
“Waxay ahayd maanta (Shalay), ka dib markii aannu gaadhnay degmada Sayla, halkaas oo aan u tegnay furitaanka Saldhig Boolis iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed oo bulshadu baahi weyn u qabtay.
Socdaalkan shaqo oo aan isku wehelinaynay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Mudane Cabdi Daahir Camuudi, Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Xildhibaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa ahaa mid looga gol lahaa dardar-gelinta hawlaha maamul ee degmada iyo indho-indhaynta baahida aasaasiga ah ee ka jirta guud ahaanba deegaanka.
Intii aan ku sugnayn degmada ayaan bulshada halkaas ku sugan u furnay saldhig Boolis oo ay iska kaashadeen bulshada ku nool degmada iyo dawladdu, kaasoo wax badan ka tari doona nabadgelyada, isla markaana xoojin doona habsami u socodka hawl maalmeedka bulshada ku dhaqan Sayla.
Waxaan si gaar ah u xusayaa Muwaadinadda Hibaaq Yuusuf Aadan oo gacan weyn ka gaysatay hirgalinta dhismaha saldhiggan Boolis, waa bisaylka iyo dal-jacaylnimada dadkeenna in ay xataa gacan ka gaystaan adkaynta nabadgelyada, isla markaana gartaan in Boolisku yahay saxiibka dadweynaha. Waxaan sidoo kale, dhagaxii bilowga u dhignay laba dhisme oo degmadu baahi weyn u qabtay, kuwaas oo kala ahaa Maxkamaddii degmada iyo gurigii martida.
Marka degmadu yeelato saldhig Boolis oo ku qalabaysan ciidan iyo wax walba oo lagama maarmaan u ahaa adkaynta nabadgelyada isla markaana hesho Maxkmad xukunta dambiilaha lasoo qabto waxaa hubaal ah in ay cagta saartay dhabadii horumarka halkaasna ay ku heshay xakamo kala dabaala bulshada goobta kuwada dhaqan.
Qofna korkiisa biyo kama hagrado sidaasi si lamid ahna dawlada waxaa ka go’an horumarinta degmo iyo deegaan walba kolba intii suurogal ah ee aynu dawlad iyo shacaba isku kaashano guusha dalkeena Somaliland.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment