Thursday, September 3, 2015

Madaxweyne Siilaanyo oo dib ugu celiyey Golaha Wakiilada Go’aan dhawaan ay ansixiyeen iyo sababaha keenay

 

Heshiiska wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Qaranku ma u laallaan doonaa sidii Golaha Wakiilladu u laalay mise waa la soo dejin (meel-marin)?

Hargeysa 03 September, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo Xukuumaddiisa, ayaa go’aan ku gaadhay in dib loogu celiyo Golaha Wakiillada Heshiiska wareejinta Haamaha Shidaalka Qaranka ee Berbera oo ay Axaddii toddobaadkan laaleen aqlabiyadda Mudanayaasha Golahaasi.

Waxa uu Madaxweynuhu soo saaray Wareegto uu dib ugu celiyey Golaha Wakiilada go’aanka Gole ee ay Axaddii toddobaadkan ku laaleen Heshiiska wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera, ka dib markuu sheegay in go’aankaasi aanu waafaqsanayn Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobbo ka mid ah.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Cali Xaamud Jibriil oo shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa caddeeyey in Madaxweyne Siilanyo Wareegto ujeeddadeedu ahayd celinta go’aanka ansixinta laalilsta Bixinta Heshiiska Haamaha Keydka Shidaalka Berbera gaadhsiiyey Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Wasiir Cali Xaamud oo tafaasiil ka bixinayey sababaha keenay in Xukuumaddu dib ugu celiyo Golaha Wakiillada Heshiiska aan markii hore la horgeyn ee ay hawada ama halkiisa ku laaleen, ayaa sheegay inay u cuskadeen qodobka 12 ee Dastuurka Qaranka Somaliland. “Qodobka 12-aad ee Dastuurku waxa uu sheegayaa in Xukuumaddu awood u leedahay inay yeelato gacan-ku-haynta Hanti guurto ah ama ma-guurto ah, inay iibiso, iibsato, kirayso ama ku beddelato qiime-u-dhigma, ama ku samayso Hantida tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xaamud.

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud, ayaa sheegay in go’aanka Gole ee Wakiilladu hore u soo saareen ka horimanayo qodobka 12 ee Dastuurka Somaliland, waxaanu yidhi; “Go’aankii Golaha Wakiilladu ay soo saareen ee Haamaha Shidaalku bixinteedu waxa uu ka horimanayaa qodobka 12 ee Dastuurka Qaranka, markaa waa sharci-darro.”

Golaha Wakiillada ayuu Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu sheegay inay go’aankoodii laalista Heshiiska wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera u cuskadeen qodobbadda 38-aad, 39-aad iyo 40-aad ee Dastuurka Somaliland, balse waxa uu ku dooday Wasiirku in dhab ahaan qodobbadda ay u cuskadeen Wakiilladu laalista heshiiskaasi aanay wax xidhiidh ah la lahayn go’aanka ay soo saareen. Wasiir Cali Xaamud, ayaa sheegay in sababahaas daraaddood Madaxweyne Siilanyo dib ugu celiyey go’aankaas Golaha Wakiillada.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment