Sunday, September 6, 2015

Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Wakiillada oo Sheegay inay Dhalliilo badani ka jiraan Goobaha Adeegga Dadweynaha ee Boorama oo ay Kormeereen

Boorama, 06 September, 2015-(Himilo)- Xildhibaanno ka tirsan Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Kormeer ay ku ogaanayaan xaaladaha kala duwan ee shaqo, nololeed iyo caqabadaha jira ee goobaha fuliya adeegyada Bulshada ku tegay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

eeeeeeeeeeeeeeeeGuddigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, ayaa kormeer kala duwan ku maray Cusbitaallada guud ee Boorama, Xafiiska Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka, goobo kale, iyo Xarunta Maamulka gobolka Awdal ee magaalada Boorama.

Xildhibaan Xasan Cawaale oo kormeerkaas iyo kulammo ay Masuuliyiinta goobahaas la yeesheen oo Saxaafaddu dibedda ka joogtay ka dib isagu Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay heleen warbixino fara badan, isla markaana ay dhalliilo badani jiraan. Waxaanu intaas ku daray inay Warbiin qoraal ah ka diyaarin doonaan Guddi ahaan waxyaabaha ay ku ogaadeen Kormeerkooda oo aanu xusin muddada uu qaadan doono iyo goobaha kale ee ay ku tegi doonaan.

“Waxaannu ka soo helnay warbixino badan, runtii dhalliilo badani way jiraan hadday caafimaadka tahay way noo sheegeen, hadday waxbarashada tahay, hadday tahay shaqaalaha, Macallimiinta iyo Dhakhaatiirtuba way noo sheegeen, warbixinahaa faraha badan waxaannu doonaynaa inaannu ka soo saarno qoraal aannu u gudbin doonno Golaha Wakiillada.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, waxa uu sheegay inay arkeen dedaallo badan oo shaqo oo ay samaynayeen Hawl-wadeennada iyo Masuuliyiinta kala duwan ee goobaha ay kormeerkooda ku booqdeen ee magaalada Boorama, kuwaasoo uu uga mahad-celiyey sida ay u qaabbileen iyo xog-warrannada ay siiyeen-ba.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment