Saturday, September 5, 2015

Darjiidhkii Xildhibaannada, Doodda Xukuumada iyo Deedifaynta Guddoomiyaha Wakiilada ee Dastuurka! Qore: Maxamuud Cali Walaaleye

Toddobaadkii hore ayey Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilladu soo gudbiyeen “soo-jeedin ku saabsan laalista bixinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera” oo Golaha Wakiilladu cod u qaaday oggolaanshaheeda, laakiin isweydiintu waa, ma jirtaa minqiyaas u yaalla soo-jeedimaha Golaha Wakiillada la horkeeni karo ama dood ay gelin karaan?
Macnaha soo-jeedinta xubnaha Golaha Wakiillada oo tiradoodu gaadhaysay 17 ayaa u muuqda mid ay kaga hortagayaan heshiis sifo sharci-darro ah oo Xukuumaddu ku wareejisay gacan ku hayntii Haamaha Shidaalka Berbera, balse waxa isweydiin leh, ma jiraa heshiis Xukuumaddu ku wareejisay Haamaha Shidaalka ama la horkeenay Golaha Wakiillada oo dood ka dib Goluhu diiday ansixintiisa, xaq-se ma u leedahay Xukuumaddu gelitaanka heshiis noocaas oo kale ah?
Illaa immika ma jiro heshiis xubnaha Golaha Wakiillada ee Mooshinka keenay ku caddeeyeen inay Xukuumaddu la gashay Shirkado ama Xukuumaddu ku shaacisay inuu jiro, taa la’aanteed sharci ma tahay in Golaha Wakiilladu u codeeyaan arrin iman doona mustaqbalka?
Ma jiro qodob ku yaal Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada oo fasaxaya in Golaha Wakiilladu go’aan ka gaadhaan arrin aan jiritaankeedu xaqiiq ahayn, sida Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 37aad oo ka hadlaya soo-jeedimaha oo farqadiisa afaraad dhigayso; “Shir-gudoonku wuxu soo hor-dhigayaa soojeedinta Golaha, haddii ayna soo jeedintu ka hor-imanayn Dastuurka, shuruucda dalka ama xeer-hoosaadka Golaha, ka dibna wuxuu ogolaanayaa in laga doodo.”

 
Hadii qodobkan sare ku qoran ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu dhigayo in Shir-guddoonku soo hordhigi karo Golaha soo-jeedin kasta oo aan ka horimanayn Dastuurka, ma jiraa khilaaf u dhexeeya soo-jeedinta xubnaha Golaha Wakiillada iyo qodobbada Dastuurka dalka oo ah sharciga ugu sarreeya dalka?

 

 
Qodobka 12-aad ee Dastuurka dalka oo ka hadla Hantida Guud, Khayraadka Dabiiciga iyo Wax-soo-saarka Waddaniga ah, ayaa farqaddiisa saddexaad dhigaysaa; “Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti-guurto ama ma-guurto ah, inay iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku beddelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.”

 
Hase-yeeshee, haddii Dastuurka Somaliland oggolaanayo in Xukuumaddu kirayn karto hantida dalka, maxaa keenay in Golihii Wakiillada ee u xil-saarnaa ilaalinta shuruucda iyo diyaarinteedu u baalmaray qodob sharciyan ugu qeexan Dastuurka, una soo saareen soo-jeedin ka horimanaysa Dastuurka Qaranka?
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee soo gudbiyey soo-jeedinta ku saabsan laalista Heshiiska wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera, ayaa u cuskaday qodobka 53-aad ee dastuurka dalka oo ka hadlaya awoodda iyo waajibaadka Golaha Wakiillada oo dhigaya ama odhanaya; “Golaha Wakiilladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin Miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka-beddelid qaanuun.”
Laakiin is-weydiintu waa haddaan loo soo gudbin wax heshiis ah oo Xukuumaddu gashay ama aanay hayn caddeynta heshiis la galay, sababta qodob aan khusayn ay ugu adeegsadeen soo-jeedintooda diidmada, ama shir-guddoonku u oggolaaday ka doodistiisa waa maxay? Maaddaama oo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 37-aad oo ka hadlaya soo-jeedimaha farqadiisa lixaad dhigayso sidan:- “Haddii ay muuqato in soojeedintu aanay waafaqsanayn Dastuurka ama Xeer-hoosaadka Golaha loo qaybin maayo Golaha, lagana doodi maayo soojeedinta.”

 
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Wareegto uu soo saaray Arbacadii dib ugu soo celiyey Shir-gudoonka Wakiillada go’aankii soo-jeedinta ku saabsan laalista bixinta Haamaha keydka Shidaalka Berbera, maaddaama oo ay ka horimanayso qodobka 12-aad ee Dastuurka dalka oo Xukuumadda u fasaxaya kiraynta hantida dalka, inkastoo aan Wareegtada Madaxweyne Siilaanyo lagu caddeyn ama diidin jiritaanka heshiis Xukuumaddu gashay oo ku saabsan wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera, oo hadduu jiro Dastuurku dhigayo in la horgeeyo Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan ama u diidi karaan.

 

 
Balse, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Warbaahintu wax ka weydiisay tallaabada Madaxweyne Siilaanyo dib ugu soo celiyey go’aankii Golaha Wakiilladu ku laaleen bixinta Haamaha Shidaalka ee Berbera, waxa uu ku jawaabay; “Golaha Wakiilladu laba qodob ayuu soo saaraa mid waa Xeer oo waa sharci Dastuurkaana jideeyay, Madaxwaynuhu Xeer waa inuu soo saxeexaa ama soo celiyo 21 maalmood, midna waa go’aan Gole. Go’aanka Golaha in Madaxwaynuhu soo celin karo iyo inkale Dastuurka kuma cadda, laakiin caado may ahaan jirin go’aan Goluhu gaadhay in Madaxwaynuhu soo celiyo. Waxaanay u baahan tahay in si Sharciga waafaqsan Goluhu go’aan uga qaato.”

 
Hadalka Guddoomiyaha Wakiilada ayaa ka hor-imanaya qodobka 77-aad ee Dastuurka dalka oo ka hadlaya habka loo raaco Xeer-dejinta, Farqaddiisa Afaraad iyo shanaad oo si cad u qeexaya in Madaxweynahu dib ugu celin karo Shir-guddoonka Wakiillada haddii Mashruuc sharci loo soo gudbiyey ka hor-imanayo qodob ama qodobbo Dastuurka ka mid ah.

 

 
Waxaanu qodobkaa 77-aad ee Dastuurka Qaranku u qoran yahay ama odhanayaa sidan:-“Mashruuc sharci ay labada Gole ee Baarlamaanku ku wada ansixiyeen ama ku wada oggolaadeen aqlabiyadda 2/3 (Saddex meelood, laba) ama ka badan Madaxweynuhu dib uma celin karo ee wuu saxeexayaa. Haddii uu arko in mashruuc sharcigaasi ka hor-imanayo qodob ama qodobbo Dastuurka ah, waa inuu sidaa ku wargeliyaa Shir-guddoonka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo u gudbin doona Maxkamadda Dastuuriga ah.”

 

 
Haddaba, haddii hadalka Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro si cad uga horimanayo nuxurka qodob Dastuuri ahi dhigayo, muxuu sharcigu ka qabaa haddii Guddoomiyihii Wakiilladu deedifaynayo qodob sharciyan Dastuurku qorayo? Sharciyan-se waa Maxay doorka ka hadal ee Guddoomiyaha Wakiilladu ku leeyahay sharci ama soo-jeedin ku waajahan Golaha Wakiillada go’aan ka gaadhistiisu? Sida Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada farqaddiisa 11-aad dhigayso:- “Guddoomiyuhu wuxu ahaanaya mid u dhex ah Mudaneyaasha marka laga reebo xaaladda codkiisa loo baahdo.”
Qore: Maxamuud Cali Walaaleye
mohamoudali33@gmail.com.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment