Tuesday, September 1, 2015

Ururka Hillibleyaasha Hargeysa iyo Shirkadda Kawaanka Maamusha oo ka Heshiiyey Muran muddo ka dhex-taagnaa

Hargeysa, 01 September, 2015-(Himilo)- Guddi dhexdhaxaadin ka gashay muran muddo ka dhex-taagnaa Ururka Hilliblayaasha Caasimadda iyo Shirkaddaha Kawaanka Qalliinka Hillibka ee magaalada Hargeysa Maamusha ee Maandeeq, ayaa Axaddii la soo af-jaray, isla markaana ka heshiiyey khilaafka iyo muranka dhawaanahanba u dhexeeyey, kaasoo salka ku hayey qiimaha qalliinka Xoolaha.

vlcsnap-2015-08-30-21h23m03s243Guddigan oo ay hoggaaminayeen Wasiir Ku-xigeenka Maamulka iyo degmoyinka gobollada ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maayer Ku-xigeenka Caasimaadda, La-taliyaha arrimaha dhalinyarada ee Madaxweynaha Somaliland iyo Xubno ka socda Golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay soo afjareen khilaafkaas.

Wasiir Ku-xigeenka Maamulka iyo degmooyinka gobollada ee Wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Cadarre oo ka hadlaya khilaafkan ay sheegeen inay soo afjareen, ayaa sheegay in khilaafka ay soo afjareen ka dhashay qiimaha Lacagta ay Neefka Xoolaha ah ee Adhiga, Geela iyo Lo’da ku qasho Shirkadda Kawaanka Maamusha ee Maandeeq, balse nasiib-wanaag ay xal fiican ka gaadheen.

“Waxa khilaaf aan sidaa u weynayn oo lexe-jeclo ahaa oo dhex-maray laba Walaalo ahaa oo dani ka dhexaysay, mushtamaca reer Somaliland-na shaqada ugu muhiimsan u hayey. Waxa Illaahay mahaddii ah in khilaafki maanta (Axaddii toddobaadkan) oo muddo dheer soo socday ay Guddiguna soo qiimaysay soona eegtay adeegga Shirkadda Maandeeq ay bixiso, muddo dheerna tacriiftiisu aanay kordhin ka dibna kharashkii ay kordhisay ka bacdina ay Guddigu u sheegtay oo tidhi; ‘waxani idinka socon maayaan oo Hilliblaydu iskama xejinayaan, oo wixii macquulka ahaa dib halloogu soo celiyey meel labada dhinac u cuntanta. Heshiiskaasi runtii waxa uu ka dhexeeye labada dhinac ba annaguna aannu Guddi ahaan jecelnahay in aannu ku taageerno, kollay dadku kuma wada qancaan oo waa dabeecadda Aadamaha, laakiinse %80 waa go’aan ay ku soo qaateen in lagu soo afjaro khilaafkaasi ayuu ahaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeen Cadarre.

Sidoo kale, Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo halkaas ka hadlay, ayaa iftimiyey iskaashigu faa’iidada uu u leeyahay horumarka shaqada, waxaanu u jeediyey dardaaran labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyey, waxaanu yidhi; “Haddaannu nahay Maamulka dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa waxaaannu farriin u marinaynaa Ganacsatada aannu isku xidhannahay ee Hillibleyda, hal waxaan leeyahay Hillibleyda iyo Maandeeq Alla mahaddii qiimaha waad arkaysaan inta Guddi ahaan aynu ku soo gaadhnay go’aanka ee ah, in uu fulo go’aankaasi ayaannu idinka doonaynaa.”

La-taliyaha arrimaha dhalinyarada ee Madaxweynaha Somaliland Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi oo Guddiga xubin ka ahaa, ayaa ku dhawaaqay qodobbada labada dhinac lagu heshiisiiyey, waxaana qodobbada heshiisku ay ahaayeen sidan; “Guddidu waxyaabihii ay go’aamisay ee aanu u aragnay in macquul yahay ayaanu halkan kaga dhowaaqaynaa maanta (shalay) oo ay bishu 30 August tahay. Guddigu waxay go’aamiyeen waxa ka mid ah in qiimo macquul ah kor loo qaado tacriifadda ay ku shaqeyso Shirkadda Maandeeq, lagana dhigo qiimaha cusub ee hoos ku xusan: Qiimihii hore loo qaadi jirey neefka Adhiga ah 6500 oo Shillinka Somaliland lagu qaadi jirey, waxa uu qiimaha cusub ee lagu heshiiyey uu noqonayaa 12,000 shillinka Somaliland. Halka qiimaha neefka Lo’da ah in lagu qalo 30 kun oo Shillinka Somaliland uu noqdo, qiimaha neefka Geela ah 60 kun oo Shillinka Somaliland uu noqdo.

Qodobka labaad: Dowlada hoose iyo iskaashatada ururka Nafaqo lacagtii ay ku lahaayeen kawaanka waxa ay kordhi doontaa boqolkiiba inta ku korodhay xoolaha kala duwan, in shirkada maandeeq kor u qaado adeega ay bixiso isla markaana deg deg u badesho caagada hillibka ay ku qaadaan. Qodobka u dambeeyaa, in la abuuro xidhiidh wada shaqayneed oo labada dhinac dhex mara si xogogaal loogu noqdo xaalad kasto oo timaada, islamarkaana Waaxda arrimaha bulshada ee dowlada hoose si toos ah ulla socoto hawlaha maamul, caafimaadka adeega iyo kawaanka gowraca Hargeysa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdinajax Siyaad oo qodobbada heshiiskaas Saxaafadda u akhriyey.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment