Tuesday, September 8, 2015

Wasiir Biixi oo ka warramay arrimo kala duwan oo ay ka wadahadleen dawlada Itoobiya

 

Jigjiga, 08 September, 2015-(Himilo):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia kulan kula qaatay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Ethiopia iyo Madaxda dawlad-deegaanka Ethiopia.

Labada dhinac, ayaa ka wadahadlay arrimo door ah oo ku saabsan wada-shaqaynta labada Maamul iyo isu socodka Bulshooyinka Somaliland iyo Itoobiya, sida Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland u sheegay Laanta Afka Soomaaliga Idaacadda BBC-da oo uu shalay la hadlay.

“Shirkaasi wuxuu ahaa mid loogu gogol-xaadhayo walaaltinnimada iyo wanaaga labada dal u dhexeeya sidii loo ballaadhin lahaa, oo aanu waxyaabo badan oo xagga xuduudaha, xagga nabadda, xagga Bulshada, xagga wada-shaqaynta, xagga Tahriibta oo adigu dhinacyo badan taabanaya ayaannu kagaga wadahadalnay.”  Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha Sommaliland.

Weftigan Somaliland oo sidoo kale socdaalkoodu la xidhiidhay ammaanka, kulanna la yeeshay Saraakiil dhinaca nabadgelyada u qaabbilsan dawladda Itoobiya, ayaa Wasiir Biixi su’aal laga weydiiyey waxa ka soo cusbaanaaday dhinaca amniga, waxa uu kaga jawaabay; “Killalka Soomaalida Ethiopia waxaannu nahay jaar, markaa waxaannu ka wadahadlaynay sidii aannu ammaanka iskaga kaashan lahayn, sida Argaggixisada iyo sidii xog-doonka labada dhinac isu kaashan lahaa.”

Wasiir Biixi waxa uu sheegay inay ka wadahadleen dhinacyada Tahriibta oo uu sheegay in Tahriibeyaal badan oo Itoobiyaan ahi sii dhex-maraan Somaliland, halka kuwo Somaliland ka tegayna dhex-maraan Ethiopia, arrintaas Tahriibayaasha ayuu sheegay Wasiirku inay labada dal xoogga saari lahaayeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen xakamayntooda.

Sabtidii ayay ahayd markii dawladda Itoobiya Laanta Socdaalka Somaliland ee degmada Wajaale ku soo wareejisay 76 Qof oo Somaliland u dhashay oo Tahriibayaal ahaa, kuwaasoo ay Itoobiya ka soo qabatay xadka ay la wadaagto waddanka Suudaan, iyagoo muddo ku xidhnaa Xabsiyo kala duwan oo Ethiopia ku yaalla, mana aha markii ugu horreysay, hase-yeeshee, Somaliland ayaa marar badan oo hore Tahriibayaal reer Itoobiya ah ku wareejisay dawladdooda, halka ay Itoobiyana wakhtiyo kala duwan oo Sabtidii ugu dambaysay ku soo wareejisay Somaliland Tahriibayaal.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment