Gacal iyo Sokeeya-ba Guurkiinna lagu farax, Guurkiinnu Guur Khayr, Gurigiinna Guri Negi Guulloow ka yeel
[gallery columns="2" ids="23541,23542"]
Guddoomiyaha Warbaahinta Himilo Media Group Madar Cabdi Axmed, Tifatiraha Wargeyska Himilo Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Maxamuud Cali Maxamed (Walaaleeye), Caydaruus Sh Cumar Geedi, Jawhar Cabdillaahi Xuseen, Cismaan Axmed Cismaan, Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf, Maxamuud Cabdilaahi Xasan (Qodax), Muna Cabdi Cali, Barre Axmed Cabdillaahi, Mawliid Aadan Cumar, Siciid Food Muxumed Dhammaan Suxufiyiintaa iyo Asxaabtaas kala duwani waxay Hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaan:-
Mustafe Maxamed Nuur (Dheereeye)
Iyo
Istaahil Daahir Nuur
Oo Mehrkoodu ku qabsoomay magaalada Hargeysa, gaar ahaan Crown Hotel Sabi O5 September, 2015, waxaanay leeyihiin noqda kuwii Aqal-galkooda ku gaadha Nabad-qab, Farxad, Bash-bash iyo Barwaaqo, isku raaga ee Ubad khayr qabana Illaahay kala siiyo. Aammiin………Aammiin…….Aammiin…Allaah ha aqbalo.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment