Garoowe, 02 September, 2015 (Himilo)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa Xalay xadhiga ka jaray isticmaalka adeegga isgaadhsiinta ee shirkadda Somtel iyo adeegga xawaaladda mobile-ka ee eDahab oo ah markii ugu horreysay ee laga hirgaliyo dawlad gobolleedka Puntland.
Shirkada isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL ayaa sannadkan horraantiisii soo gaadhay deegaamada Puntland iyadoo si kumeel gaadh ah xarumaheeda Puntland u furtay lagana billaabay Adeegyada shirkadda sida bixinta kaadhadhka, Ku hadalka, Internet-ka iyo Adeega E-Dahab.
Xaflada Daah-furka shirkada ayaa lagu qabtay Hoolka jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda magaalada Garoowe, Waxaana ka soo qayb galay madaxda dowladda Puntland oo kala ahaa Wasiiro, Xildhibaanno, madax-dhaqameedyo, Ganacsato, culima aw diin iyo dadweynaha Puntland.
Waxa ugu horreyn ka hadlay xafladda furitaanka madaxa guud ee shirkadda Dahabshiil iyo Somtel Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo faahfaahin ka bixiyey daah-furka shirkadda SOMTEL Puntland waxaana uu yidhi “sida aad ka warqabtaan shirkadda SOMTEL oo bixisa adeeg isgaadhsiineed oo wada gaadhsiisan dalka Soomaaliya, qeybteeda Puntland ayeynu caawa halkan ku daah-furaynaa”. Daah-furka adeegga Somtel iyo E-Dahab waxay kusoo kordhisay Puntland inay shaqaalaysiiso tiro gaadhaysa 600 oo shaqaale reer Puntland ah, waxa kale oo ay fududaysan Somtel qaab sahlan oo ay ardayda iyo ganacsatada reer Puntland ay kula xidhiidhaan caalamka meesha ayey shirkadda Somtel u fududaysay” ayuu yidhi mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi.
Dr. Sayid Maxamed Cabdille Xasan maamulaha guud ee shirkadda Somtel Puntland ayaa isna ka warbixiyey shirkadda Somtel waxaanu yidhi “Shirkadda Somtel waa shirkad isgaadhsiineed oo ka hawl gasha dhamaan Soomaaliya, qeybna ka ah bahweynta Dahabshiil Group. Somtel waxay si mug leh u maalgelisay technology-ga ugu casrisan adduunka kuna xidhan shirkadaha ugu tayada sareeya ee reer yurub, waana arrinta keentay kasbashada quluubta shacbiga reer Puntland. Shirkadda Somtel oo muddo yar ka jirtay deegaanada Puntland waxay si laxaad leh uga qeybqaadatay taakulaynta bulshada sida: xalinta khilaafaadka beelaha, dhiirigalinta dhallinyarada iyo Ciyaaraha si loo yareeyo tahriibta, taakulaynta qaxoontiga Soomaalida iyo Yamenta ka soo qaxay dalka Yaman iyo taakulaynta agoomaha.
Sidoo kale shirkadda Somtel waxay ka qeyb qaadanaysaa kobcinta dhaqaalaha iyo dhiirigalinta suuqa xorta ah ee ku salaysan tartanka caafimaadka qaba. Waxa si gaar ah mudan in loo xuso inay shirkadda Somtel Puntland ay tahay shirkadii ugu horreysay ee shaqaalaysiisa gabdhaha wax bartay kaddib markii ay ku tartameen imtixaanadii shaqadda” sidaa waxa xafladda daah-furka ka sheegay Dr. Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Adeegyada ay Somtel ka hirgalisay deegaannada Puntland waxa ka mid ah:
• Adeegga eDahab oo ah adeegga xawaaladda moobaylka oo aad lacagtaada ku shuban karto akoonka aad ku leedahay dahabshiil kalana bixi kartid goor kasta iyo meel walba, waxa kale oo aad kaga shuban kartaa lacag aad ku hadasho moobaylkaaga.
• adeegga loo yaqaanno GSM oo ah xarfo la soo gaabiyey oo noqonaya (Global System Mobile communication), adeegyadaas waxa ka mid nooca loo yaqaano SIM prepaid oo ah lacagta lagu shubto kaadhka Somtel adiga oo adeegsanaya noocyada kala duwan ee lacagta loogu shubto sida kaadhka la xoqo ee scratch card-ka loo yaqaan, eDahab-ka iyada oo ay lacagtaadi mobilka kuugu jirtay aad iskaga shubanaysid iyo isaga oo elektarooniga oo loo yaqaan EVC aad kaga shuban kartid xarumaha iyo wakiiladda Somtel.
• Adeegyada kale ee ay daah-furtay shirkaddu waxa ka mid ah nooca loo yaqaano POSTPAID oo ah telefoon furan oo marka bishu dhamaato wixii aad isticmaashay biil ahaan laguugu soo dalacayo.
• Adeegga DANAN oo kuu sahlaya inaad coddad kala duwan ku xidhato moobileykaaga sida ducooyinka iyo gabayada.
• Adeega TEBIYE oo marka aad wacdid qof isaga oo telefoonkiisu dansan yahay ama xidhan yahay inuu kuu sheego marka uu diyaar noqdo ama la adeegsan karo.
• VIOP waa adeeg adduunka in badan oo ka mid ah si lacag la’aan ah lagaaga soo wacayo sida waddamada Yurub iyo Ameerika.
• Adeegga loo yaqaanno FAST INTERNET BANDWITH oo ah xawaaraha dheer ee internet-ka.
• Adeegga loo yaqaano 4G waa Four Generation oo ah aaladdii ugu dambaysay ee SIM kaadh laga isticmaalo caalamkan aynu joogno
• Adeegga WIFI HOTSPOT waa internet xawaarihiisu aad u sareeyo isla markaas na magaalooyinka waaweyn meel kasta oo la joogo laga gali karo internet-ka
Waxa isna madasha daah-furka ka hadlay madaxa adeegga eDahab Mud. Fu’aad Axmed Nuux oo ka war bixiyey adeeggan oo ka mid ahaa adeegyadii madasha lagu daah-furay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “eDahab waa adeeg casri oo qofku mobaylkiisa ku isticmaali karo dhamaan adeegyada maaliyadeed ee uu uga baahnaa bangiga, xawaaladda iyo lacagtii uu ka isticmaalayey jeebkiisa. Adeeggan eDahab waxay shirkaddu ka bilowday Puntland muddo hadda laga joogo dhowr billood oo uu maanta wada gaadhay dhamaan magaalooyinka ay ka kooban tahay Puntland isla markaan macmiil isticmaalaya adeegani uu wax kaga iibsan karo goob kasta oo ganacsi oo ku taala Puntland oo uu qofku kaga maarmi karayo lacagtii uu ku haysan jiray jeebkiisa. Waxa uu intaas ku daray muddadii yarayd ee uu jiray adeeggani inay isticmaaleen oo ay ka faa’iidaysteen in ka badan 50,000 (konton kun) oo isugu jira meherado iyo macmiilka kale oo reer Puntland ah, taasi oo ku tusaysa sida ay uga faa’iidaysteen dadka reer Puntland muddadaa yar ee dhowrka billood ah.
Adeegga eDahab waxa loo isticmaali karaa bixinta mushahaarooyinka shaqaalaha shirkadaha, hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada kale iyada oo adeeggani suurtogalinayo in hal mar aad lacag uga diri karto computer-kaaga 100,000 oo qof wax ka yar hal miridh. Macmiisha isticmaalaysa adeegan waxay heli adeegyo tiro badan oo ay ka mid yihiin sida adeegga lacag dirid laga dirayo moobayl oo loo dirayo moobayl kale, inuu adeeg ku iibsan karo, inuu macmiilku lacagta ku jirta moobaylkiisa uu biil iskaga bixin karo, in lacagta laguugu soo diro xaawaladdu ay kuugu soo dhici karto moobaylkaaga adiga oo jooga gurigaa ama shaqadaada oo aad kaga maarmayso inaad tagto xarumaha dahabshiil.” Hadaladaasi waxay ka mid ahaayeen warbixintii madaxa eDahab Fu’aad Axmed Nuux.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment