Ololaha CARMMA iyo Wakiilka Ololaha ee Jamhuuriyadda Somaliland loo doortay sannadka
Ololaha Dardar-gelinta yareynta Dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka ee Afrika (CARMMA)
Hargeysa(Aftaha):- Ololaha Barnaamij la baxay CARMMA oo lagu yaraynayo dhimashada Hooyada iyo dhallaanka Afrika, ayaa Somaliland ka bilaabmay, kaasoo lagu daryeelayo Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka Somaliland, maaddaama uu dalkani ka mid ahaa waddamada ugu badan umul aroorka Hooyada.
Barnaamijkaas oo shalay Marwada koowaad ee Madaxweynaha Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde, oo ay weheliyaan Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka, Arrimaha Bulshada, Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta iyo Masuuliyiin kale, ayaa Mashruucaas ku daah-furay Cusbitaalka ama Xannaanada Hooyada iyo Dhallaanka Xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, halkaasoo ay hadallo kala duwan ka jeediyeen.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay in Somaliland ka mid ahayd waddamada ugu badan ee ay Hooyadu ku dhimato xilliga Umusha, balse hadda lagu guulaystay in la dhimay, waxaanu yidhi; “Waxaynu ka mid nahay waddamada ugu tirada badan dhinaca Umul-raaca. Markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Siilaanyo xilka tirsaday Boqolkii Kun ee Hooyo ee Umusha Kun iyo Shan Boqol iyo Lixdan ayaa dhimanayey, dedaal badan oo ay Xukuumaddu samaysay, ayaa nasiib-wanaag waxaynu immika maraynaa Boqolkii kun in dhimashadoodu noqoto Siddeed boqol iyo Konton (850), kala-badh ayaa la dhimay, waxaana qorshuhu yahay in eber (0) la gaadhsiiyo.”
Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-waris Sheekh Muxumed Jirde, ayaa iyaduna halkaas ka hadashay, waxaanay sheegtay in Mashruuca CARMMA yahay mid aad u muhiim ah, isla markaana waxay Warbaahinta ka codsatay in hirgelinta Barnaamijkaas lagala shaqeeyo maaddaama oo uu dalka iyo dadka u muhiim yahay, lana doonayo inuu wax badan ka taro dhimashada Hooyada iyo dhallaanka.
“Maanta CARMMA iyo doorka aan ka ciyaarayo anigu ee wacyigelinta iyo meel walba Eray uga dheh arrintaas iga ahi waxa weeye sidaynu taa uga sii yarayn lahayn ee ah (0) Eber, taasi waxa weeye inaan Hooyo Xaqii Illaahay oo ku soo dega mooyee u dhiman ilmay dhalaysaa ama Uur bay leedahay.” Sidaa ayey tidhi Marwo Aamina-Waris.
Marwada oo hadalkeeda sii wadatay waxay intaas ku dartay oo ay tidhi; “Waayo? Hooyada marka la ogaado caafimaadkeeda markay Uurka leedahay maalinta ay fooshu timaaddo waxay la mid noqonaysaa maalin ay hawl badan qabatay, marka ilmuhu soo dhaafana in dhibi soo gaadhay-ba ma mooddid hadday caafimaad qabto.” Ka dib hadallada ay Masuuliyiintu ka jeediyeen Munaasibaddaas., waxa Madaxtooyadu ka soo saartay War Qoraal ah oo u dhignaa sidan:-
“Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kaalinteeda kaga biirtay daah-furka Ololaha CARMMA ee ujeedadiisu tahay hoos-udhiga dhimashada hooyada dhalaysa/dhashay iyo caruurta yaryar iyo guud ahaan tayeeynta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka si markaas dar-dar loo geliyo ololaha oo wax lagaga bedelaayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka oo war-bixinteedu sheegayso mudadii 2011-kii ilaa 2013-kii in lagu qiyaasay 100.000 oo dhalasho ay geeryoodaan 850 ka mid ahi (WHO UNFPA and UNICEF).
Ololahan CARMMA ayaa ah mid ay isku bahaysteen wadamada Afrika si dar-dar loo geliyo hoos udhiga dhimashada hooyada xaamilada ah ama tan dhashay iyo caruurta yaryar oo markaa lagu wado in hoos loo dhigo boqolkiiba shan iyo todobaatan sanadka 2015 iyadoo markaa la waafaqsiinaayo rajadan ta hiigsiga loo yaqaan Millennium Development goal 4 iyo 5.
Ololaha CARMMA waxa si rasmi ah loo daah furay 7dii bishii may ee sanadkii 2009 iyadoo lagu daah furay
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment