
Qaar ka tirsan Dhalinyarada Tahriibayaasha ah ee dawladda Itoobiya ku soo wareejisay dawladda Somaliland, ayaa Saxaafadda la hadlay, isla markaana ka warramay dhibaatooyinka ay la kulmeen muddadii ay tahriibta ku guda-jireen, waxaanay sheegeen inay dhibaatooyin badan oo xadhig iyo garaacis isugu jirta la kulmeen, iyagoo qaarkood markii ay soo gaadheen dhinaca gudaha Somaliland ee degmada Wajaale Ciidda dhunkadeen.
“Kaadida iyo Saxarada 24-ka saac hal mar baa fasax naloo siinayey, waxa nalaga soo qabtay xadka Suudaan iyo Itoobiya dhexdooda, 16 Xabsi baannu soo marnay, waxaannu codsan jirnay Lacagta aannu jeebka ku sidanno waxaannu ku cunno, qaar naga mid ah waxa lagu garaaci jiray qori dabadii, waxaan leeyahay qof kasta oo Tahriib raba in dhibtaasi jirto. Markaan Wajaale soo gaadhnay Ciiddaan dhunkaday, waayo waxaannu dareennay xorriyad iyo inaannu dalkayagii nimi.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Tahriibayaasha la soo celiyey.
Guddoomiyaha degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Maanta waxa na soo gaadhay Masuuliyiin ka socda Dalladda SONYO oo na soo booqday oo aannu ka sheekaysanaynay sidii la isugu xidhi lahaa Dhalinyarada reer Somaliland, ayaa si deg-deg ah naloogu yeedhay oo nala yidhi; ‘Dhalinyaradii Tahriibtay baa la soo celiyey. Run ahaantii ka Maamul ahaan markii aannu aragnay aad iyo aad baan uga naxay, waayo mustaqbalkii dalkan ayaa soconaya oo Tahriibaya, waxaannu leenahay dalkiinna aammina.”
Sidoo kale, Masuul ka socday Dalladda Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Dhalinyarada halkan joogta ee la soo celiyey waynu arkaynaa intay soo rafaadsanaayeen, waxaannu hadda faraynaa oo aannu u soo jeedinaynaa Dhalinyarada inay dhibaatadaas ka waantoobaan, inay aamminaan dalkooda hooyo, inay ogaadaan in dalkeennu qani yahay, waxaad wax ku noqon kartaa dalkaaga hooyo.”
Taliye Ku-xigeenka Laanta Socdaalka Tog-Wajaale Axmed Caqli Nuur, ayaa dawladda Itoobiya uga mahad-celiyey dedaalka ay u gashay inay dadkaas oo tiradoodu 75 ruux dhan tahay ku soo wareejiso Laanta Socdaalka Somaliland, waxaanu yidhi; “Saaka (Shalay) markay saacaddu ahayd siddeeddii subaxnimo waxa nalagu soo wareejiyey 75 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar oo reer Somaliland ah, dadkaas tahriibayaasha ah oo laga soo qabtay Mataba (Xadka u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya), dawladda Itoobiya way ku mahadsantay illaa halkaas way ku soo tabacday illaa ay na soo gaadhsiisay.”
Maaha markii ugu horreysay ee ay dawladda Federaalka Itoobiya dawladda Somaliland sidan oo kale ugu soo wareejiso dad reer Somaliland ah oo iyagoo Tahriibaya ay ka soo qabteen gudaha dalkooda ama Xuduudaha ay la wadaagaan dalka Suudaan, balse marar badan oo hore ayaa sidan oo kale ay ugu soo gudbisay. Sidoo kale, Somaliland, ayaa iyaduna Tahriibayaasha dalka Itoobiya ka imanaya marar badan oo hore ka celisay dalkeeda, isla markaana u gudbisay ama ku wareejisay Laanta Socdaalka Itoobiya, waxaanay labada dawladood aad uga wada shaqeeyaan dhinaca nabadgelyada, isu-socodka iyo qabashada waxyaabaha sharci-darrada ah.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment