Saturday, September 5, 2015

Sheekh Aadan-Siiro oo Wiilasha iyo Gabdhaha is-raba ee awood dhaqaale u dabran ugu bushaareeyey taageero

Hargeysa, 05 September, 2015-(Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa Dhalinyarada Wiilasha iyo Gabdhaha ah ugu bushaareeyey kuwooda aan awoodin kharashka lagu bixiyo Xafladaha Meherka ee Gabbaatiga iyo Yaradka, haddana is-raba ee doonaya inay Qoys xalaal ah oo Islaam ah dhistaan in loogu gargaari doono Masaajidka uu Iimaanka ka yahay ee Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa.

 

 
Sheekh Aaden Siiro, ayaa Khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga sheekeeyey muhiimadda ay leedahay taageerada iyo gacan-qabashada dadka jilicsan, sida dhallinyarada guurka raba ee waayuhu dabarka ku xidhay, waxaanu Sheekhu dadweynihii Masaajidka ku sugnaa ka codsaday in dhallinyarada is-oggol ee doonaya in Masaajidka la isugu meheriyo, lagana taageero bilawga qoyskooda ay xidhiidh la sameeyaan isaga.
“Ninka dhallinyarada ah ee Gabbaatiga, Lacagta iyo Baabuurta badani dhibeen, waxaan u sheegayaa inaynu ku caawinayno kharashka bilawga (qoyskooda), Masaajidkana waynu isugu meherinaynaa Salaadda Jimce ka dib (Jimce kasta). Sidaa daraaddeed waxaad (warkaa) gaadhsiisaan cidda is-oggol ee Waligooduna ogGol yahay (inay is guursadaan).” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro).

 
Waanu Sheekh Aadan-Siiro intaas ku sii ladhay; “Weliga oo kaliya ayaa Masaajidka soo fadhiisanaya iyo ninka mehersanaya Gabadh, innaguna waxaynu ku caawinaynaa Ducada…haddaynu doonno shan ayaynu is-raacinaynaa oo aynu isku meherinaynaa. Waxaan u jeedaa inanka aan awood (Dhaqaale) oo badan aan lahayn iyo Gabadha is doonaya inay is-guursadaan, maaha ninka baystaynada haysta ama kumannaanka bixinaya.”

 
“Nebigu (C.S.W) waxa uu ahaa mid u Gurmada Masaakiinta, innagana maanta marka dhul la isku haysto Ninku dillaaliintiisa ayuu dirayaa. Kuwa dhulka iibsada ayaan idiinka warramayaa; “Adeer meel laga dhintay oo Agoon jilicsani ay joogto oo Dumar iyo Carruuri ku hadheen oo ay baahan yihiin ama Inan ka tahriibay oo Maggafe uu hayo oo Baystayno lagu iibanayo adeer ii soo doon-doon.’ Buu odhanayaa kii Lacagta haystay ee Illaahay wax siiyey. Iska daa inuu wax taro, iska daa inuu Lacag amaahiyo, maanta heshiiskeenna ugu weyni waxa weeye meeshaa dad jilicsani ma joogaan si aynu uga faa’iidaysanno.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

 
Waxa uu sheegay in Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaah korkiisa ha yeelee (C.S.W) uu Muslimiinta u dardaarmay inay iskaalmeeyaan oo ay u sinnaadaan hantida, wax isa-siiyaan oo ka wax Allaah u dhiibay ka aan waxba haysan kaalmeeyo, isla markaana Jaarku aad isaga war-hayo, oo Guriga laba qof wax ku filani yaallaan ay ku fillaan karto saddex ama afar-ba haddii iska war-hayni jirto.

 

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment