kooban dhalinyarada, Dumarka iyo odeyaasha Burco ayaa uga waramay xaalada ay ku nool yihiin, iyagoo sheegay in ay magaalada Burco iyo Gobolkaba haysato shaqo la’aan baahsan isla markaana ay taasi sababtay in dhalinyaro badani magaalada Burco ka tahriibtay markii ay waayeen shaqooyin.

 

 

 

Shacabka ku nool magaalada Burco waxaa ay Guddida Joogtada ee golaha wakiilada uga warameen Sida ay ugu yaryihiin haayadaha kala duwan ee dawlada oo ay sheegeen inay ka hawlgalaan wasaaraddo aad u tiro yar.

 

 

Dood iyo iswaraysi dheer oo saacado qaatay ayay guddida joogtada ee golaha wakiilada oo uu hogaaminayay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, bulshada u balan qaadeen inay wax ka qaban doonaan baahiyaha ay sheegteen, iyagoo carrabka ku dhuftay inay xukuumada ku dabagalin doonaan waxqabadyada Ay gobolka ka Fuliso.

 

 

 

Guddidan ayaa safarkooda kusoo maray gobolo kale oo beriga ah iyadoo la filayo in safarkooda shaqo kusoo dhamaado todobaadkan islamarkaana ay golaha wakiilada kasoo horjeedin doonaan xaaladaha kala duwan ee ay kusoo arkeen gobolada ay kormeerka kusoo sameeyeen.

 

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Sacuudiga oo isku afgartay taageerida heshiiskii Iran

 

Washinton(Himilo )_Boqorka Sucuudiga Salmaan oo todobaadkan booqasho ku jooga Maraykanka ayaa kulamo uu la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama kaga wadahadlay xaalada beriga dhexe iyo heshiiska nukliyeerka ee Iran.
Dawlada Sacuudiga ayaa kamid ahayd wadamadii khaliijka ee sida weyn uga soo horjeeday heshiiskii dhexmaray dawladaha waaweyn iyo Iran ee barnaamijka Nukliyeerka ee dalkaasi Iran oo uu Sacuudiga walaac weyn ka qabo.

Sucuudiga ayaa sheegay inay ku qanceen balanqaadkii uu Maraykanka kasiiyey in hesiiskan aanu fursad usiin doonin dalka Iran inuu helo wax hub nukliyeer ah, waxayna sidoo kale sheegeen in ay ka wada shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa kooxaha Iran maalgeliso ee dagaalada ka wada Yemen iyo Siiriya.

Kulanka labada hogaamiye ayaa kusoo beegmay maalmo kahor xiliga lagu wado Baarlamaanka Maraykanka inuu ka doodo heshiiska Iran, Obama ayaa doonayey taageerada Sacuudiga si uu go’adoon siyaasadeed u geliyo Isra’iil oo ah dalka sida weyn uga soo horjeeda heshiiskaasi.

Isra’iil iyo Sucuudiga ayaa horey diidmo u muujiyey in wax heshiis ah lala galo Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Adel al-Jubeir oo shir jaraa’iid ku qabtay safaarada Sacuudiga ee Washington ayaa sheegay in qodobada laga wadahadlay ay kamid ahaayeen Qiimaha Batroolka iyo iskaashiga militariga ee ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Maraykanka.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey dardar galinta hubka Maraykanku ka iibiyo dalka Sucuudiga iyo waliba in labada dal iska kaashadaan in sare u kac xoogan aanu ku iman qiimaha caalamka ee shidaalka, taasi oo dhaawici karta dhaqaalaha Maraykanka.
Himilomedia
Hargeysa Office

Fadhigii Golaha Wakiilada ee Maanta Iyo Jawigii Ku Lamaanaa.

 

Hargeysa (Himilo)_Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa loogu qaybiyay xeer hoosaadka golaha wakiilada, kaas oo maalmaha soo socda ay doodiisu si toos ah uga bilaabmi doonto aqalkaasi.

 
Fadhigan oo marka hore la filayay in lagu falanqeeyo xeerkii kaydka Haamaha Shiidaalka ee uu madaxwaynuhu kusoo celiyay golaha wakiilada, waxaanay mudaneyaashu isu qoreen falanqaynta dooda xeer hoosaadka aqalkooda.

 

 

Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta intii aanay fadhiga galin waxaa ay si wayn uga wada hadlayeen go,aanka madaxwaynuhu kusoo celiyay golaha wakiilada.

Himilomedia
Hargeysa Office

Khabiir Maraykan ah oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey Mawqifka Aqoonsiga Somaliland ay ka taagan yihiin dawladaha Jabuuti iyo Maraykanku

“Danaha Maraykanka ee Geeska Afrika waxa minqiyaas u ah Ammaanka, oo macnaheedu yahay inaanay xiiso dheeraad ah u yeelanayn arrin khilaaf ah sida Aqoonsiga Somaliland, illaa arrinkaasi…” Waraysi Gaar ah: Professor Seth D. Kaplan oo ah Khabiir Siyaasadaha Caalamka ka dhiga Jaamacadda Johns Hopkins

 
Baltimore, 05 September, 2015-(Himilo)- Professor Seth D. Kaplan, ayaa shaaca ka qaaday in Siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan Geeska Afrika halbeeggeedu yahay Ammaanka iyo Aqoonsiga Somaliland ku dhiiran karaan hadii ay dantooda nabadgelyo horumarin karto.

 
Seth D. Kaplan oo ah Khabiir Siyaasadaha Caalamka ka dhiga Jaamacadda Johns Hopkins University, Baltimore, ayaa sheegay inaanu faahfaahin ka bixin karin Siyaasadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku aaddan Madax-bannaanida Somaliland, maaddaama oo aanu si dhaw xilligan ula socon xaaladda gobolka.

 
Su’aalo Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani ka weydiiyey Warbixin dhawaan Warbaahinta caalamku baahisay oo uu kaga hadlayey arrimo khuseeya Somaliland iyo mawqifka dalka Jabuuti ka qabo madax-bannaanideeda oo ku sheegay inaanay oggolayn, ayaa jawaabihii uu ka bixiyey u dhaceen sidan:-
S: Waannu la soconnay inaan Soomaaliya oggolayn madax-bannaanida Somaliland, laakiin, mugdi ayaa ku jiray mawqifka Jabuuti, oo aad ku sheegtay inaanay oggolayn, maxaad xaqiiq u haysaa, wakhtigan oo dhawaan ay soo magacaabeen Wakiil u metela Somaliland, ayaa ku jawaabay; “Si dhaw ulama socdo is-bedbellada xaaladaha Siyaasadeed ee gobolka, markaa jawaab kama bixin karo su’aashaa.”
Mar la weydiiyey warbixin hore oo uu qoray kagana hadlayey sida looga fekero dhismaha dawladaha fashilma, Maraykankana ugu baaqay inuu taageero qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, kuna dhiirrigeliyo dalalka Afrika sida Koonfur Afrika inay hormood ka noqoto Khubarada haga Siyaasadda Maraykanku inay qaateen taladaa.
Sidaa daraaddeed inuu hayo caddaymo arrimahaas muujinaya, waxa uu ku jawaabay; “Danaha Maraykanka ee Geeska Afrika waxa minqiyaas u ah Ammaanka, oo macnaheedu yahay inaanay xiiso dheeraad ah u yeelanayn arrin khilaaf ah sida Aqoonsiga Somaliland, illaa arrinkaasi kobcinayo danahooda Ammaanka.”
Sidoo kale, mar uu ka jawaabayey Su’aal Weriyuhu ka weydiiyey in Maraykanku ku dhiirraday xal u helidda khilaafka Itoobiya iyo Eritrea oo hore uu u sheegay inuu keenayo xallisoonida gobolka, isla markaana hoos u dhigayo taageerada Eritrea ee dagaallada Soomaaliya ee ku waajahan Itoobiya, waxa uu yidhi; “Xidhiidhka Maraykanku la wadaago Itoobiya waa mid ay muhiimaddiisu u weyn tahay dano ammsan, markaa, kuma deg-degi doonaan inay xal u raadiyaan khilaafkooda Eritrea, haddaan Itoobiya sidaa doonayn.”

 
Himilomedia
Hargeysa Office

Xaqiijinta Fiise Imaaraadka Carabtu ku bixiyeen Baasaboorka Somaliland iyo Sababaha loo aanaynayo Beeninta Wasaarada Arrimaha Dibedda

Hargeysa, 05 September, 2015-(Himilo)- Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, ayaa beenisay inay dawladda Imaaraadka Carabtu si rasmi ah u aqbashay ama u oggolaatay in Baasaabboorka Somaliland lagu tago dalkooda, balse ay jiraan wadahadallo arrintaas Baasaaboorka ku saabsan oo u socda labada dawladood.
Haseyeeshee, sida ay Wargeyska Himilo u caddeeyeen ila-wareedyo Xog-ogaal ahi, Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa markii ugu horreysay fiise ku bixisay baasaboorka Somaliland, gaar ahaan nooca Dublamaasiyiinta oo dhawaan uu ku socdaali doono Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye.
Ila-wareedyo ku dhaw Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya Mr. Ayaanle, ayaa xaqiijiyey in dalka Imaaraadka Carabtu fiisahooda dal-ku-galka ku bixiyeen Baasaabboor Dublamaasi ah oo masuulkaasi leeyahay, dhawaanna u socdaali doono dalkaas.
Sidoo kale Ila-wareedyadaas, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey in dalka Imaaraadku Carabtu xilligan ku bixinayo fiisayaasha Baasabboorka Dublamaasiyiinta ee Somaliland, balse mustaqbalka dhaw sidoo kale ku bixin doono noocyada kale ee Baasabboorka Somaliland.
Waxay ila-wareedyada Wargeysku soo xigtay intaas ku dareen in Xukuumadda Somaliland hoos u dhigayso Siyaasiyan qaddiyaddan, maaddaama oo ay tahay arrin xasaasi ah oo dhinacyo kale oo cadow u ah danaha Somaliland shaacinteedu u noqonayso mawduuc ay cabashooyin ka bixiyaan.
Hase-yeeshee, War-Saxaafadeed qoraal ah oo xalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, isla markaana uu ku saxeexnaa Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta ama xidhiidhada ee Wasaaraddaas Saleebaan Daahir, ayaa lagu beeniyey Warka sheegaya in Imaaraadka Carabtu aqbalay in dalkooda lagu tago Baasaabboorka Somaliland, warkaas oo ay hore u baahiyeen Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa qaarkood.
Qoraalka War-Saxaafadeedkaas ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, waxa uu u qornaa sidan:- “Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay halkan ku beeninaysaa war lagu faafiyey qaar ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka oo sheegaya in dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu (UAE) ay aqbashay in dalkeeda lagu galo Baasaabboorka (Passport) Somaliland.
Arrinta aqbalaadda Baasaabboorku (Passport-) ku waa mid aannu ku gudo-jirro hawshiisa, balse weli ma jirto aqbalaad laga helay xagga dawladda Imaaraat-ka; warka arrintaa laga qorayna waa mid aanay waxba ka jirin.
Waxa xusid mudan in dhawaan Madaxweynaha JSL Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhawaan u magacaabay Mudane Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo isaguna haatan ku guda jira dardargelinta hawlaha xafiiska iyo arrimaha khuseeya xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Imaraat-ka. Waxay labada waddan ee Somaliland iyo Imaaraatku wadaagaan xidhiidh soo jireen ah iyo iskaashi dhinaca taageerada, ganacsiga iyo dhinacyo kaleba leh. Wa Billaahi Tawfiiq.”
Himilomedia
Hargeysa Office

Sheekh Aadan-Siiro oo Wiilasha iyo Gabdhaha is-raba ee awood dhaqaale u dabran ugu bushaareeyey taageero

Hargeysa, 05 September, 2015-(Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa Dhalinyarada Wiilasha iyo Gabdhaha ah ugu bushaareeyey kuwooda aan awoodin kharashka lagu bixiyo Xafladaha Meherka ee Gabbaatiga iyo Yaradka, haddana is-raba ee doonaya inay Qoys xalaal ah oo Islaam ah dhistaan in loogu gargaari doono Masaajidka uu Iimaanka ka yahay ee Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa.

 

 
Sheekh Aaden Siiro, ayaa Khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga sheekeeyey muhiimadda ay leedahay taageerada iyo gacan-qabashada dadka jilicsan, sida dhallinyarada guurka raba ee waayuhu dabarka ku xidhay, waxaanu Sheekhu dadweynihii Masaajidka ku sugnaa ka codsaday in dhallinyarada is-oggol ee doonaya in Masaajidka la isugu meheriyo, lagana taageero bilawga qoyskooda ay xidhiidh la sameeyaan isaga.
“Ninka dhallinyarada ah ee Gabbaatiga, Lacagta iyo Baabuurta badani dhibeen, waxaan u sheegayaa inaynu ku caawinayno kharashka bilawga (qoyskooda), Masaajidkana waynu isugu meherinaynaa Salaadda Jimce ka dib (Jimce kasta). Sidaa daraaddeed waxaad (warkaa) gaadhsiisaan cidda is-oggol ee Waligooduna ogGol yahay (inay is guursadaan).” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro).

 
Waanu Sheekh Aadan-Siiro intaas ku sii ladhay; “Weliga oo kaliya ayaa Masaajidka soo fadhiisanaya iyo ninka mehersanaya Gabadh, innaguna waxaynu ku caawinaynaa Ducada…haddaynu doonno shan ayaynu is-raacinaynaa oo aynu isku meherinaynaa. Waxaan u jeedaa inanka aan awood (Dhaqaale) oo badan aan lahayn iyo Gabadha is doonaya inay is-guursadaan, maaha ninka baystaynada haysta ama kumannaanka bixinaya.”

 
“Nebigu (C.S.W) waxa uu ahaa mid u Gurmada Masaakiinta, innagana maanta marka dhul la isku haysto Ninku dillaaliintiisa ayuu dirayaa. Kuwa dhulka iibsada ayaan idiinka warramayaa; “Adeer meel laga dhintay oo Agoon jilicsani ay joogto oo Dumar iyo Carruuri ku hadheen oo ay baahan yihiin ama Inan ka tahriibay oo Maggafe uu hayo oo Baystayno lagu iibanayo adeer ii soo doon-doon.’ Buu odhanayaa kii Lacagta haystay ee Illaahay wax siiyey. Iska daa inuu wax taro, iska daa inuu Lacag amaahiyo, maanta heshiiskeenna ugu weyni waxa weeye meeshaa dad jilicsani ma joogaan si aynu uga faa’iidaysanno.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

 
Waxa uu sheegay in Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaah korkiisa ha yeelee (C.S.W) uu Muslimiinta u dardaarmay inay iskaalmeeyaan oo ay u sinnaadaan hantida, wax isa-siiyaan oo ka wax Allaah u dhiibay ka aan waxba haysan kaalmeeyo, isla markaana Jaarku aad isaga war-hayo, oo Guriga laba qof wax ku filani yaallaan ay ku fillaan karto saddex ama afar-ba haddii iska war-hayni jirto.

 

Himilomedia
Hargeysa Office

Wasiirka arrimaha dibedda oo Shaaciyey in Beesha Caalamku ka baqayso Aqoonsi buuxa oo ay Somaliland siiso

“Waxay AU-du tidhi; ‘Kiiska Somaliland wuu ka gaddisan yahay kiisaska dawladahaa kale, runtiina waynu ka geddisannahay oo maynaan ahayn sida Sudan iyo Koonfurta Sudan, ama Eriteria iyo Ethiopia oo kale…” Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis

 
Hargeysa, 05 September, 2015-(Himilo)- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inkasta oo ay dawladda Somaliland buuxisay shuruudihii looga baahnaa dawlad ama Qaran, inay haddana jiraan caqabado iyo cabsi ay waddamada Midawga Afrika iyo caalamku ka qabaan inay si rasmi ah ugu aqoonsadaan dawlad madax-bannaan.
Hase-yeeshee, waxa uu sheegay Wasiir Biixi inay dedaal xooggan ugu jiraan Wasaarad ahaan iyo dawlad ahaan sidii ay Somaliland u heli lahayd Aqoonsiga ay beesha Caalamka uga baahan tahay, isla markaana inkasta oo aan si rasmi ah loo aqoonsan, haddana dunidu ula macaamisho sida dawladaha la aqoonsan yahay qaarkood oo kale marka loo eego dhinacyada macaamilaadka, xidhiidhka iyo heshiisyada ay dawladaha iyo Shirkado caalami ah wada galaan qaarkood.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sidaa ku sheegay Khudbad dheer oo uu habeen-hore ka jeediyey Jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa, halkaasoo uu sidoo kale kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay Ardayda Jaamacaddaasi weydiiyeen, isagoo dhinaca aqoonta iyo waxbarashadana kula dardaarmay inaanay ka daalin dhalinyaradu oo ay marwalba sii xoojiyaan awooddooda aqooneed.

 

 
“Inkastoo aynu Shuruudihii buuxinnay illaa hadda ma haysanno Ictiraaf buuxa, balse illaa imika waxa aynu nahay oo aynu haysannaa macaamilaad iyo xidhiidh fiican. Haddaba, maxaa haysta Ictiraafkeenna? Halkeese aynu u maraynaa? Waxa ugu horreeya in innagu aynu is-Ictiraafno oo aynu dalkeenna nabadgelyadiisa ilaashanno, oo uu jiro midnimo dalkeenna iyo dadkeena ah. Waxa jirta in dawladeenna iyo dawladihii hore-ba ay dedaal faro-badan ay ka sameeyeen sidii ay Ictiraafkaasi u raadin lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

 

 
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo sii sharraxaya mawduucan waxa uu intaas ku daray oo yidh; “Waxay aniga iigu muuqataa shakhsiyan in Ictiraafkeennu aanu dheeraan doonin, Ictiraafkeennana aynu heli doonno wax la innoogu diidaana aanu jirin, waxa ugu weyn ee aannu isku mashquulinnaa Wasaarad ahaan waxa weeye in horta waddankaasi arrimihiisa hadday ahaan lahayd dhaqaalihiisa ee caalamku uu ku tilmaamo aad xoojiso oo Shirkadaha iyo dawladaha waxa aad kala saxeexanaysaan ay bataan.”

 

 
“Waxaad la socotaan 2005 waxa Somaliland yimid Wefti ka socda Midawga Afrika (AU-da), waxay AU-du tidhi; ‘Kiiska Somaliland wuu ka gaddisan yahay kiisaska dawladahaa kale, runtiina waynu ka geddisannahay oo maynaan ahayn sida Sudan iyo Koonfurta Sudan, ama Eriteria iyo Ethiopia oo kale innaga oo xor ah ayaynu tagnay. Markaa, waddan xor ah oo u tagay waddan kale oo haddana soo noqday, wax ay innoogu diidaan ma jirto ee run ahaantii waxa yara jirta baqdin ay ka baqayaan inay inna Ictiraafaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, hase-ahaatee, ma faahfaahin waxa ay tahay cabsida ama baqdinta uu sheegay inay dunidu ka baqayso inay aqoonsato Somaliland oo 24 sannadood gooni uga taagnayd dalkii ay 1960-kii la midawday ee Soomaaliya la isku odhan jiray.

 
Himilomedia
Hargeysa Office

Qaramada Midoobay oo Midawga Yurub ka dalbatay inay Laba Boqol oo Kun oo Qaxoonti ah qaabbilaan, Jawaabta Britain, Canaanta Turkiga iyo Jarmalka

Washington, 05 September, 2015-(Himilo)- Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga Antonio Guterres, ayaa Jimcihii Maanta ugu Baaqay Madaxda Yurub inay qaadaan tallaabooyin xooggan oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka heysta dhanka dadka soo gallootiga ah.
Antonio Guterres, ayaa sheegay in Qaaradda Yurub hadda ay waajaheyso xilli adag, waxaana uu u sheegay in kala qeybsanaan ku timaadda dhexdooda ay faa’iido u tahay dadka Mukhallisiinta. Codsigiisa ku aaddan in taageero dheeraad ah loo sameeyo dadka Muhaajiriinta ah, ayaa waxa uu daba socdaa. Sidoo kale walaac uu qabo Reysal-wasaaraha Hungary, Viktor Orban, ayaa ka digaya in qul qulka dadkan uu sii xoogeysto isla markaana ay gaadhaan illaa tobbannaan Milyan oo Ruux.

 
Boqollaal kun oo dad ah oo ka baxsanaya dagaallada iyo saboolnimada, ayaa safarro halis ah ku soo mara Badaha iyo Berrigaba, kuwaasoo bartimaameedkooda yahay dalalka hore u maray ee Yurub, sida Jarmalka, si ay dadkaasi u helaan goobo ammaan ah oo ay nolol cusub ka billaabaan.

 
Sidoo kale, Raysal-wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel, ayaa waddamada Yurub ugu baaqday inay wax kala qabtaan xaaladda Qaxoontiga oo dalkeedu noqday kii tirada ugu badan ee Muhaajiriintu beegsanayeen sannadihii ugu dambeeyey, isla markaana toddobaadkii hore oo keliya gaadheen illaa afar kun oo ruux oo Tahriibayaal ah, waxaanay Midawga Yurub ku canaanatay inay iska indha-tirayaan xaaladda dhabta ah iyo xaqiiqada ay tahay in lagu waajaho Qaxoontiga tirada badan ee ay albaabbada ka xidheen inta badan reer Yurub oo ay xustay inay tahay in albaabbada loo furo.

 
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Recep Erdogan, ayaa Midawga Yurub ku eedeeyey inay dembi ku yeelanaan qof kasta oo Tahriibe ah oo naftiisa dhibaato soo gaadho ama ku dhinta inta uu ku jiro safarka uu ku beegsanayo waddamada Yurub, waxaanu ku eedeeyay oo kale Yurub inay Qubuuraha Muhaajiriinta ka dhigeen Baddaha kala duwan ee dunida ee ay dadka ku socda qaaradda Yurub ee Tahriibayaasha ahi ku dhibaatoonayaan isagoo tusaale u soo qaatay Sawirka Meydka Wiilka yar ee Suuriyaanka ah ee Xeebaha dalka Turkigu soo tufeen.
Dhinaca kale, Dawladda Britain waxa ay aqbali doontaa kumannaan ka tirsan Qaxoontiga ka imanaya dalka Syria, sida uu caddeeyey Rayasal-wasaaraha Britain David Cameron oo Jimcihii shalay hadalkaas sheegay, isla markaana beddelay mawqifkiisii hore ka dib markii dareen xooggan uu ka dhashay Sawirka Wiil yar oo Syrian ah oo Meydkiisa laga helay Xeeb ku taala dalka Turkiga.

 
Raysal-wasaare David Cameron, ayaa dhaleecayn xoog badan la kulmay, iyadoo loo arkayay in Britain aanay muujinin dareenka lagula waddaagayo Qaxoontiga dhibaatadu haysato. Cameron ayaa Weriyayaasha kula hadlay magaalada Lisbon, halkaasoo uu kulan kula qaadanayay dhiggiisa dalka Burtiqiiska.

 

 
“Waxaan oggolahay baaxadda dhibaatada iyo dadka dhibaatoonaya, maanta (Shalay) waxaan caddeynayaa in aan wax badan qaban doonno si aan magan-galyo u siinno kumannaan kale oo ka mid ah Qaxoontiga Suuriyaanka ah.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha dawladda Britain Mr. David Cameron.
Mr. Cameron, waxa uu sheegay in dawladdu ay kala xaajoon doonto Hay’adaha gurmadka sida ugu habboon ee wax loogu qaban karo Qaxoontiga Kumannaanka Suuriyaanka ah ee uu sheegay inay gargaarayaan, isla markaana uu macluumaad faah-faahsan soo gudbin doono toddobaadka danbe.

 
Arrintan uu ku dhawaaqay Ra’iisul-wasaaraha Britain waxay muujisay in isbeddel uu ku yimid aragtida iyo qorshaha uu hore u aamminsanaa David Cameron, ka dib markii erayadii kasoo yeedhay maalmihii Salaasadii iyo Khamiistii si weyn looga hor-yimid, iyadoo loo arkay in aanu bixin Jawaabtii ku habboonayd dhibaatada taagan, gaar ahaan markii uu soo shaac-baxay Sawirka Wiilka yar Suuriyaanka ahaa ee Xeebta dalka Turkiga laga helay.

 

Himilomedia
Hargeysa Office

Darjiidhkii Xildhibaannada, Doodda Xukuumada iyo Deedifaynta Guddoomiyaha Wakiilada ee Dastuurka! Qore: Maxamuud Cali Walaaleye

Toddobaadkii hore ayey Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilladu soo gudbiyeen “soo-jeedin ku saabsan laalista bixinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera” oo Golaha Wakiilladu cod u qaaday oggolaanshaheeda, laakiin isweydiintu waa, ma jirtaa minqiyaas u yaalla soo-jeedimaha Golaha Wakiillada la horkeeni karo ama dood ay gelin karaan?
Macnaha soo-jeedinta xubnaha Golaha Wakiillada oo tiradoodu gaadhaysay 17 ayaa u muuqda mid ay kaga hortagayaan heshiis sifo sharci-darro ah oo Xukuumaddu ku wareejisay gacan ku hayntii Haamaha Shidaalka Berbera, balse waxa isweydiin leh, ma jiraa heshiis Xukuumaddu ku wareejisay Haamaha Shidaalka ama la horkeenay Golaha Wakiillada oo dood ka dib Goluhu diiday ansixintiisa, xaq-se ma u leedahay Xukuumaddu gelitaanka heshiis noocaas oo kale ah?
Illaa immika ma jiro heshiis xubnaha Golaha Wakiillada ee Mooshinka keenay ku caddeeyeen inay Xukuumaddu la gashay Shirkado ama Xukuumaddu ku shaacisay inuu jiro, taa la’aanteed sharci ma tahay in Golaha Wakiilladu u codeeyaan arrin iman doona mustaqbalka?
Ma jiro qodob ku yaal Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada oo fasaxaya in Golaha Wakiilladu go’aan ka gaadhaan arrin aan jiritaankeedu xaqiiq ahayn, sida Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 37aad oo ka hadlaya soo-jeedimaha oo farqadiisa afaraad dhigayso; “Shir-gudoonku wuxu soo hor-dhigayaa soojeedinta Golaha, haddii ayna soo jeedintu ka hor-imanayn Dastuurka, shuruucda dalka ama xeer-hoosaadka Golaha, ka dibna wuxuu ogolaanayaa in laga doodo.”

 
Hadii qodobkan sare ku qoran ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu dhigayo in Shir-guddoonku soo hordhigi karo Golaha soo-jeedin kasta oo aan ka horimanayn Dastuurka, ma jiraa khilaaf u dhexeeya soo-jeedinta xubnaha Golaha Wakiillada iyo qodobbada Dastuurka dalka oo ah sharciga ugu sarreeya dalka?

 

 
Qodobka 12-aad ee Dastuurka dalka oo ka hadla Hantida Guud, Khayraadka Dabiiciga iyo Wax-soo-saarka Waddaniga ah, ayaa farqaddiisa saddexaad dhigaysaa; “Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti-guurto ama ma-guurto ah, inay iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku beddelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.”

 
Hase-yeeshee, haddii Dastuurka Somaliland oggolaanayo in Xukuumaddu kirayn karto hantida dalka, maxaa keenay in Golihii Wakiillada ee u xil-saarnaa ilaalinta shuruucda iyo diyaarinteedu u baalmaray qodob sharciyan ugu qeexan Dastuurka, una soo saareen soo-jeedin ka horimanaysa Dastuurka Qaranka?
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee soo gudbiyey soo-jeedinta ku saabsan laalista Heshiiska wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera, ayaa u cuskaday qodobka 53-aad ee dastuurka dalka oo ka hadlaya awoodda iyo waajibaadka Golaha Wakiillada oo dhigaya ama odhanaya; “Golaha Wakiilladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin Miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka-beddelid qaanuun.”
Laakiin is-weydiintu waa haddaan loo soo gudbin wax heshiis ah oo Xukuumaddu gashay ama aanay hayn caddeynta heshiis la galay, sababta qodob aan khusayn ay ugu adeegsadeen soo-jeedintooda diidmada, ama shir-guddoonku u oggolaaday ka doodistiisa waa maxay? Maaddaama oo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 37-aad oo ka hadlaya soo-jeedimaha farqadiisa lixaad dhigayso sidan:- “Haddii ay muuqato in soojeedintu aanay waafaqsanayn Dastuurka ama Xeer-hoosaadka Golaha loo qaybin maayo Golaha, lagana doodi maayo soojeedinta.”

 
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Wareegto uu soo saaray Arbacadii dib ugu soo celiyey Shir-gudoonka Wakiillada go’aankii soo-jeedinta ku saabsan laalista bixinta Haamaha keydka Shidaalka Berbera, maaddaama oo ay ka horimanayso qodobka 12-aad ee Dastuurka dalka oo Xukuumadda u fasaxaya kiraynta hantida dalka, inkastoo aan Wareegtada Madaxweyne Siilaanyo lagu caddeyn ama diidin jiritaanka heshiis Xukuumaddu gashay oo ku saabsan wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera, oo hadduu jiro Dastuurku dhigayo in la horgeeyo Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan ama u diidi karaan.

 

 
Balse, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Warbaahintu wax ka weydiisay tallaabada Madaxweyne Siilaanyo dib ugu soo celiyey go’aankii Golaha Wakiilladu ku laaleen bixinta Haamaha Shidaalka ee Berbera, waxa uu ku jawaabay; “Golaha Wakiilladu laba qodob ayuu soo saaraa mid waa Xeer oo waa sharci Dastuurkaana jideeyay, Madaxwaynuhu Xeer waa inuu soo saxeexaa ama soo celiyo 21 maalmood, midna waa go’aan Gole. Go’aanka Golaha in Madaxwaynuhu soo celin karo iyo inkale Dastuurka kuma cadda, laakiin caado may ahaan jirin go’aan Goluhu gaadhay in Madaxwaynuhu soo celiyo. Waxaanay u baahan tahay in si Sharciga waafaqsan Goluhu go’aan uga qaato.”

 
Hadalka Guddoomiyaha Wakiilada ayaa ka hor-imanaya qodobka 77-aad ee Dastuurka dalka oo ka hadlaya habka loo raaco Xeer-dejinta, Farqaddiisa Afaraad iyo shanaad oo si cad u qeexaya in Madaxweynahu dib ugu celin karo Shir-guddoonka Wakiillada haddii Mashruuc sharci loo soo gudbiyey ka hor-imanayo qodob ama qodobbo Dastuurka ka mid ah.

 

 
Waxaanu qodobkaa 77-aad ee Dastuurka Qaranku u qoran yahay ama odhanayaa sidan:-“Mashruuc sharci ay labada Gole ee Baarlamaanku ku wada ansixiyeen ama ku wada oggolaadeen aqlabiyadda 2/3 (Saddex meelood, laba) ama ka badan Madaxweynuhu dib uma celin karo ee wuu saxeexayaa. Haddii uu arko in mashruuc sharcigaasi ka hor-imanayo qodob ama qodobbo Dastuurka ah, waa inuu sidaa ku wargeliyaa Shir-guddoonka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo u gudbin doona Maxkamadda Dastuuriga ah.”

 

 
Haddaba, haddii hadalka Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro si cad uga horimanayo nuxurka qodob Dastuuri ahi dhigayo, muxuu sharcigu ka qabaa haddii Guddoomiyihii Wakiilladu deedifaynayo qodob sharciyan Dastuurku qorayo? Sharciyan-se waa Maxay doorka ka hadal ee Guddoomiyaha Wakiilladu ku leeyahay sharci ama soo-jeedin ku waajahan Golaha Wakiillada go’aan ka gaadhistiisu? Sida Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada farqaddiisa 11-aad dhigayso:- “Guddoomiyuhu wuxu ahaanaya mid u dhex ah Mudaneyaasha marka laga reebo xaaladda codkiisa loo baahdo.”
Qore: Maxamuud Cali Walaaleye
mohamoudali33@gmail.com.
Himilomedia
Hargeysa Office

Nigeria: Bilawga Barnaamijka la-dagaallanka Musuqmaasuqa, Hantida Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo la soo bandhigay

Abuja, 05 September, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha dalka Nigeria Mohammadu Buhari, ayaa u gudbiyay Hay'adda Xisaabi Xilmaleh Hantida uu Madaxweynuhu gaarka u leeyahay, tanina waxay qeyb ka tahay dedaal lagu dardar-gelinayo la-dagaallanka musuqmaasuqa, waxa sidoo kale la sheegay Hantida Madaxweyne Ku-xigeenka dalkaas, iyagoo labadaa masuul xilka loo dhaariyey 29-ka bishii May ee sannadkan 2015-ka.
Afhayeenka Madaxweynaha Garba Shehu, ayaa sheegay in lacagta madaxweynaha ugu jirta akoownkiisa gaarka ah ay tahay boqol iyo konton kun oo Doollar ($150,000 (£100,000). Waxa uu sheegay in qadarkan lacageed muujinayso sida Mudane Buhari oo ahaa Taliyihii hore ee Millitariga iyo Wasiirkii Badroolka Nigeria ugu noolaa xaalad adag oo dhaqaale yaraan ah.
Hantida Madaxweynaha Nigeria:-
1. 5 Guri iyo laba dargadood, sidoo kale beero;
2. Dhul Beereed iyo Beer weyn oo 270 Lo’ ahi joogto;
3. 25 Adhi (Ido) ah, 5 Faras iyo Shimbiro noocyo kala duwan ka kooban;
4. Saamiyada saddex Shirkaddood (Shirkaddo uu saami ku leeyahay);
5. Laba Gaadhi oo uu dhigaalkiisa (Kayd) ka iibsaday iyo laba meelood oo uu Dhul ku leeyahay.
Sida shaxdan Hantiyeed ee Xisaabi-xil maleh loo gudbiyey muujinayso Madaxweyne Mahamadu Buhari, waxaa ka hanti badan Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Yemi Osinbajo, kaasoo Looyar iyo Baaddari ka ah Kiniisad kuwa Nigeria ugu weyn ka mid ah. Waxa uu Afhayeenku sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenku haysto in ku dhaw hal Milyan iyo badh Doollar ($1.4m (£900,000).
“Dukumantiga Madaxweynuhu ku caddeeyay hantida uu leeyahay waxa si rasmi ah loogu gudbiyay guddiga ilaalinta hantida Qaranka, tanina waa qayb ka mid ah ballanqaadyadii uu sameeyay markii xilka loo dhaariyay 29-kii May, 2015. Sidoo kale Buhari wuxuu leeyahay hal xisaab-bangi oo keliya,” ayuu yidhi, Shehu. Garba Shehu waxa uu intaas ku daray in qorshahan uu yahay mid lagu hubinayo hantida ay haystaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Nirgeria si ay Shacabku Wax uga ogaadaan Hantidooda.
Madaxweynaha dalka Nigeria Mohamadu Buhari, ayaa lagu doortay Barnaamij lagula dagaallamayo musuqmaasuqa dalkiisa. Weriyeyaasha ayaa waxay sheegayaan in qaar badan oo ka mid ah dadka Nigeriya ay rejeynayaan in Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha kale ee xaday Hantida dawladda dhawaan Maxkamado la horkeeni doono, maaddaama oo musuqmaasuqa lala dagaallamayo, isla markaana Madaxweynaha dalka laga bilaaba tallaabada koowaad ee la-dagaallanka musuqmaasuqa Nigera oo lagu tiriyo meelaha dunida ugu musuqmaasuqa iyo wax is-daba-marinta badan.
Muhammadu Buhari waa nin Muslim ah, isla markaana waa Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Xisbi Mucaarad ah ka sharraxnaa ee ku guulaystay doorashadii Madaxnimada Nigeria, waxaanu ololaha ku galay inuu soo bandhigi doono Hantidiisa, isla markaana Siyaasiyiintu ummadda u bandhigi doonaan dhaqaalaha ay haystaan, si loola dagaallamo musuqmaasuqa Siyaasiyiintu samayaan iyo la-dagaallanka Kooxda Boko Xaaraam ee dagaalka kula jirta dawladda Nigera, isla markaana maamulo qaybo badan oo dhulka Saliidda leh ee Nigera ka tirsan, kuwaasoo uu iyagana dagaal iyo wadahadal lagu kala furfurayaba la bilaabay.
Himilomedia
Hargeysa Office

Friday, September 4, 2015

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo ku Ammaantay Dahabshiil Group Doorka Muuqda ee Horumarinta Ciyaaraha

Hargeysa, 05 September, 2015 (Himilo)-Madaxda Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn ugu ammaanay shirkadda Dahabshiil Group doorka muuqda ee ay ka qaadato horumarinta adeegyada ciyaaraha dalka, iyadoo mashaariic fara badan oo shirkaddu kaga qaybgalayso tartanka ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadka 2015 ee dhawaan la filayo inay qabsoomaan ay badankoodii dhammaadeen, qaarna socdaan.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin, Agaasimaha guud Maxamed Dhabbeeye iyo madaxda shirkadda Dahabshiil Group oo uu hoggaaminayey Maareeye-ku-xigeenka shirkadda Cabdi Faarax Axmed, ayaa ka wada qaybgalay xaflad kooban oo ka dhacday garoonka wayn ee Kubadda Cagta Hargeysa Stadium shalay, waxay kaga hadleen kaalinta horumarka ku suntan ee sida joogtada ah Dahabshiil uga gaysto horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada isugu jira dib-u-dhis, horumarin, casriyeyn, qalabaynta garoomada kubbadaha ee dalka, baahinta ciyaaraha iyo abaalmarinaha qaalliga ah ee shirkaddu ugu deeqdo gunaanadka ciyaaraha gobollada waddanka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye), ayaa si ballaadhan ugu mahad celiyey shirkadda Dahabshiil sida ay u garab-taagan tahay horumarka ciyaaraha, isagoo ku tilmaamay inay tahay astaanta waxqabadka iyo dhiirrigelinta dhallinyarada.

Wasiirka1 Agasimaha1 Pic Drone1 Drone1Mr. Dhabbeeye, waxa uu sheegay in Dahabshiil tahay tiirka uu ku taagan yahay garoonka Hargeysa Stadium oo dib-u-dhiskiisa iyo casriyeyntiisu joogto u tahay, taas oo ka dhalatay ballanqaad uu sameeyey Maamulaha guud ee Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid kadib markii uu arkay dayaca iyo burburka ku habsaday garoonka mar uu ka qaybgalay tartan lagu qabtay sannadkii 2011-kii, wixii intaa ka dambeeyeyna ay sannad walba geliso lacag badan oo lagu horumariyo, isla markaana farqi aad u wayni u dhexeeyo sidii uu ahaa waqtigaasi iyo maanta.

“Waa xaqiiq in garoonkan ay lacag badani ka gashay shirkadda Dahabshiil, maaha garoonkan oo keliya ee dalka oo dhan baynu ka marag-kacaynaa in Dahabshiil Group dhaqaale badan galiyaan, ku celiyaan lacag qaybaha kala duwan ee adeegyada bulshada meel kasta, arrintaa waynu uga mahad celinaynaa oo ku ammaanaynaa, waxaannu leenahay Illaahay ha idinka abaalmariyo,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed.

Madaxa Suuqgeynta ee shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi iyo Maxamed Nuux oo ka mid ah saraakiisha Dahabshiil Group, ayaa ka warramay guud ahaan mashaariicda shirkadoodu ku samayso garoomada iyo ciyaaraha, iyagoo si gaar ah u xusay waxyaabaha ay kaga qaybgalayaan tartanka ciyaaraha gobollada ee sannadkan ay sidii caadada u ahayd ku bixiyeen dhaqaale lagu sameeyo dib-u-dhiska, qurxinta bilicda iyo horumarinta adeegyada dhammaan afarta garoon ee Hargeysa, Boorama iyo Burco iyo ka kubadda gacanta ee Tima-cadde oo ay ka kala dhacayaan ciyaaraha kala duwan ee sannadkani, isla markaana ay door muhiim ah ku yeelanayaan hawlaha ciyaaraha inta tartanku socdo sida baahintooda loo adeegsanayo diyaarad yar oo nooca aan la wadin ah ee loo yaqaan Drone-ta oo ay suurtogalisay shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL, taasi oo isla goobta lagu soo bandhigay.

“Maanta quruxda iyo bilicda ka muuqata garoonka Hargeysa Stadium, dib-u-habaynta gidaaradda iyo muuqaallada cusub iyo dhismaha laba qol oo Wasaaraddu naga codsatay waxa ilaa hadda ku baxday lacag gaadhaysa $200 kun dollar (laba boqol oo kun oo dollar), maaha in aannu ku faanayno ee waa wax Dahabshiil Group looga bartay inuu ka qayb qaato baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada,” ayuu yidhi Maxamed Nuux.

Maareeye-ku-xigeenka shirkadda Dahabshiil Group Cabdi Faarax Axmed ayaa sheegay inay shirkadoodu diyaar u tahay sii wadida horumarinta ballaadhan ee ay galiyaan ciyaaraha iyo tartannadaba, isagoo si gaar ah u xusay waxqabadka shirkaddu ka samaysay garoonka kubadda cagta Hargeysa ee socday tan iyo sannadkii 2012-kii dib loogu dhisay kaabadaha daawadayaashu ku fadhiistaan, isku-simidda dhulka garoonka, darbiyada dhinacyada oo burbursanaa, isla markaana sannadkan mar kale dib-u-habayn iyo casriyeyn shirkaddoodu ku celinayso ka hor furitaanka tartanka gobollada.

“Dahabshiil inay hanti iyo dadaal galiso garoonkan waxay sannad walba ugu jirtaa miisaaniyadda si ay dayactirkiisa uga qayb qaadato, ma dayacayno garoonka maadaama aannu u hurnay $200 kun doollar iyo in ka badanba. Markaa in aannu dayactirno mar walba Hargeysa Stadium iyo kuwa kale ee gobollada dalkaba waa wax waajib ah oo na saaran. Sidoo kale, garoonka kubadda gacanta ee Tima-cadde oo isaga aannu hore u hagaajinay dhammaantii, isagana waanu ku darnay sannadkan. Waxa kaloo aannu ka qaybqaadanaynaa dhismaha iyo qurxinta labada garoon ee Boorama iyo Burco, maadaama wejiga hore ciyaaraha tartanka lagu qabanayo, waanuna sii daynay dhaqaalihii ku baxayey,” ayuu yidhi Cabdi Faarax.

Mr. Cabdi Faarax waxa uu sharraxay diyaaradda casriga ah ee duubaysa baahinta ciyaaraha, waxaannu yidhi, “Waxa mucjiso ah in diyaarad casri ah (Drone) ay keentay shirkadayada SOMTEL oo duubi doonta ciyaaraha tooska loo baahinayo, iyadoo ay ku rakiban yihiin kamaradii iyo qalabkii kale wax duubayey oo dhan, iyadoo ciyaarta ka duubi doonta dusha sare, dhinacyada iyo hoosta oo ay si toos ah u sii daynaysa, taas oo ah casrigii u dambeeyey.”

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Axmed Cabdi Kaahin, ayaa bogaadin iyo mahadnaq u jeediyey masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil Group doorka joogtada ah ee ay ka qaadato tartanka ciyaaraha, waxaannu yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu ammaanayaa shirkadda Dahabshiil Group waxqabadka ballaadhan ee dhismaha, dayactirka iyo qurxinta garoomada ilaa baahinta ciyaaraha oo uu keenay diyaarad cir iyo dhulba ka sawiraysa, waxaan u malaynayaa in Dahabshiil ay dhallinyaradu u samayn doonto mudaharaad iyagoo boodhadhkoodii sita oo ay ammaani doonaan markay arkaan diyaaradda ka duubaysa ee weliba tooska ah.”

“Maanta waxaan nasiib u yeeshay haddii aan Wasiirka Ciyaaraha ahay in rooggii cusbaa iyo diyaaraddii ciyaaraha duubaysay in aan la isla helo sannadkan,” ayuu yidhi, isagoo intaa raaciyey dardaaran uu u diray dhallinyarada inay ka fogaadaan qabyaaladda oo ay ku walaaloobaan ciyaaraha.

Waxa kaloo iyaguna halkaasi ka hadlay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhallinyarada Cabdi-najax Siyaad iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland