
“Marka aad maqashid Soomaali-weyn waxay soo baxday sannadkii 1945-kii markii dagaalka labaad ee Adduunku dhammaaday, waxaanay ahayd fikrad uu waday Ingiriisku oo uu doonayey inuu ku qabsado Shanta Soomaaliyeed ee geeska Afrika, Jabuuti, Somaliland, Soomaaliya, Soonaha Shanaad (Ogaadeeniya) iyo NFD (Soomaalida Kenya), reer Soomaaliya way beddeleen Soomaali-weyn, waxaanay ka dhigeen Somaliland iyo Soomaaliyadii Talyaaniga. Markaa, wax Soomaali-weyn la yidhaahdaa ma jirto, Soomaali-weyn himiladeedi waxay dhammaatay 1977-kii markii aynu Ethiopia dagaalka ku qaadnay ee laynaga soo saaray ee laynagu yidhi; ‘Xeerkii Adduunka ayaad jabiseen’ Maalintaas ayaa dhasbiinka lagu tuuray qolo kastaana waa taas meesheedii ku badhaadhay.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe mar uu shalay ka hadlayey Xaflad Qalin-jebin ahayd oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Waxa kale oo uu Guddoomiyaha UCID ka hadlay sida Somaliland uu u badbaadiyey go’aanka gooni-isu-taagga ee Burco lagu gaadhay 1991-kii, waxaanu yidhi; “Maanta dalkeenna haddii aynaan qaadan go’aankii Burco lagu gaadhay Jaamacadahaas maynu yeelanneen, waayo? Waa laynoo talinayey nin loo talinayaana waxba qabsan maayo, immikana innaga ayaa talin doona, waxaanan rejaynayaa inuu dalkeennu noqdo dal waara oo Adduunka ka qaybgala, ictiraafkana hela.”
“Waxaynu ku helaynaa ictiraafka innaga oo gacmaha is wada-qabsanna oo is-jeclaanna Illaahayna u mahad-naqna, ictiraafkana Illaahay ayaa haya ee Maraykan ma hayo, Illaahay amarkiisa haddii aynu raacno oo aynu iska dhaafno fusuqa, xasadka iyo qabyaaladda ictiraafka wuu keeni doonaa, waanu ku qasbi doonaa Addoomihiisa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment