Thursday, September 3, 2015
Hargeysa:Ganacsade Meydkiisa oo Daldalan Laga Helay Dooxa weyn ee Hargeysa.
Hargeysa August 3,2015(Himilo)-Allaha U Naxariistee nin ganacsade ka ahaa suuqa weyn ee magaalada Hargeysa ayaa maanta cabaaro kowdii ilaa labadii intii u dhaxaysay maydkiisa laga helay dooxa weyn ee magaalada Hargeysa .
Meydka ganacsadaha la helay ayaa la arkay isagoo geed ka laalaada isla markaana daldalan, Ilaa imika lama sheegin magaca ganasadahan maydkiisa la helay iyo haybtiisa.
Dadwaynaha ka agdhawaa goobta laga helay maydka ninkan ayaa argagax iyo amakaag ku noqotay maydka ninkan isku daldalay dooxa hargeisa, booliiska oo lala hadlay markii la arkay maydan ninkan ayaa dadka shacabka ee goobta kusoo ururay meesha ka kala kaxeeyay.
Baadhitaan uu booliisku sameeyay kadib ayaa ninka maydkiisa laga furay geedkii uu isku daldalay.
Halkan Hoose Ka Daawo Vedio-yow Laga Duubey Ninka Maydkiisa oo Daldalan:-
https://www.youtube.com/watch?v=njqacyz1_Pg
Himilomedia
Hargeysa Ofice
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment