Tuesday, September 8, 2015
Al-Shabaab oo soo bandhigtay Sawirro Yaable oo muujiinaya siduu u dhacay dagaal culus oo ay AMISOM ku qaadday
Jannaale, 08 September, 2015-(Himilo):- Kooxda Al-shabaab, ayaa soo bandhigtay shalay Sawirro muujinaya weerar ay 01-dii bishan September ku qaadday Saldhig Ciidanka AMISOM ku leeyihiin deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ku dileen weerarkaas Askar Konton ka badan oo Ciidammada Midawga Afrika ah gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda.
Weerarka oo ahaa kii ugu xumaa ee ay Al-shabaab ku qaaddo Saldhigyada AMISOM ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose, marka laga reebo weerar ay hore ugu qaadday Saldhigga AMISOM ee Leego oo ay ku dileen in ka badan 60 Askari oo Ciidanka AMISOM ka tirsan, ayey Al-Shabaab sheetay inay ku dishay Askar Konton ka badan oo kuwa Uganda ah. Hase-yeeshee, Saraakiisha Taliska Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan iyo kuwa Uganda, ayaa labaduba ku dooday in 12 Askari oo keliyi kaga dhinteen dagaalkaas.
Kooxda Al-shabaab ayaa Sawirradan kusoo bandhigtay Shabakadohooda Wararka ee ay ku leeyihiin Bogga Internet-ka shalay, waxaanay sheegtay in Saldhigga ay ka qaateen Saanado Millateri oo isugu jira Hub iyo qalab kale oo ay AMISOM lahaayeen. Inkastoo Taliska guud ee AMISOM uu beeniyay in saanado Millateri ay Al-Shabaab kaga qabsatay dagaalkaas Jannaale ka dhacay 1-dii bishan September sannadkan 2015-ka.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale xustay in weerarkaas uu ahaa mid ay ugu Aar-gudayeen Dad Shacab ah oo ku sugnaa Xaflad Aroos oo ay Ciidammada Uganda ee ka tirsan Midawga Afirka ee AMISOM 31-kii July ee sannadkan 2015-ka ku dileen Guri ku yaalla Xaafadda Ruusiya oo ka tirsan magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellada Hoose.
Millateriga dalka Uganda, ayaa sheegtay in weerarkaas lagaga dilay 12 Askari ka tirsan Ciidammadooda AMISOM ee dalka Soomaaliya ka hawlgala, sidoo kalena lagaga dhaawacay 12 Askari oo kale, waxaana Meydadka Askarta ku dhintay weerarkaas iyo kuwa ku dhaawacmayba Diyaarad loogu qaaday magaalada Kampala ee Caasimadda waddanka Uganda oo aas iyo dawayn loogu sameeyey.
Weerarkan ayaa Ciidanka AMISOM ku qasbay inay iskaga baxaan Saldhigyo ay kaga sugnaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Al-Shabaab ay ku hanjabtay mar kale inay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah AMISOM.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment