Thursday, September 3, 2015

Hargeysa: Gedoodka Hilliblayaasha, Ganacsiga cusub ee Shirkadda Maandeeq, Gaabiska dawladda dhexe iyo Galgalashada dawladda Hoose

Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha gudaha oo Albaabbada ka xidhay Xoogsatada Hilliblayaasha oo cabasho la hor-tegay, Cad-yaraan Hargeysa hadhaysay iyo Maandeeq oo bilawday iibinta Hillibka

Hargeysa, 03 September, 2015-(Himilo)- Ganacsatada Hilliblayaasha Hargeysa ee NAFAQO, ayaa maalintii labaad shalay sii waday shaqo joojin ay kaga cabanayaan Lacagta Qalliinka Hillibka ee laga qaado, taasoo ay Shirkadda Maamusha Kawaanka qalliinka Hillibka Hargeysa ee Maandeeq iyo Masuuliyiin dawladda ka tirsani isku raaceen in lagu kordhiyo, balse ay ku cawdeen inaanay qaadi karin xaddiga lacagta lagu kordhiyey oo laban-laaban marka loo eego qiimaha hore looga qaadi jiray.

Waxaa arrinta sii murgisay Shirkadda Maandeeq ee ay ka cabanayaan oo Neefaf Xoolo ah oo ay soo iibsatay ku qashay Hargeysa, taasoo muujisay sida Shirkaddu Ganacsiga ugu haysato dadka Xoogsatada ah ee Hillibka ka shaqeeya, ka dib markii ay cabashada lacagta Shirkaddaas iyo dawladdu ku kordhiyeen ay ka qabaan darteed sameeyeen shaqo-joojin maalintii labaad gashay shalay.

Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa Albaabka ka soo xidhay dadka ka Ganacsada Hilibka oo cabasho la hor-tagay Wasaaraddaas gelinkii hore ee dorraad markii laga xidhay dadkii Madaxda u ahaa Ururkooda iyo guddiyadoda Salaasadii toddobaadkan. Ciidanka Booliska, ayaa kala eryay dadka xarunta Wasaaradda arrimmaha gudaha cabashada la hor-tegay, iyagoo aan cid Masuuliyiinta Wasaaradda ah oo u soo baxday oo cabashadooda ka dhegaysatay ama wax weydiisay aanay jirin.

Haddaba, qaar ka tirsan Xoogsatada Hiliblayaasha Iskaashatada Nafaqo ee cabashada shalay la hor-tegay Wasaaradda arrimaha gudaha ee magaalada Hargeysa, ayay Saxaafaddu wax ka weydiisay waxa ay ka cabanayaan iyo sababta keentay inay joojiyaan shaqadooda maalintii labaad, waxaanay ku doodeen in culays lacageed oo aanay qaadi karin ku soo rogtay Shirkadda Maandeeq ee Maamusha Kawaanka Qalliinka Xoolaha ee magaalada Hargeysa, dawladda dhexe iyo dawladda hoose-na ay ku raaceen. Waxaanay dadkaas oo u badnaa Hooyooyin ilmaynaya ama ooyayaa sheegeen in Xoolohoodii Albaabbada laga soo xidhay oo ay Maandeeq ka qaban wayday, isla markaana firdhadkii ay firdhadeen Xooluhu sidii ay uga maqan yihiin.

Dadkan oo sababo nabadgelyadooda la xidha qaarkood u codsadeen inaan magacyadooda la baahin maaddaama oo ay Masuuliyiintiis ururkaas iyo illaa 23 xubnood oo kale oo Ururka Nafaqo ka tirsanaa dawladdu xidhay oo ay weli xidhan yihiin, waxaa ka mid ahaa hadalladoodii; “Waxa isku kaayo keenay eennu shalay iyo maantaba (dorraad iyo shalay) u joojinnay qalista Xoolaha waxa weeye waxaannaan qaadi karin ayaa nalagu jujuubay. Neefka Lo’da ah wuxuu yidhi SLSH 35,000 bixiya oo wuxuu ku kordhiyay 12,000 kun, Neefka Geelaha SLSH 60,000 wuxuu ahaan jiray 42,000, Neefka adhiga ahi wuxuu ahaan jiray 6,500, wuxuu yidhi 12,000 bixiya, waxaannaan qaadi karin ayuu nagu jujuubayaa.”

“Maandeeq waxay noo qabtaa keliya waa Nadiifinta Kawaanka, Maydhista iyo soo qaadista Xoolaha marka la qalo. Qalliinku kuma jiro lacagtan la kordhiyey ee aannu ka cabanayno, Lacagta Xoolaha naloogu qalo annagaa iska bixinna oo dirsanna dadka noo qalaya ee Maandeeq shaqo kuma laha.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Hiliblayaasha cabashada la hor-tegay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

“Nin shicib ah oo nala mid ah ayaa xuurto nagu haysta. Dawladdayadii hore waxay naga qaadi jirtay shan boqol oo shillin (SLSH 500), markuu qabsaday ba wuxuu nagu bilaabay saddex kun iyo shan boqol (SLSh 3,500), mar kale ayuu nagu kordhiyay oo lix kun ka dhigay (SLSH 6,000).” Sidaana waxa tidhi Hooyo ka tirsan dadka Hiliblayaasha ah ee ka shaqayn jiray Sariibadda Suuqa Gobannimo ee magaalada Hargeysa.

“Waxaannu ka Muddaharaadaynaa Shirkadda Maandeeq la yidhaahdo oo nagu haysata Kaawaankii dawladda. Cashuur aannaan qaadi karin ayaa nala leeyahay bixiya oo waxaa nalaga xidhay 50 qof oo Rag iyo Dumar isugu jira. Masuuliyiintayadii Nafaqo ayay qabqabatay oo la xidhay, maantana naftiibay noogu timid oo waxay leedahay annagaaba Ganacsanayna oo Ganacsigii bay nagu haysataa.” Mid ka mid ah Hiliblayaasha cabanayey ayaa weedhahaas ku tiraabay.

Weedhahaas iyo kuwo kale oo la mid ah oo cabasho, baaq iyo eedaynba isugu jira ayay iska daba-mareen xubnaha u hadlay Hiliblayaasha cabashada ka muujiyey lacagta lagu kordhiyey iyo ganacsiga kale ee iibinta hilibka ah ee ay bilawday Shirkadda Maandeen, iyagoo sii wata Hiliblayaashu hadalkooda waxay intaas ku dareen oo yidhaahdeen; “Shirkadda Maandeeq Cashuurtii way soo dhaaftay oo Ganacsigii baabay nagu haysataa, haddaannu khalad wadno dawladdu ha na qabato, haddii nalaga gardaran-yahayna Madaxweynaha, Wasiirka Daakhiliga iyo cid kasta oo ay khusaysaba waxaannu leenahay Adeer Nimankaas nooga soo gurmada.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Shirkadda Maandeeq ee Maamusha Kawaanka Xoolaha lagu qalo ee magaalada Hargeysa Jamaal Rooble, ayaa ku dooday in dadka Hilibka ka Ganacsadaa ka cabanayaan SLSH 5,000, oo ay keentay duruuf ku aaddan sicir-bararka dalka, maaddaama buu yidhi; ‘ilaa 2005 aan lacag la kordhin’ inkastoo ay Hiliblayaashu arrintaasi beeniyeen oo sheegeen in dhawr jeer lagu kordhiyay.

“Horta, waa in la fahmo cabashada dadkan, anigu waxaan u arkaa dad aan lagu aammini karin cuntada dadka, sababtoo ah may ahayn inay dadka gaajaysiiyaan. Waxay ahayd in Hilibka la qaybiyo oo wixii wadahadal ah la isugu yimaaddo. Waxaannu illaa hadda qaadnaa qiimihii 2005-tii, sidaas darteed Kawaanka nadaafaddiisu ma sii shaqayn karto. Halkii aannu 6000 qaadi jirnay waxaannu ku kordhinay 5000, waxaanad ka qiyaastaa qiimihii 2005-tii sida wax u kaceen, hadday lacagta tahay, hadday masaariif tahay, hadday shaqaalaha tahay, wakhtigaa 2005 litirka shidaal ahi wuxuu ahaa sodon senti, haddana waad aragtaasn.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Rooble oo BBC-da u warramay.

Maayer Ku-xigeenka Hargeysa ahna Ku-simaha Duqa Caasimadda Cabdicasiis Cago-weyne, ayaa sheegay in ka dawlad hoose ahaan ay dhexdhexaadinayaan Shirkadda Maandeeq iyo dadka cabashada sameeyay, isla markaana ay isla eegi doonaan arrimaha la isku hayo. Waxa uu sheegay in markay habboonaato la soo dayn doono Madaxda iyo Xubnaha Iskaashatada Hiliblayaasha Hargeysa ee Nafaqo dawladdu ka xidhay.

Maayer Ku-xigeen Cabdicasiis Caga-wayne, waxa uu xubin ka ahaa Guddi uu hormuud u ahaa Wasiir Ku-xigeenka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Mr. Cadarre oo sheegay inay dhex-dhexaad ka galeen khilaaf muddo u dhexeeyey Shirkadda Maandeeq iyo Iskaashatada Hiliblayaasha Hargeysa ee Nafaqo, khilaafkaas oo la xidhiidhay qiimaha lagu kordhiyey qalliinka Neefka Xoolaha ah. Guddigaas ayaa Axaddii toddobaadkan soo saaray go’aanno ay sheegeen inay ku soo afjareen khilaafkaas, hase-yeeshee, ay Hiliblayaashu ku doodeen inaanay ahayn go’aammo wax lagu dhex-dhexaadiyey ee ay ahaayeen kuwo Ganacsato ahaan loogu cabbudhinayo oo loogu cabiidinayo Shirkadda Maandeeq oo lagu qasbayo ninka haystaa waxa uu doonayo inay bixiyaan, taasna aanay yeelaynin, markaasna waxay bilaabeen shaqo-joojinta isla maalintii Salaasada-ba. Lamana garanayo inta maalmood ee ay sii socon doonto shaqa-joojinta Hiliblayaasha Hargeysa.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment