Tuesday, September 1, 2015

Xisbiga WADDANI iyo Xildhibaan Xoog oo ka hadlay go’aanka Golaha Wakiillada iyo Hadal ka soo yeedhay Wasiirka Ganacsiga

“Qolada Wasiirrada ah ee qalinaya ee leh maanaan keenin-ba Golaha, waxaaannu leenahay  Golaha haddaad keentaan iyo hadaydaan keeninba sidaasbay  u laalnaanaysaa…” Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa, 01 September, 2015-(Himilo)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha Wakiillada Somaliland kaga hor-tegay heshiis aan weli la soo gaadhsiin oo ay Xukuumaddu la gashay Shirkado waddani ah oo gaar loo leeyahay, kaasoo dhigaya in Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo Shirkadahaas, balse ay aqlabiyadda Mudanayaasha Wakiilladu fadhigoodii Axaddii toddobaadkan ku laaleen Heshiiskaas, maaddaama oo aanu ahayn mid dalka iyo dadka dani ugu jirto ee uu yahay mid hanta lagu lunsanayo, isla markaana cid gaar ah loogu danaynayo sida ay Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka ee Golahaasi sheegtay.

BOOBEXoghayaha Saxaafadda ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo shalay Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Golaha Wakiilladu waajib sharci oo saaran guteen, isla markaana waxa uu duray Wasiirka Ganacsiga oo sheegay inaanu garanayn waxa ay Golaha Wakiilladu laaleen maaddaama oo aanu jirinba wax heshiis ah oo Xukuumadda ay Wasaaraddiisu u gudbisay iyo wax heshiis ah oo Madaxweynuhu Wakiillada u soo gudbiyey toona.

“Waxaannu u mahad-naqaynaa Golaha Wakiillada iibkii iyo wareejintii Haamaha Kaydka Shidaalka ee ay laaleen aad ayaad ugu mahadsantihiin baan leenahay. Illaahay ha idin garansiiyo xilkiinna. Qolada Wasiirrada ah ee qaylinaya ee leh maanaan keenin-ba Golaha, waxaaannu leenahay  Golaha haddaad keentaan iyo hadaydaan keeninba sidaasbay  u laalnaanaysaa.” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu ka warbixiyay qorshe ay SNM doonaysay inay ku burburiso Haamaha Shidaalka oo Axmed-Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyaha SNM ka horjoogsaday, waxaanu yidhi; “Arrintan ayaa waxa ay I xasuusinaysaa sannadihii dul-saarka ahayd ee aannu joognay SNM, waa dabayaaqadii 1990kii meeshu waa Beligubadle, waxaanu kasoo baxnay shirkii Madaweyn ee guurtida waxaanu u diyaar garoobaynay, shirweynihii  lixaad oo dhamaadkii March 31 keedii ka frumay Baligubadle oo Axmed-Siilaanyo oo Maanta Madaxwayne ah maalintaasina Guddoomiye ahaa, Taanbuug yar oo uu seexan jiray ayuu kasoo baxay, Ardaa ka horreeyay ayaa markaa loo goglay quraacdii ka dib, sagaalkii iyo badhkii ayay ahayd dabadeedna Ciidan Ibraahim-Dhagawayne wato ayaa duleedka marayey, dabadeedna Ciidankii ayuu waraysatay halka ay u baxayaan iyo halkay tagayaan, waxaa loo sheegay halka ay u baxayaan oo ah Berbera oo ay soo qarxinayaa Haamihii Shidaalka.”

Waxa uu Boobe oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray; “Anigu Haamaha Shidaalka weligay cilmi-baadhis kumaan samaynin meel kamaan akhriyin, laakiin hadal yar oo  kooban oo Axmed-Siilaanyo I siiyay, ayaa waxaa uu ahaa sidii ay ku samaysmeen iyo taariikhdii Haamaha Shidaalka, waxaa uu nooga sheekeeyay in Haamihii ugu horreeyay ay ahaayeen kuwo yar yar oo gumeysigii Ingiriisku ka tageen, Haamihii labaad waxaa sameeyay Ruushka, kii saddexaad oo kuwa hadda taagana Maraykanka ayaa sameeyay markii intaasi nooga sheekeeyay maalintaasi hawlgalkaasi sidaasi ayuu ku baaqay. Axmed waxaan u haystay in lexo-jeclo ka hayso Haamaha.”

“Dabadeedna maanta ayaan maqlayaa isagoo Madaxwayne ah in Haamihii Shidaalka la iibinayo, Ninbaa laga hayaa laba isma saaro, waxaan ka mid ahay ninka aan labadaas isasaarin, Haamaha shidaalku maaha arrimo ganacsi arrintu lama xidhiidho ganacsi, waa arrin la xidhiidha amni qawmiga ah ee dalka, waa arrin la xidhiidha siraha uu qarankani leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha Saxaafadda Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).

0ecce10580cf211ea6cedec3e4f43603_LGeesta kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyay eedo Golaha uga yimid Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Muuse Qaasim Yuusuf oo Golaha ku dhalliilay laalista heshiiska lagu wareejinayey Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, maaddaama oo aanu jirinba wax loo soo gudbiyey aanay sharciba u lahayn inay ka hadlaan haddaan la horkeenin, sidoo kalena uu ku eedeeyey inay Xisbiyada Siyaasadda qaarkood ka dambeeyeen xasaradaynta heshiiskaas.

“Golaha Wakiilladu marka uu ogaado heshiis la saxeexay oo Xukuumadda caado u noqotay inaanay heshiis ba u soo gudbin golaha wakiillada, waxa ayaan darro ah in wasiirkii ganacsiga eenu u doodaynay eenu lahayn xeer madaxweyne ayaa lagu hoos geeyay ee isagu ha maamulo inuu kala hadlo oo yidhaahdo heshiis ba lama soo wadin. Marna yidhaa lix shirkaddood baa la siiyay marna yidhaa waxba lama saxeexin.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo shalay Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaannu leenahay waa la saxeexay oo waannu ogaannay, Madaxweynuhuna Golaha umuu gudbin waxaan ka leeyahay dee Xukuumaddu heshiis ba nooma soo gudbiso ee annagaa ogaanna heshiisyada ay saxeexato, heshiiska ay la galayso Macdanta, Badroolka iyo kuwa ay Hantida Qaranka ku wareejinayso wax allaale wax ay noo soo  gudbisaa ma jiro. Maaddaama oo dadku na soo doortay waxaa nagu waajib ah inaannu annagu baadhno oo Xukuumadda faro-gelinno oo markaannu ogaanno in heshiis la galay aannu laalno.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog waxa uu intaasi ku daray; “Waxa dhacay musuqmaasuq, Guddiga Wakiillada u qaabbilsan ilaalinta hantida Qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqu waxay noo sheegeen in sannadkii 24 Milyan oo Doollar ka soo xaroodaan Haamaha Shidaalka oo aan lagu darin kharashkeeda (Miisaaniyadda) iyo inaanay ku jirin xisaab-xidhka Hanti-dhawraha guud, lacagtaasna waannu doonaynaa halkay gasho. Waxa dhacay musuqmaasuq, waa waxa ay ka muddaharaadayaan dadka dalka Maleeshiya.”

“Xallaal iftiin baa la qashaa, xukuumaddu isku heli mayso aanu wax qalano iyo middiyaha aannu qarinno. Xallaal iftin baa la qashaayoo waxaynu u samaysannay hay’ad la yidhaa guddida qandaraasyada qaranka in la hor keeno  oo si daahfuran oo cad loo bixiyo qandaraasyada. Xukuumaddu meel madoow ayay ku saxeexdaa heshiis kasta, Wakiilladana ma keento.” ayuu yidhi Mudane Xoog, waxaanu xusay in Shirkadaha lagu wareejinayo Hantida ummaddu yihiin kuwo macmal ah oo lagu lunsanayo hantida iyo kuwo lagu kootaysanayo suuqa xorta ah ee tartanka Ganacsiga, laguna abuurayo dabaqado nololeed oo aan loo baahnayn sida uu ku dooday Xildhibaanku.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment