Wednesday, September 2, 2015

Natiijada Imtixaan-sannadeedka Dugsiyada Sare/Dhexe oo la shaaciyey iyo Magacyada Ardayda Kaalmaha hore ku guulaystay

Hargeysa, 02 September, 2015-(Himilo)- Wasaarada Waxbarashada iyo Xafiiska Imtaxaanaadka ee Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada Imtaxaankii Shahaadiga ah ee Dugsiyada dhaxe iyo Dugsiyada sare, dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay-ba.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Cilmi Geedoole iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka guud ee Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shalay shaaciyey Natiijada Imtixaanaadka guud ee Dugsiyada Sare iyo dhexe ee dalka Somaliland oo dhan iyo Ardayda Kaalmaha hore ama sare ku guulaysatay. Iyagoo ay tobanka Arday ee ugu sarreeya dalka oo dhan ay ku guulaysteen Ardayda wax ka baranaysay Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka qaarkood iyo Dugsiga SOS.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo sharraxaya is-beddelka iyo korodhka tirada Ardayda sannadkan iyo sannadkii hore, faraqa u dhexeeya iyo magacyada Ardayda Kaalmaha hore ku guulaystay, waxa uu qoraal uu halkaas ka akhriyey ku yidhi; “Korodhka Ardayda iyo dugsiyada u fadhiistay Imtixaanka sanadkan iyo sanadkii hore:-
Iskuuladda dhexe ee sanadkii hore u fadhiistay imtixaanka ayaa ahaa 289 Dugsi, halka sanadkan ay u fadhiisteen 323 Dugsi. Dugsiyada sare ee sanadkii hore u fadhiistay imtixaanka ayaa ahaa 89 Dugsi. Halka sanadkan ay u fadhiisteen 97 iskuul.
Sannadkii hore tirada ardayda dugsiyada dhexe waxay ahayd Saddex iyo toban kun iyo saddex boqol(13,300 Arday), halka sanadkan ay u fadhiisteen Saddex iyo toban kun sagaal boqol iyo sideetan iyo shan(13,985 Arday). Dugsiyada Sare sannadkii hore waxay ahaayeen toddoba kun iyo sideed boqol (7,800 Arday), halka sanadkan ay ka yihiin Sagaal kun saddex boqol iyo afar iyo konton (9,354 Arday).
Liiska Ardayda ugu sarraysa qaybaha loo habeeyay Iskuullada:
Fiiro gaar ah: Ardayda qaar ayaa isku dhibco ah oo wada galay Kaalin, isla markaana isbeddel ku samaynaya Lambarrada 10-ka ah.
Tobanka Arday ee ugu sarreeya Dugsiga SOS
Kaalinta Magaca Natiijada Iskuulka SOS
1. Cabdiraxmaan Barre Muxumed Nuur 764
2. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Khalaf 763
3. Sacad Xaamud Muuse Cabdillaahi 755
4. Cabdiraxmaan Xasan Managed Axmed 754
5. Cabdiraxmaan Khadar Yoonis Axmed 749
6. Cabdicasiis Mawliid Cabdi Bade 747
7. Rooble Siciid Maxamuud Maxamed 746
8. Managed Cabdi Axmed Jaamac 744
9. Cismaan Xasan Cismaan Yuusuf 743
10. Samsam Axmed Maxamuud Cawad 741
Saddexda Hablood ee Dugsiga SOS Ugu sarreeya;-
1. Samsam Axmed Maxamuud Cawad.
2. Hodan Maxamed Ibraahin Ciise.
3. Nimco Muxumed Aw Saleebaan
Dugsiga Dhexe
Tobanka Arday ee ugu sareeya Dugsiga Dhexe
Kaalinta Magaca Natiijada Dugsiga Gobolka
1. Nadiira Khadar Xasan 653 Al-khayr Maroodijeex
Cabdiqani Mustafe Nuur Jaamac 653 Al-rayaan M.jeex
3. Khaalid Cabdi Xasan Cadaad 652 Al-rayaan M.jeex
Hooda Xasan Salaan Cali 652 Ibnu-Qayim M.jeex
5. Samda Shabcaan Cabdi Cilmi 649 Al-huda M.jeex
6. Xamse Idiris Sh. Cabdirisaaq Xaaji Siciid 648 Cigaal Gabiley
7. Najiib Cabdi Xasan Haybe 642 Al-khayr M.Jeex
Liibaan Cabdi Xuseen Haybe 642 Al-khayr M.jeex
Saamiya Cismaan Diiriye Magan 642 Sh.Madar Institute
9. Layla Ismaaciil Shukri Cabdi 642 Al-rayaan M.jeex
9. Samsam Cumar Fadal 642 Al-huda M.jeex
9. Cabdiqani Ibraahin Cige Xasan 642 Qolombi Togdheer
9. Ayaanle Maxamuud Cabdi Xasan 642 Xuseen Miigane Awdal


Hablaha ugu sareeya dalka oo dhan ee Dugsiga dhexe
Kaalinta Magaca Natiiijada Dugsiga Gobolka
1 Nadiira Khadar Xasan Al-khayr Maroodijeex
2 Hoodo Xasan Salaan Cali Ibnu-Qayim
3 Samsam Shabcaan Cabdi Cilmi Al-huda
4 Saamiya Cismaan Diiriye Magan Sh.Madar
5 Samsam Cumar Fadal Ayman Al-huda
6 Layla Ismaaciil Shukri Al-rayaan
7 Habbi Ismaaciil Muuse Cali Al-rayaan
8 Hodan Managed Sheekh Xasan Ducale
...
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment