Hargeysa, 02 September, 2015-(Himilo)- Dugsiga Sare ee Salaama Secondary School, ayaa guulo laxaad leh ka soo hooyay Natiijada Imtixaanaadka Dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland oo ay Wasaaradda Waxbarashadu shalay ku dhawaaqday. Waxaana guushaas ka hadlay Maamulaha iyo Maamule Ku-xigeenka Dugsiga Sare ee Salaama.
Dugsiga Sare ee Salaama waxa uu sannadkan helay Derajooyin Sare oo ay Ardaydiisu ka soo hooyeen Imtixaanaadka Shahaadiga ah. Laba Arday oo dugsiga sare ee Salaama ah ayaa ka mid noqday tobanka arday ee ugu sareeya dugsiyada sare ee Somaliland oo dhan.
Waxaanay labadaas Arday kala yihiin Hana Jaamac Cabdiraxmaan Xasan oo heshay 740 dhibcood iyo Maxamuud Khadar Xasan Ducaale oo helay 737 dhibcood. Afar hablood, ayaa iyaguna ku jira tobanka Hablood ee ugu sarreeya Dugsiyada sare ee Somaliland. Waxaanay kala yihiin Hana Jaamac Cabdiraxmaan, Isra Axmed Haaruun Ismaaciil, Bahda Aadan Ibraahim Maxamed iyo Amran Axmed Maxamuud Cali.
Maamulaha Dugsiga sare ee Salaama Siciid Faarax Xuseen, ayaa sheegay in tirada Ardayda Salaama ee sannadkan u fadhiisatay Imtixaanka Dugsiyada sare dhammaayeen 319 Arday, 234 Arday waxay heleen Derajada A, 81 waxay heleen Derajada B, halka ay 4 Arday heleen Derajada C. waxaanu Maamule Siciid yidhi; “Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Ardayda Salaama ee guusha soo hooyay, waxaanan sidoo kale bogaadinayaa Macallimiinta ku tacabtay Ardaydaas ee Salaama.”
“Waxa sharaf weyn noo ah haddii aannu nahay Dugsiyada Salaama in Imtixaanaadkii Qaranka ee sannadkan (2014-2015), Ardaydayadu ay ka soo hooyeen kaalin mug leh oo aad u qiimo leh, iyagoo labaatankii Mansab ee ugu sarreeyey Dugsiyada gaarka ah xagga Hablaha iyo xagga Wiilasha uu Dugsiga sare ee Salaama helay lix kaalmood.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Faarax.
Maamulaha Dugsiga Sare ee Salaama Siciid Faarax Xuseen oo sii sharraxaya Guushan Dugsigoodu ka gaadhay Imtixaanaadka, waxa uu yidhi; “Marka loo eegayo tobankii Arday ee ugu sarreeyey Dugsiyada gaarka ah ee sare Dugsiga sare ee Salaama waxa uu galay kaalinta lixaad iyo kaalinta tobnaad. Marka loo eegayo Hablihii waddanka ugu sarreeyeyna Dugsiga Sare ee Salaama waxa uu helay Afar kaalmood, kuwaasoo noqonaya, kaalinta labaad, kaalinta shanaad, kaalinta lixaad iyo kaalinta toddobaad.”
Maamule Ku-xigeenka Dugsiga Sare ee Salaama oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Kaalinta Dugsiga sare ee Salaama Ardaydiisu ka galeen Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2014-2015, isla markaana uu hambalyo iyo bogaadin u dirayo Ardayda guulaysatay, Macallimiinta iyo Waalidiinta ay dedaalkooda wada-jira heerkan ku soo gaadheen, kulana dardaarmay inay dedaalkooda sii wadaan Ardayda, Macallimiinta iyo Waalidiintuba, si ay meel halkan ka sii sarraysa u gaadhaan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment