Saturday, September 5, 2015

Wasiirka arrimaha dibedda oo Shaaciyey in Beesha Caalamku ka baqayso Aqoonsi buuxa oo ay Somaliland siiso

“Waxay AU-du tidhi; ‘Kiiska Somaliland wuu ka gaddisan yahay kiisaska dawladahaa kale, runtiina waynu ka geddisannahay oo maynaan ahayn sida Sudan iyo Koonfurta Sudan, ama Eriteria iyo Ethiopia oo kale…” Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis

 
Hargeysa, 05 September, 2015-(Himilo)- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inkasta oo ay dawladda Somaliland buuxisay shuruudihii looga baahnaa dawlad ama Qaran, inay haddana jiraan caqabado iyo cabsi ay waddamada Midawga Afrika iyo caalamku ka qabaan inay si rasmi ah ugu aqoonsadaan dawlad madax-bannaan.
Hase-yeeshee, waxa uu sheegay Wasiir Biixi inay dedaal xooggan ugu jiraan Wasaarad ahaan iyo dawlad ahaan sidii ay Somaliland u heli lahayd Aqoonsiga ay beesha Caalamka uga baahan tahay, isla markaana inkasta oo aan si rasmi ah loo aqoonsan, haddana dunidu ula macaamisho sida dawladaha la aqoonsan yahay qaarkood oo kale marka loo eego dhinacyada macaamilaadka, xidhiidhka iyo heshiisyada ay dawladaha iyo Shirkado caalami ah wada galaan qaarkood.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sidaa ku sheegay Khudbad dheer oo uu habeen-hore ka jeediyey Jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa, halkaasoo uu sidoo kale kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay Ardayda Jaamacaddaasi weydiiyeen, isagoo dhinaca aqoonta iyo waxbarashadana kula dardaarmay inaanay ka daalin dhalinyaradu oo ay marwalba sii xoojiyaan awooddooda aqooneed.

 

 
“Inkastoo aynu Shuruudihii buuxinnay illaa hadda ma haysanno Ictiraaf buuxa, balse illaa imika waxa aynu nahay oo aynu haysannaa macaamilaad iyo xidhiidh fiican. Haddaba, maxaa haysta Ictiraafkeenna? Halkeese aynu u maraynaa? Waxa ugu horreeya in innagu aynu is-Ictiraafno oo aynu dalkeenna nabadgelyadiisa ilaashanno, oo uu jiro midnimo dalkeenna iyo dadkeena ah. Waxa jirta in dawladeenna iyo dawladihii hore-ba ay dedaal faro-badan ay ka sameeyeen sidii ay Ictiraafkaasi u raadin lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

 

 
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo sii sharraxaya mawduucan waxa uu intaas ku daray oo yidh; “Waxay aniga iigu muuqataa shakhsiyan in Ictiraafkeennu aanu dheeraan doonin, Ictiraafkeennana aynu heli doonno wax la innoogu diidaana aanu jirin, waxa ugu weyn ee aannu isku mashquulinnaa Wasaarad ahaan waxa weeye in horta waddankaasi arrimihiisa hadday ahaan lahayd dhaqaalihiisa ee caalamku uu ku tilmaamo aad xoojiso oo Shirkadaha iyo dawladaha waxa aad kala saxeexanaysaan ay bataan.”

 

 
“Waxaad la socotaan 2005 waxa Somaliland yimid Wefti ka socda Midawga Afrika (AU-da), waxay AU-du tidhi; ‘Kiiska Somaliland wuu ka gaddisan yahay kiisaska dawladahaa kale, runtiina waynu ka geddisannahay oo maynaan ahayn sida Sudan iyo Koonfurta Sudan, ama Eriteria iyo Ethiopia oo kale innaga oo xor ah ayaynu tagnay. Markaa, waddan xor ah oo u tagay waddan kale oo haddana soo noqday, wax ay innoogu diidaan ma jirto ee run ahaantii waxa yara jirta baqdin ay ka baqayaan inay inna Ictiraafaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, hase-ahaatee, ma faahfaahin waxa ay tahay cabsida ama baqdinta uu sheegay inay dunidu ka baqayso inay aqoonsato Somaliland oo 24 sannadood gooni uga taagnayd dalkii ay 1960-kii la midawday ee Soomaaliya la isku odhan jiray.

 
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment