Saturday, September 5, 2015

Xaqiijinta Fiise Imaaraadka Carabtu ku bixiyeen Baasaboorka Somaliland iyo Sababaha loo aanaynayo Beeninta Wasaarada Arrimaha Dibedda

Hargeysa, 05 September, 2015-(Himilo)- Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, ayaa beenisay inay dawladda Imaaraadka Carabtu si rasmi ah u aqbashay ama u oggolaatay in Baasaabboorka Somaliland lagu tago dalkooda, balse ay jiraan wadahadallo arrintaas Baasaaboorka ku saabsan oo u socda labada dawladood.
Haseyeeshee, sida ay Wargeyska Himilo u caddeeyeen ila-wareedyo Xog-ogaal ahi, Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa markii ugu horreysay fiise ku bixisay baasaboorka Somaliland, gaar ahaan nooca Dublamaasiyiinta oo dhawaan uu ku socdaali doono Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye.
Ila-wareedyo ku dhaw Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya Mr. Ayaanle, ayaa xaqiijiyey in dalka Imaaraadka Carabtu fiisahooda dal-ku-galka ku bixiyeen Baasaabboor Dublamaasi ah oo masuulkaasi leeyahay, dhawaanna u socdaali doono dalkaas.
Sidoo kale Ila-wareedyadaas, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey in dalka Imaaraadku Carabtu xilligan ku bixinayo fiisayaasha Baasabboorka Dublamaasiyiinta ee Somaliland, balse mustaqbalka dhaw sidoo kale ku bixin doono noocyada kale ee Baasabboorka Somaliland.
Waxay ila-wareedyada Wargeysku soo xigtay intaas ku dareen in Xukuumadda Somaliland hoos u dhigayso Siyaasiyan qaddiyaddan, maaddaama oo ay tahay arrin xasaasi ah oo dhinacyo kale oo cadow u ah danaha Somaliland shaacinteedu u noqonayso mawduuc ay cabashooyin ka bixiyaan.
Hase-yeeshee, War-Saxaafadeed qoraal ah oo xalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, isla markaana uu ku saxeexnaa Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta ama xidhiidhada ee Wasaaraddaas Saleebaan Daahir, ayaa lagu beeniyey Warka sheegaya in Imaaraadka Carabtu aqbalay in dalkooda lagu tago Baasaabboorka Somaliland, warkaas oo ay hore u baahiyeen Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa qaarkood.
Qoraalka War-Saxaafadeedkaas ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, waxa uu u qornaa sidan:- “Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay halkan ku beeninaysaa war lagu faafiyey qaar ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka oo sheegaya in dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu (UAE) ay aqbashay in dalkeeda lagu galo Baasaabboorka (Passport) Somaliland.
Arrinta aqbalaadda Baasaabboorku (Passport-) ku waa mid aannu ku gudo-jirro hawshiisa, balse weli ma jirto aqbalaad laga helay xagga dawladda Imaaraat-ka; warka arrintaa laga qorayna waa mid aanay waxba ka jirin.
Waxa xusid mudan in dhawaan Madaxweynaha JSL Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhawaan u magacaabay Mudane Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo isaguna haatan ku guda jira dardargelinta hawlaha xafiiska iyo arrimaha khuseeya xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Imaraat-ka. Waxay labada waddan ee Somaliland iyo Imaaraatku wadaagaan xidhiidh soo jireen ah iyo iskaashi dhinaca taageerada, ganacsiga iyo dhinacyo kaleba leh. Wa Billaahi Tawfiiq.”
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment