“Saaxiibbaday waxaan leeyahay ha noqonnina kuwaa Geela la soo dhacay cidda soo dhacday u xalaalaynayey…” Cirro
“Sidii loo sugayay Guddoomiyuhu inuu Golaha soo dhexdhigo Warqadda Madaxweynuhu soo diray, wuxuu Guddoomiyuhu u qoray Warqad Madaxweynaha uu leeyahay go’aankii aad soo celisay dib baan kuugu soo celiyay, taasina waxay baal marsan tahay dawladnimada..” Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax
Hargeysa, 08 September, 2015-(Himilo)- Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa isku khilaafay qoraal uu Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) kaga jawaabay Warqad Madaxweynaha dalka Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dib ugu soo celiyey go’aan Golahaasi ku laalay Heshiiska wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Berbera, waxaanay labada Ku-xigeen ee Wakiilladu ku tilmaameen tallaabada uu Cirro qaaday mid sharci-darro ah oo nidaamka dawladnimada ka hor-imanaysa.
Guddoomiye Ku-xigeennada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Wakillada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Faarax Axmed, ayaa shir Jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa kaga hadlay arrintaas, waxaanay ku eedeeyeen Guddoomiye Cirro inaanu xaq u lahayn jawaabta uu Madaxweynaha ku celiyey ee aanay Gole ahaan iyo Shir-guddoon ahaan ku wada socon.
“Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu soo celiyo go’aanka Golaha Wakiillada, markuu soo celiyayna uma soo celin Guddoomiyaha ee wuxuu u soo celiyay Gole-weynaha. Guddoomiyaha markii Warqadda loo keenay, shir-guddoon ahaan nama tusin oo illaa hadda kama war hayno. Gole-weynihii loo soo qorayna kama hor akhriyin oo uma sheegin oo ma odhan Madaxweynuhu go’aankii buu innagu soo celiyay ee maxaynu ka yeelnaa? Markaa, haddii Goluhu isla qaato ha lagu celiyo Madaxweynaha iyo inaan lagu celin waxay u taallaa Gole-weynaha, Guddoomiyaha Baarlamaankana uma taal, Shir-guddoonkana uma taallo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax.
Waxaanu Baashe oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo uu yidhi; “Sidii loo sugayay Guddoomiyuhu inuu Golaha soo dhexdhigo Warqadda Madaxweynuhu soo diray, wuxuu Guddoomiyuhu u qoray Warqad Madaxweynaha uu leeyahay go’aankii aad soo celisay dib baan kuugu soo celiyay, taasina waxay baal marsan tahay dawladnimada iyo in qof waliba wuxuu doono sameeyo. Waad ogaydeen oo khilaaf hore ayaa ka dhacay Golaha, go’aammo Guurtida loo gudbiyay waa laga gar-naqay oo waxaa la go’aamiyay in wax kasta oo Golaha ka baxaya Shir-guddoonku isla ogaado, taasna wuu jabiyay Guddoomiyuhu.”
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golahaas Cali Yuusuf Axmed oo isaguna Shirkaas jaraa’id ee ay Baashe wada qabteen ka hadlay, ayaa sheegay inaanay jirin wuxuu ka ogyahay ama uga sheegay Qoraalka Madaxweynaha iyo jawaabta uu celiyey toona Guddoomiyuhu, taasina aanay wanaagsanayn, balse uu rejaynayo inay arrimahaas iska arkaan Guddoomiyaha oo xal iyo sharci lagu soo dabbaalo khilaafka huray.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isla shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa ku dooday inuu nidaam sharci ah u maray Jawaabta uu Madaxweynaha dib ugu celiyey. “Goluhu wuu garanayaaye waxaan jecelahay inaan Shacbiga u sheego, sida Xeer-hoosaadka Goluhu tilmaamayo Golaha waxa metela oo magaciisa ku hadla Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Goluhu laba wax buu sameeyaa mid waa shuruuc, midna waa go’aammo, markay shuruuc tahay Dastuurku wuu tilmaamay in Madaxweynuhu awood u leeyahay inuu soo celiyo, balse Dastuurku ma jidayn meel ay kaga taalna ma jirto inuu soo celiyo go’aan Gole.” Sidaa ayuu yidhi Cirro.
Waxaanu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro intaas ku daray; “Go’aanku wuxuu ahaa mid si aqlabiyad ah Goluhu isugu raacay, sidaas darteed aniga oo raacaya Dastuurka kuna hadlaya magaca Golaha iyo go’aanka Golaha waxaan Madaxweynaha u gudbiyay inaanu Dastuurku jidayn inuu soo celiyo go’aan Gole. Waxa kale oo aan u gudbiyay in Xukuumaddu deg-deg u soo gudbiso Xeer lagu maamulo Hantida Qaranka oo Dastuurku amray in la sameeyo si looga baxo muranka soo noqnoqda ee ku saabsan maamulka Hantida Qaranka.”
“Soomaalidu Berigii hore Geela ayay kala dhici jirtay, markaa marka Geela la soo qaado Nin Wadaad lagu sheego ayay u tegi jireen oo waxay odhan jireen Xoolahana wax ka qaado annagana noo Xalaalee Geela. Markaa, waxaan isleeyahay malaha Xukuumaddu waxay jeclaysatay Nin Kursigan aan ku fadhiyo ku fadhiista oo waxay doonaysana u xalaaleeya, ee Saaxiibaday waxaan leeyahay ha noqonnina kuwaa Geela la soo dhacay cidda soo dhacday u xalaalaynayey.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Aqlabiyadda Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Axaddii toddobaadkii hore laalay heshiiska ay Xukuumaddu ku wareejinayso Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo aan la hor-keenin Golahaas, ka dib markii Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka iyo daba-galka Musuqmaasuqa ee Golahaasi Warbixin ay ka soo diyaariyeen Haamaha ku soo dareen soojeedin ah in Goluhu halkiisa kaga hor-tago isagoo waajibkiisa gudanaya Heshiiska ay Xukuumaddu ku wareejinayso Haamaha Shidaalka, kuwaasoo iyaguna u codeeyey laalista Heshiiskaas.
Waxaa Madaxweynuhu ka dib laalista Heshiiskaas uu Shir-guddoonka Golahaas u soo gudbiyey Qoraal uu nuxurkiisu ahaa ka noqoshada laalistaas maaddaama oo Sharcigu Xukuumadda u oggolyahay maamulidda Hantida Qaranka. Qoraalkaas oo uu Guddoomiye Cirro Axaddii dorraad Madaxweynaha uga jawaabay, ayaa sal u ah khilaafkan Xubnaha Shir-guddoonka ka dhex-qarxay, kaasoo saamaynaya Golaha oo ay u kala hoggaamiyaan Mucaarad iyo Muxaafid.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment