Monday, August 31, 2015

Qaramada Midoobay Oo Walaac ka Muujiyay Xaalado Bini’aadanimo Oo Lasoo Darsay Dad Badan Oo Soomaali Ah.

Muqdisho August 31,2015(Himilo)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad badan oo Soomaali ah ay lasoo deristay xaalad bin’aadanimo isla markaana ay u baahan yihin gargaar deg deg ah.

Warbixin maanta Hay’adda UNOCHA ee qaabilsan arrimaha Bin’aadanimada kusoo bandhigtey magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in dad ka badan 3-milyan oo qof ay u baahan yihin gargaar.

Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq ayaa ugu baaqay Hay’addaha samafalka in ay kordhiyaan dadaalada ku aadan sidii loo samata bixin lahaa dadkan.

Arrintan ayaa la xidhiidha roobabkii guga oo sanadkan soo daahay halka meelaha qaarna aanu ka di’in.

Wuxuu intaas ku daray in 68% dadkan ay yihin barakacayaal taasna ay sii adkeynayso howlaha gargaarka.

Hay’addaha samafalka ayaa ka digeya in Soomaaliya ay mar kale ka dhacdo musiibo bin’aadanimo oo la mid ah abaarihii 2011-kii oo ay ku dhinteen dad ka badan 200,000-qof.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment