Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin, Agaasimaha guud Maxamed Dhabbeeye iyo madaxda shirkadda Dahabshiil Group oo uu hoggaaminayey Maareeye-ku-xigeenka shirkadda Cabdi Faarax Axmed, ayaa ka wada qaybgalay xaflad kooban oo ka dhacday garoonka wayn ee Kubadda Cagta Hargeysa Stadium shalay, waxay kaga hadleen kaalinta horumarka ku suntan ee sida joogtada ah Dahabshiil uga gaysto horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada isugu jira dib-u-dhis, horumarin, casriyeyn, qalabaynta garoomada kubbadaha ee dalka, baahinta ciyaaraha iyo abaalmarinaha qaalliga ah ee shirkaddu ugu deeqdo gunaanadka ciyaaraha gobollada waddanka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye), ayaa si ballaadhan ugu mahad celiyey shirkadda Dahabshiil sida ay u garab-taagan tahay horumarka ciyaaraha, isagoo ku tilmaamay inay tahay astaanta waxqabadka iyo dhiirrigelinta dhallinyarada.




“Waa xaqiiq in garoonkan ay lacag badani ka gashay shirkadda Dahabshiil, maaha garoonkan oo keliya ee dalka oo dhan baynu ka marag-kacaynaa in Dahabshiil Group dhaqaale badan galiyaan, ku celiyaan lacag qaybaha kala duwan ee adeegyada bulshada meel kasta, arrintaa waynu uga mahad celinaynaa oo ku ammaanaynaa, waxaannu leenahay Illaahay ha idinka abaalmariyo,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed.
Madaxa Suuqgeynta ee shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi iyo Maxamed Nuux oo ka mid ah saraakiisha Dahabshiil Group, ayaa ka warramay guud ahaan mashaariicda shirkadoodu ku samayso garoomada iyo ciyaaraha, iyagoo si gaar ah u xusay waxyaabaha ay kaga qaybgalayaan tartanka ciyaaraha gobollada ee sannadkan ay sidii caadada u ahayd ku bixiyeen dhaqaale lagu sameeyo dib-u-dhiska, qurxinta bilicda iyo horumarinta adeegyada dhammaan afarta garoon ee Hargeysa, Boorama iyo Burco iyo ka kubadda gacanta ee Tima-cadde oo ay ka kala dhacayaan ciyaaraha kala duwan ee sannadkani, isla markaana ay door muhiim ah ku yeelanayaan hawlaha ciyaaraha inta tartanku socdo sida baahintooda loo adeegsanayo diyaarad yar oo nooca aan la wadin ah ee loo yaqaan Drone-ta oo ay suurtogalisay shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL, taasi oo isla goobta lagu soo bandhigay.
“Maanta quruxda iyo bilicda ka muuqata garoonka Hargeysa Stadium, dib-u-habaynta gidaaradda iyo muuqaallada cusub iyo dhismaha laba qol oo Wasaaraddu naga codsatay waxa ilaa hadda ku baxday lacag gaadhaysa $200 kun dollar (laba boqol oo kun oo dollar), maaha in aannu ku faanayno ee waa wax Dahabshiil Group looga bartay inuu ka qayb qaato baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada,” ayuu yidhi Maxamed Nuux.
Maareeye-ku-xigeenka shirkadda Dahabshiil Group Cabdi Faarax Axmed ayaa sheegay inay shirkadoodu diyaar u tahay sii wadida horumarinta ballaadhan ee ay galiyaan ciyaaraha iyo tartannadaba, isagoo si gaar ah u xusay waxqabadka shirkaddu ka samaysay garoonka kubadda cagta Hargeysa ee socday tan iyo sannadkii 2012-kii dib loogu dhisay kaabadaha daawadayaashu ku fadhiistaan, isku-simidda dhulka garoonka, darbiyada dhinacyada oo burbursanaa, isla markaana sannadkan mar kale dib-u-habayn iyo casriyeyn shirkaddoodu ku celinayso ka hor furitaanka tartanka gobollada.
“Dahabshiil inay hanti iyo dadaal galiso garoonkan waxay sannad walba ugu jirtaa miisaaniyadda si ay dayactirkiisa uga qayb qaadato, ma dayacayno garoonka maadaama aannu u hurnay $200 kun doollar iyo in ka badanba. Markaa in aannu dayactirno mar walba Hargeysa Stadium iyo kuwa kale ee gobollada dalkaba waa wax waajib ah oo na saaran. Sidoo kale, garoonka kubadda gacanta ee Tima-cadde oo isaga aannu hore u hagaajinay dhammaantii, isagana waanu ku darnay sannadkan. Waxa kaloo aannu ka qaybqaadanaynaa dhismaha iyo qurxinta labada garoon ee Boorama iyo Burco, maadaama wejiga hore ciyaaraha tartanka lagu qabanayo, waanuna sii daynay dhaqaalihii ku baxayey,” ayuu yidhi Cabdi Faarax.
Mr. Cabdi Faarax waxa uu sharraxay diyaaradda casriga ah ee duubaysa baahinta ciyaaraha, waxaannu yidhi, “Waxa mucjiso ah in diyaarad casri ah (Drone) ay keentay shirkadayada SOMTEL oo duubi doonta ciyaaraha tooska loo baahinayo, iyadoo ay ku rakiban yihiin kamaradii iyo qalabkii kale wax duubayey oo dhan, iyadoo ciyaarta ka duubi doonta dusha sare, dhinacyada iyo hoosta oo ay si toos ah u sii daynaysa, taas oo ah casrigii u dambeeyey.”
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Axmed Cabdi Kaahin, ayaa bogaadin iyo mahadnaq u jeediyey masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil Group doorka joogtada ah ee ay ka qaadato tartanka ciyaaraha, waxaannu yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu ammaanayaa shirkadda Dahabshiil Group waxqabadka ballaadhan ee dhismaha, dayactirka iyo qurxinta garoomada ilaa baahinta ciyaaraha oo uu keenay diyaarad cir iyo dhulba ka sawiraysa, waxaan u malaynayaa in Dahabshiil ay dhallinyaradu u samayn doonto mudaharaad iyagoo boodhadhkoodii sita oo ay ammaani doonaan markay arkaan diyaaradda ka duubaysa ee weliba tooska ah.”
“Maanta waxaan nasiib u yeeshay haddii aan Wasiirka Ciyaaraha ahay in rooggii cusbaa iyo diyaaraddii ciyaaraha duubaysay in aan la isla helo sannadkan,” ayuu yidhi, isagoo intaa raaciyey dardaaran uu u diray dhallinyarada inay ka fogaadaan qabyaaladda oo ay ku walaaloobaan ciyaaraha.
Waxa kaloo iyaguna halkaasi ka hadlay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhallinyarada Cabdi-najax Siyaad iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment