Thursday, September 3, 2015
Hay’adda Save The Children oo 39 Dhalinyarada Somaliland ka tirsan guddoonsiisay Lacag Xaddigeedu kala duwan yahay
Hargeysa, 03 September, 2015-(Himilo)- Hay’adda Save The Children, ayaa shalay 39 Dhalinyaro ah oo isugu jira Wiilal iyo Hablo guddoonsiisay Lacag Kun iyo Afar Boqol illaa Afar Kun oo Doollar ah qofkiiba, taasoo ay ugu talagashay inay ku abuuraan Ganacsiyo yar yar oo ay naftooda iyo qoysaskoodaba ku dabbari karaan nolol ahaan.
[gallery columns="4" ids="23430,23429,23428,23427"]
Dhalinyarada Shaqo-abuurka loo samaynayay, ayaa waxa maal-geliyey Midawga Yurub, waxaana fulinaysay Mashruucan Hay’adda Save The Children ee Somaliland oo gacan ka helaysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland. Shaqo-abuurkan Dhalinyarada loo sameeyay, waxa ka faa’iidaystay 39 Dhalinyaro ah oo 20 ka tirsani Gabdho yihiin iyo 19 Wiil oo reer Somaliland ah, kana kala socday gobollada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Awdal. Kuwaasoo Ganacsiyo kala geddisan oo Farsamada gacantu ka mid tahay ku abuuri doona dhaqaalahan la guddoonsiiyey.
Munaasibadda dhalinyaradan Lacagta lagu guddoonsiinayey oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Masuuliyiin dawladda Somaliland ka socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Wasiirka Waxbarashada, Agaasimaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Guddoomiyaha Hay’adda Save The Children ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Cabdillaahi Maxamed Xirsi oo faahfaahiyey Mashruucan, waxa uu yidhi; “Hay’addani in badan ayay soo wadday mashruucan ah in dhalinyarada la baro Xirfadaha, marka Xirfadahaas la barana loo abuuro shaqooyin iyaga oo la isugu geynayo Ururro Ganacsi, markaasna la siiyo lacago yar yar oo ay ku abuuran karaan Shaqooyin, intaas oo marxaladood ayay soo martay Hawshan aynu Maanta gunaanadkeeda halkan u fadhinaa. Intii ka baxday ee Xirfadaha la baray waxa ay dhan yihiin 138 Dhalinyaro ah, kuwaasoo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.”
“Intaas dhalinyarada ah ee dhammaystay Xirfadaha ee dhan 138 waxa loo qaybiyay 32 Ganacsi waxaana ka mid ah ganacsigaas, Maamulka iyo Maaraynta Ganacsiga, Baabuurta Dabka la geliyo, Wasdaadnimada, Nijaarnimada, Cunto-karinta iyo Dhar Tolista ama Dawaarka, intaasoo Xirfadood ayaa la baray. Guddigii marka ay isugu tageen 32 Ganacsi waxa laga soo saaray 12 Ganaci oo ku guulaystay, shan ka mid ahi waa Hargaysa, afar ka mid ahi waa Boorama, Saddex ka mid ahina waa Berbera, intaas oo Kanbani ayaa laga soo xulay, waxaana ay dhalinyaradu isugu jiraan oo ay u qaybsan yihiin 20 Haween ah iyo 19 Wiil.” Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi.
Waxaanu intaa ku sii daray; “Lacagta Hay’adda Save The Children dhalinyaradan ku wareejisay, ayaa ka bilaabmaysa Kun iyo Afar boqol oo Doollar halkii Kanbaniba illaa Afar kun oo Doollarna way tahay, taasoo bilaw ah abuurkooda shaqo.” Cabdillaahi Maxamed Xirsi, waxa uu Waalidiinta ku dhiirrigeliyey inay Carruurtooda Lacagtaas lasiiyay ku ilaaliyaan in ay Ganacsiga ay ku Abuuranayaan u noqdo mid kora, iyagana koriya.
Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo furay Mashruucan, ayaa sheegay inuu mashruucani yahay mid faa’iido badan yeelan doona, isla markaana sare loogu qaadayo shaqaalaysiinta iyo shaqo u abuuridda dhalinyarada Aqoonyahannada ah ee Somaliland. Waxaanu Wasiirku intaas ku daray inuu Hay’adda Save the Children uga mahad-celinayo Mashruucan oo ku kaabayso nolosha dhalinyarada, isagoo xusay in hore-ba loogaga bartay Hay’adda daryeelka arrimaha dhalinyarada inay haddana ku dartay maalinta ay tahay wax weyn oo ay ku bogaadinayaan Save the Children.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Hay’addaha dalka ka hawlgalaa in ay iyaguna sida Hay’adda Save The Children u caawiyaan Dhalinyarada shaqo-abuurna ugu sameeyaan isaga oo si gaar ah Midawga Yurub oo Mashruucan Maal-geliyay ugu ammaanay dedaalka iyo dhiirrigelinta dhalinyarada ay ugu jiraan ee ay ugu hirgeliyeen mashruucan soo dhawaynta mudan ee maal-gelinta.
Guddoomiyaha guud ee Hay’adda Save The Children u qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya Xasan Saadi Nuur, ayaa isaguna Munaasibaddaas ka hadlay, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay dhalinyaradan ku guuleysatay mashruucan laga hirgalinayo gobollada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil, waxaanu ka warramay sida uu Barnaamijkani waxtarka ugu leeyahay dhalinyarada lagu maalgelinayo sidii ay ganacsiyo u bilaaban lahaayeen.
“Haddii uu Barnaamijkan wejigiisa hore noqdo mid lagu guulaysto dhawaanna waxa la bilaabi doonaa wejigii 2-aad ee mashruucan oo ay suurtagal tahay in lagu bixin doono lacago inta hadda la bixiyey ka badan. Sidaa awgeed, waxaan idinkula talin lahaa lacagtaas maanta laydin siiyay inaad ganacsigaas aad ku fulinaysaan meel ka muujiysaan idinka oo u dhabar-adayga Maalmaha Suuqu iska cidhiidhiga yahay. Maanta nasiib ayaad leedihiin oo Shaqo la’aantii waad ka baxdeen, Hay’addan Save The Children way idiinka badin doontaa haddaad sida loogu talogalay u fulisaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxa Save the Children ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxaanu caddeeyay in Save The Children ay Muhiimadda koowaad siinayso sidii dhalinyarada Somaliland marba qayb shaqo-abuur ugu samayn lahaayeen, isaga oo Waalidiinta kula dardaarmay in ay garab istagaan Ubadkooda, talo iyo waayo-aragnimo badanna siiyaan, si ganacsiyada ay bilaabayaan ugu noqdaan kuwo hirgela oo wax laga faa’iido.
Agaasimaha Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland iyo Xubno kale ayaa iyaguna halkaas ka hadlay oo soo dhaweeyey Mashruucan, dhalinyaradana kula taliyey inaanay iska lumin jaaniska ay heleen ee ay si fiican uga faa’iidaystaan, una samraan ganaciyada ay bilaabi doonaan. Waxaana halkaas Dhalinyaradan 39-ka xubnood ah lagu guddoonsiiyey Jeegagga mid kastaa xaddiga Lacagta uu ku guulaystay ee loogu talo-galay inuu Ganacsiga Xirfadda uu bartay ku bilaabaa ku qoran tahay.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment