Cismaan Cabdinuur Xaashi waxa uu Taariikh-nololeedkii Marxuumka uga sheekeeyey sidan:- “Allaah ha u naxariistee Marxuum Siciid Cali Giir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood Miyigeeda, waxaanu Qur’aanka iyo waxbarashadiisii hoose/dhexe ku dhamaystay magaalada Laascaanood, intaanu u wareegin magaalada Boorama oo waxbarashadiisii dugsiga sare aanu ku dhamaysan dugsigii sare ee Camuud.
Waxuu ka mid noqday Ardaydii ugu sareysay waxbarashada dugsiyada sare ee Waqooyiga oo ka dib loo diray jaamacadii ciidamada ee dalka Ingiriiska ee Sundhurst, xornimadii ka dib ayuu ka soo noqday waxbarashada, ka dibna waxuu ka mid noqday saraakiishii Hargeysa lagu soo qoray, ka dib waxuu ka mid noqday saraakiishii reer waqooyiga ee ka qeybqaatay inqilaabkii fashilay e esannadkii 1961-kii, waxaanu ahaa sarkaalkii ugu dambeeyey ee la qabto saraakiishii inqilaabka ka qeybqaadatay, muddo ka dib markii la sii wada daayey saraakiishii ee derajadoodii loo soo celiyey waxuu noqday la-taliyahii arrimaha gaashaandhiga ee Madaxweynahii Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre, ka dib waxuu ka mid noqday dadkii saluugay habkii iyo hanaankii dawladii kacaanku wax ku maamulaysay ee mucaaradka noqday, waxaanu ku biiray jabhadii hubaysnayd ee SNM

waxuu ahaa nin qoraa ah oo laga helayo gurigiisa dhacdooyinkii la soo dhaafay keydooda iyo taariikhahii ay dhaceen. Waxuu ahaa nin aftahan ah oo suxufinimada dhalan u ahayd, wax ubad ah ifka kagama tegin marxuum Siciid oo weligii muu guursan, waxuu dhaqan jiray cilmiga iyo akhriska, waxuu ahaa rug-cadaa Somaliland iyo Soomaali oo dhan ka baxay.
Marxuum Siciid Cali Giir waa halgama ataariikhdu xusi doonto, waxaana qoraaladiisii ka mid aha aInqilaabkii fashilmay oo ku soo bixi jiray jaraa’idka Jamhuuriya sannadihii 1995-tii, oo dhalinyaradu ku xusuusan karaan.
Suxufi Cismaan Cabdinuur Xaashi oo taariikhda kooban ee marxuum Siciid Cali Giir aanu ka waraysanay ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo dhamaan ehelkii, qaraabadii, ummada Somaliland iyo guud ahaan Soomaali ka tacsiyadeynayo, ilaahayna uga baryayo inuu naxariistiisii jannatul Fardowsa ka waraabiyo..aammiin.
Muuqaalka Sawirkan Marxuum Siciid Cali Giir oo la qaaday 33 sannadood horteed xilliguu ka midka ahaa Saraakiishii SNM, waxa qaaday Mujaahidiinta kala ah Nakruuma iyo Siciid Xabashi.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment