Wednesday, September 2, 2015

Marwada Koowaad iyo Wasiirka Caafimaadka oo dhagax-dhigay Dhismaha Cusbitaal Dhimirka ah,

Hargeysa, 02 September, 2015-(Himilo)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye, Dhagax dhigay Xarun cusub oo lagu daryeeli doono Dadka Maskaxda ka Buka, taasoo laga hirgelin doono Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa, kharashka dhismeheeda ku baxayana ay ka qaybqaateen Haweenka Ururka Gaaroodi oo iyaguna goob-joog ahaa.

 
Waxay Marwada Koowaad, Wasiirka Caafimaadka, Maayer Ku-xigeenka Caasimadda iyo Xubno Ururka Gabdhaha ee Gaaroodi ka tirsani, goobta dhagax-dhigga Cusbitaalkan Dhimirka in lagu daweeyo loo asteeyey ee laga dhisayo Deegaanka Masallaha ee magaalada Hargeysa, ay halkaas kaga warrameen muhiimadda uu Cusbitaalkani yeelan doono marka la hirgeliyo.

 
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo ka halkaas ka hadlay uu yidhi; “Runtii waxaan Marwo rabaa inaan halkan hortaada uga mahad-celiyo Gabdhaha Ururka Gaaroodi oo aad iyo aad uga soo qayb-qaatay horumarka deegaankan, hore waxay u dhiseen Cusbitaalka Sallaxley oo ay qalabeeyeen, illaa Ambalaaskiina keeneen. Immikana Mashruucan aad arkayso oo ah mashruuc aad u wayn oo baahidiisuna jirto ayay qaateen.”
Sidoo kale, Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa dhagax-dhiggaas ka hadashay, waxaanay tidhi; “Sharaf bay kulligeen-ba innoo wada tahay in maanta Cusbitaalkan Dhimirka ee magaalada Hargeysa baahidiisu aadka u taallo in maanta laga dhisayo dhulkan quruxda badan ee Masallaha, Hablaha Gaaroodi-na Mahad-naq badan baannu u jeedinaynaa, had iyo jeer waa dadka dhismaha dalkooda ka qayb-qaata.”
Ku-simaha Duqa Caasimadda ahna Maayer Ku-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Caga-wayne iyo Xubno ka tirsan Gabdhaha Ururka Gaaroodi, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay oo sheegay in Cusbitaalkaas la dhagax-dhigay yahay mid muhiimad badan u yeelan doona dalka iyo dadka, laguna xannaanayn doono dadka Dhimirka (Maskaxda) ka xanuunsada, waxaana dhulka laga dhisayo bixisay dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay Xubnaha Ururku halkaas uga mahad-celiyeen.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment