“Kalama hadli kartaan, tallo kuma darsan kartaan, lama xidhiidhi kartaan, amarro aad ka qaadataan iska daayo, aynu ku wada-shaqayno kalsoonideenna, ciddii daydaynimo ka muuqatana waannu u fasaxaynaa dhankaas…” Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland
Hargeysa, 02 September, 2015-(Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka ka jira uga digtay inay wax lug ah iyo tallo ku yeeshaan Xeerka Isgaadhsiinta Soomaaliya oo ay hor-yaalla Golaha Baarlamaanka dawladda Federaalka, kaasoo ay ku jiraan qodobbo dhigaya in Shirkadaha Isgaadhsiinta ee ka jira gobollada Waqooyiga (Somaliland) la siinayo Ruqsado shaqo, isla markaana wixii Cashuur ah ee ku waajibtay ay ku shubayaan Wasaaradda Maaliyadda ee Muqdisho.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland Xeerkeeda Isgaadhsiintu u dhammaystiran yahay oo uu shaqeeyo, dhaqan-galna yahay tan iyo 2010-kii, isla markaana uu uga digayo Shirkadaha Isgaadhsiinta inay talo ku darsadaan, Shirkadda ku darsatana ay halkaas tegi doonto. Waxaanu intaas ku daray inaan Sharciga Soomaaliya samaysanaysaa ahayn mid u yaalla ama ay wax ka khuseeyaan Somaliland. Waxaanu u soo jeediyey Masuuliyiinta dawladda Federaalka Soomaaliya inay dadkooda u shaqeeyaan, Somaliland-na iska illaawaan.
“Waxa I horyaalla Xeerkii Isgaadhsiinta Somaliland oo 2010-kii uu Golaha Wakiillada Somaliland ansixiyay oo dhaqan-gal ah oo aannu ku shaqayno oo Isgaadhsiinta Somaliland-na lagu Maamulo wixii Maalintii la ansaxiyay ka danbeeyay. Maanta waxa lagu wadwadaa Xamar Xeer kale oo inta innaga qusaysaa ay tahay furaha Somaliland iyo Soomaaliya-ba ka dhaxeeya, sidaas darteed waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaan Xeer leenahay oo aynu dawladnimadii-ba ku kala tagnay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Abgaal.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray; “Waxa halkan Maanta ka taagan tii hore uga taagnayd Wasaaradda Duulista, waxaan caddaynayaa in aannu Xeerkaasi na khusayn haddii wanaagga la waayana waxayagu annaga waa noo diyaar oo waannu ku shaqaysannaa, waxaannu leenahay Walaalladayo dadkiinna u shaqeeya, taayadu idinma khusaysee.”
Wasiir Abgaal oo digniin u diraya Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland ka hawl-galaa, waxa uu yidhi; “Waxaannu u sheegaynaa Shirkadaha Isgaadhsiinta ee wada-shaqaynta iyo Xeerkaasiba naga dhaxeeyo in aannu Xeerka Muqdisho khusaynin, kalama hadli kartaan, talo kuma darsan kartaan, lama xidhiidhi kartaan, amarro aad ka qaadataan iska daayo, aynu ku wada-shaqayno kalsoonideenna, ciddii daydaynimo ka muuqatana waannu u fasaxaynaa dhankaas hayskaga noqdaane.”
Inkasta oo aannu isku daynay inaannu Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland ka shaqeeya, ayaanay noo suuragelin inaannu dhinacooda wax war ah oo ku saabsan arrintan uu Wasiirka Boosuhu ka hadlay, ka dib markii ay Masuuliyiinta Shirkadahaas qaarkood ka gaabsadeen inay ka hadlaan, qaarkoodna Taleefannadooda gacantana aannu ku waynay marar kala duwan oo aannu ka wacnay xalay.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment