“Qoladaas Shirkadaha ee hadashay, Caydoodu barnaamij iska caaddifad ah oo cadhada ay ka qaadeen ee ka dhalatay go’aankii Baarlamanka uun weeye…Ma jirto Dayn nalagu leeyahay iyo Haamo dayacani toona, labadii u dambeeyey Kuuriyaan baa gacanta ku haya…”Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali – Waraysi Gaar ah
Berbera, 01 September, 2015-(Himilo)- Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa Waraysi gaar ah oo uu Wargeyska Himilo khadka taleefanka kula yeeshay xalay isagoo ku sugan magaaladaas waxa uu ku sheegay inaanu weli gaadhin Heshiiska la sheegay in Maamulka Haamaha lagu wareejinayo ee Xukuumaddu la gashay Shirkado Ganacsi oo gaar loo leeyahay ee ay hawshaasi ka sarraysay. Waxaanu xusay in go’aankiisu yahay go’aanka Madaxweynihiisa oo uu Amarka Madaxweynaha markasta ku shaqayn doono Maareeye ahaan.

Su’aal ahayd waxa ka jira inuu Maareeye ahaan dhaqdhaqaajieyey, isla markaana kharash badan ku bixiyey in Mudanayaasha Golaha Wakiilladu laalaan Heshiiska wareejinta Haamaha sida ay ku eedeeyeen Shirkadaha lagu wareejinayo xubno u hadlay, waxaanu ku jawaabay; “Qoladaas Shirkadaha ee hadashay, Caydoodu barnaamij iska caaddifad ah oo cadhada ay ka qaadeen ee ka dhalatay go’aankii Baarlamanka uun weeye. Haamaha wax badan baa laga qabtay, waxaan weligii laga qaban baannu Tarminalka ka qabannay, arrinkaasina arrin caaddifaddii go’aanka Baarlamaanka ku salaysan uun buu ahaa, wixii shalayto ay ammaanayeen ee ay lahaayeen waxa laga qabtay hore loogama qaban hadalladoodii ayaa duuban-ba (qolada Shirkadaha Shidaalka keena).”
“Annaguna waxaannu nahay Shaqaale dawladda u shaqeeya, oo Madaxweynaha ka hoos-shaqeeya, amarkiisana ku shaqeeya, wixii uu garto ayuun baanannu ku la shaqeeya oo amarkiisa ku shaqeeya, wixii uu garto ayuun baanannu ku shaqaynaynaa, ama ha noqoto Kirayn, ama Hibayn ha noqoto ama iibin-ba ha noqotee saddexdaas qodob ayuu Dastuurku Madaxweynaha siiyey, Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera Maamulkooda waxa ka go’an inaannu ku shaqayno amarka Madaxweynaha, waxaanannu ku soo dhawaynaynaa cid kasta oo uu Madaxweynuhu heshiis la galo ama Shirkadahan ha noqoto ama cid kale ha noqotee. Qolada Shirkadahana waannu isku wanaagsannahay oo macaamil fiican baa naga dhexeeya, Hal Nin oo ay Afar Maareeye oo hore isfara-saareen.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Saleebaan oo sii watay jawaabta uu ka bixiyey su’aasha kor aan ku weydiinnay.
Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo su’aal laga weydiiyey eedayn ay Xubnaha u hadlay Shirkadaha lagu wareejinayey Maamulka Haamaha ee Heshiiskooda la laalay oo ay ku sheegeen inuu Maareeye Saleebaan ka dambeeyey oo uu Lacag ku bixiyey go’aanka Golaha Wakiilladu Axaddii ku lalaalay heshiiskaas oo aan loo soo gudbin, ayaa ku dooday inaan arrinkaas waxba ka jirin.
Waxaanu Maareeye Sheekh Saleebaan oo ka jawaabay; “Wallaahi arrintaas annagu nimankaa Baarlamaanka cidba iskama naqaanno runtaa wanaagsane, kuwa Berbera (Saaxil) ugu jira ayaannu is-naqaannaa, kuwaasna xidhiidh nagama dhexeeyo, Nin Barnaamijyadaa lagu yaqaannana ma ihi oo oo had iyo jeer Baarlamaanka ka shaqeeya. Markaa, taasina been iyo tuhun uun bay u badan tahay ee waxba kama jiraan.”
Sheekh Saleebaan oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ka jira Dayn ay Shirkaduhu sheegeen inay ku leeyihiin iyo dayac badan oo ay tilmaameen in Haamaha Shidaalku qabaan, waxa uu yidhi; “Wallaahi waxba kama jiraan! Haamaha gebigooda dayac-tir waafi ah baannu ku samaynay oo laba Haamood oo hadda Shirkad Kuuriyaan ahi gacanta ku hayso ayaa u dambeeya. Markaa, wax Haan ah oo immika dayac-tir u baahani maba jirto, waxaynu u baahannahay uun inaynu Haan cusub dhisanno. Wax ka jiraana ma jiraan waxaas ay sheegeen, waa nin Mashruuc waayey hadal uu iska yidhi uun.”
Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo aan weydiinnay sida uu u arko heshiiska Haamaha lagu wareejinayo Shirkado gaar loo leeyahay, waxa uu ku jawaabay; “Aniga aragtidaydu waxay ku salaysan tahay aragtida Madaxweynahayga, haddii Madaxweynahaygu u arko in danta Qaranku ku jirto in la wareejiyo ciddii loo dhiibaaya-ba sidaas baan ku taageersanahay oo aan ku shaqaynayaa.”
Waxaan weydiinnay Maareeyaha Khilaaf la sheegay inuu ka dhexeeyo Maareeye ahaan, Madaxtooyada, Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maaliyadda, kaasoo la sheegay inuu ka curtay hindisaha wareejinta Haamaha Shidaalka iyo waxa ka jira, waxa uu ku jawaabay; “Wallaahi waa been, ee aniga iyo Wasiirka khilaaf naga dhexeeyaa ma jiro, khilaaf naga dhaxayn karaana ma jiro, wanaag badan baa naga dhexeeya, wax khilaaf ah oo naga dhexeeyaana haba-yaraatee ma jiro.”
Sidoo kale, Sheekh Saleebaan oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiinnay halka uu marayo hadda heshiiskaas lagu wareejinayo Haamaha Shidaalka ee Berbera, waxa uu yidhi; “Kollay way iga sarraysay oo Barnaamijkaasi weli annaga namuu soo gaadhin.”
Waxa mar kale, la weydiiyey Maareeyaha cid kastaaba haku lahaatee inuu jiro wax Dayn ah oo lagu leeyahay Haamaha Kaydka Shidaalka ee uu Masuulka ka yahay, waxa uu ku jawaabay; “Mayee ma jirto. Haamuhu waa wax shaqeeya, Dukaannaa wax laga qaataa, Shidaallo ayaa la qaataa oo Mashaariic baa socota, oo dadku wax bay naga qaataan, Dukaammo ayaannu xidhiidh la leenahay oo qalab laga qaataa, meeshu way kooban tahay, kol hadday meeshu kooban tahayna Dukaannada aannu wax ka qaadannaana waa kooban yihiin, markaa, Dukaammada aannu wax ka qaadannaa waa kuwo markay bishu dhammaato loo yeedho oo la yidhaahdo kaalaya biilkiinna qaata. Laakiin, ma jiro Gashi ay Haamuhu ku jiraan oo naloo haysto shaqadaa billaha ah ee socota mooyaane. Waxaannu ka mid nahay Hay’adaha dawladda ee lagu ammaano sida aannu lacagta u bixinno.”
Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo sidoo kale, ka jawaabayey Warbixinta Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka iyo daba-galka musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilladu soo saareen Sabtidii oo ay ku sheegeen in wax badan oo fiican Maamulka Haamuhu qabtay, balse musuq badanna uu ku kacay, waxa uu yidhi; “Guddiga waannu kulannay, laakiin erayo badan oo aannaan is-odhan baa meesha ku jiray, musuqmaasuqana af laguma xukumo ee baadhitaan baa lagu soo saaraa, wax jirana maaha. Waxaannu ka mid nahay dhulka aanu ka jirin musuqmaasuqu. Qandaraasyada waannu bixinnaa oo ma jiraan Shirkado Baadroolka ka shaqeeya oo waddani ahi, sidaa daraaddeed, Shirkado Ajaanib ah baannu siinnaa, laakiin wax aannu musuqnay ma jiraan.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment