Saturday, September 5, 2015

Qaramada Midoobay oo Midawga Yurub ka dalbatay inay Laba Boqol oo Kun oo Qaxoonti ah qaabbilaan, Jawaabta Britain, Canaanta Turkiga iyo Jarmalka

Washington, 05 September, 2015-(Himilo)- Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga Antonio Guterres, ayaa Jimcihii Maanta ugu Baaqay Madaxda Yurub inay qaadaan tallaabooyin xooggan oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka heysta dhanka dadka soo gallootiga ah.
Antonio Guterres, ayaa sheegay in Qaaradda Yurub hadda ay waajaheyso xilli adag, waxaana uu u sheegay in kala qeybsanaan ku timaadda dhexdooda ay faa’iido u tahay dadka Mukhallisiinta. Codsigiisa ku aaddan in taageero dheeraad ah loo sameeyo dadka Muhaajiriinta ah, ayaa waxa uu daba socdaa. Sidoo kale walaac uu qabo Reysal-wasaaraha Hungary, Viktor Orban, ayaa ka digaya in qul qulka dadkan uu sii xoogeysto isla markaana ay gaadhaan illaa tobbannaan Milyan oo Ruux.

 
Boqollaal kun oo dad ah oo ka baxsanaya dagaallada iyo saboolnimada, ayaa safarro halis ah ku soo mara Badaha iyo Berrigaba, kuwaasoo bartimaameedkooda yahay dalalka hore u maray ee Yurub, sida Jarmalka, si ay dadkaasi u helaan goobo ammaan ah oo ay nolol cusub ka billaabaan.

 
Sidoo kale, Raysal-wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel, ayaa waddamada Yurub ugu baaqday inay wax kala qabtaan xaaladda Qaxoontiga oo dalkeedu noqday kii tirada ugu badan ee Muhaajiriintu beegsanayeen sannadihii ugu dambeeyey, isla markaana toddobaadkii hore oo keliya gaadheen illaa afar kun oo ruux oo Tahriibayaal ah, waxaanay Midawga Yurub ku canaanatay inay iska indha-tirayaan xaaladda dhabta ah iyo xaqiiqada ay tahay in lagu waajaho Qaxoontiga tirada badan ee ay albaabbada ka xidheen inta badan reer Yurub oo ay xustay inay tahay in albaabbada loo furo.

 
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Recep Erdogan, ayaa Midawga Yurub ku eedeeyey inay dembi ku yeelanaan qof kasta oo Tahriibe ah oo naftiisa dhibaato soo gaadho ama ku dhinta inta uu ku jiro safarka uu ku beegsanayo waddamada Yurub, waxaanu ku eedeeyay oo kale Yurub inay Qubuuraha Muhaajiriinta ka dhigeen Baddaha kala duwan ee dunida ee ay dadka ku socda qaaradda Yurub ee Tahriibayaasha ahi ku dhibaatoonayaan isagoo tusaale u soo qaatay Sawirka Meydka Wiilka yar ee Suuriyaanka ah ee Xeebaha dalka Turkigu soo tufeen.
Dhinaca kale, Dawladda Britain waxa ay aqbali doontaa kumannaan ka tirsan Qaxoontiga ka imanaya dalka Syria, sida uu caddeeyey Rayasal-wasaaraha Britain David Cameron oo Jimcihii shalay hadalkaas sheegay, isla markaana beddelay mawqifkiisii hore ka dib markii dareen xooggan uu ka dhashay Sawirka Wiil yar oo Syrian ah oo Meydkiisa laga helay Xeeb ku taala dalka Turkiga.

 
Raysal-wasaare David Cameron, ayaa dhaleecayn xoog badan la kulmay, iyadoo loo arkayay in Britain aanay muujinin dareenka lagula waddaagayo Qaxoontiga dhibaatadu haysato. Cameron ayaa Weriyayaasha kula hadlay magaalada Lisbon, halkaasoo uu kulan kula qaadanayay dhiggiisa dalka Burtiqiiska.

 

 
“Waxaan oggolahay baaxadda dhibaatada iyo dadka dhibaatoonaya, maanta (Shalay) waxaan caddeynayaa in aan wax badan qaban doonno si aan magan-galyo u siinno kumannaan kale oo ka mid ah Qaxoontiga Suuriyaanka ah.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha dawladda Britain Mr. David Cameron.
Mr. Cameron, waxa uu sheegay in dawladdu ay kala xaajoon doonto Hay’adaha gurmadka sida ugu habboon ee wax loogu qaban karo Qaxoontiga Kumannaanka Suuriyaanka ah ee uu sheegay inay gargaarayaan, isla markaana uu macluumaad faah-faahsan soo gudbin doono toddobaadka danbe.

 
Arrintan uu ku dhawaaqay Ra’iisul-wasaaraha Britain waxay muujisay in isbeddel uu ku yimid aragtida iyo qorshaha uu hore u aamminsanaa David Cameron, ka dib markii erayadii kasoo yeedhay maalmihii Salaasadii iyo Khamiistii si weyn looga hor-yimid, iyadoo loo arkay in aanu bixin Jawaabtii ku habboonayd dhibaatada taagan, gaar ahaan markii uu soo shaac-baxay Sawirka Wiilka yar Suuriyaanka ahaa ee Xeebta dalka Turkiga laga helay.

 

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment