Sunday, September 6, 2015

Jewiga Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada, Baaqashadii Warqadda Madaxweynaha iyo Xildhibaannada Mucaaradka & Muxaafidka ee isku-muruxsaday

“Nimanka Lacagta la yaacaya waxaan leeyahay Hantidiinna haka dhigina Geel Bacaad lagu lisay…Haddii gacan la siiyo Shirkado Macmal ah oo Gacan-ku-rimis ah, waxaynu arki doonnaa Foostada Shidaalka ah oo Cirka isku shareertay...” Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog

“Madaxweynuhu awood ayuu u leeyahay inuu soo celin karo go’aammada ay gaadhaan Golaha Wakiilladu, markaa Golaha Wakiillada waxaa laga doonayaa in saddex meeloodoow laba meelood uu ku meel-mariyo..” Xildhibaan Kijaandhe

Hargeysa, 06 September, 2015-(Himilo)- Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland oo la filayey in la hor-keeno Warqad Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey go’aan Axaddii toddobaadkii hore Goluhu ku lalaalay Heshiiska wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera oo ay Xukuumaddu la gashay Shirkado gaar loo leeyahay oo waddani ah.

Golaha-WakiilladaXildhibaannada Muxaafidka ah ayaa bilaabay subaxnimadii hore ee shalay in Golaha la hor-keeno qoraalka Madaxweynaha Somaliland dib ugu soo celiyey go’aankii ay ku laaleen Gole ahaan Heshiiska Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, hase-yeeshee, ma suuragelin in Qoraalkaas Shir-guddoonku u soo gudbiyo ama Gole-weynaha soo hordhigo.

Filashada Qoraalka Madaxweynaha ee la dhawrayey Maanta, ayaa la ogaaday inaan la soo hor-dhigayn Fadhigaas shalay, ka dib Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo fadhiga guddoominayey Mudanayaasha ku war-geliyey in qodobka u yaalla Gole ahaan ee ay guda-galayaan yahay doodda wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada dhawaan lagu sameeyey, kaasoo Xildhibaannada loo qaybiyey, ka dibna uu ka dalbaday Guddoomiyuhu in Xildhibaannada ka doodayaa is-qoraan, si Axadda Maanta ay u bilaabanto doodda Xeer-hoosaadku.

Geesta kale, Xildhibaan Axmed Maxamed Kijaandhe oo ka mid ah Mudanayaasha Muxaafidka ee Wakiillada iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan-Xoog) oo isaguna ka mid ah Xildhibaannada Mucaaradka ah ee Golahaas, ayaa Warbaahinta la hadlay, isla markaana midkoodna difaacay Qoraalka Madaxweynuhu soo gaadhsiiyey Golaha, midkoodna ku tilmaamay go’aanka ay Gole ahaan Heshiiska Haamaha ku laaleen yahay sharci aan laga laaban doonin.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog), ayaa Mudanayaasha Muxaafidka ee Golahaas iyo Xukuumadda ku eedeeyey Lacago ay ku ololaynayaan oo ay doonayaan in lagaga noqdo heshiiska la laalay. ayaa sheegay in xildhibaanada golaha wakiiladu ay maalmihii ugu danbeeyay ka fadhiyi waayeen shaqsiyaad lacag la wareegaya oo uu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan xukuumadda iyo shirkadaha kiraysanaaya haamaha shidaalka.

“Xamxamta suuqa ayuu maanta la kacsan yahay Golahayagii, wax-baa laysla dhex-marayaa, maalintii dhawayd waxaan idhi; ‘waxaannu kala ordaynay inay Xukuumadda iyo Shirkaduhu na soo faro-geliyaan oo ay dhaameel daadiyaan, waxa hadda la ii sheegayaa in dhaameelkii bilaabmay oo Xildhibaannadii Gurahooda iyo Golayaashoodii loogu tagay oo ay Xildhibaannadii ka fadhiyi la’yihiin dad lacag qaybinaaya.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog.

Mudane, Xoog oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaannu idiin sheegaynaa mahayno Xeer iyo Heshiis aad Lacag ku bixisaan, annagu waxaannu nahay dhegihii iyo indhahii ummadda oo ummadda ayaa nagu aammintay masiirkooda, haddaannu aragno heshiis qol madoow lagu galay bartiisa ayaannu ku baabbi’inaynaa, waana go’aan Gole sidaasi, go’aankaas cid soo celin kartaa ma jirto, waana sida uu nooga baxay.”

Waxa uu Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog ka digay Dhaameelka uu sheegay in Xildhibaannada lagaga ololaynayo sidii heshiiskaas wareejinta Haamaha Shidaalka ee Berbera loo soo celin lahaa, isla markaana loo meel-marin lahaa inay ku mashquulaan Shirkadaha iyo Xukuumaddu, waxaanu yidhi; “Nimanka Lacagta la yaacayana waxaannu leenahay Walaallayaal hantidiinna ha ka dhigina Geel Bacaad lagu lisay oo daal ha korodhsannina. Haddii gacan la siiyo Shirkado Macmal ah oo Gacan-ku-rimis ah, waxaynu arki doonnaa Foostada Shidaalka ah oo Cirka isku shareertay.”

Hase-yeeshee, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa isagu taageeray soo celinta Madaxweynaha ee go’aanka Goluhu ku laalay heshiiskaas, kaasoo uu ku dooday inuu yahay mid uu xaq u leeyahay oo uu sharcigu siinayo Madaxweynaha, waxaanu yidhi; “Madaxweynuhu awood ayuu u leeyahay inuu soo celin karo go’aammada ay gaadhaan Golaha Wakiilladu, markaa Golaha Wakiillada waxaa laga doonayaa in saddex meeloodoow laba meelood uu ku meel-mariyo go’aammadda uu soo celiyo Madaxweynuhu. Guddoomiye Cirro-na wuu iska hadlayaa ee Dastuurka way ku caddahay inuu Madaxweynuhu dib u soo celin karo go’aammada Aqalka Wakiillada.”

Xildhibaan Kijaandhe waxa uu xusay in aanay jirin cid gaar ah oo loo xidhayo Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Berbera, waxaanu yidhi; “Wasaaradda Ganacsigu waxay innoo sheegtay in cid kastaa Shidaalka ku soo shuban karto, berigii Total ayay Kooto ahayd, laakiin immika waxa la sheegay in cid kastaa ku soo shuban karto Shiidaalka oo aan laga celin karin cidna. Sidii berigii Markabkii ilma Faarax Xarbi aan la celin doonin.”

“Waxaan u arkaa in la kootarabaaniyay go’aankii lagu laalay in shirkado gaar ah lagu wareejiyo Haamaha Kaydka Shiidaalka ee magaalada Berbera, maalin qudha ayaa loo codeeyay, waxaanay ahayd in la- Taliyaha sharciga ee Golaha Wakiillada loo gudbiyo oo la soo eego mooshinku sharciga ma waafaqsan yahay? Markaa waa la dedejiyey go’aankaas, eeddana Guddoomiyaha Golaha ayaa leh.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.

Sida uu ballan-qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro markii uu furay fadhigii shalay ee Golahaas, waxa ay Mudanayaasha Fadhiga Axadda Maanta guda-geli doonaan doodda Xeer-hoosaadka Golahaas oo la filayo inay maalmo ka socoto Golaha. Hase-yeeshee, wararka qaar ayaa tibaaxaya in fadhiga Maanta la hor-keeni doono Warqadda Madaxweynaha, inkasta oo aanu Guddoomiyuhu sii sheegin ee uu sii sheegay in fadhiga Axadda lagu guda-geli doono bilawga maalinta koowaad ee Xeer-hoosaadka Wakiillada oo dhawaan Guddiga Joogtada ah ee Golahaas oo wax-ka-beddel iyo kaabis ku soo sameeyey u soo gudbiyeen Gole-weynaha.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment