Hargeysa (Himilo ) Xaflad balaadhan oo loogu diyaargaroobayo xuska dhalashadii Nabigeenii Suubanaa ee Muxamed NNKHA, ayaa lagu qabtay degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
HALKAN KA DAAWO
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Wednesday, December 31, 2014
TACSI
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Saxaafadda ee Shirkadda Dahabshiil Hassan Mohamed Jama (Heiss), Isaga oo ku Hadlaya afka maamulka guud, dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada iyo partners'ka Shirkaddaha Dahabshiil Group, isaga oo aad uga tiiraanyaysan, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo dhowaan u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii, bahda saxaafadda iyo dhammaan ummaddii uu ka baxayba; marxuumkana Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo.
Aamiin………. Aamiin………. Aamiin……….

“Waar bal ila jiid waa Jabuutoo waar Jamhuuriyaddaan ku darayaa” Dharaaro Xusuustood-W/Q Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 36aad
Lixdamaadkii ayaa idaacadda Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed laga qaadi jiray heestaasi, markii Soomaali-weyn loo jibaysnaa. Dhowaan markii ergooyin ka kala socda Xukuumaddaha Soomaaliya iyo Somaliland ay ku kulmeen shir ay ku wadahadlayeen oo ay martigelisay Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa arrimo xiisa lihi ka dhaceen oo i xasuusisay heesta kor ku xusan oo Reer Djibouti aanay jeclayn hore iyo gadaaltoona.
Shirka waxa ka qaybgallay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ergay ka mid ah qoladii reer Soomaaliya, ayaa isaga oo ka dayrinaya gooni-isu-taagga Soomaaliland yidhi; “Ma oggolin kala go'a, waxa qalad ahayd in la oggolaado inay Djibouti go'do.” Qoladii Reer Djibouti waa baa u beryey. Tolow qolada Kenya iyo Itoobiya ma ogyihiin in sheekadii Soomaali-weyn inaanay Shabaabka keli ku ahayn ee qolada Damu-jadiid ay la qabaan.
Waxa kale oo dhacday in qolada ergada reer Soomaaliya laga reebay qoladii Daarood, si ay u dhacdayba, deeto ay ku baaneen markii ay la hadlayeen Reer Somaliland, ‘Waxaynu isku nahay Irir ee dalka ha kala go'ynina ee aan is-garabsanee nagu soo biira oo Dawladda nala yeesha.’
Waxay moodayeen in ergada ay la hadlayaan ay wada Isaaq iyo Gadabuursi tahay, may filayn in laba Dhulwarsan ihi ay ku jiraan (Baashe Maxamed Farax iyo Siciid Jamac Cali) oo ah labada Guddoomiye-ku-xigeen ee labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, war la'aan ayaa Wadaadada hoday.
Waxa la sheegay in waaggii Dawladdii Siyaad Barre ka Madaxda ahaa uu soo booqday Muqdisho wefdi Reer Djibouti ah oo uu hoggaaminyey Xasan Guuleed. Markii la sheekaysanayey ayaa Siyaad Barre Xasan Guuleed ku yidhi; ‘Iska illaali kuwa Isaaqa ah.’
Waftiga Reer Djibouti waxa ku jiray Wasiir Jibriil Abokor, Xasan ayaa markaas yidhi; ‘Wasiirkan wafdigayga ka mid ah ayaaba reerkaas ah.’ Af kala qaad ayey noqotay, maanta tii oo kale ayaa dhacday. Waar qoladan Reer Djibouti ee Canfar, Carab iyo Qowmiyado kale iyo beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed ka kooban ee haddana nabadda ku wada nool, maxaa yaab ka haysta qolooyinkan reer Soomaaliya ee kadeedan.
Sannadka cusub ee maanta bilawday ayaa loo ballansan yahay in wada hadalkii dib-u-furmo, kii noo hagaagee noqo loo hanweyn yahay, heestii Marxuun Maxamed Suleeebaan Tubeeec ayaynu ku soo dhoweynayanaa sannadka cusub.
Heestaasi waxay soo baxday bishii Jan.1964, muddo hadda laga joogo 51 sanno. Sannadkaas loo heesay waxa dhacay dagaal dhexmaray Dalka Itoobiya iyo Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed.Meelaha xuduudaha, sida Togwajaale, Dabagorayaale. Ina guuxaa, Feerfeer iyo Doolo ayaa dagaallo ka dhaceen. Dagaalkaas waxa Togwajaale ku dhintay Askari Xalane la odhan jiray, kaas oo loogu magac-daray xerada weyn ee dhowaan Shabaabku weerareen ee ah Xarunta Ciidammada Amisom ee dalalka Afrika iyo xaafado badan oo magaalooyinka Soomaaliya ka mid ah.
Waxa isla waqtigaa dagaalku dhacay socotay doorashadii Baarlamaanka ee u horaysay ee labada dal ee midoobay (Somaliland iyo Somalia) ka wada dhacda. Waxaan ka mid ahaa shaqaalihii goobaha doorashada. Waxa aan ka hawlgalay meel cidlo ah oo geed hoostii ah oo teendho laga dhisay, waxaannu ahayn saddex arday iyo macallinkayagii oo la odhan jiray CABDULLAAHI CALI AXMED oo ahaa Reer Sheekh, dhawr askari iyo raadiyihii Booliska. Meeshu waxay ahayd laasas xooluhu ka cabaan oo la yidhaahdo XADHAN.
Dadka la rabay inay codeeyaan duniba wax kalama socon annaga qudhayadu wax kama garanayn siyaasadda iyo hawlaheeda. Dhibaatadu ilaa maanta jirtaa waa aqoon la'aanta dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta ha joogee. Waxa la soo bawsaday oo aanay garanayn, xitaa kuwa wataa ayaa shanta loo geliyey.
Nasiib-wanaag, si nabadgelyo ah ayey noogu dhamaatay oo aan Ceerigaabo ugu soo noqonay. Ilaa maanta sidii ayaa loo wadaa oo weli lagama fekerin sidee wax loogu kordhiyaa ama loo beddelaa hawshan geedka hoostiisa iyo dadka tabaalaysan ee waxba ka warhayn waxa la kala macaashayo mararka qaarkoodna la isku dilayo.
Haddaba, sidee baa habkan wax looga beddela lagama wada hadlo ee waa la isku maagaa haddii la soo qaado. Runta marka la sheego magaalooyinka waaweyn ayuunbaa codayni ka dhacdaa, inta kale sanaadiiqda ayaa la soo buuxsadaa, sidaa darteed miyaan marna laga fekerin in bal lagu koobo diiwangelinta iyo codaynta magaalo madaxyada degmooyinka keliya ee Saldhigga Booliska iyo dugsiyada iyo maxkamadaha leh.1964 waxa Wasiirka koowaad ka ahaa Jamhuuriyadii Soomaaliyeed Marxuun Cabdirashiid Cali Sharmaake, ninka maanta Soomaaliya ka ah Wasiirka koowaad ee Cumar Cabdirashiid Aabbihii.
Qoladan Reer Soomaaliya waxay keeneen sheekadii reer Maraykan ee Bush 1, iyo Bush 2, Sharmaake 1,Sharmaake 2 iyo Caydiid 1, Caydiid 2 Shariif Sakiin 1 iyo Shariif Sakiin 2 laga barayba laga badi goorma ayey Soomaalilaandna ka bilaabmi doontaa sheekadani.
Doorashadaas waxa ku guulaystay SYL oo tuulooyinkii sanaadiiqdu dhirta hoosteeda tiilay soo buuxsatay. Magaalooyinka waaweyn waxa ku guulaysatay xisbiyadii mucaaradka ahaa sida SNC iyo SDU. Gaar ahaan SNC oo ahaa xisbi uu sameeyey Marxuun Cigaal oo Waqooyi iyo Koonfur isugu jiray.
Marxuun Cigaal 1962 ayuu iskaga tegay Xukuumaddii Cabdirashiid, deeto waxa uu tegay dalka Ghana ee Galbeedka Afrika ku yaal oo uu madax ka ahaa Halyeeygii, Qoraagii, Halgamaagii dadka madaw Kuwame Nkruma oo ay saaxiib ahaayeen.
Nkruma lacag lagu sheego mar laba milyan marna saddex marna milyan iyo badh oo doolar buu soo siiyey Marxuun Cigaal, lacagtii waxa uu ku dhisay xisbigaas oo uu u bixiyey Somali National Congress. Sida madaxda qaarkood bankiyada dibadda kuma shuban guryana uma iibin reerkiisa, sidii uu lacagtii Aabbihii ina Xaadhxaadhato iyo guryahiisii uu Xisbigii SNL u geliyey ayuu lacagtanna u geliyey siyaasadda.
Wasiir uu Cigaal jeclaa oo uu dhawr jeer xil weyn u dhiibay dhinacan Somaliland ayuu ku arkay isaga oo wax qaadqaadaya, dabadeeto uu ku yidhl “Adeer, siyaasadda lacag lagama tabcado ee waa la geliyaa, xilkii waa kaa qaaday ee mashruuc lacageed soo samayso aan wax kaala qabtee adiga oo siyaasadda dibadda ka jooga.”
Waxa iyana waxyaalihii sannadkan galbaday agteena ka dhacay ka mid ahaa doorasho ka dhacday waddan Carab ah oo Afrika Waqooyigeeda ku yaalla. Waddanka Carbeed ee Tuunis ayaa doorasho Madaxweyne uga dhacday si nabadgelyo ah oo xor ah dhowaan.
Waxa ku guulaystay doorashadii nin dawladihii kala dambeeyey ee waddankaasi yeeshay ee kala ahaa 1- dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Xabiib Burqiiba (1957-1987) 2- iyo dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Ben Cali (1987-2011) ee dalkaas labadaba wasiir ka noqday oo da'diisu tahay 90 sanno.
Ku-quuso qudhaanjo dhalintii loo soo dhigayay, Ruug-cadaagii soo rogaal celi. Dadyewga Afrika iyo Asiya way xurmeeyaan da'da oo xigmad ayey u yaqaanan. Qolada Khawaajiyaashu si kale ayey u arkaan bal sheekadan Marxuun Cigaal eeg. Marxuun Cigaal ayaa isaga oo ah Madaxweynaha Somaliland booqday Dalka Maraykanka sannadkii 1999 bishii October isaga oo ay dalkaasi ugu dambaysay sannadkii 1969 bishii October, markaas oo uu ahaa Wasiirka koowaad ee dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Markii uu soo laabtay ayuu Golaha Wasiirada ka warramay socdaalkiisii waxa uu yidhi waxaan Mareykan ka raadiyey nin madax ahaa oo aan isniqiinay. Markaan telefoon kula hadlay ee aan is-waraysanay ayuu igu yidhi; "Waar Cigaal anigu waxaan ku jiraa guri lagu xanaaneeyo dadka waaweyn ee yaa adiga da'dan Madaxweynaha kaa dhigtay.”Si weyn ayaa loogu qoslay arrintaasi.
Marxuunku waxa uu caan ku ahaa kaftanka weliba isaga ayaa is xanaakadayn jiray iyo weliba beesha reer Saaxil. Maalin isaga oo khayriyada ka hadlaya ayaa waxa meeshii uu taagnaa u soo baxay daayeer, deeto askartii iyo hawlwadeenadii ayaa ku yaacay daayeerkii. Marxuun Cigaal ayaa dhawaaqay makarafoonkii oo furan, “Waar daayaa ninku waa igaranayaaye," dadkii dhegaysanayey ayaa wada qoslay. Dadka kudhacaas lehi waa dadka isku kalsoon ee dulqaadka leh kuwaas ayaa isku yidhaahda wixii lagu odhan lahaa.
Waddada Berber iyo Sheekh u dhexaysa intaan laamiga laga dhigin, waxa baabuurtu mari jirtay meel buur ah oo la odhan jiray Gol-ceebeed. Baabuurta waqtigaas la haystay oo ahayd mid liidata, ayaa wax dhici jirtay inay dib uga soo cararto buurtaas oo ka bixiweydo jiifta, qaar badan ayaa ka dhici jiray. Kirishbooyga ayaa marka halkaasi la marayo kariirad la barbar carari jiray oo u dhigi jiray marka uu hakado baabuurku.
Maanta waxa halkaa maraysa Somaliland oo ka baxaysa Gol-ceebeed. Laba doorasho ayaa sugaya, waxa la sugayaa inay ka baxdo ama dib uga cararto Gal-ceebeed. Mudda kordhintu waa kariiradda Dawladda waxa loogu talagalay inta baabuurka la kicinayo inay sii hayso oo aanay dawladnimadu dhicin, hawshaas oo Guurtida loo xilsaaray, hase yeeshee ma beddelayso doorashada oo ah dalcad ka bixidda iyo gaadhitaanka berri amaan.
Waa ku-meel-gaadh inta la cilad saarayo baabuurka doorashada. Dad ayaa u hadla sidii ay tahay hab barbar socda doorashada oo la tartarsiinayo oo la kala dooranayo. Waa fadeexad haddii kal doorashadii timaadaba muran ka dhaco.

Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Hadlay Natiijada ugu Soo Baxday Kormeer Ay Ku Tageen Madaarka Caalamiga ah Ee Cigaal
Hargeysa (Himilo)-Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kormeer shaqo ku maray Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa.
Xubnaha Gudidda ayaa waxa halkaasi ay kulan albaabadu u xidhnaayeen kula yeesheen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Duulista oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaasina ay wehelinayeen Agaasimaha Guud Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan, Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaciil, iyo masuuliyiin kale.
Xubnaha Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa kulankaasi ka dib indho indhayn ku sameeyey qaybo ka tirsan madaarka Cigaal, iyadoo halkaasi warbixino lagu siiyey, intaasi ka dibna masuulyiinta Wasaaradda duulista iyo xubnaha Gudidda ayaa wada qabtay shir Jaraa’id oo ay Saxaafadda kula hadleen.
Shirkaasi jaraa’id ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cumar Sanweyne waxaanu yidhi “Saaka gudida Dhaqaalaha Baarlamanka Somaliland waxaanu booqanay Madaarka Cigaal ee Caalamiga ah, si aanu ugu kuur galo madaarku sida uu u shaqeeyo, sida uu dadweynaha ugu adeego, iyo sida cashuuraha looga qaado dadka, iyo in ay yihiin cashuuruhu kuwii Baarlamanku ansixiyey, hawlo cayankaas ah ayaanu saaka u soo booqanay madaarka.”
“marka hore waxaan u mahad celinayaaa Wasiirka Wasaaradda Duulista Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo shaqaalaha tiimkiisa la shaqeeya ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, oo si wanaagsan noo soo dhaweeyey, waxa jira dhulka qaar aanu tagno oo nalaga yar shakiyo, oo nala yidhaahdo waar nimankani maxay wadaan?, xaqiiqatan si wanaagsan oo hufan isu dheelitiran ayey Wasiirka iyo tiimkiisu noo soo dhaweeyeen, wixii su’aalo ah ee aanu weydiinayna way nooga jawaabeen,”
Guddoomiye Sanweyne ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ halkan waxaanu ka cadaynaynaa in aanu tagnay Madaarka Berbera, intaanan kan iman, oo wakhtigan xaadirka ah diyaaraduhu aanay iman lagana shaqaynayo Terminal kiisa, waxaanu ku soo aragnay Terminal Caalami ah xaqiiqatan, haday tahay qaybta dhoofka iyo soo degista dhismaha loogu tallo galay iyo shandadahoodaba, sida loogu shaqaynayo, inkastoo la dhisayey madaarkii oo in yar oo xaabxaabis ahi u hadhsanayd, haddana waxaanu ku soo aragnay Terminal International ah oo sida dunida u eg, kan Hargaysana sidaa si le’eg, waxaanu isagana ku aragnay in uu aad iyo aad ula jaan qaaday, madaaradda Caalamiga ah ee dunidda, waxa u daliil ah taas diyaaradaha soo fadhiisanaya nooca ay yihiin, iyo kuwa ka kacayaa nooca ay yihiin, adeega loo qabato umadda waa adeeg fiican, shirkayaga waxa ka soo qayb galay shirkada NASHA, Maamulka Waaxaha Wasaaradda iyo Kuwa Madaarka, iyaga oo noo iftiimiyey lacagaha cida qabta iyo halka ay ku dhacdo, sida dadka looga qaado, way noo soo wada bandhigeen si isu dheeli tiran, aad iyo aadna way ugu mahadsan yihiin, dhinaca horumarka, waddamo badan ayaan tagay markaa Madaarku waa meesha ugu horaysa ee ishu qabato, dee madaarka Hargaysa waa madaar ishu qaban karto, oo amaantiisa Wasiirka iyo Tiimkiisu ay wada leeyihiin iyo umadda Somaliland ba.” Ayuu yidhi Xildhibaan Sanweyne.
Sidoo kalena waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo yidhi “ markaanu anagu dhinaca mucaaridada ka yar eegayno, harumarka meelo badan waxaanu dhaliilnaa nidaamka, haddaanu xisbiga WADDANI nahay, waxa weeyaan waxyaabaha xaqiiqada ah in si masuuliyadeed loo sheego waa sax, oo aan laysku canbaarayn, oo dee wasaarado badan waxaanu ku dhaliilnaa daaraha la dhisay iyo dadkii shaqaynayey iyo nidaamkii way isku dhexdaadsan yihiin, laakiin Madaarka Cigaal qaybaha uu ka kooban yahay iyo sida loo shaqaynayo aad iyo aad ayaa nidaam loogu sameeyey oo wuu ka duwan yahay meelaha kale, horumar fiican ayaa muuqda, masuuliyiintuna way ku mahadsan yihiin ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Tukaale.
Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo gabagabadii kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waxaan guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland ugu mahad celinayaa safarka iyo kormeerka shaqo ee ay noogu yimaadeen, waxa naga go’an masuuliyada iyo sharciguna uu na farayaa inaanu la shaqayno hay’adaha kala duwan ee Qaranka, sida kuwa baadhitaanada iyo gudiyada Golayaasha sharci dajinta, waxaanu jcelanahay inaanu la shayqano, waxaanu diyaar u nahay inaanu hor tagno marka naloo yeedho, wixii nalooga baahdana diyaar ayaanu u nahay inaanu iftiimino, dawladnimadu qaabka aynu u dhisnay ee ay tahay waxa weeye inay waaxaha Qaranku ay isku hubiyaan masuuliyadaha iyagoo xilkooduna uu kala duwan yahay, oo ay hay’adu sharciga dajiso, inay midi fuliso, iyo in mid kale ay xukunka hayso waa Garsoorkee. In laysa saxo lays dhaliilana waanu ogol nahay, talooyinka waddankaa ku toosa, mucaaridka wanaagsani waa mid aanu soo dhawaynayno xukuumad ahaan, Xukuumad bisil ayaanu nahay, waxaanu u aragnaa inay tahay wax wanaagsan in nala toosiyo, waxa wanaagsan ee la qabtana in la qiro ayaanu jecel nahay.”
Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Madaarkan Caalamiga ah ee Cigaal ee maanta ay xildhibaanadu noogu yimaadeen, waa Garoonkii Caasimadda waxaanu is leenahay meel weyn oo magaca leh kaga soo hadha, waxa aanu rajaynayaa inaanu qabyo-tirno mashaariicaha horumarineed ee socda, waxa kale oo muhiima in maamul iyo nidaam wanaagsan la dhiso, daaro uun maahee, arrintaas is badal weyn ayaanu ka samaynay, isna dhigan mayno ee halkaaa ayaanu ka sii wadaynaa, waxaanu jecelnahay inaanu waddankeena danahiisa guud ka shaqayno mucaarid iyo muxaafidba, horumarkiisa, nabadiisa iyo isku duubnidiisa aynu ka wada shaqayno.”
Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Xubnaha Golaha wakiilada waan ku hambaynayaa shaqada ay hayaan, anaga dhiirigalin ayey noo tahay shaqada ay guddiyadu hayaan, Golena guddiyada ayuu ku shaqeeyaa, waxaan Golaha Wakiilada anigoo fursadan ugu faa’iidanaysanaya aan u soo jeedinayaa codsi guud oo aan leeyahay Golaha waxa naga horyaala xeer Wasaarad ahaan muhiimad weyn noo xanbaarsan, oo ah Xeerkii abuurista hay’adda madaxa-banaan ee duulimaayada madaniga ah ee Somaliland, xeerkaas dalkeenu wuu u baahan yahay, duniduna way inaga sugaysaa, Golaha waxaanu ka codsanaynaa inu xeerkaasi naloo ansixiyo, mudanayaashuna ay waajibkooda ka gutaan, haddii uu golahu wax ku darayo, hadduu wax ka badalayaba waa waajibka Golaha, anaguna waxaanu danaynaa ka Xukuumad ahaan inuu xeerkaasi gudbo, waayo in badan ayuu golaha horyaalay.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
DAAWO SAWIRADA
[gallery ids="13244,13243,13242,13241,13240,13239,13238,13237,13236,13235,13234,13233,13232,13231,13230,13229,13228,13227,13226,13225,13224,13223,13222,13221,13220,13219,13218,13217,13216"]

TACSI:Geerida Naxdinta Leh Ee Ku Timid Marxuum Maxamed-rashiid Illaahay Naxariistii Janno Haka Waraabiyee
Hargeysa (Himilo)-Masuuliyiinta dawlada Somaliland iyo dadweyne tiro badan oo dhamaantood ka tiiraanyeeysan geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa soo gaadhaya xarunta warbaahinta Himilo Media Group waxaanay kala yihiin:-
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI: Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland, Ururka suxufiyiinta ee Solja iyo Wargeyskii uu ka tirsanaa ee Saxafi. Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Nairobi-Kenya 29/12/2014, loona geeyey xaalad caafimaad ka dib dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur, ka dibna lagu aasay Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin mug leh ka soo qaatay dhismaha dhaqaajinta iyo hirgelinta saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland, muddo dheerna waxa uu ka mid ahaa hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee Solja.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin…………….Aamiin…………….Aamiin.
TACSI:Xisbiga Kulmiye
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta, Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi u dirayaa qoyskii,qaraabadii, Asxaabtii iyo Bahda saxaafada Somaliland ee uu ka baxay Xoghayihii Ururka Solja Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday magaalada Nairobi kadibna lagu aasay Magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto Eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo.
Aamin…………..Aamin…………… Aamin.
TACSI: Xisbiga Ucid
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Inj Faysal Cali Waraabe oo ku hadlay magaciisa ka hogaanka xisbiga, musharixiinta jagada madaxweynaha iyo ku xigeenka, gudiga fulinta, golaha dhexe, laamaha gobolada iyo dibada iyo dhamaan taageerayaasha xisbiga Ucid waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, ehelkii, bahda saxaafada iyo guud ahaan qaranka Somaliland oo uu ka tacsiyeeynayo geerida ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryayaa marxuum inuu naxariistii janno haka waraabiyo ummada faraha badan ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin…………….Aamiin…………….Aamiin.
TACSI: Xisbiga Waddani
Aniga oo ku hadlaya magaca Xisbiga Waddani guud ahaan, Guddoomiyaha iyo Hoggaanka Xisbiga, Guddida Fulinta, Guddiyada Gobollada iyo Degmooyinka, Guddiyada Laamaha Dibadda iyo dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani, waxaanu halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo bahda warbaahinta Somaliland, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Caalin, mulkiilihii iyo tifaf-tirihii Saxafi Media Group oo isla markaana ahaa Xoghayihii Guud ee Ururka Suxuufiyiinta Somalland ee SOLJA.
Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aammiin
Boobr Yuusuf Ducaale,
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani
Aamiin……………..Aamiin………….Aamiin.
TACSI: Wasiirka Arrimaha Dibada
Aniga oo ku hadlaya Magacayga, Magaca Bahda-waynta Wasaarada Arrimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland iyo Magaca shacabwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxaaan halkan ka tacsiyadaynayaa, Qoyska Reer Muxumed Faarax Caalim oo kala ah; Hooyo Sahra Xirsi Axmed, Jimcaale Muxumed Faarax, Axmed Muxumed Faarax (Awliyo), Caalim Muxumed Faarax, Khaalid Muxumed Faarax, Xuseen Muxumed Faarax, Xamse Muxumed Faarax iyo Aamina-hana Muxumed Faarax, oo aan uga tacsiyaynayo geeridii ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday magaalada Nairobi laguna aasay Magaalada Hargeysa.
Waxaaan sidoo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa Bah-weynta saxaafada Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax gudo iyo dibad meel kasta oo ay joogaan.Waxaanan leeyahay dhamaanteen Samir iyo iimaan.illaahay ha inaga siiyo, Marxuumkana waxaaan ILLAAHAY s.w.c, uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, su’aalaha qabrigana u fududeeyo. Dhamaanteen Samir iyo iimaan.
Aamiin…………..Aamiin……………………Aamiin.
TACSI: URURKA QAREENADA SOMALILAND (SOLLA)
Guddoomiye Ku xigeenka Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) Garyaqaan: Xasan Cali Banfas isagoo ku hadlaya afka bahda garyaqaanada Somaliland, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan bahda suxufiyiinta dalka geeridii naxdinta lahayd ee ku timid suxufigii weynaa ee Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo 29/12/2014 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Laguna aasay magaalada Hargeysa. Marxuumkaasi waxa uu ahaa shakhsi u taagan difaaca iyo xoriyatul qawlka Somaliland isagoo markasta la soo xidhiidhi jiray garyaqaanada si uu difaac maxkamadeed ugu helo suxufiyiinta loo xidhxidho iyagoo gudanaya mihnadooda shaqo. Waxa uu markasta dedaal weyn ka geli jiray sidii uu ugu hiilin lahaa suxufiyiinta lagu tacadiyo. Kamanuu hadhi jirin dacwadaha suxufiyiinta ilaa uu hubsado xoriyad helista suxufiga xidhan. Markasta waxa uu tashi la yeelan jiray garyaqaanada isagoo u mari jiray dedaalkiisa dhinaca sharciga. Waxaan ugu danbeyn Illaahay uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul-Fardowza inagana iyo guud ahaan shacbiga Somaliland inuu Illaahay samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin…………….Aamiin…………….Aamiin.
TACSI: Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale
Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Xaaskiisa Sahra Yuusuf Cabdi waxay Tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii iyo bahweynta Saxaafadda Somaliland oo ay ka tacsiyadeenayaan geeridii ku timid Alle ha u naxariistee xog-hayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday magaallo madaxda dalka Kenya ee Nayroobi laguna aasay Caasimada Hargeys.
Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu ku tilmaamay marxuumka tiir adag oo ka baxay saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland “marxuumku waxa uu ahaa nin aad u dedaal badan oo markasta saxaafadda madaxa-bannaan uga fikiri jiray sida waalidku ay ubadkooda uga fikiraan” waxaanu Cabdilaahi Maxamed Ducaale marxuumka Alle uga baryay inuu naxiirtii Janno ka waraabiyo Samir iyo Iimaan saadiq ahna ka siiyo dhamaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay.
Aamiin…………….Aamiin…………….Aamiin.
TACSI
Aabo Cabdiraxmaan Cadami, Hooyo Amaal X Yuusuf, Hooyo Safiya Maxamed, Hooyo Kaltuun Cabdillaahi iyo carruurtooda oo kala ah Cadnaan iyo xaaskiisa, Axmed iyo xaaskiisa, Warsan ii saygeeda, Filsan Cabdiraxmaan Cadami, Bilaan Cabdiraxmaan Cadami, Ugbaad Cabdiraxmaan Cadami, Aamina Cabdiraxmaan Cadami, Liibaan Cabdiraxmaan Cadami,
Dhamaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan qoysaskii, eheladii iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxeen lLabada marxuum ee kala ah:-
Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax
Iyo
Marxuum Xasan X Xuseen Cumar Xaashi
Oo 30/12/14 lagu aasay magaalada Hargeysa, waxaanay illaahay uga baryayaan in labadaasi marxuum inuu ku casuumo janatul fardowsa. Qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin……………..Aamiin……………Aamiin.
TACSI: Oday Xasan-xaydh
Xasan Cabdi Maxamuud (X.Xaydh) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska ilma Faarax Caalim, Ehelka, Qaraabada, Jaarka, Bahda Saxaafada iyo guud ahaan bulshada Somaliland oo uu ka tacsiyeeynayo Geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday magaalada Nairobi, kadibna lagu aasay xabaalaha xeedho ee duleedka Hargeysa, waxaanu illaahay uga baryayaa inuu ugu deeqo naxariistii janno, ummada uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin………………..Aamiin……………Aamiin.
TACSI
Aabo Cabdi Axmed Cige Iyo Hooyo Amran Sh Cali Cabdi Iyo Carruurtooda Oo Kala Ah Madar Cabdi Axmed Iyo Xaaskiisa Muna Cismaan Cabdi Iyo Carruurtooda Oo Kala Ah Munniir, Mustafe, Maa’ida, Marwa, Muscab.
Iyo Axmed Cabdi Axmed Iyo Xaaskiisa Iyo Carruurtiisa, Cali Cabdi Axmed, Raxma Cabdi Axmed, Edo Nimco Axmed Cige.
Dhamaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo ummada Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ay illaahay uga baryayaan inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii, ehelkii iyo ummadii uu ka baxayba.
Aamiin…………….Aamiin………………Aamiin.
TACSI: Himilo Media Group
Bahda Himilo Media Group oo kala ah Guddoomiye Madar Cabdi Axmed, Axmed Maxamed Cumar, Khaddar Iid Kaariye, Cabdillaahi Maxamed Axmed, Maxamuud Cali Maxamed (Walaaleeye), Caydaruus Sh Cumar Geedi, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Cismaan Axmed Cismaan, Axmed Cumar Axmed, Cabdicasiis Cali-Nuur Axmed, Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf, Maxamed Aw Cali Cartan, Maxamuud Xasan Cabdillaahi, Axmed Cismaan Battuun, Cabdi Cali Haybe, Muna Cabdi Cali.

INAALILLAAHI WA-INAA-ILAYHI RAAJICUUN:

Madaxweynaha Jabuuti oo sifeeyey Isbeddelka Bangiyada Islaamiga ahi ku keeneen Dhaqaalaha Dalkiisa
Jabuuti 31 Dec, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa sheegay in bangiyada ku shaqeeya nidaamka islaamiga ahi ka jebiyeen dalkiisa waxa uu ku tilmaamay Xabsi iyo kooto bangiyada Ribada ku shaqeeya ku haysteen. xilli la qorsheeyey in dalkaasi hoy u noqdo bangiyada ugu badan ee ku shaqeeya nidaamka islaamiga waddamada Qaaradda Afrika.
Sida lagu baahiyey wargeyska dhaqaalaha caalamka ka hadla, qiimayn baanka dhexe ee jabuuti soo saaray ayaa lagu sheegay in bangiyada ku shaqeeya nidaamka islaamigu taageero ka geysteen koboca horumarka dalka dalkaas.
“Afar bangi oo nidaamka islaamiga ku shaqeeya oo siddeedii sannadood ee u dambeeyey laga furay Jabuuti waxay xilligan maamulaan boqolkiiba 15 ilaa 20 % saamiga suuqa,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal bangiga dhexe jabuuti ka soo saaray qiimaynta uu sameeyey.
Jabuuti oo sannadkii 2006 ku yaaleen laba bangi oo dalka Faransiiska laga leeyahay, ayaa siddeedii sannadood ee u dambaysay laga hirgeliyey toban xarumood oo ay ku jiraan Afar Bangi oo Islaami ah.
“Keliya bangiyada nidaamka islaamigu nagama jebin xabsigii bangiyada ku shaqeeya ribadu nagu haysteen, balse waxay naga caawiyeen inaan isbedel ku samayno maalgashiga,” Sidaas waxa yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele mar uu hadal ka jeedinayey shirkii nidaamka dhaqaalaha Afrika bishii November ee sannadkan.
Sidoo kale, waxa arrintan sharraxaad ka bixisay isbeddelka ay kukeentay dhaqaalaha Jabuuti masuul ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Jabuuti.
“Bulshadayadu waa muslim, markaa, si weyn ayey u soo dhoweeyeen shaqada bangiyada nidaamka islaamiga ku shaqeeya, maadama ay fuliyaan baahidooda,” Sidaasna waxa sheegtay Maryam Xamadu oo ah agaasinka dhaqaalaha ee wasaarada dhaqaalaha iyo maaliyada jabuuti.

Magacyada Hoggaamiye la shaaciyey inuu Dhintay iyo Mid Is-dhiibay oo Dawladda Kenya loo gacan-geliyey
Washington 31 Dec, 2014 (Himilo)- Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay weerar cirka ah oo diyaaradaheedu la beegsadeen Hoggaamiye ka tirsan kooxda Shabaab deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta dalkaasi Soomaaliya, waxaanay sheegtay in kasta oo weli aanay faahfaahin dheeraad ah ka haynin inay ku guulaysteen bartilmaameedkooda.
Dawladda Maraykanku waxa ay sheegtay inaanau jirin jirin wax khasaare ah oo weerarkaasi u geystay Dadka Shacabka, sida lagu baahiyey qoraal uu bartiisa Twitter ku faafhiyey Afhayeenka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka, John Kirby.
Duqeynta Ciidamada Maraykanku ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii uu ciidamada Soomaaliya isu dhiibay Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab oo lagu magacaabi Sakariye Ismaaciil Xirsi, kaas oo sida la sheegay lagu wareejiyey Ciidamada Kenya, loona gudbiyey magaalada Nairobi.
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, ayaa u xaqiijiyey in ninkaa diyaarad ciidamada Kenya leeyahiin loogu qaaday magaalada Wajeer ee Woqooyi Bariga Kenya.

Xeebaha Talyaaniga Oo Lagu Qabtay Markab Sida 700 Oo Tahriibayaal Reer Suuriya Iyo Ujeeddada Socdaalkooda
Sicily:Dec,31,2014(Himilo)-Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa gacanta ku haya Markab baahad weyn oo sida Tahriibayaal Tiro badan oo kasoo dhaqaaqay dalka Turkiga.
Tahriibayaasha Markabkan saaran, ayaa tiradooda lagu sheegay 700-Qof, waxana la tilmaamay inay dhammaandood u dhasheen Dalka Syria oo haatan qallalaase ba’an ku jira.
Markabkan ayaa la sheegayaa inuu ku jihaynaa Dhinaca Dalka Croatia, waxana uu siday Shacab qaaxooti ah oo dalkoodii xasilooni darro uga soo cararay.
Ciidamada Bada ee Talyaaniga ayaa sheegay in markabkaasi ka heleen 700 oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan caruur, haween iyo waliba dad dhaawac ah. Waxaana la sheegay in dhamaan naakhuudayashii iyo Kabtankii Markabkaasi ay baxsadeen.
Ciidamada Bada Talyaaniga ayaa markabkaasi la wareegay waxayna sheegeen in markabkaasi loogu talo galay inuu isagoo sabeenaya xeebta Talyaaniga kusoo caariyo, waxaana falkaasi ka danbeeyey shaqaalaha markabkaasi oo dadka tahriibayaasha ah uga tagay markabka dushiisa, waxayna sidoo kale ay markabka ka xidheen qolka laga wado.
Dadka Tahriibayaasha ayaa hada lagu hayaa iskuul ku yaal magaalada xeebta ku taal Gallipoli halka qaar kalena isbitaalada la dhigay
Himilo Media

Wasiir Waran-cadde Oo Sanadka Cusub Ku Ibo Furay Awaamiir Cusub Oo Xagga Bilicda ah Xilli Kuwii Hore Aanay Cidi Hirgelinin
Hargeysa:Dec,31,2014(Himilo)-Xilli Saacado koobani ka hadhsan yihiin sanadka Cusub ee 2015-ka, ayuu wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland soo saaray Awaamiir uu sheegay in kor loogu qaaday Bilicda iyo Quruxda Magaalooyinka waaweyn ee Dalka Somaliland.
Wasiir Warancadde oo Maanta Saxaafadda Kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay inay Xukuumaddu sanadkan cusub samaysatay Qorsheyaal kor loogu qaadayo Bilicda Magaalooyinka Dalka iyo Cidhiidhiga Waddooyinka Caasimadda oo la mari kari la’yahay.
Wasiirka ayaa wareegtada cusub ee soo saaray kusoo hadal qaaday arrimaha qurxinta Magaalooyinka, xilli aan meeshoodii laga qaadin amarro sidan oo kale sanadkii hore uu ugu sheegay in lagu dhaqmo oo Bilicda Caasimadda u badnaa, “Hadii aanu nahay wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Ha’yadaha hoos yimaada ee ay ugu horeyaan dawladaha hoose ee gobalada iyo degmooyinka dalka,waxaan doonayaa in aan halkan maanta uga jeediyo in sanadka cusub 2015 ee inoo bilaamaya aanu xooga saarno laba arimood oo kala ah bilicda iyo quruxinta magaalooyinka dalka.”ayaa lagu yidhi Amarka wasaaradda Arrimaha Gudaha Maanta kasoo Baxay.
Wasiir Warancadde, waxa uu Amray Dawladdaha hoose inay hirgaliyaan amar hore uu u soo saaray oo aan sidiisii u hirgalin “ waxaan ku amrayaa dhamaan dawladaha hoose ee dalka in la fuliyo hawshii hore ee aheyd in qof waliba gurigiisa hortiisa uu dhigo mar-markii, isla markaana ay nadiifiyaan oo Nin waliba uu xaadho gurigiisa hortiisa sidoo kalena dawlada hoose ay yiyaguna dhinacooda xaadhaan si ay magaaladeenu u noqoto mid nadaafadeedu aad u sareyso”.
Wasiirku waxa uu soo saaray amar cusub oo ku aadan Waddooyinka Hargeysa oo Cidhiidhiga Baabuurtu saamayn xooggan ku yeeshay, isagoo tilmaamay in laba wado look ala jabin doono Baabuurta “Magaaladan Hargeysa waxaa ku soo batay gaadiidka. wax-yaabo badan ayaa noqday mid adag isla markaana kaliftay in aan leysku socon karin oo qofkii shaqo ku deg degaayey ama caruurtii schoolda la geenayey ay dhibaato badan kala kulmeen sidaas tarteed waxaanu amar ku bixineynaa in labada wado ee ay mid tahay ta hor marta madaxtooyada ee labada dhinac ba loo socdo in dhinac uun loo socon doono oo dhinca qorax u dhaca ay baabuurtu u socon doonan waxii todobaadkan ka danbeeya dawlada hoose iyo ciidamada wadooyinku ay ka gudan doonan wajibaadkooda” ayuu yidhi Wasiirku
Sidoo kale Wasiirku waxa uu sharaxay wadada ay marayaan gaadiidka dhinaca Bariga u soconaya “Baabuurta u socota dhinac magaalada ama qorax ka soo baxa waxaa ay mari doonan oo ay isticmaali doonan wadada xaga danbe ka marta cisbitaalka weyn ee magaalada hargaysa labaadsi wadana waxaa ay ku kulmi doonana laba meelood oo ah hotel guuled oo dhinca galbeed ah iyo kaalinta ina galan oo dhinca bari ah markaasi labadaasi wado waxaa ay noqon doonan in wado waliba ay midna qorax u dhaca u socta midna qorax ka soo baxa u socota”
Wasiir Cali Warancadde ayaa bishii August ee sanadkii 2013-ka soo saaray Digreeto lagu amrayay in Meherad kasta oo ganacsi kuna soo jeeda Laamigu horteeda Mar-mar dhigto, laba geedna ku beerto,islamarkaana Haan Qashin dhigto horteeda,iyadoo sidoo kalena Dawladda hoose la farray inay nidaamiso Biraha Laydhka meelkastana dhigto Haamaha Qashinka, hase ahaatee badiba arimahaasi may noqon kuwo hirgalay, tiro yar oo ganacsato ah ayaa hirgalisay dhigista Mar-marka.
Sidoo kale waxaan hirgalin qorsheyaasha Wasiirka ee ku aadanaa in Xadhka isgaadhsiinta iyo Laydhka la mariyo dhulka hoostiisa islamarkaana uu mudo u qabtay in Biraha Laydhka iyo Xadhkaha dusha mara lagu cidhibitiro. Waxa kale oo aan noqon mid hirgasha qorshe ahaa in magaalada Dhir lagu beero.

Shirkadda Telesom oo Dhisme Cusub ku wareejisay Maamulka Jaamacadda Hargeysa
Hargeysa, 30 Dec, 2014 (Himilo)-Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa dhisme cusub oo ay u dhistay Jaamacadda Hargeysa si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Jaamacaddaas shalay.
Munaasibad loo qabtay xadhig-ka-jarista dhismaha oo Jaamacada lagu qabtay, waxa ak qayb-galay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi X.Gaas, Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Hargeysa Maxamed Cali Xirsi, Gudoomiye ku-xigeenka Waxbarashada Jaamacada Hargeysa Cabdisalaan Yaasin, Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah Guddida Boodhka Jaamacada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Abiib Axmed Cali iyo Madaxda Waaxaha Iibka, Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom.
Gudoomiye Ku-xigeenka Waxbarashada ee Jaamacadda Hargeysa oo ugu horeyn ka halday munaasibadda, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhismaha ay shirkaddu ka hirgelisay jaamacadda, waxaanu sheegay in dhismahani isugu jiro qayb Jaamacadda loogu talo-galay oo ay isticmaali doonaan kuliyadda Daraasaadka Sare ee Jaamacadda iyo qayb ay shirkaddu isticmaalayso, isaga oo intaas ku daray inaanay ahayn markii u horeysay ee shirkaddu dhisme ku wareejiso jaamacadda, balse uu jiro dhisme weyn oo hore shirkaddu ugu dhistay jaamacadda.
Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa shirkadda uga mahad-naqay taageerada ay Jaamacadda la bar-bar joogto, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, "Marka hore waxaan salaamaayaa ciddii hawshan soo agaasintay iyo shirkadda Telesom oo qiimo weyn ugu fadhida waddanka oo wax badan gashatay dhinac walba kolka laga eego ay tahay shirkad la wada leeyahay oo horumarka iyo kolba dhinacii wax looga baahdo wax ka qabata, aad baan u salaamayaa madaxdeeda iyo mijaheedaba,” ayuu yidhi Suldaan Axmed Daahir.
Suldaan Axmed Daahir waxa uu sheegay in baahida Jaamacada Hargeysi ay sii kordhayso sannadba sannadka ku xiga, tirada ardayda Jaamacadda dhigataana ay wakhtigan gaadhayso toban Kun, waxaanu soo jeediyey in lala socodo baahida jaamacada.
Gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Hargeysa Md. Maxamed Cali Xirsi oo isaguna ka hadlay munaasibadan xadhiga lagaga jaray dhismahan, ayaa yidhi, "Sida aynu la wada soconno Jaamacadda Hargeysa way sii fidaysaa maalinba maalinta ka dambaysa, sanad kastana waxaa ku soo kordha dhismayaal iyo adeegyo cusub. Haddaba qolyaha ka qaybqaata dhismayaasha cusub waxaa ka mid ah shirkadda Telesom oo kow kak ah , hore waxay noogu dhiseen hool 45 mitir ah oo ay u dhiseen kuuliyadda ICT-ga. Hoolkaasi oo ay waliba ku dareen qalabayntiisii oo ay u keeneen dhamaan furniture-kii, koombuutaradii iyo waliba qalab aad loogu baahnaa oo ilaa $20,000 ah rooter-dii oo nooca CISCO loo yaqaano ah. Taasoo ay waliba dhibaato ka qabsatay keenisteeda. Maxaa yeelay Ruuter-daasi waa qalab xaasaasi ah, hase yeeshee marka wadankeena la keenayo su'aalo badan ayaa la iska waydiiyaa kastamada iyo meelaha ay soo marayaan taana iyagaa inaga caawiyey."
Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, ayaa shirkadda ku bogaadiyey dedaalka iyo taageerada ay Jaamacadda la bar-bar taagan tahay, waxaanu yidhi, "Telesom oo aanu in badan la shaqaynay si fiican bay noola shaqeeyeen. Hoolkan aad baa loogu baahnaa waayo markay ardaydii badatay markii Master Degree program-kii bateen meel qaadda ayaanu u baahanay, kani wax weyn buu taa ka taraya. Horena way noola shaqeeyeen. Telesom siyaalo kale oo badan oo dadbanna wax bay noola qabtaan, waxaanu leenahay waad mahadsan tihiin, wada shaqayntana halkaasaanu ka sii wada wadaynaa."
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Md. Abiib Axmed Cali oo iskuna ku hadlay afka xukuumadda waxaanu mahadnaq u soo jeediyey shirkadda Telesom, "Aad baanu ugu mahadnaqaynaa shirkadda Telesom inay ka qayb qaadato anigoo og inay horena uga qayb qaadatay qaybaha ka mid ah jaamacadda ay ka dhistay qaybo ka mid ah dhismayaashooda, kan cusub ee ay imika soo kordhisay ee hoolkaa cusub ee ardayda master-tu ku dhiganayaanna aad baanu ugu mahadnaqaynaa,” ayuu yidhi Agaasimuhu.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Abiib Axmed Cali ayaa ugu baaqay shirkaddaha kale ee ganacsiga iyo kuwa shaqsiyaadku leeyihiin in ay gacan ka gaystaaan taakulaynta iyo ka qayb qaadashadda horumarinta Jaamacadaha dalka.
Ugu dambaynta waxaa madashaasi ka hadlay Maamule ku-xigeenka Waaxda Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo, waxaanu sharaxaad ka bixiyey kaalinta shirkadda Telesom ka geysato horumarka dalka. "Shirkadda Telesom waa shirkadda ay wadda leeyihiin dadka reer Somaliland ah waana shirkaddii ugu horaysay ee waxa Saamiga ama share-ka la yidhaahdo dalka ka hanaqaaday laguna faa'iiday. In ku dhow kun iyo todoba boqol oo Somalilander ah ayaana saami ku leh. Iyada oo baahida noocaasi jirto shirkaddu ay faa'iido samayso haddana waxay dhiiri galisaa Jaamacadaha dalka iyo waxbarashadda sida caafimaadka, waddooyinka, waxbarashada, meelaha bulshada waxtarka u leh sida Maxktabadaha iyo dhismayaasha anfaca leh, wax badan ayey ka qayb qaadataa," ayuu yidhi Mr Darbo.

Shan Kamid Ahaa Maxaabiista Xabsiga Guantanamo Oo Dib Xorriyadooda Loo Siiyey
Gurantanamo:Dec,31,2014(Himilo)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka, ayaa dib xorriyadooda u siiyey Shan kamid ahaa Maxaabiista Muddada dheer ku jirey Xabsiga Guantanamo bay, kuwaas oo arrimo argagixiso loo hayey.
Maxaabiistan lasii daayey Xalay ayaa la sheegayaa inay Muddo Toban sano ah halkaas ku Xidhnaayeen, waxana loo arkaa inay yihiin qaar laga dhamaystay Dantii laga Lahaa.
Maxaabiistan ayaa ka kooban 3 nin oo u dhashay dalka Yemen iyo labo nin oo u dhashay wadanka Tunisia, waxaana raggan loo dhoofiyey dalka Kazakhastan.
Dowlada Maraykanka ayaa muddo dheer gorgortan kula jirtay dowlada Kazakhastan in ay qaabisho ragaasi oo la sheegay in aan lagu celin karin wadamadii ay u dhasheen.
Hore ayaa maxaabiis laga siidaayey xabsiga Guwantanamo loo dhoofiyey dalal ay ku jiraan, Uruguay, Slofakiya iyo Goergia si ay noloshooda inta ka hadhay ugu qaataan.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu xidho xabsiga ku yaal jasiirada Kuba ee Guwantanamo, waxaana halkaasi weli hada ku xidhan 127 maxbuus.

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo socdaal ku maraya Gobolka Togdheer iyo Ujeeddada uu xambaarsan yahay
Burco 31 Dec, 2014 (Himilo)- Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) iyo Madaxda heer gobol iyo degmo ee gobolka Togdheer ee wasaaradda Caafimaadka, ayaa shalay dhagax-dhigay xarun hooyada iyo Dhallaanka oo laga hirgelinayo deegaanka Cali Ciise oo ka tirsan degmada Burco.
Munaasibad loo qabtay dhagax-dhigga xaruntan oo weftiga wasiirka ka sokow ay goob-joog ka ahaayeen wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Cismaan C/laahi Saxardiid Cadaani, badhasaabka Gobolka Togdheer, Maayarka degmada Burco iyo dadweyne tira-badan, waxa ka hadlay Maayarka degmada Burco Maxamed Muraad, waxaana hadalladiisa ka mid aha, “Wasiirka Biyahu shan ceel uu deegaanka ka qodayo wuu magacaabay, ceelka Cali ciise, waxaan leenahay wasiir Cadaani wuu ku saran yahay,”
Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ugu dambayn xafladaa ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dhagaxdhiga xaruntan hooyada iyo dhalaanka ee Cali Ciise oo baahiweyn loo qabay, hadal kooban uu ka jeediyeyna waxaanu yidhi, “Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dhamaystirka dhisamahni noqdo mid adeegyada caafimaad uu bixin doono dadku ka faa’iidaystaan.
Dhinaca kale, socdaalkan deegaanka Cali Ciise ka hor oo Dr. Saleebaan Xagla-toosiye iyo Md. Caddaani ku soo mareen xarunta gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne, waxa ay ku wareejiyeen maamul deegaanka deeq qalab caafimaad oo loogu tallogalay cusbitaalka guud ee Oodweyne.
Wasiirka iyo weftigiisa, ayaa la filayaa inay uga sii gudbaan magaalooyin kaloo ka tirsan gobolka Togdheer oo dhismayaal xarumo caafimaad cusub dhagax-dhigaan, isla markaana kuwo dhismayaashoodu dhamaadeen xadhiga kaga jaraan.

Tuesday, December 30, 2014
Marxuum Maxamed-Rashiid: Halyeey Saxaafaddu Tabi Doonto-W/Q Cabdirisaaq Xasan Rakuub
Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Caalin, ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargaysa Illaahay naxariisti janno ha siiyo oo haka yeelo inta ku galadaysata qabriga, kana mid ahaata inta ku aroorta safka Rasuulka CSW. Maxamed-Rashiid wuxuu ahaa nin aan hagrasho lahayn, waxaana muujinaysay sida dadku ugu marag kacayeen, taas oo aniga i xasuusinaysa dhawr jeer oo aanu hawl wada galnay sidii lama ilaawaanka ahayd ee uu uga soo dhalaalay. Kali kuma ahi inta ka mana sheeganaysay ee badi inti ay hawl-wadaagta ahaayeen wuxuu ku lahaa abaal weyn Maxamed-Rashiid Illaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa hawl kar intii aan aqaanayba ahaa xoogsade shaqadiisa ku sharfanaa. Wuxuu ka mid ahaa intii dhidibada u taagtay saxaafadda gaar ahaan jaraa’idada, oo ogaalkay uu kazoo shaqeeyey jaraa’idkii ugu horeeyey ee hana qaada kaas oo ah Jamhuuriya, wakhti ka dib wuxuu u wareegay jaraa’idka Haatuf, markii dambana wuxuu aasaasay jaraa’iidka ilaa hadda shaqeeya ee Saxafi. Maxamed-Rashiid Illaahay ha u naxariistee waxa aan la ilaawi karin sida uu uga hawl gali jiray saxaafadda marka ay cadaadiska la kulanto, waxaana kaaga filan oo illaa hadda la xususan karaa sidu uga hawl gali jiray soo daynta jaraa’idka Hubaal.
Maxamed-Rashiid Illaahay ha u naxaristee aaskiisu wuxuu ahaa mid badi mujtamaca reer Hargaysa kasoo wada qayb galeen, oo cid ka maqnaydba yarayd, kaasoo aad odhan karaysay wuxuu ka mid ahaa aasaska ugu tirada badnaa ee ka dhaca dalka. Waxa aan qalinka u qaatay waa laba mid uun; sidii aynu ugu diyaar garoobi lahayn geeridan oo kale oo lama huraan ah inay ina wada qabsanayso iyo in aynu isku diyaarino sida Maxamed-Rashiid Alle ha u naxariste loo aasay oo aynu noqono qaar loo aaso.
Qof kasta oo kasoo qayb galay aaskiisu wuxuu ahaa mid murugaysan, oo aad moodayso inuu kaligii ka baxay. Murugada ka wada muuqatay oo ku tusinaysa sida ay iskugu dhawaayeen Marxuumka qofkaas, balse qof ma ahayne idilkood intii aaska timid ayey wada ahaayeen, waxa aan maqli jiray qof kasta malaa’iigtiisa ayaa aasta, maanta Marxuumka wixii khalqi kasoo qayb galay aaskiisa dad la tirin karayo may ahayn. Taas oo ah in qof kasta isku dayo inuu dad beerto, sama-fale ahaado, dadku u sinaadaan, saaxiib deeqsi ah ahaado, qof dadku isku soo halayn karaan uu noqdo, ma hagradena ahaadol. Waxa hubaal ah in Maxamed-Rashiid Illaahay qabriga haw nuuriye intaaba ku sifaysna, waxaana ila garan kara qof Maxamed-Rashiid hawl ay wada galeen.
Waxa iyaduna xusuusin u baahan in aynu ogaano sidii Maxamed-Rashiid oo inala joogay oo caafimaad qabay sida degdega ah ee shilka iyo geeridu isugu habsatay in ay inana geeridaasi ina wada sugayso. Waan sii xusuustaa wali maalinta shilku ku dhici doono kaftankiisii iyo siduu u fadhiyey, taas oo ah mid aanan wali ilaawin. Waxa Rasuulka CSW ka sugnaaday xadiis odhanaya “waxa aad had iyo goor xusuusnaataan ta macaanka jarta oo ah geerida”, inagu intee ayeynu haddaba xusuusanaa, mise isleenahay taas oo kale wakhti dhaw ayey ku sugaysaaye maxaad usii shaqaysatay.
Waa maalin magacaagu Mayd noqon doono, waa maalin hugaagu kafan ahaan doono, waa maalin hoygaagu xabaal isu bedeli doono, waa maalin su’aal iyo su’aalo ku sugayaan ee maxaynu u diyaarsanaynaa walaalayaal. Geerida saaxiibkeen iyo walaalkeen aynu u noqono qaar usii sahay qaata. Rasuulka CSW ayaa lasoo hor mariyey mayd la aasayo markaasu yidhi :- “walalaayaal tan oo kale u diyaar garooba”, maanta walalayaal geerida Maxamed-Rashiid oo kale way inagu imane aynu u diyaar garoowno.Illaahay waxa aan uga baryayaa Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Caalin inuu qabriga u waasiciyo nuur u ahaado, janatul Fardowsa ku manaysto, ka yeelo intuu ka raalida yahay, u aqbalo ducadii kumanaanka qof ee jinaasadisa ku tukaday, kana yeelo kuwa ku aroora darka Rasuulka CSW Allahuma Aamin Aamin Amiin.

Hadhaaga Diyaaraddii Air Asia Ee Burburtay Iyo Meydadka Rakaabkii Saarnaa Oo Laga Badhtamah Jasiiradda Java
Jakarta:Dec,30,2014(Himilo)-Kadib Baadigoob aan loo kala hadhin oo lagu qaaday Diyaaradii la waayey ee ay Lahayd Shirkadda Air Asia, ayaa waxa soo baxay Warar sheegaya in Hadhaageedii haatan la helay.
Ciidamadii Baadhitaanka waday, ayaa sheegay in Maanta oo salaasa ah la helay Burburka Diyaaradaas iyo waliba Tiro meydad ah oo rakaabkii saarnaa ah.
Gudiga dowladda Indonesia u qaabilsan baadi-goobka diyaaradaasi oo ay lahayd shirkada AirAsia ayaa xaqiijiyay in Ugu yaraan 40 meyd laga helay bada Jasiirada Java ee dalka Indonesia.
Diyaarada AirAsia duulimaadkeeda QZ8501 ayaa la waayey Axadii lasoo dhaafay kadib markii ay kasoo duushay Airporka Surabaya ee dalka Indonesia waxayna ku sii Jeeday Magaaladda Change ee dalka Singapore.
Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 162 qof oo 155 kamid ah ay ahaayeen Rakaab halka laba ahaayen Duuliyayaashii diyaaradda iyo shan shaqaale kale ah, waxaana la sheegay in weli aan la helin qeybihii kale ee burburka diyaarada oo weli la baadigoobayo.
Baadigoobka diyaaradda ayaa waxaa ka qayb qaadanaya Saraakiil katirsan dowladda Mareykanka oo sheegay in codsi uga yimid dowladda Indonesia.

SONYO Oo Taariikhda Markii Ugu Horeysay Hogaan Cusub U Dooratay Guddoomiye Iyo Ku Xigeen Ka Soo Jeeda Gobolada Awdal Iyo Sool
“Kalsoonida Aad Na Siiseen Waxa Ay Muujinaysaa Wax Wada Lahaanshaheena. Taariikhda Cusub Ee SONYO Samaysay Waa Milgo Taariikhda Galaya Waxaanan Ku Dadaali Doonaa In Aan Xubnaha Maqan Keeno” Guddoomiyaha Cusub Ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali
Hargeysa (Himilo)- Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa markii ugu horraysay taariikhda SONYO waxa maanta Hogaan cusub loogu doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku Xigeen ka soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Sool, Kulan ballaadhan oo ka dhacay Hoolka cusub ee shirarka xarunta Dhexe ee Dalladda SONYO.
Shirweynaha 7aad ee dalladda heer qaran ee SONYO oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxa ka soo qayb galay aqlabiyadda ururada ay ka kooban tahay dalladda SONYO iyada oo ay madasha doorashada ka maqnaayeen xubno yar, iyada oo ay goob-joog ahaayeen Guddoomiyaha dalladda SONYO iyo Ku Xigeenkiisa iyo badiba xubnaha Golaha Sare ee Lixaad ee xilkoodu dhammaaday.
[gallery ids="13161,13160,13159"]
Aqlabiyadda Ergooyinkii Madasha Hoolka Shirarka SONYO isugu yimid waxa ay ugu horrayn doorteen shir-guddoon ka kooban saddex xubnood kuwaasi oo hawsha shirweynaha kala wareegay Xubnihii Guddidda qabanqaabada oo uu Guddoomiye u ahaa Faysal Muxumed Madar (Qumuj) waxaanay shir-guddoonka shirku sidaa kula wareegeen habsami u socodkii hawsha shirka.
Ugu Horrayn waxa madasha Doorashada Hogaanka cusub ee SONYO hadalo dardaaran ah ka soo jeediyey Guddoomiyaha dalladda SONYO ee wakhtigiisu dhammaaday Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani kaasi oo xubnaha ergooyinka gobolada Somaliland isaga kala yimid dhammaantood kula dardaarmay in ay si caddaalad ah u codeeyaan mar walbana wax walba ka hor mariyaan masiirka dalladda SONYO 13-sanadood kadib oo u baahan in la sii dardar galiyo ee aan u baahnayn in carqalad lagu sameeyo maadaama SONYO tahay madashii iyo Milgihii umadda. “Waxaan maanta halkan u fadhinaa oo aan ka sheegaynaa in shirweynihii SONYO ee 7aad gabagabadiisii aan doonayno in aan halkan ku doorano hogaanka labada sanadood ee soo socda. Sharaf weyn ayay ii tahay in aqlabiyaddii dhammaan Gobolada Somaliland ay halkan fadhiyaan. Markii aan eegay Dastuurka SONYO sida uu dhigayo iyo ergooyinka aqlabiyadoodii in ay halkan fadhido waxaan sugayaa sharcinimada hogaanka doorashada halkan aan u fadhino. Dadaaladii SONYO soo gashay iyo wixii horumar ahaa ayaa sharaf noo ah waxaanan hogaanka cusub kula dardaarmayaa in ay halkaa ka sii qaadaan oo dhallinyarada u shaqeeyaan. Annaga ka gole ahaan waxa nugu waajiba in aanu wareejino xilkii iyo taladii aan idiin haynay kuna wareejin doono masuuliyiinta aad soo doorataan”.
Intaa kadib waxa la guda galay in ay ergooyinka madasha fadhiyey doortaan 19-xubnood oo noqon doonta Hogaanka sare ee dalladda SONYO ee Toddobaad ee labada sanadood ee soo socota iyada oo markii ugu horraysay Gobolka SOOL loo kordhiyey xubnaha ay ku lahaan jireen Golaha sare oo dhammaa 2 xubnood doorkana laga dhigay 3 xubnood. Markii shirweynuhu u codeeyey 19 xubnood ee Golaha sare ee SONYO waxa doorasho aanay cidi isla soo sharrixin halkaasi cod aqlabiyad ah loogu doortay Mudane Siyaad Cumar Cali oo ka soo jeeda Ururada dhallinyarada Gobolka Awdal kaasi oo noqonaya Guddoomiyihii ugu horreeyey ee soo mara SONYO ee ka soo jeeda Gobolka Awdal. Intaa kadib xubnaha la doortay ee Golaha sare sida dastuurka SONYO dhigayo waxa ay iyagu iska dhex doorteen Guddoomiye ku xigeen kaasi oo doorasho aan cidi kula tartamin uu ku guulaystay Mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka mid ah Ururada dhallinyarada ee Gobolka Sool gaar ahaan caasimadda Laascaanood, taasi oo noqotay taariikh kadib markii ugu horraysay 13-sanadood oo SONYO jirtay in markii ugu horraysay guddoomiye iyo ku xigeen ka soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Sool ay hogaanka u qabtaan dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO.
Guddoomiyaha cusub ee SONYO loo doortay Mudane Siyaad Cumar Cali oo madasha ka hadlay ayaa u mahadnaqay ergooyinka kalsoonida siiyey isaga oo sheegay in uu dadaalkiisa oo dhan isugu gayn doono sidii uu SONYO halka ay maanta taagan tahay uga sii qaadi lahaa. “Sharaf weyn ayay ii tahay in aad codkiina i siiseen. Taariikh weyn ayaad samayseen iyada oo markii ugu horraysay aad doorateen xubno ka soo jeeda darafyada Somaliland tani waxa ay muujinaysaa wax wada lahaanshaheena. Waxa ay na siinaysaa kalsooni aan dhallinyarada ugu adeegno. Xubnaha kooban ee innaga maqnaaday waxaan ku dadaali doonaa in aan keeno SONYO. Dalladdani waa mid tisqaaday oo aan marnaba looga baqanayn in ay xagal daacdo. Waa ballan in aan xubnaha yar ee innaga maqan si sharaf leh kalsooniddooda u heli doono maadaama intii badnaydba na siiyeen”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali.
Xasan Siciid oo ka mid ahaa golihii SONYO ee hore ahna xubin ka mid ah aasaasayaasha dalladda SONYO ayaa madasha keenay saddexdii xubnood ee kali ahaa ee ka maqnaa Golaha sare kuwaasi oo ka soo jeeda Ururada Hargeysa. Mudane Xasan Siciid waxa uu sheegay in isaga oo imtixaan xarunta CSI kaga jira uu maqlay in shirkii sidan u dhacayo maadaama aqlabiyaddii sifo sharci ah isku raacday in badana uu xoggogaal u ahaa SONYO uu soo dhammeeyey xubno saddex ah oo Hargeysa ka dhinaa ahna xubnihii maqnaa kuwaasi oo sidaa ku buuxiyey dhammaanba tiradii Golaha sare ee SONYO.
Intaa kadib Guddoomiyaha xilka ka tagaya Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani oo hadalo dardaaran iyo hogo tusaalayn ah madasha doorashada ka soo jeediyey ayaa hogaanka cusub kula dardaarmay in ay dadaalkooda oo dhan isugu geeyaan sidii ay dalladda halka ay maanta taagan tahay uga sii qaadi lahaayeen isaga oo u duceeyey in ilaahay ku asturo xilkaa ballaadhan ee ay u qaadeen dalka iyo dadkoodaba.
Si kastaba ha ahaatee sida dastuurka dalladda SONYO dhigayo muddo 30 maalmood ah kadib ayuu Guddoomiyaha cusub Md. Siyaad xilka kala wareegi doonaa Guddoomiyaha Hore Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani.

Ciil-tire: Tix Gabay ah oo Baroor-diiq u ah Geerida Maxamed-rashiid Muxumed Faarax
Hargeysa (Himilo)-Suxufi Saleebaan Cabdi Cali oo loo yaqaano Kalshaale ayaa maanso baroordiiq ah u tiriyey Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax Illaahay naxariistii janno ha ugu deeqee oo tiirarka waa weyn ee saxaafada Somaliland oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi, isla markaana lagu aasay xabaalaha xeedho ee ku yaala duleedka Hargeysa.
Suxufi Kalshaale oo maansadan curiyey 29/12/14 ayaa ka waramay maansadani sidii ay maskaxdiisa uga soo maaxatay waxaanu yidhi:-
“Anigoo si hal-haleel ah u holaday midhahan markii ay dhegtaydu maqashay geerida naxdinta badan, waxa laga yaabaa inay ku jiraan ereyo badan oo Jaban, isla markaana suugaanyahanada qaar badan oo ka mid ahi ay u arkaan kuwo aan miisaan badan ku fadhiyin laakiinse anigu dareen ahaan iskumaan qancin inaan Gabayo ee waxaan jeclaystay inaan asxaabta la wadaago dareenka guud ee Baroor-diiqda”…
Waxaanan ku bilaabay sidan:-
Caatadda adduunkaanu jirin ruux cadadiyaaye
Hadii lagu ciseeyoo uu jiro ruux cimrigii dhaafay
Udgoonoow rasuul Maxamed-baan laga carceersheene
Culimadii Asxaabtaan iyana laga carrawsheene
Ciil la hooyeyaa iyo wakhtigan ceeb ka cararyaaba
Cabdoow dheelmay Maxamedkii cududa weynaaye
Miyaan ledi callool xumo xaqaan ciddi cambaareyne
Cidlo miyuu horror dugaag igu arkaan maanta
Inaan caymad baadiya ahoon cidi difaacaynin..
Kolkay taladu ciirtee sharciga laga cabsoon waayo
Kolkuu ciil nin noo qabay coltamo cududna uu sheegto
Isagaa cod-dheer iyo lahaa Ciirsi iyo hiile
Isagaan cabsoon jirin haddii ciidan loo diro’e
Isagaa Caroog noo ahaa lama cadaabaane
Miyaan ledi callool xumo xaqaan cidi cambaareyne

Inaan caymad baadiya ahoon ciddi difaacaynin..
Caawa iyo xalaytaa is xigay waana kala cayne
Cad-ceed iyo habeenbaa is-xiga waana kala cayne
Dharaaraha cartamayaa khalqiga caynba cayn u ahe
Camalkeeda noocaasa buu ciidan u ahaaye
Calankiyo dalkiisuu ahaa ruux cumaamadane
Caammada, saboolka, iyo intii dani culaysiisay
Isagaa u ciil-tire ahaa lama cadaabaane,
Aheey waxaan la koobayn intuu ceeb ka dhiidhiyaye
Aheey waxaan la koobayn intuu caawiyee kabaye
Aheey waxaan la koobayn intuu curiyey sooyaale
Caddad laguma koobiyo odhaah Maxamed Caynkiiye
Cisho laguma soo guurin karo camalsankiisiiye
Cil-cilowgan gees kale hadaan caynka ku iftiinsho
Qof cibaado badanbuu ahaa oo eebbe caabuda..
Carrab Dalableh kuma sahamin jirin cuud intuu rabo’e
Caasi waalid kuma sheegahayn caa’iladdu guude
Caawaba haddii iilka cullan loo cayimay maanta
Taariikhdu way caato bixin geedka ciirsamaye
Amintaanu ciidiyo dhagax caddaha hoos geyno
Ee ruuxda lagu soo ceshee loo camiro buugga
Allahayoow su’aalaha culus culus celin jawaabtooda
Haku dhibin casiisoow adaa caalimoo jira’e
Eebboow cidhiidhiga qabriga waasac ugu caymi
ka Xorree caddaabkiyo rabboo Naarta holaceeda
ku casuun raxmaanoow jannada midhaha ceegaaga
cal-calyada fardowsiyo, Al-rayaan ha u hirqado caanno
Cawdiisa eebboow u gogol goob nimcadu cimidho
oo caasaabadii Rasuulkiyo ka yeel culimadii diinta..
..Aamin Aamin Aamin….
Saleban Abdi Ali / Chief Editor
+252 63 634229772 | +252 63 4475736
editor@gobanimonews.com

Maanso Baroor diiq ah oo loo sameeyey Xoghayihii ururka saxaafadda SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax
Hargeysa (Himilo)-Abwaan da-yar oo la yidhaa Cabdixakiim Yuusuf Cali ayaa maanso baroordiiq ah oo uu curiyey 29/12/14 ka tiriyey geerida ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax Illaahay naxariistii janno hawgu deeqee.
Abwaanka oo ka hadlaya sida ay maansadani ku timid ayaa waxa uu yidhi:- “Gabaygani waxa uu igu dhashay ka dib markii aan maqlay geeridda ku timid xoghayihii ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Waxaanay naftaydu igu dhalisay inaan wax ka yidhaahdo u dagaalanka xoriyatul qawlka iyo difaaca saxaafadda madaxbanaan oo uu had iyo jeer heeganka u ahaa”.
Waxaanay ku bilaabantay:
• Inaan geeri iyo mowd
• Maxkumiin u nahayoo
• Mahuraanka aakhiro
• Ruuxba maalin tagayoo
• Macno lahayn adduunyadu
• Waa mid aynu idilkeen
• Muran li’i ogsoonahay
• Hayeeshee midbaa daran
• Maqalkiyo warkeeduna
• Magli kaaga daran yahay
• Ruuxba waa muggiisiyo
• Magacuu lahaayee
• Saamaynta mahadhadu
• Tani weeye maantee
• Nagu kadisay murugada
• Siduu yidhi macbuudkeen
• Samir baa muhiimoo
• Xaqu waa madhaafaan
• Muuminkana ku waajiba
• Marxuumkana illaah baan
• Naxariis mug weyn iyo
• Maqfir uga baryeynaa
• Maamuus iyo karaamiyo
• Meeqaam sarreeyuu
• Kamudnaa dalkiisoo
• Milaygay ahaataba
• Sooyaalku waa marag
• Aan la maydhi karinoo
• Midhihii uu beeriyo
• Dhaxalkiisa muuqdaa
• Lagu Milicsan doonaa
• Dal muraayaddiisiyo
• Mihnad qaran ku faanaa
• Waa miidiyaha’ee
• Halkay maanta joogtee
• Caalamkuna ka marag kacay
• Raggii soo mudh bixiyee
• Mijaha ay ku socotiyo
• Midigta u ahaabaa
• Maxamed-rashiid lagu xasuustaa
• Qalin aan marooriyo
• Marin habow aqoonoo
• Runtu tahay maciisaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Maamul iyo hogaaniyo
• Mayal iyo aftahannimo
• Margashada aqoonbaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Geesi aan mildhaabinoo
• Ka maagayn xaqiiqdoo
• Meeshii tabaysaba
• Qalin ugu miciinaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Muwaadin xaqiiqoo
• Noloshiisa muddo dheer
• Ku macsuumay qarankoo
• Guusha mahadin jiraybaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Miisaan caddaaliyoo
• Magac iyo qabiiliyo
• Marna eex aqoonoo
• Usinnaa mujtamacaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Marinkii rasuulkiyo (SCW)
• Addoon diinta maaloo
• Martabeeya khayrkoo
• Muujiya samaantaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Muggii uu lahaa iyo
• Maanso kaalintiisii
• Marna koobi maysoo
• Hadal waa mid iyo laba
• Hadaad socotay maantoo
• Rashiidow min aakhiro
• Kaa yeelay mawluhu
• Ducaan maca salaamee
• Magan kaaga dhigayaa
• Marka iilka lagu dhigo
• Mawleheen su’aashiyo
• Macnaheeda kuu sahal
• Marinada jannada iyo
• Lagu mari dariiqii
• Ahlu muuminiintoo
• Inta meel lajoogtee
• Maxamedow rasuulkii (SCW)
• Madashiisa lagu simay
• Kamid noqo insha allaah

Geesi Ka Baxay Saxaafada Marxuum Maxamed-rashiid Oo Si Heer Qaran ah Loogu Aasay Xabaalaha Xeedho Ee Caasimada Hargeysa
Hargeysa (Himilo)- Illaahay naxariistii janno hawgu deeqee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa tiir-dhexaad ka baxay saxaafada Somaliland ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha xeedho ee caasimada Hargeysa.
Illaahay naxariistii janno hawgu deeqee marxuum Maxamed-rashiid waxa uu ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka dib markii uu dhaawac culusi ka soo gaadhay shil gaadhi oo toddobaadkii hore ka dhacay duleedka magaalada Berbera.
Marxuum Maxamed-rashiid ayaa meydkiisa ay diyaaradi ka soo qaaday magaalada Nairobi isla markaana ay keentay gagida dayuuradaha ee Cigaal International Air-port oo ay ku sii sugayeen masuuliyiin iyo dadweyne tiro badan oo dhamaantood ka tiiraanyeeysan geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Maxamed-rashiid, waxaana meydka marxuumka si toos ah loogu galbiyey xabaalaha xeedho ee ku yaala waqooyiga Hargeysa.
Aaska marxuum Maxamed-rashiid waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay golayaasha, axsaabta, saxaafada iyo guud ahaan qaybaha bulshada.
Bahda Himilo Media Group waxay tacsi u dirayaan Ooridii, Qoyskii, Eheladii, Bahda Saxaafada iyo guud ahaan ummada Somaliland ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Muxumed Faarax oo ahaa halyeey hal-adag oo hawl-kar ah oo illaahay ku manaystay geesinimo iyo garasho xeel-dheer.
Bahda Himilo Media Group waxay Illaahay uga baryayaan Marxuum Maxamed-rashiid inuu ugu deeqoo janatul fardowsa.
Aamiin……………Aamiin……………….Aamiin.
INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Britain:Haweenay Cudurka Ebola La Ildaran Oo La Qabtay Iyo Baadi-goob loogu jiro Dadkii Xidhiidhka La Sameeyey
Glasgow:Dec,30,2014(Himilo)-Haweenay Kalkaaliso caafimaad ah oo kasoo socdaashay Dalalka Galbeedka Afrika, ayaa lagu arkay Xanuunka Ebolaha Gudaha Magaalada Glasgow ee Dalka Britain.
Haweenaydan oo magaceeda la qariyey, ayaa la sheegay inay kasoo kixitantay Magaalada Kerry ee daka Sierra Leone, waxana diyaaraddii siday soo martay Tiro garoono ah ka hor intii aanay Soo Gaadhin Magaalada Glasgow.
Xoghayaha caafimaadka Britain Jeremy Hunt ayaa sheegtay in la karantiilay haweeneydaas lana baadi goobayo dhammaan dadkii ay xidhiidhka la samaysay gaar ahaan kuwii diyaarada kula soo safray iyo Qoyskeedii kaleba.
Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 6,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea. Dalalka kale ee fayruska Ebola gaadhey dadkana ku diley waxaa kamid ah Nigeria iyo Maraykanka.

Diyaaradaha Maraykanka Oo Xalay Duqeeyey Goobo Gudaha Somalia Ku Yaalla Iyo Cidda Badhtilmaameedku ahaa
Saakow:Dec,30,2014(Himilo)-Diyaaradaha Aan Duuliyaha lahayn ee Maraykanka, ayaa Habeenkii xalay Duqeeyey Goobo gudaha Somalia ku Yaalla, gaar ahaan Deegaanka Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe, sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka lala badhtilmaameedsaday hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shababa, balse wali lama sheegin magaca Hogaamiyahan la beegsanayey.
Inkastoo ay adag tahay in la helo faah faahin rasmi ah, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxyadii xalay ay maqleen abaarihii 2-da habeenimo, isla markaana ay ahaayeen duqeymo fuliyan diyaaradaha Drones-ka loo yaqaano.
Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa war kooban oo ay soo saartay ku xaqiijisay in weerarkaas uu jiro, isla markaana la qiimeynayo sida ay wax u dhaceen.
“Waqtigan la joogo, waxaa la qiimeynayaa in sida wax u dhaceen iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay”ayaa lagu yidhi warka qoraalka ee ka soo baxay Pentagon-ka
Sidoo kale Waaxda difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in sida ugu dhakhsiyaha badan looga soo saari doono warbixin ku aadan natiijada weerarkan.
Mareykanka ayaa ilaa iyo hada magacaabin hogaamiyaha la beegsaday iyo in weerarka lagu qaaday kolonyada uu ahaa mid guuleystay.
Weerarkan ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli sabtidii la soo dhaafay uu isa soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo lagu magacaabayay Zakariye Ismaaciil Xirsi oo hore Mareykanka madaxiisa uu dul dhigay 3-milyan oo doollar.
Al-Shabaab ayaa ilaa iyo hada ka hadlin warka ka soo baxay Mareykanka ee ahaa in duqeyn cirka ah ay ka fuliyeen Soomaaliya.
1-dii bishii Septemer ee sanadkan ayay aheyd markii duqeyn cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu dilay Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Monday, December 29, 2014
Maanta Geesi Baa Baxay: Hoggaamiyihii Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland
Hargeysa (Himilo)-Tifatiraha guud ee wargeyska Saxafi Mustafe sh Cumar Geedi ayaa na soo gaadhsiiyey qoraal baroordiiq ah oo uu kaga xogwaramayo qiimihii shaqsiyeed iyo kaalintii uu saxaafada Somaliland kaga jirayba Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, illaahay naxariistii janno hawgu deeqee ku geeriyooday magaalada Nairobi.
qoraalkaasi oo dhameystiran waxa uu u dhignaa sidan:-
Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA. ayaa xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaaladda Nayroobi.
Alla Ha u naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid waxaa magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya loo qaaday Jimcihii 26-kii Bisha December, ka dib markii Khamiistii ka horaysay dhaawac culusi ka soo gaadhay Shil Baabuur oo ka dhacay duleedka magaaladda Berbera. Marxuumka waxaa la keenayaa magaaladda Hargeysa oo maanta qabanqaabadda Aaskiisu ka socoto Salaasada Bari 30-ka Bisha, waxaana lagu aasi doonaa Xaabalaha Xeedho haddii Alla Idmo.
Marxuum Maxamed-rashiid waxaa uu ahaa astaanta lagu garto xorriyadda Saxaafadda ka hana-qaaday Somaliland, iyadoo uu goor wal iyo goob kasta la taagnaa badheedhe uu ku difaacayo xaquuqda rayi-dhiibashadda iyo in dadku fikirkooda si xor ah u dhiibtaan.
Eebe ha u naxariitee marxuumkan oo kartidda Eebaha sareeya ee hufani u dhaliyay awgeed, u muuqday Dayrka col iyo cadaaweba kaga gudban inta u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda aadamaha dib ayaynu taariikhdiisa oo faah-faahsan ka soo gudbin doonaa.
Ka hor soo gudbinta taariikhdaas aan soo fool-tabiyo horaanta suugaan Baroor diiq ah oo ay tixdii koowaad bilowgeedda na soo gaadhsiisay Abwaan Nimco Aadan Hurre. (Nimco Gabaydo.)
Waxay tidhi.
“
Ifku geeddi weeyaan
Gabal-dhiciyo waaberi
Laga guurayaayoo
Adoomaha ku guud nool
Qofba galab ka hoydee
Allaylehe nin gob ah iyo
Halyay garasho dheer iyo
Muumin ruuxa gool-moon
U gargaari jirayoo
Ka weynaa gankiisiyo
Maanta Geesibaa baxay
Garabkayga taagnaa
Gacmo-madhan Alahayow
Adaan kuu goglanayaa
Naxariis gu weyn iyo
Raxmaddaada aan gudhin
Godolkeeda siiyoo
Qabrigiyo ku guulee
Godka aakhiruu tagay.
Nin Garaad wacnaayoo
Guddi jiray abaalkoo
Gali jiray markiisiyo
Hanad- lagu goblamay iyo
Maanta geesi baa baxay
Garabkayga taagnaa
Gacmo madhan Allahayow
Adaan kuu goglanayaa
Naxariis gu weyn iyo
Raxmaddaada aan gudhin
Godolkeeda siiyoo
Qabrigiyo ku guulee
Godka aakhiruu tagay.
Gurmad nin u ahaan jiray
Birma gaydadiisiyo
Mahuraanka gaabshoo
Qofka dhibi ay gaadhaba
U gargaari jiray iyo
Maanta geesi baa baxay
Garabkayga taagnaa.

Madaxweyne Silaanyo Oo Qaranka Somaliland Ka Tacsiyeeyey Geerida Ku Timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland ayaa guud ahaan qaranka Somaliland ka tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid xoghayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa suxufi waayo arag ah.
War-saxaafadeedka tacsida Madaxweynaha oo ka soo baxday xafiiska af-hayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa waxay u dhigneyd sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland, Ururka suxufiyiinta ee Solja iyo Wargeyskii uu ka tirsanaa ee Saxafi.
Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Nairobi-Kenya 29/12/2014, loona geeyey xaalad caafimaad ka dib dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha dhaqaajinta iyo hirgelinta saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland, muddo dheerna waxa uu ka mid ahaa hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee Solja.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Uganda Oo Muqdisho Ka Dhoofsatay Meydadka Askartii Kaga Dhimatay Weerarkii Xalane
Muqdisho:Dec,29,2014(Himilo)-Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa saaka laga dhoofiyey tiro meydad ah oo kamid ahaa ciidanka Uganda ka jooga Somalia, kuwaas oo ku geeriyooday Weerar kooxda Al-shabaab khamiistii ku qaadeen xarunta AMISOM Ku leedahay magaalada Muqdisho.
Saraakiishan maydadkooda la geeyay dalka Uganda ayaa la filayay inay dib ugu laabtaan magaalada Kampala gellinkii dambe ee Sabtidii aynu dhaafay si ay qoysaskooda oo xilli fog ay isugu dambeysay ay isku arkaan.
“Xubnahan ayaa waxay ka mid ahaayeen kuwii Somalia u joogay in ay la dagaalamaan Al-shabaab, wax qoomamo ahna kama muujinayno in la soo celiyo maydadkooda, waayo geesiyaal ayay ahaayeen,” ayuu hadal uu jeediyay ku yidhi taliyaha ciidamada lugta ee Uganda. Maj. David Muhoozi.
Maj. Muhoozi ayaa sheegay in saddex ka mid ah ciidamadooda oo uu ku jiro sarkaal sare lagu dilay weerarkaas, isagoo dhanka kalena xusay in la dilay shan ka mid ah xooggaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo saddex kalena nolosha lagu qabtay.
“Nasiib-darro saddex saaxiibbadeen ah oo uu ku jiro sarkaal ayaa lagu dilay weerarkaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Maj. Mahoozi oo xusay in lagu aasi doono Kampala Isniinta maanta ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah askar-tooda lagu dilay weerarkii lagu qaaday Xalane, balse waxaa ka hadashay iyaduna weerar-kaas Al-shabaab oo sheegtay inay ku dileen 14 ka mid ah ciidamada AMISOM oo ay ku jiraan saraakiil sare.
Xoogagga weeraray xarunta AMISOM ay Muqdisho ku leedahay ayaa shaaciyay inay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo gudaha u galay xaruntaas kana dagaalamayay muddo 24-saac ah.
Sarkaalka ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee lagu dilay weerarkaas ayaa lagu sheegay magaciisa, Col. Christopher Kaija, waxaana gabadh uu dhalay ay ku sheegtay barteeda Facebook-ga in warka ku saabsan dhimashada aabaheed uu ahaa mid murugo weyn ku reebay.
Ugu dambeyn, danjiraha Midowga Afrika ee Somalia, Maman S. Sidikou oo warbaahinta la hadlayay isla maalintaas ayaa sheegay inay ciidamadooda u tababari doonaan sidii ay uga hortegi lahaayeen weerarrada gaadmada ah ee ay Al-shabaab la beegsanayso saldhig-yadooda.

Xog-hayihii Hore Ee Ururka SOLJA Oo Xalay U Geeriyooday Dhaawac Kasoo Gaadhay Shil Baabuur Iyo Tacsida Bahda HIMILO
Nairobi:Dec,29,2014(Himilo)-Allah ha u naxariistee waxa saqdii dhexe ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Xoghayihii hore ee ururka Saxafiiyinta somaliland ee Solja Maxamed-rashiid Maxamed Faarax.
Marxuumka ayaa Halkaas loogu qaaday Dhaawac culus oo kasoo gaadhay Shil gaadhi oo maalintii Khamiistii iyo isaga iyo laba saxafi oo kale ku galeen Waddada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, waxana uu geeriyooday kadib markii lagu sameeyey Qalliinka.
Waxa la filayaa in marxuumka meydkiisa Hargeysa loosoo qaado si loo aaso, waxana la wadaa qalqaalada aaskii loo samayn lahaa.
Maxamed-rashiid maxamed Faarax ayaa kamid ahaa dhallinyarada Firficoon ee wakhtiyadan dambe u heellanayd kor u qaaddida magaca saxaafadda dalka, waxanna lagu xasuusan doonaa Halgankiisii uu ku doonayey inuu dalku yeesho saxaafad xorriyadeeda gacanta ku Haysata.
Bahweynta Himilo waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Ehelkii, qaraabadii, xaaskii, carruurtii iyo Bahda Saxaafadda ee uu ka Geeriyooday Marxuum Maxamed-rashiid Maxamed Faarax, waxana ay eebe uga Baryayaan inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo.

Meydka Wadaad Ciidanka Kenya Hore Nolo ugu Qafaasheen Oo Laga Helay Goob Aan Laga Filaynin
Nairobi:Dec,29,2014(Himilo)-Meydka Wadaad Soomaaliyeed oo haystay Dhalashada waddanka Kenya, ayaa laga helay Magaalada Embu oo 120-km u jirta Caasimadda Dalkaasi ee Nairobi.
Wadaadka Meydkiisa la helay, ayaa lagu magacaabi jirey Sheekh Maxamed Cali Kheir, waxana maalmo k aka hor ay ciidanka Boolisku ka kaxaysteen Gurigiisa, kuwaas oo ku haystay Goob qarsoodi ah.
Meydka wadadka ayaa la dhigay allaha u naxariistee Goobaha la dhigo meydadka ee Magaaladasi waxana helay Masuuliyiinta Dowladda Kenya ee Magaaladda Gaarisa oo iyana kaga beegan 367 KM dhinca Waqooy-Bari Maagaladda Nairobi.
Dowladda Kenya weli kama aanay hadlin dilka Sheekh Maxamed Cali Kheir oo meydkiisa la helay, waxana halkaas laga dareemayaa cadho ka dhalatay dhacdadan oo dadka shacabka ahi muujinayaan.
Dilalka qarsoodiga ah ayaa waxa caan ku ah ciidanka Nabadsugidda dalkaasi, waxana dhawaan warbixin arrintan lagu baahinayo sii daayey Tv-ga Al-jazira, waxase si weyn uga cadhootay xukuumadda Nairobi.

DAAWO: Khudbada Mulkiilaha Ahna Guddoomiyaha Warbaahinta Himilo Media Group Uu Ka Jeediyey Sanadguurada 1aad Ee Wargeyska Himilo
Hargeysa 28 Dec, 2014 (Himilo) Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayey xuska sanadguurada koowaad ee ka soo wareegtay aasaaska wargeyska Himilo ee ka soo baxa caasimada Somaliland toddobaadkii shan maalmood ayaa lagu qabtay Crown Hotel oo ku yaala Caasimada Hargeysa.
Dabaaldega sanadguurada Wargeyska Himilo ayaa khudbad uu kaga xogwaramayo ujeedada iyo siyaasada loo aasaasay wargeyska himilo iyo muddoda sanadka ah sidii uu u shaqaynayey iyo waxyaalaha uu la kulmayba waxa ka jeediyey Mulkiilaha ahna Guddoomiyaha wargeyska Himilo amase guud ahaanba Himilo Media Group Mudane Madar Cabdi Axmed Khudbadaas oo dhameystiran waa tan:
HALKAN KA DAAWO
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Dabaaldega sanadguurada Wargeyska Himilo ayaa khudbad uu kaga xogwaramayo ujeedada iyo siyaasada loo aasaasay wargeyska himilo iyo muddoda sanadka ah sidii uu u shaqaynayey iyo waxyaalaha uu la kulmayba waxa ka jeediyey Mulkiilaha ahna Guddoomiyaha wargeyska Himilo amase guud ahaanba Himilo Media Group Mudane Madar Cabdi Axmed Khudbadaas oo dhameystiran waa tan:
HALKAN KA DAAWO
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
DAAWO: Khudbadihii Laga Jeediyey Xuska Sanadguurada 1aad Ee Ka Soo Wareegta Aasaaska Wargeyska Himilo Iyo
Hargeysa 28 Dec, 2014 (Himilo) Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa loogu dabaal dagay xuska sanadguurada koowaad ee ka soo wareegtay aasaaska wargeyska Himilo ee ka soo baxa caasimada Somaliland toddobaadkii shan maalmood, xaflada xuskan oo noqotay madal kulmisay mucaarid iyo muxaafid ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin door ah.
Xuska sanadguurada 1aad ee loogu dabaal dagey aasaaska wargeyska Himilo oo dhameystiran daawo:-
HALKAN KA DAAWO SANADGUURADA 1aad EE WARGEYSKA HIMILO:
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Xuska sanadguurada 1aad ee loogu dabaal dagey aasaaska wargeyska Himilo oo dhameystiran daawo:-
HALKAN KA DAAWO SANADGUURADA 1aad EE WARGEYSKA HIMILO:
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Labels:
Aragtida Bulshada,
Himilo News,
Multimedia,
Xulka Himilo
SAWIRADA: Xuska Sanadguurada koowaad Ee Wargeyska Himilo oo Lagu Qabtay Caasimada Somaliland
Hargeysa 28 Dec, 2014- (Himilo) Xuska sanadguurada koowaad ee ka soo wareegtay aasaaska wargeyska Himilo ayaa lagu qabtay Crown Hotel oo ku yaala caasimada somaliland ee hargeysa.
HALKAN KA DAAWO SAAWIRADA

[gallery columns="4" ids="12993,13103,13102,13101,13100,13099,13098,13097,13095,13091,13090,13088,13086,13084,13081,13079,13078,13077,13073,13072,13071,13070,13069,13068,13067,13065,13064,13063,13062,13061,13060,13059,13057,13056,13055,13054,13053,13052,13051,13050,13049,13048,13047,13046,13045,13044,13043,13042,13041,13040,13039,13038,13037,13036,13035,13034,13033,13032,13031,13030,13029,13028,13027,13026,13025,13024,13023,13022,13021,13020,13019,13018,13015,13014,13013,13012,13011,13010,13009,13008,13007,13006,13005,13004,13003,13002,13001,13000,12999,12998,12995,12994"]

Sunday, December 28, 2014
Munaasibad loo qabtay Xuska sannad-guurada 1aad ee Wargeyska Himilo oo kulmisay siyaasiyiin Mucaarad iyo Muxaafadba leh
Hargeysa 28 Dec, 2014(Himilo)- Wargeyska madaxa-bannaan ee Himilo, ayaa u dabbaal-degay sannad-guuradiisii 1aad oo ee ka soo wareegtay Dib-u-curashadiisa oo 28-kii December 2014-ka oo maanta oo Axada ku beegnayd, waxaana munaasibad xuska sannad-guuradiisa lagu qabtay Hotel Crown ee Hargeysa ka qayb-galay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Hoggaanka cusub ee Ururka SOLJA, Maamulka iyo Hawl-wadeennada Wargeyska Himilo, Xubno ka socday Ururrada bulshada, Suxufiyiin iyo Marti-sharaf kale.
Wargeyska Himilo oo markii u horeysay magaalada Hargeysa laga aasaasay sannadkii 1997-kii balse aanu cimrigiisu sii raagin, ayaa muddo toban sanno ka badan oo saaxadda warbaahinta uu ka maqnaa, waxa mar kale dib looga aasaasay magaalada Hargeysa isla markaana caddadkiisii u horeeyey soo baxay isaga oo muuqaal cusub wata 28-kii December 2013-kii oo laga joogo muddo hal sanno ah.
Munaasibadda shalay loo qabtay xuska sannad-guurada 1aad ee dib-u-curashada Himilo, ka qayb-galay isla markaana hadallo isugu jiro hambalyo ku socoto Bahda Himilo Media Group, caqadaha ku gedaaman saxaafadda dalka iyo sida looga samato-bixin karo, talooyin iyo dar-daaran ku socda warbaahinta dalka iyo Shacabka Somaliland ah ka jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Teknoolajiyadda Cali Xaamud Jibriil, Guddoomiyaha Golaha Dhexe Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), Guddoomiyaha Cusub ee SOLJA Maxamuud Jaamac (Xuuto), Odayga Bahda Saxaafadda Somaliland Xuseen Cali Nuur iyo Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Qareennada Somaliland Xasan Cali Xasan Banfas.
Waxa ugu horeyn munaasibadda ka hadlay Guddoomiyaha warbaahinta Himilo Media Group oo Wargeyska Himilo qayb ka yahay
Madar Cabdi Axmed oo sharraxaad ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geeddi-socodkii wax-qabad iyo wax-soo-saar ee muddadii halka sanno ahayd ee Wargeysku shaqaynayey, waxaanu xusay dedaal badan iyo caqabado ka hor yimi muddadaas ka dib in isaga iyo Hawl-wadeennada ka hawl-gala Wargeyska Himilo iyo guud ahaan Warbaahinta Himilo Media Group ay u suurto-gashay inay ka midho-dhaliyaan dhismaha hay’ad warbaahineed oo ku hawl-gasha dhex-dhexaadnimo, hufnaan, war-tebin xaqiiqo ah isla markaana muddadaas kooban ee ay jirtay kasbatay shacbiyad badan oo ku qancay dhex-dhexaadinimo iyo masuuliyad war-tebineed oo muddadii uu Wargeysku jiray lagu bartay.
“Wargeyska Himilo waxa uu u shaqeeyaa qaab madaxbannaan, kana madhan feker iyo farogelin shaqsi, koox, urur, xisbi, qabiil iyo sidoo kale dad wata dano gaar ah, muddadaas uu soo baxayayna waxaa uu ku shaqeeyey si dhexdhexaad ah, madaxbannaan oo waafaqsan anshaxa mihnadda saxaafadda iyo xeerarka u yaal dalka,” sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Wargeyska Himilo oo sharraxayey siyaasadda Wargeyska.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxa aannu ku dedaalnaa in aannu si guud iyo si gaar ahba uga baaraan-degno wararka iyo macluumaadka kala duwan ee aanu baahinno, taasna waxa aan ku kasbanay in aannu kalsooni kaga helno akhristayaasha iyo bulshada Somaliland.”
Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Ruug-caddaaga Saxaafadda Somaliland ayaa madasha ka jeediyey talooyin la xidhiidha gudashada waajibaadka suxufinimo iyo dabbaqaadda asluubta habboon mihnadda saxaafadda uga jeediyey dhammaan warbaahginta dalka .
“Waxaad Suxufiyiin wax arkaysa, wax maqlaysa, wax faalaynaysa, wax falan-qaynaysa, wax ka sheegaysa wax kastaaba waxa ay yihiin. Ogaada inaad Suxufiyiintiinani noqon kartaan hubka ugu khatarsan ee dalka baabiin kara, ogaada inaad noqon kartaan hubka ugu wanaagsan ee waddanka dhisi karaya. Waxa la yidhaahdaa saxaafaddu waa awoodda Afraad, maxay ku noqotay awoodda Afraad? Saddexda kaleba haddii ay khaldamaan ciddii sixi lahayd adiga (Saxaafad) weeyaan. Waa inaad noqotaan siyaasiyiin laakiin aydaan siyaasadda ku dhex-milmin, inaad culimo noqotaan, culimada laf-ahaantooda hadday khaldan yihiin inaydaan ku dhex-milmin. Wax kasta oo la yeelo umaddan idinkaa ka wakiil ah, xukuumaddan idinkaa u wakiil ah, axsaabtana idinkaa u af ah,” Sidaas ayuu yidhi Xuseen Cali Nuur.
Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Aasaasihii ugu horreeyey ee dhidibbada u taagay magaca Wargeyska Himilo Axmed Sandon oo mulkiyadda iyo magacaba Wargeyskaba ku wareejiyey Guddoomiyaha wakhtigan ee Wargeyska Madar Cabdi Axmed, waxaanu faahfaahin ka bixiyey wakhtigii la aasaasay, duruufihii uu kala kulmay iyo sababihii horseedka u noqday inuu albaabada u laabo Wargeyska oo muddo toban sanno ah saaxadda Warbaahinta ka maqnaa ka hor intii aanu mar labaad dib-u-curan Himilo oo markii u horeysay muddo sannado ah caddadkiisii u horreeyey uu soo baxay 28-kii December 2013-kii.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Jaamac (Xuuto) oo halkaas ka hadlay, ayaa qodob-qodob u taabtay duruufo wakhtigan ku gedaaman hay’adaha warbaahineed ee dalka gaar ahaan Wargeysyada oo uu xusay inay u baahan yihiin taageero dhaqaale iyo mid xirfadeedba, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin caqado ka hortaagan Wargeyska dalka inay farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan la mid noqdaan warbaahinta dhiggooda ah ee caalamka ka jirta. Waxaanu guddoomiyaha SOLJA ballan-qaaday inay isbeddel ku samayn doonaan qaabka wax-soo-saar ee Wargeysyada dalka oo uu xusay inay qayb ka tahay wax-qabadyada Ururka SOLJA ee sannadka soo socda, balse guddoomiyuhu ma xusin nooca isbeddel ee u qorshaysan inay ka taageeri doonaan wax-soo-saarka hay’adaha warbaahineed gaar ahaaneed Wargeysyada.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday caqadaha ku gedaaman warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka gaar ahaan Wargeyska, kuwaas oo uu shegay inay isugu jiraan qaar warbaahintu horseed ka tahay iyo duruufo ay kala kulmaan bulshada. Guddoomiye Jaamac waxa uu ka deyriyey saamaynta qabyaaladdu ku yeelatay bulshada dhexdeeda iyo doorka warbaahintu ka qaadato dhiirri-gelinteeda, waxaanu soo jeediyey meel looga soo wada-jeesto dabar-goynta qabyaaladda iyo suulinta codka cid kasta oo magac qabiil oo aan lagu metelin ku qadhaabata.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dhibaatooyinka haysata warbaahinta dalka ku soo koobay caqabado ay ka mid yihiin dhaqaale la’aan dalka jirta, duruufo aqooneed ee Xirfadda Saxaafadda iyo waddaniyadda oo uu xusay inay meesha saartay ilaalinta danaha Qaranka, isaga oo tusaale u soo qaatay arrimo uu inta badan kaga hadlo kuna difaaco danaha siyaasadeed ee Qaranka, balse warbaahinta inteeda badani ka tixgeliso tebinta qodobbada xambaarsan dhaliilaha uu xukuumadda u jeediyo.
Guddoomiyaha UCID waxa uu talooyin iyo dar-daaran u jeediyey Warbaahinta dalka oo uu uga digay inay dibadda u saaraan Siraha Qaranka iyo khilaafaadka gudaha ah ee xalkooda si hoose loo dhammaysan karo. “Arrimo gaar ah oo gudaheenna ah ayaynu ka sii deynaa warbaahinteenna. Marka aynu faanno ee aynu nidhaahno nidhaahno dawladbanu dhisannay, nabad baanu keennay, waxa laynagu dilayo iyo rasaasta laynala dhaco waxa laga helaa saxaafaddeena, markaa waxaan leeyahay wixii inoo hoos ah, yaan dibadda loo soo saarin.” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Gunaanadkii munaasibadda, waxa soo af-meeray Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Md Cali Xaamud Jibriil oo ugu horeyn bahda Himilo ku hambaleeyey xuska sannad-guurada 1aad ee Wargeyska Himilo, waxaanu wasiirku ku dheeraday muhiimadda ay dhismaha Saxaafaddu u leedahay horumarinta aqooneed iyo wacyi-gelinta bulshada. “Saxaafadda waxa loogu talo-galay inay muraayad u noqotay bulshada iyo xukuumadduba oo laga dareemi karo laguna soo bandhigi karo hadba wixii dhiman ee baahideedu jirto. Saxaafaddu caqliga shacabka iyo ka Xukuumaddaba way korisaa, waxaanay soo bandhigtaa wixii xaqiiqo ah ee jira,” Sidaas ayuu Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolojiyadda Md Cali Xaamud Jibriil ka sheegay munaasibadda shalay loo qabtay xuka sannad-guurada 1aad ee dib-u-curashada Wargeyska Himilo.

Wargeyska Madaxbannaan ee HIMILO oo Sannad-guuradiisa 1aad u Dabaal-degaya Axadda Maanta
“Waxa aannu ku dedaalnaa in aannu si guud iyo si gaar ahba uga baaraan-degno wararka iyo macluumaadka kala duwan ee loogu talogalay in lagu baahiyo wargeyska Himilo iyo Website-ka Himilomedia.com, taasna waxa aan ku kasbanay in aannu kalsooni kaga helno akhristayaasha iyo bulshada Somaliland”
Guddoomiyaha Himilo Media Group Mr. Madar Cabdi Axmed
Hargeysa, 28 Dec, 2014 (Himilo)-Wargeyska madaxbannaan ee Himilo oo ka mid ah hay’adda Himilo Media Group (HMG), ayaa u dabaal-degaya sannad-guuradiisa koowaad ee ka soo wareegta xilligii la aasaasay oo ku beegan Axadda maanta oo taariikhdu tahay 28 December 2014.
Wargeyska Himilo oo aasaaskiisu bilawday sannadkii 2013, isla markaana cadadkiisii u horreeyey soo baxay 28kii December ee sannadaas, waxa uu hadda shaqaynayey muddo 12 bilood ah, iyadoo sannad-guuradiisa 1aad ku buuxdo 28 December 2014 oo ku beegan Axadda maanta.
Jariidada Himilo oo la soo saaro shan maalmood toddobaadkiiba, marka laga reebo maalmaha Jimcaha iyo Isniinta, waxa ay ka mid tahay wargeysyada madaxbannaan ee sida joogtada ah uga soo baxa magaalada Hargeysa, wargeyskaasoo muddada sannadka ah si xidhiidh ah u soo baxay, waxa uu u shaqeeyaa qaab madaxbannaan, kana madhan fikir iyo farogelin shaqsi, koox, urur, xisbi, qabiil iyo sidoo kale dad wata dano gaar ah, balse, waxa muddada uu soo baxay ku shaqeeyey si dhexdhexaad ah, madaxbannaan, isla markaana waafaqsan anshaxa mihnada saxaafadda iyo xeerarka u yaal dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha, ahna mulkiilaha Himilo Media Group Mr. Madar Axmed Cabdi, ayaa munaasibadda xuska sannad-guuradiisa 1aad awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray macmiisha sida joogtada ah ugu xidhan wargeyska Himilo iyo Website-ka Himilomedia.com, akhristayaashiisa gaar ah, dadka xidhiidhka wada-shaqayneed ka dhexeeyo iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee jecel xoriyatul-qawlka iyo madaxbannaanida saxaafadda.
“Sababihii loo aasaasay wargeyska Himilo waxa ugu muhiimsanaa inuu ka qaybqaato kobcinta dimuqraadiyada, xoriyatul-qawlka iyo dawlad-wanaaga oo horeba uga hirgalay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa sidoo kale aad noogu weyn, fiiro gaar ahna aan u leenahay xaqa ay dadweynaha iyo muwaaddiniintuba u leeyihiin inay helaan warar iyo macluumaad la xidhiidha dalkooda hooyo, mandaqada Geeska Afrika iyo guud ahaanba dhacdooyinka kala duwan ee caalamiga ah,” ayuu yidhi Mr. Madar Axmed Cabdi oo farriintiisa ugu talogalay xuska sannad-guurada 1aad inuu la wadaago akhristayaasha iyo macmiisha wargeyska madaxbannaan ee Himilo.
Waxa kaloo uu tilmaamay in muddada sannadka ah ee wargeysku soo baxay aan maalin qudha lagu dacweyn, laguna xidhin hawlwadeennadiisa warar iyo macluumaad qaldan oo lagu baahiyey wargeyska Himilo, isagoo xusay in wargeysku haysto suxufiyiin Aqoon, Waayo aragnimo iyo karti leh isla markaa ku shaqeeya mihnada warbaahinta, kana fog caadifad iyo nin-jeclaysi, sidoo kalena aan ku haboonayn dhaqanka, qiyamka iyo akhlaaqda suuban, kana soo horjeeda shareecada islaamka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
“Waxa aannu ku dedaalnaa in aannu si guud iyo si gaar ahba uga baaraan-degno wararka iyo macluumaadka kala duwan ee loogu talogalay in lagu baahiyo wargeyska Himilo, taasna waxa aan ku kasbanay in aannu kalsooni kaga helno akhristayaasha iyo bulshada Somaliland, maadaama aan weli ciddi nagu arag warar been-abuur ah ama sidoo kale aan wadan ilaha laga soo xigtay, warkuna ka soo baxay, iyadoo aannu sidoo kale ka shaqayno in wargeysku baahiyo barnaamijyo kala duwan oo la xidhiidha wargelin, madadaalo, waxbarid iyo wacyigelin, waanan ku faraxsanahay in aan maanta u dabaal-degno sannad-guurada 1aad ee wargeyska, taasoo aannu jecelanahay in akhristayaasha iyo macmiishuna nala wadaagaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Himilo Media Group.
Guddoomiyaha Himilo Media Group iyo guud ahaan maamulka, hawlwadeennada iyo shaqaalaha Himilo, waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan macaamiisha gaarka ah ee sida joogtada ah ugu xidhan wargeska Himilo, lana socday muddada sannadka ah ee uu soo baxay, iyagoo sidoo kale hambalyo taas la mid ah u diraya hay’adaha kala duwan ee xidhiidhka wadashaqayn ka dhexayso.
Intaasi ka dib akhristayaal goor dhaw waxaanu idiin soo gudbin doon xaflada xuska sanadguurada koowaad ee wargeyska Himilo oo ka qabsoontay crown Hotel ee caasimada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Guddoomiyaha Himilo Media Group Mr. Madar Cabdi Axmed
Hargeysa, 28 Dec, 2014 (Himilo)-Wargeyska madaxbannaan ee Himilo oo ka mid ah hay’adda Himilo Media Group (HMG), ayaa u dabaal-degaya sannad-guuradiisa koowaad ee ka soo wareegta xilligii la aasaasay oo ku beegan Axadda maanta oo taariikhdu tahay 28 December 2014.
Wargeyska Himilo oo aasaaskiisu bilawday sannadkii 2013, isla markaana cadadkiisii u horreeyey soo baxay 28kii December ee sannadaas, waxa uu hadda shaqaynayey muddo 12 bilood ah, iyadoo sannad-guuradiisa 1aad ku buuxdo 28 December 2014 oo ku beegan Axadda maanta.
Jariidada Himilo oo la soo saaro shan maalmood toddobaadkiiba, marka laga reebo maalmaha Jimcaha iyo Isniinta, waxa ay ka mid tahay wargeysyada madaxbannaan ee sida joogtada ah uga soo baxa magaalada Hargeysa, wargeyskaasoo muddada sannadka ah si xidhiidh ah u soo baxay, waxa uu u shaqeeyaa qaab madaxbannaan, kana madhan fikir iyo farogelin shaqsi, koox, urur, xisbi, qabiil iyo sidoo kale dad wata dano gaar ah, balse, waxa muddada uu soo baxay ku shaqeeyey si dhexdhexaad ah, madaxbannaan, isla markaana waafaqsan anshaxa mihnada saxaafadda iyo xeerarka u yaal dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Sababihii loo aasaasay wargeyska Himilo waxa ugu muhiimsanaa inuu ka qaybqaato kobcinta dimuqraadiyada, xoriyatul-qawlka iyo dawlad-wanaaga oo horeba uga hirgalay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa sidoo kale aad noogu weyn, fiiro gaar ahna aan u leenahay xaqa ay dadweynaha iyo muwaaddiniintuba u leeyihiin inay helaan warar iyo macluumaad la xidhiidha dalkooda hooyo, mandaqada Geeska Afrika iyo guud ahaanba dhacdooyinka kala duwan ee caalamiga ah,” ayuu yidhi Mr. Madar Axmed Cabdi oo farriintiisa ugu talogalay xuska sannad-guurada 1aad inuu la wadaago akhristayaasha iyo macmiisha wargeyska madaxbannaan ee Himilo.
Waxa kaloo uu tilmaamay in muddada sannadka ah ee wargeysku soo baxay aan maalin qudha lagu dacweyn, laguna xidhin hawlwadeennadiisa warar iyo macluumaad qaldan oo lagu baahiyey wargeyska Himilo, isagoo xusay in wargeysku haysto suxufiyiin Aqoon, Waayo aragnimo iyo karti leh isla markaa ku shaqeeya mihnada warbaahinta, kana fog caadifad iyo nin-jeclaysi, sidoo kalena aan ku haboonayn dhaqanka, qiyamka iyo akhlaaqda suuban, kana soo horjeeda shareecada islaamka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
“Waxa aannu ku dedaalnaa in aannu si guud iyo si gaar ahba uga baaraan-degno wararka iyo macluumaadka kala duwan ee loogu talogalay in lagu baahiyo wargeyska Himilo, taasna waxa aan ku kasbanay in aannu kalsooni kaga helno akhristayaasha iyo bulshada Somaliland, maadaama aan weli ciddi nagu arag warar been-abuur ah ama sidoo kale aan wadan ilaha laga soo xigtay, warkuna ka soo baxay, iyadoo aannu sidoo kale ka shaqayno in wargeysku baahiyo barnaamijyo kala duwan oo la xidhiidha wargelin, madadaalo, waxbarid iyo wacyigelin, waanan ku faraxsanahay in aan maanta u dabaal-degno sannad-guurada 1aad ee wargeyska, taasoo aannu jecelanahay in akhristayaasha iyo macmiishuna nala wadaagaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Himilo Media Group.
Guddoomiyaha Himilo Media Group iyo guud ahaan maamulka, hawlwadeennada iyo shaqaalaha Himilo, waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan macaamiisha gaarka ah ee sida joogtada ah ugu xidhan wargeska Himilo, lana socday muddada sannadka ah ee uu soo baxay, iyagoo sidoo kale hambalyo taas la mid ah u diraya hay’adaha kala duwan ee xidhiidhka wadashaqayn ka dhexayso.
Intaasi ka dib akhristayaal goor dhaw waxaanu idiin soo gudbin doon xaflada xuska sanadguurada koowaad ee wargeyska Himilo oo ka qabsoontay crown Hotel ee caasimada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Badhasaabka Saaxil oo shaaciyey Sababta ku Kalliftay Amar uu Gobolkiisa kaga Mamnuucay Guddiga Daba-galka Musuqa ee Golaha Wakiillada
Warbixin Musuq-maasuq oo Khilaaf ka dhex-abuurtay Guddiga Dabal-galka ee Wakiillada iyo Badhasaabka Saaxil oo Amar ku bixiyey inaanay Guddigaasi Foodda soo gelin karin Gobolka
Hargeysa, 28 Nov, 2014 (Himilo)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa jawaab ka bixiyey eedayn ay u jeediyeen Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Daba-galka Musuq-maasuq ee Golaha Wakiilllada oo sheegay in guddoomiyuhu gobolkaas ka horjoogsaday inay foodda geliyaan.
Eedaynta Guddigu u jeedisay Badhasaabka gobolka Saaxil, ayaa ka dambaysay ka dib markii Guddigani oo socdaallo ugu kala baxay gobollada dalku ay dhowaan golaha Wakiillada ka hor akhriyeen warbixin xambaarsan baadhitaanno ay ku sameeyeen hay’adaha dawladda, taas oo ay ku shaaciyeen musuq-maasuq iyo habacsanaan ka jirta hay’adaha Dawladda. Waxaanay warbixintooda si gaar ah ugu xuseen Hanti-dhowrka guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Waxbarashada. Warbixintaas oo gobolka Saaxil lagaga soo daray inay wasaaradda Waxbarashadu ka gaabisay adeegyadii tacliineed ee gobolkaas ay ka fulin lahayd, taas oo badhasaabka Saaxil-na waxba kama jiraan ku tilmaamay.

“Waxaan Badhasaabka u sheegayaa, anigoo Maxamed Faarax Qabile ah oo Gobolka Saaxil la iga soo doortay,kana mid ah Guddida ilaalinta hantida qaranka cid aanu uga dhawrsanaynaa ma jirto, Guddiduna adigay ku baadhaysaa oo mid kaa hooseeya ayay baadhaysaa oo Hay’ad kasta oo Dakhli ayay baadhaysaa,markaa Askartaada sii diyaarso oo bal inay Calanka Gaadhiga noo sudhan iyo Xilka aanu sidno celiso waa inoo Berbera,” Sidaas ayuu Xildhibaan Qabille ku hanjabay.
Haseyeeshee, Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo Wargeyska Himilo xalay khadka telefoonka wax kaga weydiiyey eedaymaha loo jeediyey, ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu Guddiga ka horjoogsaday gobolka, balse uu guddiga ka dalbaday inay raalli-gelin ka bixiyaan dhaliilaha ay warbixintooda ku xuseen oo badhasaabku sheegay inaanay waxba ka jirin.
“Anigu ma odhan guddigu ma soo gali karaan gobolka, laakiin waxaan idhi hana daayaan mar haddii wixii xaqiiqada ahaa aan ka sheegayn gobolka oo iyagoo aan waxba na weydiin anigoo guddoomiyii gobolka ah, wax hadal ah oo na dhex-marayna aanay jirin.
Maalintii hore ee ay yimaaddeen Guddigu, waanu soo dhawaynay oo meel baanu dejinnay, laakiin waxyaabo aanaan ka filayn bay si guud wax nooga sheegeen, taasoo ahayd inay isku kaaya direen annaga iyo wasaaradda Waxbarashada oo waxay sheegeen inaanay wasaaradda waxabarashada waxba geynin gobolka iyagoo ka dhigaya warbixintii aanu siinnay, taasina waxba kama jiraan ayay ahayd,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil.
Guddoomiye Fahmi Cabdi Bidaar oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Maadaama aan guddoomiyihii waddanka ahay, waxaan ku idhi arrintaas raalli-gelin haka bixiyaan Erayada ay naga sheegeen ee deel-qaadka ah ee aanay xaqa noogu lahayn ee aanay naga waraysan, mar hadday been naga sheegayeen oo waxaan na dhexmarin (Wasaaradda Waxbarashada) naga sheegeen, hana daayaan baan idhi.”
Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay, “Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waa xildhibaanno Qaran, gobolkana waan ku soo dhawaynayaa, haba-yaraatee ma jirto wax aan ku idhi Axmed iyo cid la socota toona gobolka ma iman karaan oo aan ka horjoogsaday ma jiraan. Laakiin Axmed (Qabille) waxaan leeyahay, waan kugu soo dhawaynayaa gobolka wixii aad la socotana waynu isaga imanaynaa,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil.
Askari ka tirsan Illaalada Xabsi Dhexe oo Rasaas ku Dhaawacay Laba Maxaabuus
Hargeysa, 28 Dec, 2014 (Himilo)- Laba ka mid ah maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa, aya dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen Rasaasta la sheegay inay kaga feketay Askari ka tirsan Ilaalada Xabsiga Dhexe.
Dhaawacyada labada Maxbuus oo xaaladdooda caafimaad culus tahay, ayaa isla markiiba loo cararay cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo adeegyo caafimaad loogu fidiyey wakhtiganna lagu dabiibayo.
Dhakhaatiirta iyo maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo aanu la xidhiidhay xalay, ayaan noo suurto-galin inaanu ka helo xog faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee labada maxbuus. Balse goob-jooge wakhtigan dhaawacyada la geeyey ku sugnaa cusbitaalka Guud, ayaa Himilo u sheegay in dhaawacyada labada maxbuus oo xaaladdoodu caafimaad liidato ay ku mashquulsanaayeen dhakhaatiirta cusbitaalka Guud.
Lama oga sababta rasmiga ah iyo waxa sababay toona dhacdadan, balse saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta oo Himilo la xidhiidhay, ayaa noo sheegay inay rasaastu kaga feketay labada maxbuus qori uu sitay mid ka mid ah Askarta ilaallada ee Xabsiga, waxase uu ka gaabsday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo sida ay dhacadadani ku timi.
Haseyeeshee, xogo Wargeyska Himilo ka helay ilo-wareedyo dhacdadan wax ka ogaa, ayaa noo sheegay inuu jiray Isku-dhac iyo khilaaf dhex maray Askariga ilaalada ah iyo maxaabiista labada ka midka ah rasaastu qabsatay.
Nooma suurta-gelin inaanu helno magacyada labada Maxbuus ee dhaawacyadu soo gaadheen iyo askariga ka tirsan Ilaalada Xabsiga Dhexe.
Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa oo ku yaalla badhtamaha Caasimadda, ayaa tiraba dhowr jeer laga fuliyey isku-dayo ay ku baxsadeen maxaabiista ku jirta oo qaarkood u xidh-xidhan yihiin fal-dambiyeedyo isugu jira Argagixiso iyo budhcad-badeednimo, kuwaas oo horaantii sannadkan ka baxsaday xabsiga balse markii dambe lagu guulaystay in dhammaantood gacanta lagu dhigo.

Subscribe to:
Posts (Atom)