Masuuliyiinta dawladda dhexe iyo dawladda Hoose ee dhex-dhexaadinta ka galay Khilaafka NAFAQO iyo MAANDEEQ ma waxay la safteen Shirkadda Lacagta ku kordhisay Hilliblayaasha?
Hargeysa, 02 September, 2015-(Himilo):- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa shalay Hillib Xoolaad laga waayey Suuqyada lagu iibin jiray iyo sidoo kale Hudheellada iyo Makhaayadaha laga cunteeyo ee Hillibka laga heli jiray, ka dib markii ay Shaqa-joojin sameeyeen Ganacsatada Hilliblayaasha magaalada oo ka soo horjeeday Cashuur laban-laab u dhiganta oo lagu kordhiyey, kuwaasoo 25 qof oo Guddoomiyihii Ururka Iskaashatada Hilliblayaasha ee NAFAQO ku jiro.
Waxyaabaha ugu yaabka badan ayay ka mid noqotay in Caasimadda Hargeysa oo ka mid ah magaalooyinka sida aadka ah Hillibka looga isticmaalo in laga waayo wax Hillib ah-ba. Dadka Dumarka u badan ee ka adeegsada Suuqyada Hillibka Xoolaha ee magaalada Hargeysa, ayaa intooda badani Kuyuu u galeen goobaha Kalluunka lagu iibyo, ka dib markii ay wax Hillib Xoolaad ah ka waayeen Sariibadaha Hillibka, halka ay qaarkoodna Sallado Hillib ka madhan yahay kula laabteen Guryahooda.
“Maanta Muddaharaad baa jiray, waxa is-qabtay qolada Kawaanka hillibka lagu qalo iyo hilliblayda, markii cashuurtii lagu kordhiyey Hilliblayda oo halka neefka laba kun laga qaadi jiray laga dhigay toban. Dadka maanta waxaannu u samaynay uun Bariis, Baasto iyo Kalluun.” Sidaa waxa yidhi Nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan oo ka hawlgala mid ka mid ah Hudheellada laga Cunteeyo ee badhtamaha magaalada Hargeysa oo u warramay Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Axmed Siciid Cige.
Qaar ka tirsan dadka Macaamiisha u ahaa Huteellada Cuntada iyo Hillibka kariya oo karhay in shalay Hillib la’aan ay ku dhacaan, ayaa sheegay inay wax ku cusub tahay Hargeysa in Hillib Xoolaad laga waayo. Waxaana dadkaas mid ka mid ah hadalladiisa ku jiray oo uu yidhi; “Maanta Hillib la’aan baa dhacday, markaa Bariiskaas cad baannu cunaynaa, lama filaan baabay nagu tahay Hargeysa oo hillib laga waayey.”
“Waa wax maanta innoo koow ah oo aan hore loo arki jirin Hargeysa oo Hillib laga waayey, waynagaa arkayna in Kalluunkii Kuyuu loo galay. Waanigaa anigu Tamaandhada cas.” Sidaa waxa tidhi Ruun Maxamuud Ducaale oo iyana BBC-da la hadashay. Dadka qaarkood, ayaa sheegay inay Hillib la’aan Qadooyinka ku karsadeen shalay, ka dib markii ay Hillib xoolaad ka waayeen Hargeysa, halka qaarkoodna ay Kuyuu u galeen gadashada ama iibsashada Kalluunka, oo isaga laftiisu sicir ahaan kor u kacay shalay.
Naasir Maxamuud Cabdillaahi oo ka tirsan Iskaashatada Hilliblayaasha Hargeysa ee NAFAQO, ayaa BBC u sheegay in 25 qof oo Guddoomiyihii Iskaashatada iyo Xubnaha NAFAQO isugu jira Xabsiga ay u taxaabeen Masuuliyiinta dawladda Hoose iyo Shirkadda Masuulka ka ah Kawaanka Xoolaha lagu qalo ee Maandeeq, ka dib markii ay Iskaashato ahaan sameeyeen shaqa-joojin ay kaga cabanayaan qiimaha Cashuurta laga qaadi jiray oo la kordhiyey.
“Naasir Maxamuud Cabdillaahi oo Iskaashatada NAFAQO ee Hillibka ka tirsani oo aan Taleefan kula hadlay, waxa uu ii sheegay in Guddoomiyihii Maxamed Axmed Cali, Xoghaye Maxamed Foostari iyo illaa shan iyo labaatan Iskaashatada Hilliblayda NAFAQO ka tirsan oo Dumar u badan la xidhay, ka dib markii sida uu ii sheegay ay sameeyeen shaqo-joojin, ka dhalatay qiimaha Gaadhigu Hillibka ku soo qaado.” Sidaa waxa yidhi Weriye Axmed Siciid Cige oo isagu gudbinayey Warbixintan.
Waxa uu Naasir sheegay in markii hore Qiimaha Neefka Adhiga ah laga qaadaa uu ahaa Hal Doollar, halka immika laga dhigay laba Doollar. Sidoo kalena Neefka Lo’da ah oo laga qaadi jiray saddex Doollar immika laga dhigay Shan Doollar, halka Neefka Geela ah oo laga qaadi jiray Lix Doollar-na laga dhigay Siddeed Doollar iyo Badh.
Khilaafkan dhaliyey Shaqa-joojinta Hilliblayaasha magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay inuu muddo soo jiitamayey, hase-yeeshee, Wasiir Ku-xigeenka Ismaamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Axmed Cadarre iyo Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Cagawayne oo uu weheliyo La-taliyaha arrimaha dhalinyarada ee Madaxweynaha Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, ayaa Axaddii mar ay Saxaafadda qaarkeed kula hadleen Hargeysa sheegay inay soo afjareen khilaafka ka dhexeeyey Shirkadda Kawaanka Qalliinka Xoolaha Maamusha ee Maandeeq iyo Iskaashatada Hilliblayaasha Hargeysa ee NAFAQO.
Hase-yeeshee, waxay u muuqataa in go’aammada ay Xubnahaas Guddiga ahi soo saareen meesha ka saareen dhursugaasha Hiliblayaashu ay dhawrayeen Masuuliyiinta dhex-dhexaadinaysay iyaga iyo Shirkadda, ka dib markii ay u cuntami waayeenna ku kaceen shaqo Joojin keentay in Hargeysa Hillib laga waayo shalay, iyagoo dadka qaar u arka in Guddigaasi u muuqdaan inay la safteen dhinaca Shirkadda Maandeeq.
Inkasta oo aannu isku daynay inaannu la xidhiidhno Maayer Ku-xigeenka Caasimadda ahna Ku-simaha Duqa Hargeysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Caga-wayne) iyo Wasiir Ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Mr. Cadarre, noomay suuragelin inaannu wax war ah ka helno dhinacooda, ka dib markii ay naga qaban waayeen Taleefannadooda gacanta oo aannu marar kala duwan ka wacnay.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment