Thursday, September 3, 2015

Siyaasiga Ismaaciil Buubbaa oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey, Sheegayna inuu Kartidiisa la garab-istaagayo Somaliland oo uu 20 sano ka soo horjeeday

“Waynu wadahadli doonnaa in badan. Laakiin-se, waxaan maanta jeclahay inaan hadalkayga ku soo gaabiyo inaan aad ugu faraxsanahay imaanshahayga, waxyaabo fara badanna waynu ka wadahadli doonnaa…” Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa

Hargeysa, 03 September, 2015-(Himilo)- Siyaasiga Ruug-caddaaga ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal oo uu gelinkii hore ee Arbacadii shalay ka soo degay, ka dib markii uu ka soo kicitimay waddanka Imaaraadka Carabta oo uu toddobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa, kana tanaasulay qaddiyaddii Midnimada Soomaaliweyn oo muddo 20 sano ku siman uu u ololayn jiray.

[gallery ids="23438,23433,23432"]

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, Madax-dhaqameed isugu jiray Salaaddiin, Boqorro iyo Cuqaal, Odayaal, Culimo, Dhalinyaro iyo Haween, ayaa ka qayb galay soo dhawaynta Siyaasiga Ismaaciil Buubbaa oo muddo labaatan sano ku siman aan Somaliland iman, ee ku hawlanaa qaddiyadda Midnimada Soomaaliweyn oo uu xilal kala duwanna ka qabtay dalka Soomaaliya.

Ismaaciil Buubbaa, waxa uu soo dhawayntiisa ka dib Saxaafadda kula hadlay Madaarka Hargeysa, waxaanu ka mahad-celiyey soo dhawayntiisa, isla markaana waxa uu ballan-qaaday inuu kartidiisa isla garab-taagi doono Somaliland oo uu guul u rejeeyey. “Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa dhalinyarada, dumarka , odayaasha  iyo dadka faraha badan ee halkan iigu yimid, saxaafaddana si gaar ah baan ugu mahadnaqayaa.” Sidaa ayuu yidhi Ismaaciil Buubbaa.

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, wuxuu intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Waynu wadahadli doonnaa in badan. Laakiin-se, waxaan maanta jeclahay inaan hadalkayga ku soo gaabiyo inaan aad ugu faraxsanahay imaanshahayga, waxyaabo fara badanna waynu ka wadahadli doonnaa. Waxaan rejaynaa in guul iyo wanaag u soo hoydo Somaliland, aniguna wixii kartidayda ah aan halkaasi ka geysto.”

Inkasta oo soo dhawaynta Ismaaciil Buubaa ay ka qayb-qaateen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Musharraxa Jagada Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed iyo Xubno kale oo Xisbiyadaas Mucaaradka ah ka tirsan, haddana may jirin Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo lagu arkay ama ka dhex-muuqday soo dhawaynta Siyaasi Buubbaa.

Siyaasiga Ismaaciil Buubbaa, ayaa muddo labaatan sano ku siman ka hor ay ugu dambaysay Somaliland, ka dib markii uu taageeray Qaddiyadda Midnimada Soomaaliweyn, kana hor-yimi qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland. Waxa uu Ismaaciil Buubbaa Xilal Xildhibaanno, Wasiirnimo illaa Raysal-wasaare Ku-xigeen ka qabtay dawladihii kala dambeeyey ee Soomaaliya soo maray tan iyo 1995-kii.

Ka hor Ismaaciil Buubbaa intii aanu qaadan mabda’a Soomaaliweyn, waxa uu ka mid ahaa Xildhibaannada Golihii Wakiillada ee ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato 1991-kii markii ay ku dhawaaqday inay gooni uga taagan tahay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay tahay dawlad madax-bannaan. Waxa kale oo uu xilal Wasiirnimo ka qabtay Xukuumaddii labaad ee Somaliland yeelato ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo uu markii ugu dambaysay 1994-kii ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee Somaliland.

Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo muddada uu dalka Soomaaliya joogay ee uu jagooyinka kala duwan xilalka ka hayey iyo marka aanu ka hayn-ba waxa uu si weyn ugu ololayn jiray dhismaha Soomaaliya iyo helitaanka Soomaaliya oo mid ah. Hase-yeeshee, dhawr bilood ka hor ayuu Mr. Buubbaa beddelay mawqifkiisii u dedaalidda midnimada Soomaaliweyn, waxaanu taa beddelkeeda sheegay inuu u soo laabtay Somaliland oo uu ka shaqayn doono sidii Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd beesha caalamka.

Siyaasi Buubaa waxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta isku arkeen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Wefti uu hoggaaminayey bilo ka hor, waxaanu Md. Siilaanyo ka aqbalay ka laabashada mawqifkiisii hore iyo u soo laabashada mawqifka dambe ee taageeridda qaddiyadda Somaliland oo uu a mid ahaa Raggii u halgamay ee ay Siilaanyo muddada dheer ka wada tirsanaayeen Jabhaddii xoraynta dalka ee SNM.

Inkasta oo ay Buubbaa 20 sannadood ku qaadatay inta uu Midnimada Soomaaliweyn u ololaynayey ee uu ka soo horjeeday qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, haddana bilo ka hor, ayuu mawqifkiisaas beddelay, isla markaana caddeeyey inay madhalays noqotay qaddiyadda midnimo-raadintu, taa beddelkeedana waxa uu shaaciyey inuu hiil iyo hooba isla garab-taagayo qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland iyo sidii uu karti iyo aqoon waxa uu hayaba ugu biiran lahaa Somaliland.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment